Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Midawga Jabhada Xoraynta S/Galbeed.

Midawga Jabhada Xoraynta S/Galbeed
Xafiiska Warbaahinta
Date: 21/09/2007
War Saxaafadeed:

Ujeedo: Taageerid riboodkii gudiga xaqiiqa raadinta ee UN ee loo diray S/Galbeed .

Taariikhdu markay ahayd: 1-20/9/2007 waxay Q. Midoobay u dirtay gobalka S/Galbeed gudi xaqiiqa raadin ah, kaasoo soo baarayay bal inata uu dhanyahay xasuuqa ay u gaysteen ciidamada Tekreegu 3 bilood ee u dambaysay shacabka S/Galbeed.
Gudigan oo soo gabagabeeyay hawshiisii shalay oo ahayd 20/9/2007 ayaa wuxuu soo saaray arimahan:
1- Xasuuqa ka dhacay S/Galbeed waa mid ka wayn inta aan moodaynay markii hore.
2- Sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in la diro gudi xaqiiqa raadina oo heer caalami ah kana madax banaan fara galinta dawlada Tikreega.

Hadaba anagoo ah "Jabhada midawga xoraynta S/Galbeed" (JMXSG) waxaanu soo dhawaynaynaa riboodkan ay soo saartay gudiga xaqiiqa raadintu, waxaana sii adkaynaynaa arimahan:
1- Jabhadu waxay bogaadinaysaa dhamaan talaabooyinka noocan oo kale ah ee ay qaadayso UN.
2- Waxaanu ku baaqaynaa in ladiro gudi cusub oo xaqiiqa raadina oo caalami ah kana madax banaan dawlada Tikreega sida ugu dhaksaha badan.
3- Jabhadu waxay balan qaadaysaa inay ka qayb qaadato sugista amniga gudigaas iyo waliba inay u sahasho hawlohooda inata ay joogaan S/Galbeed.
4- Waxaan ka codsanaynaa "Ururka isbhaysiga islaamka" iyo "Jaamicada Carabtaba" inay ka qayb qaataan barnaamijkaas xaqiiqa raadinta ah.
5- Caalamka waxaan u sheegaynaa xalka dhabta ahi inuu yahay gumaysiga Tikreega oo ka baxa gubalka S/Galbeed.

Midawga Jabhada Xoraynta S/Galbeed
Xafiiska warbaahinta
21-9-2007

Qayla dhaan ay Mas'uuliyiinta Agoonta S/galbeed kasoo saareen xaalad nololeedka Agoonta oo ku aadan Bisha Ramadaan

KU: Dhamaan walaalaha ehlu khayrka ah

Afuri qof sooman ajirkiisa oo kale aad heshide.

Walaal ka muslimka ahow ka faaiidayso bisha Ramadaan ee barakada badan.
Si aad uga mid noqotid kuwa Rabi udanbi dhaafayo, una naxariisanayo, ugana mid noqotid kumanaanka naarta laga xoreynayo.
Walaalayaal maamulka Agoonta Soomaali galbeed wuxuu idiin hayaa hooyooyin agoonley ah oo aad oogu baahan in lakaalmeeyo bisha ramadaan.
Qiimaha qofka lagu afurinayo waa (1$) maalintii bishiina waa (30$) waana afur iyo casho. Qoyska( 5 ) ruux ka kooban waxaa afur oogu filan bisha ramadaan (100$ ) .
Walaal usoo naxariista walaalihiina tabarta daran Rabi ha idiin naxariistee.
Walaal caawi Armalo agoonley ah oo sooman Rabi ha ku caawiyee.
Sidoo kale walaalayaal Agoonta Soomaali galbeed waxay la rafaad sanyihiin gaajo , arad , jiro , waxbarasho la aan , hooy la aan cabsi iyo argagax .
Walaalayaal waxaad wada ogsoontihii in aay xidhantay xaruntii kuleejada ee abii cubeyda oo ay ku xarasnaayen 120 ilmood oo aay u dhamastiryd nolashoodi. sida jiifka, cuntada,daawad iyo waxbarashadaba.Sidoo kale waxaa xidhmay iskuulkii Al nibraas ooy agoontu la haayd waxaayna laxidhmeen dhibaatada ka jirta xamar awgeed

