Qarax bambaano oo saaka lagu
weeraray ciidamo Ethiopian kuwaasi oo marayay agagaarka suuqa xoolaha.
Kooxha kasoo horjeeda
jogitaanka ciidamada caloshod u shaqastayaasha ayaa weeraro loo adeegsaday
bam gacmeedyo iyo basuukayal ku qaaday ciidamo Ethiopian ah oo saakay
ku sugnaa qeybo ka mid ah suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 6 qarax
oo isku dhaw dhaw ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah Suuqa xoolaha ka
dib markii saakay ay halkaasi soo galeen ciidamo Ethiopian ah oo ka
yimid dhinaca xerada Maslaxa kuwaasi oo kusoo jeeday dhismaha warshadda
Baastada oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.
Qaraxa koowaad ayaa
dhacay markii ciidamada Ethiopian ka ah ay wax yar ka soo socdaan xerada
ay dagan yihiin ee Maslaxa, iyagoo qaraxaasi uga jawaabay tacshiirado
ay u rideen dhowr jiho oo aan la sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay.
afarta qarax ee
kale ayaa iyana markaasi ka dib si dhuumaaleysi ah loogu tuuray ciidamada
Ethiopian ka ahaa,sida ay sheegayaan dadka gobjoyasha ah waxa halkasi
lagu arkayay qaar ka mid ciimadii saran gadiidkasi oo dhawac xumi soo
garay kadib markii uu qarax wayni qabsaday garigii ay la socdeen ciidamadasi.
Qaraxyadaan ayaa
sababay in gabi ahaanba uu istaago isku socodka gaadiidka dadweynaha
iyo ganacsiga, waxaana wadada laamiga ah meelaha qaar ku sugan ciidamada
Ethiopia uu xiray wada isku xirta Ex Cont iyo suuqa xolah.
Gaadiidka isticmaali
jirey wadada isku xirta Ex Ctrl ilaa suuqa xoolaha ayaa ka wareegaya
xaafadaha dhexdooda, iyagoo wadada uga soo dhacaya agagaarka shirkadda
Coca Cola ee magaladatan Moqdisho.
Ma cadda qasaaraha
dhabta ah ee soo gaaray ciidamada Ethiopian ka ah ee la weeraray marka
laga tago wararka ay dadku sheegayaan, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn
wax qasaaro ah oo ka soo gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii weerarka
soo qaaday toona.
waxan hada soda
rasaas xoogan oo aan la garanaynin cida ay u dhaxayso inkasto ay dadku
leeyihiin waxa ay u dhexeyan xoogagii werarka ku qaday iyo kuwa Ethiopia
ee fadhigoodo yahay Warshadii hore ee Bastada.
ciidamada Itoobiya
ayaa sidoo kale waxa ay albaabada u labeen dhanba dhaqdhaqii ganacsi
ee ka socday suuq xoolaha kuwasi oo rasaas xoogan ku furay dadka halkaasi
ku gacansanayay waxana xiran hatan goobihii ganacsiga ee suuqa.
Isbuucyadii ugu
dambeeyay ayaa degmada Heliwaa waxaa hareeyay rabshado baaxad leh kuwaasi
oo sababay in inta badan xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay ay
noqdaan kuwo haawanaya, ka dib markii dadkii daganaa ay u dulqaadan
waayeen rabshadaha joogtada ah ee degmadaasi ku soo kordhay.
Labo
ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta oo ku dhaawacmay qaraxyo
lala beegsaday Hotel Lafweyn.
Labo ka mid ah odayaasha
ka qayb qadanaya shirka dib u heshiisiinta ayaa ku dhaawacmay weerar
bambaano oo Kooxo aan la garaneyn ay xalay ku qaadeen Hotel Lafweyn
ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda
iyo ergooyinka Somaalida.
ilaa 4 Qarax oo
loo adeegsaday bam gacmeedyo ayaa laga maqlay agagaarka Hotel Lafweyn,
iyadoo mid ka mid ah bambaanooyinkaasi uu gudaha u galay Hotelka, halkaasi
oo ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta
sida uu saakay saxaafadda Uga war bixiyay C/waaxid Max'ed Xuseen oo
ah madaxa saxaafadda ee ciidamada booliska.
