Gumaadka shacabka S/galbeed oo maalinba maalinta kadambaysa kasii daraysa.

waraka naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa sheegaya in maalmahan ciidamadda Gumaysigu ay shacab badan ku gumaadeen deegaano ka mid ah gobalka Dhagaxbuur.
Tuuladda Birqod oo ka tisan gobalaka Dhagaxbuur ayaa naloo sheegay inay ciidamadda Cadowgu dad shacab ah ku laayeen ilaa lix qofna ay ku dhaawaceen.

Tuuladda Garawe oo iyana ka tirsan gobalka Dhagaxbuur ayay ku dileen ciidamadda gumaysigu 6 qof oo rayadda oo silig lagu marjiyay.

Dhanka kale wararka aan ka helayno magaalooyinka waaweyn ayaa sheegaya in tiro badan oo ka mid ah dadka reer S/galbeed xabsiyada loo taxaabay kuwaasoo isagu jira Arday iyo dad xanuunsanaya oo qaarkood isbataalo laga soo qabqabtay.

Magaaladda Adis-Ababa ayaa lagu xidhay dad gaadhaya 68 qof oo shacab ah, halka magaaladda Diridhabana lagu xidhay 43 00 oo rayid ah kuwaasoo naloo sheegay inay ka mid yihiin Dumar iyo dhalinyaro aad u dayar.

Waxaad Qarsataa wuu ku qarsadaa! Wardegdeg ah: Jabhadda Onlf oo dhaawac halis ah u gaysatay mujaahid kamid ah ciidanka Mujaahidiinta S/galbeed.

Waxaa duleedka Tuuladda Galaalshe ee Gobolka Nogbeed 03/09/2007 ay cutub ONLF ah weerar kusooqaadeen Nin Mujaahida oo katirsan Guutada Sayd Maxamed C/le Xasan ee Mujaahidiinta UWSLF ( MJXSG) ee kahawlgala aaga galbeedka, kaasoo fasax kujoogay reerkiisii.

Mujaahidkan ayay ugaysteen dhaawac culus, mujaahidkaas oo lagu magacaabo Macllin Muxyadiin oo ah Raga sanadihii dambaba Saaxada Jihaadka ku jiray, Bishii hore ee Augostana kamid ahaa Mujaahidiintii Abaalgudka kuhelay dadaalkii yaabka lahaa ee dhacay duleedka Ceelo Obo.

ONLF waxay falkaas ufiliyeen si badheedh ah kadib markay reerkuu joogay ay usheegeen in ninkani aynan ku khaldamin oo uu yahay nin Mujaahid ah oo katirsan UWSLF? iskadaa in ay arintaa ku daayaane waxay iskudayeen markay rasaasta huwiyeen ee ay dhaawaceen inay dhaawac tiraan nasiib wanaagse Mujaahidku waxuu haystay bastoolad tasoo usuura galisay inuu isdifaaco.

subaxnimadii 03/09/09 ayaa dhaawciii mujaahidka waxaa soogaadhay ciidankii uu katirsanaa Mujaahidkaa dhaawacmay halkaas oo aanay joogin ciidamdii ONLF ee gaysaty falkaas fulaynimada ah waxayna goobtii saldhigga u ahayd ciidankii mujaahidka dhaawacay kula kulmeen laba nin oo ONLF ah oo iyagoo hawl kumaqnaa ay kabaxsadeen ciidankii kale waxaana gacanta kudhigay Ciidankii uu katirsanaa ee UWSLF .

Nasiib wanaagse mas'uuliyiinta ciidanka Mujaahidiinta oo ahaa rag xilkas ah Amar horay masuuliyiintoodu ugu siiyeen inaynan xabadba ku ridi karib cid aan ka ahayn cadowga Tigreega waxay sinabada ayagoon wax dhiba loogaysan ay kuwareejiyen Odayaashii deegaanka oo aad ooga mahad celiyay Dadnimadooda iyo xilkasnimadoodaba.

waxaase aad dadku isuwaydiinayaa guud ahaanba Gobalka oo dhan ONLF maxay u ugaadhsataa Xubnaha Mujaahidiinta S/galbeed, iyagoo todabadii bishii hore ku dilay wiil ka tirsanaaa Mujaahiidnta MJXSG, UWSLF oo lagu magacaabi jiray Axmed dheeg Guhaad.

wariye Duufaan Soomaali galbeed.com

Budhcadnimada Booliiska Federaalka & Bahdilaanta bulshada iyo Booliiska Soomaaliyeed

Waxaa sii kordhaysa isfahan darrada ka dhex taagan booliiska Degaanka Soomaalida iyo booliiska Federaalka ee Itoobiya. Booliiskan ayaa nimanka madaxda u ahi ay sheegeen inay booliiska Soomaalida gacan ka siinayaaan dhinaca nabadgelyada.

