Qaqylo dhaan Agoontii S/galbeed.
Ceelna uma qodna Ceelalyona uma maqna.

walaalayaal waxaad ka warhaysaan Masiibadda maanta ku habsatay shacabka Soomaaliyeed, ee kunool Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda Muqdisho, iyo Nawaaxigeeda, kuwaas oo isagu jira kuwa la dilay oo ku dhintay Xasuuqii cadowtooyo, boqolaal kun oo ku dhibaataysan dhulka kaymaha ee ku hareeraysan Caasimadda iyo kumanaan u qaxay Gobalada dalka.

Dhibaatadaa aan soo sheegay dadka ay ku dhacday waxaa ka mid ah Agoontii S/galbeed, ee aabayaashood Tigreegu laayay, kuwaas oo intooda badani ku noolaa Magaaladda Muqdisho, halkaas oo ay ku haysteen daryeel kooban iyo waxbarasho ay ka heli jireen dad Muxsiniin ah oo Illaahay dartiis qayb ka mid ah maalkood ugu nafaqayn jiray Agoontaas .

Agoonta waxaa ufurnaa School, iyo collage, ay kaheli jireen waxbarasho iyo jiif intaba,waxaa labadiina baabiyay Madaafiicda ay ku garaacayeen Ciidamada Tikreega ee qabsaday Caasimadii Soomaaliyeed, waxaana halkaa ku dhintay laba ka mid ah Macalimiintii Agoonta S/galbeed.

Hadaba walaalka Muslimka ahow markaad daawato TV, yada caalamka in badan waxaad ka aragtaa Aabayaal ilmahoodii gacanta haysta oo kala cararaya xasuuqa ay Tigreegu ku hayaan Caasimadii Soomaaliyeed,walaal yaa kaaga sokeeya oo gacanta qaban ama ka qaxsan kuwii agoonta ahaa ee ay aabayaashood horay udileen ciidamadaas aan kor ku soo sheegnay.

Hadaba walaalka Muslimka ahow bal ka waran Agoonta maanta xamar ku go'doonsan, kuwaas oo aan lahayn aabe ka qaxiya waxa ku habsaday Muqdisho, wax ay ku qaxaana aan haysan.
Walaal waxaad ogtahay maalka lagu bixiyo Agoonka faa,idada laga helo oo uu Nabigu naxariis iyo nabadgaliyo korkiisa ha ahaatee yidhi "Ninka agoon kafaala qaada Janadda ayaan daris ku noqonaynaa".
walaalayaal cidii doonaysa inay wax u qabato Agoontaas aan kor ku soo sheegnay, waxay kala xiriirayaan cinwaanka hoos ku qoran;-


yatiim@hotmail.com ama webmaster@soomaaligalbeed.com anagaa gaarsiinayna Inshaa Allaah.


Back