Faahfaahinta
qaraxii kadhacay Magaaladda Jigjiga.
Jigjiga,
August 16, 2007 (SG) - Qarax weyn ayaa xalay goor ay saacaddu tahay
abbaaro 9:30 fiidnimo waxa uu ka dhacay albaabka geerash ku yaalla xaafadda
shanaad ee magaalada Jigjiga.
Qaraxan ayaan wax waxyeello ah gaysan iyada oo aanay xilligaasi wax
dad ahi ka agdhawayn agagaarka meesha uu ka dhacay. Bambka qarxay ayaa
waxaa la hoos dhigay sagxadda baabuur duug ah oo yaallay albaabka geerashka.
Bamka ayaa dhulka hoos u jaray qiyaastii 25cm wuxuu isla markaana firidhyadiisu
xoqeen darbiga geerashka oo dhagax ka samaysnaa.
Geerashka uu bamkani ka qarxay ayaa waxa uu u dhexeeyaa Hotel Roman
iyo Xarunta Laanqayrta Cas ee Itoobiya. Agagaarka goobta uu ka dhacay
qaraxani ayaa ah meel ay aad u daggan yihiin dadka Xabashida ahi.
Dumar badan oo Axmaaro ah oo ku shirsan meesha uu ka dhacay qaraxani
ayaa saaka markii aan u tagnay waxa ay iyaga oo luuqaddooda ku hadlaya
yidhaahdeen "Ilaahay ayaa na badbaadiyay balse waxaa naloogu talo
galay inaan waxba naga hadhin". Midkale ayaa iyana tidhi, "Qarax
yadan markasta ka dhaca meelaha ay Axmaaradu u badan tahay waa mid muujinaysa
in si weyn nalooga soo horjeedo isla markaana annaga dhimasho nalala
maagganyahay".
war dagdag ah: Qarax caawa
kadhacay magaaladda Jigjiga.
Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Jigjiga ee Xarunta Soomaaligalbeed.
Qaraxan ayaa waxa uu dhacay abbaaro 9:30 saacadda Afrikada Bari. Qaraxa
ayaa waxa uu ku beegan yahay xaafadda 5aad ee magaalada Jigjiga balse
si dhab ah looma oga meesha uu ka dhacay ilaa iyo imika.
Dadka ayaa guryahooda ku yaacaya si ay hore ugu hoydaan oo aanay la
kulmin gacanta kulul ee Booliiska federaalka. Booliiska Federaalka ayaa
lagu yaqaannaa inay dad badan xidhxidhaan wakhtiyada sidan oo kale qaraxyo
dhacaan.
Wararka faahfaahsan ee ku saabsan qaraxan waxaan idiin soo gudbin doonaa
xilliga ay nasoogaadhaan haddii Alle yidhaa
Bayaankii
ka soo baxay Shirweynaha Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya
gabo gabadiisii.
Gabo gabadii Shirweynaha
Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya ayaa waxa laga soo Saaray
Bayaan ka kooban 14 qodon waxaana lagu sheegay Bayaankaas oo Carabi
ku qornaa Qodobo ay ka mid yihiin:-
1) Soomaaliya waxa
ay noqotay meel uu cadow uu maalgalinayo Maraykanku ka ugaarsado, isla
markaana ay fulinayaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, oo ku tuntay Karaamadii
iyo Isla Weynidii Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Ciidamada Gumeysiga
Itoobiya waxa ay Danbiyo aan la soo koobi karin ka galeen Shacabkayaga,
waxay bur buriyeen Caasimadayadii, waxay Barakiciyeen kumaankun Muwaadin
oo aan waxba galabsan.
2) Yoolkayaga koowaad
isla markaana ah muhimadayada deg dega ee qof waliba oo Soomaaliyeed
ee maanta waa ka Xoreynta Wadanka Gumeysiga ku soo duulay, Xoogaga Muqaawamada
ee la dagaalamaya Gumeysiga waa Xaqa Sharciga ah ee lama taabtaanka
Shacabkayaga, sidoo kale waa Waajib Wadan, mid Diini oo saaran qof waliba
oo Muwaadin Soomaaliyeed ah.