Booliiska Federaalka ee lagu yaqaanno arxanddarro dhulka Soomaalidana looga naanayso "dhagoolayaasha" ayaa ah kuwo rajiimka Abasiiniya si wayn daacad ugu ah isla markaana rajiimku uu isku halleeyo inay sugaan ammaanka gudaha waddanka. Sidoo kale booliiskani waa kuwo lagu ciqaabo cidda loo arko inaanay daacad u ahayn fikradaha rajiimka waddanka ka taliya. Askarta qoran booliiska Federaalka ayaa u badan dhallinyaro da' yar oo aan aqoon lahayn qaarkoodna aanan waligoodba lagu darin dugsi waxbarasho una badan kuwo aan xataa akhriyi karin waxa ku qoran kaadhadhka aqoonsiga ah ee ay dadku wataan balse si adag loogu tabobaray sida dadka loo jidh dilo.

Booliiskan Federaalka ayaa in muddo ahba waxay joogeen dhulka Soomaalida waxaana degaanka la keenay wakhtigii larabay in tababar loo xareeyo booliiska degaanka Soomaalida oo ahayd horraantii bishii May ee sannadkan 2007. Xilligaasi ayuu maamulka maqaar saarka u ah nidaamka Abasiiniya ee degaanku, waxa uu rabay inuu booliiskan "dhagoolayaasha" ah ku ciqaabo dadweynaha degaanka oo si weyn shucuurtooda ay uga muuqato inay kasoo horjeedaan inay kusii hoos jiraan nidaamka Abasiiniya.

Haddaba tan iyo intii laga hawl geliyay booliiskan degaanka Soomaalida, ayaa waxaa isa soo taraysa cabasha ka imanaysa dadka shacabka ah iyo tacaddiga ay ku hayaan ummadda. Booliiskan oo sida magacoodu muujinayo ay tahay inay ka koobnaadaan dhammaanba qoomiyadaha ku nool Itoobiya maaddaama ay booliis federaalka metela yihiin, ayaa nimanka degaanka la keenay waxay intooda badan yihiin kuwo u dhashay qoomiyadaha kale Itoobiyada oo Soomalidu ku yartahay.

Waxaa dhibaatada ay booliiskani shacabka ku hayaan ugu badan iyaga oo u kala eexda kalana raaca qoomiyadaha ku nool Itoobiya. Waxay soo dhawaystaan dadka u dhasha qoomiyadaha Xabashida, Oromada, iyo Itoobiyaanka kale, iyaga oo si badheedh ah u faquuqa dhinacna u riixa dadka Soomaalida ah kana aaminsan fikarado qaldan si dhibyarna dhibaato ula kac ah u soo gaadhsiiya dadka Soomaalida ah.

Dhibaatooyinka ay booliiska federaalku ku hayaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah inay haddii ay wax isku qabsadaan qof u dhashay qoomiyadaha aan soo sheegnay iyo qof Soomaali ah, inay si ula kac iyo badheedh ah u raacaan Xabashida, Oromada, iyo wixii aan Soomaali ahayn. Waxaa dhacda in marka dadka Soomaalida ahi ay raacaan tagaasida oo ay qoomiyadahan aan soo sheegnay u badan yihiin dadka ka shaqaysta, in marar badan ay dhacdo in iyaga oo aan gaadhsiin qofkii soo kiraystay meeshii uu rabay inay dalbadaan in lacagta oo dhammaystiran la siiyo. Marka ay dadku codsadaan in meeshay rabeen la gaadhsiiyo inay yidhaahdaan waddooyinka qaarkood ma gali karno dalbadaanna in lacagtii oo dhammmaystiran la siiyo. Haddii sida ay rabaan loo fulin waayana ay marar badan u yeedhaan booliiska federaalka oo waddooyinka inta badan jooga. Taasina ay keento booliiska federaalka oo aan wax su'aal ah waydiin shakhsiga Soomaaliga ah inay amraan inuu bixiyo lacagta oo dhammaystiran. Tagsiiilayaasha oo keliya kuma eka dadka sida qaldan u adeegsada booliiskan danbiilayaasha ah; waxaa kamid ah jaariyadaha guryaha Soomaalida ka shaqeeya oo iyaga oo aan bishii shaqadooda dhammaysan inay xeryaha booliiska federaalka inta ay tagaan sheegta inay bilo shaqeeyeen loona diidayo mushaharkoodii booliiska federaalkuna ay qasab lacagta dadka kaga qaadaan iyaga oon waxba hubsan jaariyado badanna ay arrintani ku dhiirri galisay inay danbigan ku kacaan.

