Sadex Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxyo iyo Rasaas Maanta ka dhacay Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha.

ugu yaraab sadex ruux ayaa ku geeriyootay 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib werar loo adeegsaday banbanooyin xiriir ah oo maanta ka dhacay wadada isgoyska H/wadaag ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaan ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaqii dhinaca ganacsiga ee suuqa iyo gadiidkaba.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo aanu la xiriiray, Ilaa dhawr qarax oo loo adeegsaday bam gacmeedyo ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa agagaarka isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ka dib la maqlay tacshiirado xoogan oo ay fureen ciidamada dowlada.

sadexda qofood ee geeriyootay ayaa waxa ka mid ahaa wiil yar halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi iyo tacshiiradihii ay fureen ciidamada dowladda ay ahayeeb dad rayid ah oo meesha ku sugnaa xiligii ay qaraxtadi dhacyeeb.
Qaraxyada ka dib ayaa ciidamada dowladdo ay halkaasi ka ka xaysteed dad rayid ah oo ku sugnaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen kuwaasi oo isgu jiray dadka halkaasi ganacsiga ku lahaa iyo raga gari gacamada ku xamaasha sida ay noo sheegen dadka deeganku oo nala soo xiriiray.

Qaraxyadaan iyo tacshiiradaha ayaa waxa ay saameeyn xoogan ku yeesheen howlihii ganacsi ee wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha iyo qaybo ka mid ah suuq weyn ee Bakaaraha, iyado dadkii halkaasi ku sugnaa ay ku kala carareen.

Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen maanta ayaa waxaa haatan ku gadaaman ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Booliska dowladda KMG ah ee Somalia iyaga oo hatan halkaasi ka wada howl-gallo ay ku badi goobayaan dadkii ka danbeeyay warardii maanta.

Ilaa 14 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo ciidamo boolis ah ayaa la dhigay Isbitalka Madiina 24 kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo 96 ruux oo kalena ay horey u isbitalka sida u saxafada u sheegay Cali Macalin Cadde oo ka mid ah shaqaalaha Isbitalka.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa cakirmaysa tan iyo markii ay soo galeen guda magalada Moqdisho ciidamada Itoobiya, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Ethiopia iyo kuwa u adeega Itoobiya.


Sadex Ruux oo Labo ka mid ah ay Ardey ahayen oo ku geeriyooday Qarax Saaka ka dhacay Xaafadda Gubta ee Muqdisho.

Labo ardey ayaa ku geeriyootay qarax saaka ka dhacay meel ku dhow goob wax laga barto oo ku taala deegaanka Gubta ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah halka ruux kale oo raydi ahna uu isna ku geriyooda qaraxaasi saaka ka dhacay deeganka Gobta.

Qaraxaan ayaa ahaa miino ku aasneyd wadada ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Alcaaalami, xilli ardeyda ay sii galeysay, waxaana qaraxa ku geeriyooday labo ka mid ah ardeyda iyo qof kale oo rayid ah oo wadada marayay kaasi oo qarxo qabsaday isaga oo maray meel u dhaw albaabka iskuulka.

Maamulaha iskuulka Al-amal oo ku dhow dugsiga Al-caalami ee ardeyda ay ka dhinteen ee xaafadda Gubta Dr. Max’ed Axmed Faarax ayaa warfidyeenada u sheegay in ay ka argagaxeen geerida ardayda taasi oo uu sheegay in aad uga xunyihiin waxa maanta dhacay.

Lama soo sheegin wax ciidamo dowladda ka tirsan oo wadadaasi marayaya xilligii qaraxa uu dhacayay waxna jirtay in horay wadaasi ay u ahad mid ay inta badan ay isticmaalan ciidamada dawlada ku sheega somaaliya.

Maamulaha ayaa waxa uu sheegay in meydka labo ka mid ah ardeydiisa uu ka qaaday halkaasi, isla markaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay arinkaasi kuwaasi oo madkooda loo qaday goryahoodi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ardey ay ku waxyeeloobaan ama ay ku dhintaan rashadaha iyo qulqulatooyinka hareeyay magalada Moqdisho ee xarunta Soomaaliya ay caasimada u muuqato in dadkeedo ay hada u istageen sidii gacan ay u siin lahayeen kooxaha diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ay joogan gudaha Moqdisho


Eritrea oo ku baaqday in loo daayo Somalida in ay nabadeeyaan dalkooda.

Madaxweynaha dalka Eretrea Esias Afewerki ayaa maanta sheegay inay muhiim tahay in arimaha Somalia loo daayo dadka somalida ah, si ay dhibaatooyinkooda ugu xalistan hanaanka iyagu ay doonaan.

Assayaysi Afewerki ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin sababo loogu qasi karo arimaha la dagaalanka argagixisada qadiyada dalka Somalia isaga oo meesha ka saaray in ay jirto wax faragalin ah ama dhib ah oo uu wadankiisu ku hayo somalida.

"Waxaan ka walaacsanahay, arimaha Somalia iyo kuwa kale ee gobolka" ayuu yiri madaxweynaha, waxuuna intaas raaciyay in walaacooda uu la xiriiro sidii loo heli lahaa gobolka oo xasiloon ayuu yiri Madaxweynaha Eritrea.

Nabada gobolka ayuu sheegay madaxweynaha Eritrea in ay Qatar weyn ku hayaan fara galin caalami ah oo reer galbeedka ka imaaneysa iyo dawladda Itoobiya waxana uu si kulul u weraray siyaasada dawladda Maraykanka taasi oo uu ku eedayay in ay indhaha ka labatay waxa ka socda wadanka soomaliya.

Mr Afewerki ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo madax banaanida dadka somalida isla markaan loo daayo arimahooda in ay ku xalistaan habka ay doonayaan.
Hadii ay tahay in la doonayo inay xaaladu isbadasho, waa in mareykanka ay badalaan habka ay u fikiraan iyo faragalinta ay ku hayaan gobolka oo Qatar galisay nabada gobolka waxan uu si cad u sheegay in maamulkiisu aanu faraha ka laban doonin waxa ka socda soomaliya inta uu kursiga ku fadhiyo.
Soomaaligalbeed.com


Back