Qaar kamid ah hay'adaha UN-ta oo safar xaqiiqo raadis ah u baxay

Jigjiga, September 02, 2007 (SG) – Iyada oo ay isa soo tarayso gabbood fallada ay ciidamada militariga Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan dhulka Soomaaligalbeed, ayaa qaar kamid ah laamaha hay'adaha Qaramada Midoobay waxa ay qorsheeyeen safar ay ugu baxayaan dalka, safarkaasi oo noqon doona mid xaqiiqo raadis ah.

Safarkan ay qaar kamid ah hay'adaha Qaramada Midoobay ugu baxayaan dhulka Soomaaligalbeed ayaa ah mid ay ku ogaanayaan dhibaatada bini'aadmi nimo ee ka jirta dalka. Waxaa kaloo sida la sheegay ay hay'aduhu soo qiimayn doonaan inta uu le'egyahay gabbood fallada ay dadka shacabka ah u gaysteen ciidamada gumaysiga ee Itoobiya taasi oo ay hay'aduhu rabaan inay indhahooda kusoo arkaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka Soomaaligalbeed.

Hay'adaha waddanka tagi doona ayaa kala ah UNDP, UNICEF, WFP, iyo qaar kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Laamahan Qaramada Midoobay ayaa ah kuwa sida tooska ah u caawiya dowladda Itoobiya isla markaana ka kaba miisaaniyadda.

Muran badan ayaa dhaxmaray hay'adahan iyo maamulka Itoobiya kadib markii rajiimka Itoobiya uu isku dayay inuu ka hor istaago hay'adahan inay gaadhaan meelaha ay dhibaatadu ka jirto. Rajiimka Itoobiya ayaa soo jeediyay inay hay'adaha raaciyaan ciidamo militari ah oo hubaysan kuwaasi oo ay sheegayaan inay ammaanka hay'adaha sugayaan. Dhinacakalena hay'adaha ayaa ka biyodiiday arrintaasi wayna oggolaan waayeen in wax dowladda ka tirsani raaco waxayna hay'aduhu ku sifeeyeen haddii ciidamo la raaciyo inay dadka cabsiyi gali doonto isla markaana dawalddu ay rabto inay baqdin galiso dadka oo marka ay ciidamada arkaan ay dadku ku dhiirran waayaan inay xaqiiqada sheegaan.

Sida lawada ogsoonyahayna ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa xasuuq ba'an ka wada dhulka Soomaaligalbeed. Intabadan degaanka Soomaalida ayaa maalinwalba waxaa la soo sheegayaa dilka dadka shacabka ah oo ay ku lammaantahay kufsiga dumarka iyo dhaca hantida dadwaynaha oon loo kala aabbo yeelayn.

Sida aan ka hellay ilo xogogaal ah, gobolada bariga ayaa dadkii ku noolaa waxa ay si tartiib ah ugu kala qaxeen meelo kala gaddisan sida Soomaaliya iyo Itoobiya inteeda kale. Dadkan ay gacanta gumaysiga ee arxanka daran barokicisay ayaa u badan dadkii xoogga lahaa sida dhallinyarada.

Dhinaca kale dadkii reer miyiga ahaa ee laga soo raray dhuldaaqsimaadkoodii loona raray magaalooyinka ayaa la sheegayaa inay soo foodsaartay dhibaato aad u ba'an. Xoolo isugu jira geel iyo adhi ayaa magaalooyinka la keenay isla markaana xoolo dhaqatadii loo oggolaan waayay inay ku noqdaan degaanadoodii. Xaaladdan ayaa keentay inay shacabka xoolahoodii waayeen daaqii isla markaana ay ku timid biyo yaraani. Arrintan ayaa dhaqaale xumo ku soo kordhinaysa bulshada markii horeba cuna qabatayntu saarnayd

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Bandow ku soorogay Magaalada Jigjiga.

Jigjiga, August 28, 2007 (Soomaaligalbeed) - Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Degaanka Soomaalida ayaa bandoo lagu soo rogay. Bandoogan ayaa waxa uu mamnuucayaa isusocodka dadka iyo gaadiidka ee magaalda caawa wixii ka danbeeya 9:00 habeennimo ee saacadda Geeska Afrika.

Bandoogan ayaa waxaa sheegay maamulka 8da xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay waxaana lagu hanjabay in talaabo adag laga qaadi doono ciddii la arko iyada oo socota wakhtiga banbdooga lagu soo rogay magaalada..

Bandoogan ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Jigjiga uu ka bilaabmay kalfadhigii 5aad ee xubnaha xildhibaanada Degaanka Soomaalida.

Kalfadhigan baarlamaanka Degaanka Soomaalida ayaa waxaa lagaga waxa uu maanta ka furmay Hoolka Shirarka ee magaalada Jigiga waxaana lagaga doodi doonaa sidii loo ansixin laa miisaaniyadda dowlad-degaanka Soomaalida.

