Xafladii Xiritaanka Shirweynaha ka socda Asmara oo goordhaweyd la soo gabagabeeyay.

Xafladaan oo galabta abarihii4:00pm ee galabnimo bilaabmatay ayaa goordhaweyd abaaro 9:10pm soo gaba gabowday, xafladan oo si heer sere ah loo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb galay,Aamiin Maxamed oo ah Xoghaya Guud ee Jabhada Shacbiga ee Dimuqraadiyada iyo Cadalada ee marka magaceeda la soo gaabiyo ah(PFDJ), iyo masu'uuliyiin ka socota safaarado carbeed oo ay kamid tahay,Safaarada Sucuudiga iyo Qadar, iyo Safaarado Reer galbeed ah intaba, waxaana xafladaas kalmado kooban ka soo jeediyay,Labada mas'uul ee u sareeya ISbahaysiga Xoraynta Soomaaliya, Sh.Shariif Sh.Axmed iyo Shariif Xasan Sh.Aadan.

Sidoo kale waxaa isna kalmada mahadcelina ka soojeediyay Xogahayaha Guud ee (PFDJ),Al Amiin Maxamed, oo runtii sheegay, in ay dawlada iyo shacbiga reer Eritrea ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin guusha uu ku dhamaaday,Shirkii ay marti galiyeen,isaga oo sheegay in Shirkaan uu yahay mid Soomaali ay kaligeed aayeheeda uga tashanaysay, iyadoom taasina tahay xalka kaliya ee umad waliba aayaheeda uga tashan karto.

ugu dambayntii wuxuu sheegay in Xukuumada Asmara aysan ka khajilayn kana Baqayn Hanjabaad kasta iyo HAndadaad uga Timaada cidkasta oo ka soo horjeeda xornimada Soomaaliya.

Xaflada qaybtii labaad oo bilaabmatay Salaadii maqrib kadib, ayaa waxaa isu soo haray Ergadii Soomaalida ahayd Iyo masu'uuliyiintooda,iyadoo dhamaanba martidii kale ay bexeen, kulan kaas oo isisaamixid iyo iscafis ay ka codsadeen labada Gudoomiye, Ergada Shirka labadii maalin ee ay hawluhu qabyada ahaayeen, waxayna sheegeen in ay maanta laga
bilaabo ay si wadajir ah ugu guntanayaan Sida ugu dhaqsiyaha badan in uu Isbahaysigu u hawl galo.

Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Aadan Sh. Xasan, Ayaa sheegay in kulankii Golaha Dhexe uu bilaabanayo, maalinta Isniinta ah ee Asbuuca soo socda, isagoo yiri maadaama aad daalantihiin ayaan jeclaysanay in aan idin siino laba cisho oo fasaxsa.isagoo nabad in ay ku laabtaana u rajeeyay Ergada Noqonaysa iyo Dhamaan Umada Soomaaliyeed Halkaasna waxaa ku soo gabagaboobay Shirweynihii mudada 9beri ka socday Xarunta Expo ee magaalada Asmara ee Cariga Eritrea.

Xarunta Expo ee Shirweynaha ISbahaysiga uu ka socdo oo maanta Si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Assiyas Afawarki

Maanta abaarihii 10:30am ee barqanimo ayaa Madaxweyne Dalka Eritrea Assiyas Afawarki, waxa si kulul loogu soo dhaweeyay Hoolka uu ka Socdo Shirweynaha Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolaynta Soomaaliya ee Magaalada Asmara, iyada oo sacab iyo farxad ey is qabsatay markii uu Madaxweyne Assiyas uu soo galay hoolka shirka isaga oo labada dhinac ay ka socdaan labada Masu'uul ee ugu sareeya Isbahaysiga Xoreynta iyo Dib-U- Soo Noolaynta Soomaaliya, Sh. Sharrf Sh. Axmed iyo Shariif Xasan Sh.Aadan.

Gudoomiyaha Guud ee Isbahayiga ahna Gudoomiyaha Golaha Fulinta
ee Isbahaysig Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa Shirka furay,isaga oo mahad celin dheer Eebe ka sakow uga mahad celiyay Madaxweyne Assiyas iyo Shacbiga reer Eritrea sida geesinimada leh ay u garab istaageen arinta soomaaliya, mahad celintaas ka dib, wuxuu hadalka ku wareejiyay Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan Sh. Aadan si uu isna dareen kiisa u cabiro.