Walaalayaal Agoontaas waxay qaxooti ku ahaayen soomaaliya waxayn mar labaad ku kala qaxeen gudaha soomaaliya waxayna ubaahan yihiin daryeel sida waxbarasho , daawo , hoy , aradbax , cunto. sidaan wada ogsoonahay wax yaabahaas aan kor kusoo xusnay waa wada lacag qofkii aan heli karinna uuna xitaa heli Karin dhakhtar fiisiteeya

Sidas awgeed Walaalayaal usoo naxariista walaalihiina agoonta ah ee tabarta daran Rabi ha idiin naxariistee.
Mamulka Agoonta Soomaali galbeed

Warbixin ku saabsan magaalada Faafan

Faafan, September 21, 2007 (SG) - Magaalada Faafan ayaa waxa ay ku taallaa dhul 31km galbeed ka xiga magaalo madaxda degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxaanay ku taallaa badhtamaha togga Faafan ee loogu magac daray iyada isla markaana waxa ay magaaladani leedahay magac kale oo ay caan ku tahay magacaasi oo ah "Dhagaxle".

Faafan waa magaalo aan weynay balse leh muhiimado badan oo istaraatijiyadeed. Dadka deggen magaalada Faafan ayaa ah dad u badan beeralay. Waxaa kale oo iyana kamid ah dadka ku nool magaalada Faafan dad ganacsato ah iyo tiro ah dad u shaqeeya maamulka ka jira halkaasi.

Beeralayda aan soo sheegnay ee degaanka Faafan ayaa ah dad aan soo saarin wax soosaar badan oo ay meelo kale u iib geyn karaan balse waxay soo saaraan waxsoosaar tayadiisu ay aad u hooseyso oo ay kamid yihiin gellayda (arabikhida) hadhuudhka, jaadka, iyo midho kale oo aan tayadoodu fiicnayn. Beerahan ayaa dadka abuurtaa intooda badan ujeeddadoodu tahay inay ka helaan masaariiftooda ay kaga baxayaan sannadka.

Faafan ayaa waxaa ka jira ganacsi aan xoogganayn balse saameyntiisa leh. Ganacsiga Faafan ayaa waxa uu u qaybsamaa laba nooc. Nooc kamid ah noocyada ganacsi ee Faafan ka jira ayaa waxa uu ku tiirsan yahay bulshada deggan degaankaasi ee xoolo dhaqatada iyo beeralayda ah.

Dhaqaalaha reer Faafan ayaa waxa uu si xooggan ugu tiirsan yahay caanaha ay suuqa keenaan xoolo dhaqatada degaankaasi, caanahaasi oo loo iibgeeyo magaalooyinka waaweyn ee gobolka sida Jigjiga ilaa Hargeysa. Waxaa kale oo degaanka Faafan laga iibkeenaa subagga, xoolaha nool, iyo waxoogaa aan badnayn oo ah khudradda iyo jaadka lagu cuno degaankaasi oo intiisa badan ka soo go'a agagaarka Faafan.

Waxaa iyaguna wakhtiyada qaarkood si xooggan loogu soo dejiyaa magaalada Faafan alaabooyinka koontarabaanka ah kuwaasi oo looga sii gudbiyo dhulalka kore ee Itoobiya.

Dhinaca maamulka, magaalada ayaa ah Qabalay hoos yimaadda degmada Bambaas oo katirsan gobolka Jigjiga. Magaaladan oo ah mid ku taalla meel istaraatiji ah ayaa xilligii hore waxaa deggenaan jiray tiro ciidamada militariga ah balse intii kadanbeysay wakhtigii ay Itoobiya dagaalka ku qaadday waddanka Soomaaliya isla markaana ay hoos u dhacday tirade ciidamada ee waddanka gudihiisa jooga ayaa haddaba ciidamadii Faafan joogi jiray waxaa beddelay booliiska federaalka oo halkaasi la geeyay.

Waxaa jira haddaba far isku fiiq badan oo dadka degaankaasi ka dhax jira. Cidda la garan waayo ee ku cusub degaankaasi ayaa inta badan waxaa dhacda in lasoo basaaso kaddibna ay cidamadu xidhaan. Dadka inta badan farta lagu fiiqo ayaa ah dadka isla dawladda u shaqeeya, ganacsatada, iyo dadweynaha kale ee magaca ku leh bulshada goobahaasi deggen.

