Hargaysa oolagu xiray Nin u dhashay S/galbeed.

Wararka naga soo gaadhay Magaaladda Hargaysa ayaa sheegaya in nin u dhashay Dhulka S/galbeed ay Xabsiga u taxaabeen Maamulka Hargaysa, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu hubka ka iibsan jiray Haweenay ay wada daganaayeen Xaafad. Ninkan ayaa magaciisa naloogu sheegay C/laahi Shukri oo loo yaqaaney Gacan. wuxuuna u dhashay Magaalada Fiiq.

Sababta lagu xidhay ninkan yay Maamulka Hargaysa ku sheegeen inuu Hub ka iibsan jiray haweenayda ay wada deganaayeen Xaafadda ayaan ilaa hadda wax caddaymo ah aan loo haynin arrintaas, balse waxaa la sheegayaa in ninkan loo xidhay sababo ah maadaama uu u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed oo uusan ahayn nin u dhashay S/land.

Haddaba ninkan ayay Maxkamadda Hargaysa ku xukuntay xukun dad badan oo Reer S/galbeed ah ka nixiyay kaas oo ah 3 sano oo Xadhig ah iyo Ganaax lacag gaadhaysa 3 Malyan.

Qaraabada iyo ehelka ninkaas ayaa aad uga naxay xadhiga iyo xukunka wiilkooda, waxayna sheegeen in eedaymahaasi aysan waxba ka jirin oo wiilkoodu ahaa nin iska deggan magaalada, qaraabada ninkaas ayaa aad uga walwalsan xadhigaas maadaama laga yaabo in maamulka Hargaysa ay ninkaasi u soo gacan galiyaan Dawladda Itoobiya.

Ma ahan markii u horreysay ee Maamulka Hargaysa xidhaan dad u dhashay S/galbeed, hadda ka hor ayay dhalin yaro Arday ah ay maamulkaasi ku xidh xidheen Magaalada Hargaysa ilaa haddana aysan sii daynin maamulkaasi, iyagoo u haysta maadaama ay dadkaasi yihiin dad u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed.

Wixii ka soo kordha arrimahaas dib baanu idin kula socodsiinaynaa

Wariye Saalax

Jigjiga Soomaaligalbeed

Gudoonka Ardayda S/galbeed ee Wadanka Yemen oo Cambaarayn u soojeediyay Ururka Onlf.

Madaxa ardayda soomaaligalbeed ee wadanka yaman oo ku hadlaya magaca ardayda soomaaligalbeed ee sanca, ayaa sikulul u cam baareeyay dhaawaca iyo dilalka ay Onlf u gaysatay qaar kamid ah mujaahidiinta S/galbeed waxuuna ku billaabay hadalkiisii: waxaan canbaarayn kulul usoojeedinayaa ururka onlf kuwaas oo kudhaqaaqa falal kadhan ah islaamnimada iyo bina aadan nimada intaba, taasoy kula kacaan mujaahidiinta s\galbeed iyo shacabka intaba, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen dilkii iyo dhaawicii ay ugaysteen labadan mujaahid axmad deeq guhaad ooy dileen iyo macalin muxyadiin oy kadib dhaawaceen hadaba waxaan marlabaad can baarayn udirayaa

1- madaxda onlf kuwaas oon kutuhmayno in ay u adeegaan danaha reergalbeedka sida kamuuqata ka aamusnaanta falalka ay ku kacaan jabhadoodu amaba ay soo diraan iyagu

2-dhalin yarada maskaxda laga khalday ee fulinaysa falalkan naxdinta leh waxaan leeyahay marka hore ilaahay kacabsada ogaadana ragaad laynaysaan dhiigiisu in usan idiin banaanayn

3-waxaan caday nayaa in ururka onlf aykalexdeen ujeedadii loo aas aasay taas oo ahyd in ay wadanka kaxoreyaan cadawga soo jireenka ah hadase waxaa muuqata in ay kusoo jeed saden walaalahoodii kagarab dagaalamaayay sidii fatax taas oo keenaysa in aan loodulqaadanin dhalin kartana cawaaqib xumo iyo in ay kuwaayaan taageeradii shacabka soomaaligalbeed|

