Jandayi Frazer oo digniin kulul u soo jeedisay wadanka Eritria.

Mareykanka ayaa soo saaray digniintii ugu cusleyd oo uu u jeedinayo dowlada Eritrea, taageerada ay siinayso waxa loogu yeerat islaamiyiinta Soomaaliya xilli Asmara uu ka socdo shir ay leeyihiin mucaraadka Soomaalida.

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ee arrimaha Afrika Jandayi Frazer ayaa sheegtay joogitaanka uu Eritrea uu joogo hogaamiyahii maxkamadaha Islaamiga ay cadeyn u tahay in Eritrea ay magangalyo siisay Islaamiyiinta.

Mss Frazer waxa ay sheegtay in joogitaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys uu joogo shirka Asmara ay daliil u tahay in Eritrea ay gabaad siinayso argagixisada.

Iyadoo ka hadlaysay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay magaalada Addis Ababa gabagabada booqasho ay ku maraysay Ethiopia ayaa Miss Frazer waxa ay sheegtay in hadalada xun xun ee ka soo yeeraya Eritrea ee ku saabsan Mareykanka ay yihiin kuwo aan macno laheyn.

Frazer waxa ay dowladeeda dareenka siinaysay waxa ay Washington ugu yeertay falalka Eritrea ay ku doonayso in ay ku carqaladeyso geeska Afrika, gaar ahaan waxaa taasi cadeyn u ah bay tiri inay gabaad siinayso argagixisada.

Frazer waxa ay sheegtay in Eritrea ay ahay dowlada u kacaysa falalka aan la dhayalsan Karin, iyadoo ah bay tiri dowlada anshax xun oo ku taalla gobolka.

Waxa ay tiri “warbixida sirdoonka ay soo aruurinayaan ilaa hadda ay horseedayaan in Eritrea lagu daro liiska dalalka argagiisada taageera, taaso xigi doonta bay tiri cunaqabteyn lagu soo rogo.
Dowlada Eritrea ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu si qaldan wax u tarjumay.

Balse waxaa arintaa jawaab kulul ka bixiyay wasiirka Wafaafinta ee Dalka Eritrea Cali Cabdow oo sheegay hadii cid uun Argagixiso tahay inay maraykanka iyo Itoobiya yihiin Argagixisadda Geeska Afrika.

Ali cabdow ayaa sheegay in eedaymaha kasoo yeedhay Maraykanka ay yihiin kuwo lagu qarinayo qabsashadda Soomaaliya iyo burburinta ay ka wadaan ciidamadoodo dalka Soomaaliya.Lugbuur oo Addis U amba baxay iyo qaar wasiiradiisa ka tirsan hubka u qaatay sidii ay shacabka u gumaadi lahaayeen


Back