Dhacdooyikii ugu danbeeyay ee arrimahasi ku saabsan ayaa waxaa kamid ah in lagu soo xidhay nin kashaqayn jiray Xafiiska Cilmi Baadhista ee Xoolaha iyo Beeraha ee magaalada Faafan oo lasoo qabtay isaga oo xafiiskiisa shaqo ugu jira xilligigaasi. Ninkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeeyo Jabhadaha xornimo doonka ah ee degaanka.

Ninkaasi oo hadda lagu hayo xabsiga loo yaqaanno Qumaaddaha oo ku yaalla waqooyiga magaalada Jigjiga ayaa xilligii lasoo xidhay waxa ay shaqaalihii ay xafiiska ka ay ka wadashaqayn jireen u uruuriyeen qaadhaan yar oo ay mushaharkooda ka jareen kaasi oo loogu geeyay xabsiga.

Balse intaasi lagagama hadhin shaqaalihii ee inta maalinkale lasoo uruuriyay ayaa lagu eedeeyay shaqaalihii inay yihiin dad taakulaynaya nin jabhad ah oo isla waddadii ninkaa hore lagu xidhay mareen. Waxaa ugu danbeyntiina shaqaalahaasi loogu hanjabay in arrintaasi oo kale haddii ay markale arrintaasi oo kale ku kacaanna tallaabadii ninkaasi laga qaaday oo kale.

Waxaa sidoo kale dhacdooyinka ka dhacay aaggaasi kamid ah in Axaddii hore 16kii bishan September la qabtay nin madax ah oo katirsan jabhadda ONLF isaga oo usoo safraya dhinaca magaalada Faafan. Ninkan ayaa intii aan laqaban waxa uu kaymaha iyo buuraha magaalada dhinaca bari ka xiga kaga yimid ciidan jabhadda katirsan oo uu la socday isla markaana waxa uu magaalada ugu soo safray si uu uga iibiyo raashin balse intii uuna magaalada soo gaadhin ayuu nasiibdarro waxa uu lakulmay oo arkay nimanka dabadhillifka u ah maamulka meesha oo loo yaqaanno "Tadaaqiga" kuwaasi oo markii ay damceen inay qabtaan bastoolad uu sitay ku riday si uu isu difaaco. Nasiib darro way ka tiro bateen oo ay hareereeyeen waxaanu ka dhaawacmay garabka midig kadibna waa la qabtay.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu katirsanaa madaxda jabhadda ee aaggaasi. Sida uu ii sheegay ninka tirsan madaxda ciidamada aaggaasina ninkaasi waxaa loo qorsheeyay in la dajiyo si ay uga helaan xogo ku saabsan jabhadda.

Ciidamadda gumaysiga Itobiya ayaa wali shacabka ku dhaqan Dhulka Somaali galbeed ku haya yo barakicin,tiro badan oo shacab ah ayaa xabsiyada buux dhaafiyay, kuwo badana waxaa lagu dilaa xabsiyada dhexdooda kuwana lama hayo meel jaan iyocidhib dhigeen kuwaas oo Eheladoodu ku qanacsanyihiin in mar horaba la dilay.

Dhacdadii ugu dambaysay waxa ay ka dhacday deegaanka Shaygoosh,oo ka tirsan gobalka Qoraxay halkaas oo ciidamadda gumaysigu ku dileen sedex qof oo shacab ah kuwaasoo la sheegay in silig lagu marjiyay dadkan ayaanaan wali helin magacyadooda balse waxaan isku dayaynaa in aan helno magacyadooda oo aan dib idinka soo gudbin doono.

Arinta Silaga lagu marjinayo ayaa laga yaabaa in badan oo dadka soomaalida ihi inay layaabaan, balse shacabka Soomaali galbeed lama yaabayaan oo way arkeen kuwa badan oo dadkooda ah oo silig lagu marjiyay inta badan waxa ay siliga ku dilaan dadka ay rabaan inaan sinaba loo ogaan dilkooda waxayna ka dhacdaa xeryaha ciidamadda gumaysiga iyo dhulka miyiga ah intaba


Back