4-waxaan tacsi udirayaa mujaahidiinta s/galbeed waxaana leehay haka suulina in aad kutaagan tihiin ujeedadiinii qaaliga ahayd hana laficiltamina rag iinaa isku mustawa ahan

5-waxaan mahad u celinayaa gudoobiyaha mujaahidiinta s\galbeed shekh ibraahin maxamaed xuseen oo runtii oolatacaamula
arimahan ookale si ikhyaar nima ah waxaan leehay ilaha haku xifdiyo hana ku waafajiyo rayiga kiisa toosan

6-ugu dan bayntii waxaan baaq udirayaa dhamaan shacabka soomaaligalbeed culimada aqoonyahanada odayaasha dhalinyarada iyo cidwalba oo wax fahmaysa in aysan idhaha kalaaban falalkan soolaab labtay ee fooshaxun una istaago qofwalba waxa ku aadan ogaadaana in ay saamayn kuyeelanayso shacabka soo maaligalbeed dal iyo dibadba madaxa ardayda soomaaligalbeed sanca (abuuxamza )

Muqaawamada Muqdisho oo xalay weerar ku qaaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh garoonka Muqdisho Stadium

Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday Fariisimada ciidamada Ethiopia ay ku leyihiin garoonka Stadium Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ku hareersan garoonka Stadium Muqdisho, kooxo hubeysan ayaa xalay weerar la beegsaday halkaasi oo laga maqlay qaraxyo iyo israsaaseyn socotey ku dhowaad 10 daqiiqo.

Sidoo kale wadada Maxamuud Xarbi ku dhow Cali Kamiin oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah ayaa xalay laga maqlay tacshiirado la is weydaarsanayay, iyadoo dadka deegaanka ay walwal ka muujiyeen arinkaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda oo la yiraahdo C/waaxid Max'ed Xuseen ayaa ku tilmaamay qaraxyadaasi iyo tacshiiradihii laga maqlay qeybo ka mid ah degmada W/dhiigleey uu ahaa kala shaki soo kala dhex galay ciidamo ka tirsan dowladda oo labo fariisin ku kala leh Cali Kamiin iyo Baar Ubax.

Si kastaba ha ahaatee Wali waxaa ka jira magaalada Muqdisho rabshado iyo waliba iska horimaadyo joogto ah oo dhex mara ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo inta badana dad rayid ah ay ku aafoobaan tacshiiradaha ay isdhaafsadaan.

Shirka Asmara oo si habsmi leh u socda maalintii saddexaad iyo Goledhexe oo la dooranayo

Asmara:-Waxaa si habsami u u socda maalintii saddexaad Shir Weynaha Xoraynta iyo –Dib-u-Soo noolaynta Soomaaliya waxaana maanta lagu soo bandhigay wax soo saarka dalka Eritrera .

Waxaa maanta si weyn logu falanqeeyey shirka sidii soomaali loo heshiisiin lahaa loogana faaiidaysan lahaa bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa kale oo shirka lagu soo bandhigi doonaa “Barnaamijka Siyaasada” iyo sidii loo midayn lahaa isbahaysiyada kala duwan ee ku sugan Asmara si loo helo xoog midaysan oo la dagaalama ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM.

Waxaa maanta la filayaa in la doorto gole dhexe ee isbahaysiga waxaana horaantii shirka la doortay gudoonka shirka waxaana loo doortay
Dr.Cumar Iimaan Abuubakar Iyo Jeneral Jaamac Maxamed Qaallib,
Waxaa iyadana la doortay afahayeenkana Sakariye Xaaji Max’ud Cabdi.

Shirkan ayaa waxaa ay umada Soomaaliyeed wada dhowreysaa waxa ka soo baxa iyada oo ay shirka joogaan isbahaysiyo kala duwan oo aan ku midaysnayn fikrada sidii loo dhisi lahaa dowlada Soomaaliyeed.

Waxaa shirka ku sugan Cilmaaniyiin iyo siyaasiyiin aan ogolayn in sharciga Islaamka iyo Islaamiyiin aan isku Fikarad ahayn waloow ay hada ka midaysan yihiin la dagaalanka DFKM iyo Itoobiya.


Back