Shariif Xasan Ayaa isna Mahad celin Ka dib ku wareejiyay hadalka Madaxweyne Assiyas Afawarki, Si uu kalmadiisa uu ooga warbixiyo xiriirka ka dhexeeeya Soomaaliya iyo Eritrea, wixii khibrad iyo talo ahna u soojeediyo.

Kalmadii madaxweynaha iyo Dareenkii Ergada Shirkuba Suu ahaa Iyo
sidii hoolka iyo amnigaba loo sugay ayaan goordhaw idiin soo gudbinaynaa insha allaah
.

Sh. Shariif Sh. Axmed oo noqday caawa Hogaanka U sareeya ee Isbahaysiga lagu dhisay Asmara ee dalka Eritrea

Sh. Shariif Sh. Axmed oo noqday caawa Hogaanka U sareeya ee Isbahaysiga Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolayanta Soomaaliya, halka Shariif Xasan Sh.Aadan loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha, Golaha Dhexe ee Isbahaysiga, iyada oo aan la dooran, Gudoomiye Ku xigeen.

Doorashadaas oo cod gacantaaga ay ku ansixinayeen Golaha Dhexe ee Isbahaysigu, ayaa bilaabmatay saacadu marka ay ahayd 10:15pm, waxaana ay cod aqlabiyad ah ku ansixeyeen in Sh. Shariif Sh.Axmed uu noqdo Gudoomiyaha guud ee Isbahaysiga Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolayanta Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha Golaha Fulinta.

Sidoo kale waxaa isna cod aqlabiya ah lagu ansixiyay in Shariif Xasan Sh. Aadan uu noqdo gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolayanta Soomaaliya.

Ergada shirka ayaa berri haddii alle idmo ku balamay in ay isu soo noqdaan si bay yiraahdeen loo sii dhamaystiro hawlihii yaraa ee dhinaa abaaraha saacadu marka ay tahay 9:00ee subaxnimo, kulankaas beri oo la sheegay in uu ka soo qayb galayo Madaxweynaha Dowlada Eritrea,Asayid Assiyas Afawarki.

Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Maamulka dhadhan raaca ee wadanka S/galbeed ayaan looga dabaal degin sanad guurada 2000 gumaysiga Itoobiya.

Dadka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ayaan haba yaraatee lala socodsiinin wax dabaal dag ah oo loo samaynayo sannadka cusub ee Itoobiya inkastoo dadku ay niyaddooda ku jirtay in la isugu yeedhi doono bannaanka weyn ee badanaa lagu sameeyo dabaal dagyada Itoobiya, balse taasi sidaas maysan noqon oo maysan jirin dad la isugu yeedhay marka laga reebo Kooxda dhadhan raaca oo Taallo loogu magac daray Taallada Qarniga, halkaas wakhti kooban ugu dabaal dagay Qarniga Itoobiya.

Haddaba sababaha ay dadku meel fagaaro ah la isgu keeni waayay ayaa waxaa ka mid ahaa iyadoo looga shakiyay in goobta dadka la isgu yeedhayo uu ammaankeedu sugnaan waayo oo ay dhibaatooyin ka dhacaan, iyadoo dhanka kale ay Dawladdu qaadi karin mas'uuliyadda ah inay sugayso ammaanka goob ay dadku ku badan yihiin. Dadka intiisa badan ayaa waxaa ka go'nayd inay tagaan haddii dadka la isugu yeedho dabaal daga Qarniga Itoobiya iyadoo dadku ay aad uga cabsanayaan inay goobtaas dhibaatooyin ka dhacaan.

Hadda ka hor ayaa dhibaatooyin ka dhaceen goob dadka la isugu yeedhay oo lagu xusayay maalin ay Tigreeggu lahaayeen oo loo yaqaanay 20 Gimbood, dhibaatooyinkan ayaa ahaa Qaraxyo ka dhacay goobtii ay dadku isugu yimaaddeen magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Jigjiga, halkaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu aad u badnayd dhaawucuna sidoo kale. taas ayaa keentay in dadku ay ka xanaaqaan in ay tagaan meelo dadku ay kubadan yihiin ama ay dawladdu dad isugu soo shiriso, isagoo qof walba oo maalintii Gimbood xasuusan aysan niyaddiisa ku soo dhacaynin inuu dib dambe u tago meelaha ay Dawladdu dadka ku soo shiriso.

Wariye Saalax

Jigjiga Soomaaligalbeed


Back