3) Isbahaysiga isaga
oo fiirinaya Muhimada ugu horeysa ee Xoreynta Soomaaliya, waxa uu sida
ugu dhaqsiyaha badani u bilaabayaa Siyaasad uu dib ugu soo Celinayo
Dhismaha Wadanka,
.dhamaan ka qeyb galayaasha Shirweynaha ujeedadoodu
waa in ay xaliyaan dhamaan Qadiyadaha iyo dhibaatooyinka ku xiran Xoreynta
Wadanka Soomaaliya iyo dib u soo celinta Aas Aaskii Dowladnimo iyo Muasasaadkeedii.
4) Isbahaysiga Xoreynta
iyo Dib U Soo Noolaynta Soomaaliya lama galayo wax wado hadal ah waxa
loogu yeeray DFKMG inta ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya si buuxda uga
wada bixin gudaha Soomaaliya.
5) Isbahaysiga Xoreynta
iyo Dib U Soo Noolaynta Soomaaliya waxa uu Codsanayaa in ay Ciidamada
Uganda ka baxaan Wadankayaga, sababtoo ah joogitaankoodu ma aha mid
Sharci ah, waxaana ay hadda noqdeen qeyb ka mid ah Gumeysiga, sidoo
kale Isbahaysigu waxa uu adkaynayaa in joogitaanka ciidan waliba oo
Shisheeye nooc kastaba Afrikaan iyo ku kalaba, xaaladkastaba ha ku yimaadaane
ay waajib tahay in si wado jir ah la iskaga xoreeyo.
6) Isbahaysigu waxa
uu ka codsanayaa Xukuumada Kenya in ay joojiso garabsiinta Gumeysiga
Itoobiya, Joojisana Xarig aan Sharciga ahayn
, kana waantowdo Dhoofinta
Dadka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.
Bayaankan oo ka
koobnaa 14 qodob ayaa qeybtiisii ugu horeysay goordhaw na soo gaartay
inta dhimana dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa khadka oo xun owgii.
Weerar
xoogan oo caawa lagu qaaday Ciidamada degan Isgoysyada Aadan Cadde iyo
midka Howl-Wadaag ee M/Muqdisho.
Abaarihii 11:25
ilaa 11:40 fiidnimo ee caawa ayaa waxa uu dagaal xoogani ka bilowday
inta u dhaxaysa Isgoyska Aadan Cadde iyo midka Howl-Wadaag ee Magaalada
Muqdisho.
Dagaalkan ayaa markii
hore ka bilowday agagaarka Isgoyska Aadan Cadde ka dibna ku faafay ilaa
iyo Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa la
isku adeegsaday Qoryaha Garbaha laga rido ee Sabanada ah, Dhashiikayaal,
Qoryaha kale ee daran dooriga u dhaca iyo waliba waxyaabaha kale ee
Qarxa intaba.
Lama sheegi karo
ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee caawa soo gaaray Ciidamada DFKMG
ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya ee deganaa labada Isgoys ee Aadan
Cadde iyo midka Howl-Wadaag.
Waa habeenkii labaad
oo weerar xoogani lagu soo qaado ciidamadan soo degay Isgoyska Aadan
Cadde Bishan gudaheeda, waxaana uu noqonayaa sidoo kale weerarkii 24
gudaheed lagu qaado oo uu ugu dambeeyay weeraradii bambaano ee saaka
barqadii lagu soo qaaday kaas oo aan la garan karin khasaaraha dhabta
ah ee soo gaaray.
Ciidamadan ayaa
isgoyska Aadan Cadde soo dagay ka dib markii bilowgii Bishan weeraro
Hoobiyayaal oo dhowr iyo Toban gaaraya lagu qaaday Madaxtooyada Villa
Soomaaliya taas oo la sheegay in qaar ka mid ah oo lala helay ay geysteen
khasaarooyin laxaad leh.
Weerarkan ayaa noqonaya
weerarkii labaad ee dhaca Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxaana kan
ka horeeyaya midkii ay Xoogaga Muqaawamadu ku qaadeen fariisimha kala
ah:-
1) Warshadii hore ee Barfuunka
2) Warshadii hore ee Baastada
3) Shaneemo C/Waayeel
Kaas oo ay xoogaga
ku gubeen baabuur kuwo kalana ay ku qabsadeen isla markaana sababay
in ay ciidamadii deganaa ka guuraan saaka aroornimadii hore.
Xoogaga muqaawamada
ayaa iyagu Bishan iyo tii ka horeysay ilaa iyo hadda waxa ay si dar
dar leh ku wadaan Weerarada iyo Qaraxyada ay la beegsanayaan Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.
Back