Amaanka goobta shirka xildhibaanadu ka socdo ayaa aad loo adkeeyay iyada oo booliiska federaalku ay dadka ka celinayeen inay maraan dhinaca wadada xagga hoolka shirarka.

Warar ka soobaxay ilaa iyo hadda dooddii maanta ayaan jirin iyada oo aan dadka caadiga ah aan loo oggolayn inay galaan shirka si ay u dhagaystaan.


Xisbiga Dabaqoodhiga ee Deegaanka S/galbeed oo xilka qaadis kusameeyay xubno iyaga kamid ah.

Jigjiga, August 27, 2007 (Soomaaligalbeed) - Shir muddo afar maalmood ah uga socday Xisbiga talada Degaanka haatan haya ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida (SPDP) ayaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii Xisbigaasi, Cabdi Cali Shagax.

Waxaa sidoo kale iyagana golaha dhexe ee xisbiga laga saaray Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi iyo Maxamed Cabdi (Xamow). Cabdifataax Sheekh Cabdi ayaa ahaa madaxa Xafiiska Waxbarashada degaanka oo horraantii toddobaadkii hore sidoo kale xilkaasi laga qaaday, halka Maxamed Cabdi (Xamow) uu ka ahaa Hoggaanka Kaabayaasha ee Degaanka Soomaalida.

Shirkan oo ahaa kulanka qiimaynta Xubnaha xisbiga SPDP ayaa lixdii biloodba mar la qabtaa waxaanu afartii maalmood ee ugu danbaysay ka socday xarunta xisbiga ee magaalada Jigjiga.

Shirkan oo albaabadu u xidhnaayeen isla markaana ammaankiisa aad loo ilaalinayay ayaan ilaa iyo hadda laga war qabin cidda buuxisay jagooyinkii xubnaha xilalka laga qaaday. Balse sida aan ka soo xiganay ilo ku dhowdhow, lagama yaabo in dhawaanahan la magacaabo guddoomiyaha Xisbiga sababtoo ah waxaa soo dhow shirwaynihii Xisbiga oo la qaban doono horraanta bisha January ee sannadka 2008. Sida ilo xogogaal ihi shegayaanna intaa waxaa xilka guddoomiyaha sii wadi doona gudoomiye ku xigeenka.


Weerar lagu qaaday dhismihii hore ee Warshada Tolmada ee degmada Hodan.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa caawo
fiid hore waxa ay weerar hubeysan ku qaadeen dhismihii hore ee Warshada Tolmada ee degmadaasi Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobtaasi uu dagaalku ka dhacay ayaa goor dambe oo galabta ahayd waxaa soo dagay qaar ka mida askarta ciidamada xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo sida la sheegayna ku qalabaysnaa gawaarida dagaalka iyo ciidamo aad u tiro badan.

Iska hor'imaadkaasi ayey isku adeegsadeen dhinacyadii dagaalamay hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay ku warameen dadka deegaanka qaarkood.

Ilaa iyo iminkana lama oga qasaaraha uu rasmiyan geystay weerarkaasi dhacay goor horeeto oo caawo fiidkiiya.
Weerarkaasi ayaana yimid saacado ka dib markii ay mar la baad xeradaasi soo dageen qaar ka mida ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Soomaaligalbeed.com
Xafiiska Muqadisho.

Weeraro bambaano oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Koox hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa caawo ilaa iyo labo bambo oo nuuca gacanta laga tuuraa waxa ay ku tuureen hotelka weyn ee Manchester ee ku yaala bartamaha magaaladaasi Baydhabo.

Inta la ogyahay hal qof oo rayid ahaa ayaa dhaawac uu ka soo gaaray weeraradaasi bambaano ee caawo lagu ekeeyay hotelkaasi Manchester oo ka mida hotellada xudunta u ah magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka gobolkaasi Bay.
Markii weerarkaasi dhacay ayaa goobtaasi waxaa soo gaaray qaar ka askarta ciidamada booliiska dowlada federaalka oo durdubaba isku gadaamay halkaasi baritaana ka sameeyay goobtaasi qaraxu ka dhacay ee hotelka.

Labadaasi bam-gacmeed ee caawo lagu tuuray hotelkaasi ayaa midii hore waxa ay ku dhacday hoolka weyn ee shirarka ee hotelkaasi Manchester sida uu HornAfrik u sheegay maamulaha hotelka C/tifaax Geesey oo idaacada la hadlay weerarkaasi ka gadaal caawo.

"Bamgareynta hotelka waxa ay keenaysaa cawaaqib xumo horle oo ku timaada hanaanka ganacsiga xorta ah ee dhinaca hotellada magaalada Baydhabo," ayuu intaasi hadalkiisii ku sii daray Mr. Geesey.

Ilaa iyo hadana lama garanayo sababaha dhaliyay werarkaasi lagu qaaday hotel Manchester ee magaaladaasi Baydhabo.

Soomaaligalbeed.com
Xafiiska wararka Moqdisho

Back