Waxa uu sheegay
in dhaawaca soo gaaray labada ergo uu aad u fudud yahay isla markana
lagu dawaynayo hatan gudaha Hotalka.
Qaraxyada ka dib
ayaa waxaa dhacay tacshiirado ay fureen ciidamada dowladda kuwaasi oo
la beegsanayay kooxihii weerarka soo qaaday sida ay sheegayaan dad goobjogayaal
ahaa markii uu werarakani uu dhacay.
waxa go'ay markii
laydh tiriigii Hotelka iyo xaafadaha ku dhow dhow kadib markii uu werarkani
uu dhacay, iyadoo xaaladda markii dambe ay caadi ku soo laabatay inkasta
oo mararka qaar la maqlayay rasaas goosgoos ah.
Hotel Lafweyn ayaa
sidoo kale waxaa dagan Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada
Muqdisho Max'ed Dheere.
IFJ
oo cambaareysay dilkii loo geystay Wariye ka tirsan Idaacadda Banadir.
Ururka suxufiyiinta
caalamiga ee IFJ ayaa shalay cambaareeyey dilkii loo geystay suxifi
Soomaaliyeed oo u shaqeenayey idaacad gudaha ka howlgasha oo lagu dilay
gobolka Gedo, iyadoo IFJ ay sidoo kale ku baaqday talaabo caalami ah
oo laga qaado mashaqada ka aloosan Somalia halkaasoo weriyaasha ay noqdeen
bartilaameedka ugu horeeya ee rabshadaha sii baahaya.
Cabduqaadir Mahad Macalin Kaskey oo idaacada Banaadir uga soo warami
jiray gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa geeriyooday ka
dib markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay tacshiirad ku fureen gaari
mini bas ah oo uu saarnaa, kaasoo marayey tuulada Ceel-Cilaan. Qof kale
oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Dilka weriyaha Banaadir
ayaa noqonaya kii saddexaad oo todobaadyo gudahooda ka dhaca Somalia,
iyadoo sanadkan oo keliya Somalia lagu dilay ilaa lix weriye.
Xoghayaha guud ee
ururka IFJ Aidan White ayaa sheegay in dilkan ugu dambeeya uu xaqiijinayo
cabsida ay qabaan oo ah in saxaafada ay la soo dersayso khatar aad u
badan gudaha Somalia.
Waxa uu yiri "qalalaasaha
siyaasadeed iyo heerka rabshadaha isa soo taraya ay ka dhigayaan warbaahinta
madaxbanaan mid aan suurtagalaynin isla markaana ay hay'adaha caalamiga
ay baahan yihiin inay si aad uga fakeraan talaabo hadda loo qaado sidii
loo dejin lahaa xaalada,"
Sidoo kale, xoghayaha
guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Somaaliya ee NUSOJ Cumar Faaruuq
Cusmaan ayaa cambaareyey dilka loo geystay weriyahii Idaacada Banaadir
uga soo warami jiray gobolka Gedo, isagoo sheegay in weerarada halista
ee lala beegsanayo suxufiyiinta iyo xadgudubyada lagu hayo warbaahinat
xorta ay sii badanayaan maalinba maalinta ka dambeysa.
Cumar Farauuq waxa
uu yiri "waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamka ay baari laheyd
kiisaska dilka ee ka dhanka a shaqaalaha warbaahinta xorta iyo in la
sameeyo nidaam lagu ilaaliyo suxufiyiinta
IFJ waxa ay taageraysaa
baaqa loo jeedinayo Q.M iyo ururada kale ee caalamiga inay wa ka qabtaan
dhibaatada lagu hayo shaqaalaha warbaahinta madaxabanaan.
Ururka suxufiyiinta
caalamiga ayaa sidoo kale qorsheenaya olole diirada lagu saarayo weerarada
lagu hayo warbaahinta xorta ee Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee
IFJ Mr. White ayaa sheegay in in ay u baahan yihiin inay wax badan qabtaan
si loo hagaajiyo heerarka badbaadada suxufiyiinta, waxa kale oo uu yiri
"waxaan u baahan nahay talaabo ah in cadaalad lagu hor keeno kuwa
ka masuulka ah rabshadaha dhacaya, waa in buu yiri dilalka lagu
hayo suxufiiinta la soo afjaraa
Soomaaligalbeed.com
Back