Intaasi kuma eka dhibaatada booliiska federaalku. Waxaa laxaqiiyiyay inay dumar tiro badan fara xumeeyeen xilliyada ay sheegtaan inay roondada ku jiraan amma ay xaafadaha baadhayaan. Dhacdadii u danbaysay ayaa ahayd markii ay toddobaadkii hore 6 ka tirsan booliiska federaalka ahi ay kufsadeen gabadh xaafad u shaqaynaysay. Xilli aroor ah oo ahayd maalmihii ay xaafadaha magaalada baadhayeen ayaa guri kamid ah guryihii ay baadhayeen waxa ay ka saareen dhammaanba dadkii joogay balse waxay ku reebeen gabadh da'yar oo xaafadda shaqaale u ahayd. Sida ay gabadhu markii danbe sheegtayna, inta ay gurigii hoosta ka xidheen ayay lixdii askariba gabadhii si qasab ah ugu galmoodeen.

Gabadha oo nasiib darro wax ehel ah aan magaalada ku lahayn ayaa markii danbe cabasho u tagtay xerada booliiska balse waxaa la soo xaqiijiyay inaan wax tallaabo ah laga qaadin askartii ku kacday falkaasi danbiga ah.

Danbiyada ay gaysteen booliiska federaalka ah ayaa ah kuwo aan la soo koobi karin. Waxaa sidoo kale muuqata inaanay jirin cid isku dayda inay arrintaasi kala hadasho hay'adaha ay khusayso dadka Soomaaliyeed ee degaankuna waa qaar rajo la'aantu ku keentay inay qaataan waxkasta oo ay dusha kaga soo rogaan booliiskan arxanka darani.

81 Arday oo u dhalatay Wadanka S/galbeed oo ka qalin jabisay kulliyad Caafimaad oo ku taala Jigjiga.

Jigjiga, September 03, 2007 (SG) – 81 arday ayaa ka qalin jabisay Kulliyad Caafimaad oo kutaala Magaalada Jigjiga. Ardaydan oo usoo dhaban adaygay dhibaatooyinkii ay kamid ahaayeen dhaqaaloxumida, cadaadiska iyo cabsigalinta intii ay waxbarashadooda dhiganayeen ayaa saaka ku guulaystay shahaadada Diploma-da.

Ardaydan oo ah dafcaddii labaad ee ka qalin jabisa Kulliyadda Caafimaadka ee magaalada Jigjiga, ayaa waxay waxbarashadoodu isugu jirtaa saddex qaybood iyagoo bartay qaybaha shaybaadhka, umulisooyinka, iyo kalkaalisooyinka caafimaadka.

Ardaydan oo tiradoodu dhantahay 81 ayaa inka badan konton arday ay yihiin wiilal intakalena gabdho. Ardaydan imika Kulliyadda Caafimaadka ee Jigjiga ka qalin jabisay ayaa la rajaynayaa inay wax ka tari doonaan dhibaatooyinka adeegga caafimaad ee ka jira dhulka S/galbeed iyadoo ay gabi ahaanba ahaayeen arday u dhalatay gobolka.

Haddaba, dafcaddan labaad ee hadda ka qalin jabisay Kulliyadda Caafimaadka ee Jigjiga ayay dadka degaanku aad u soo dhaweeyeen, iyagoo kula taliyay inta wali dhiganaysana inay u dhaban adaygaan waxbarashadooda.


Back