HOME // WARAR // TAARIIKH // MAQAALLO // FAALLO // CONTACT US

Somali links
Islamic Links
Qaamuus.net
Xornimo.com
Addacwah.com
Halgan.net
Aflax.net
Altaqwaa.com
Boqolsoon
Khalid Mosque
Islamonline
Learn about Isl.
Hanuun
Risaala
Quran
Waano.net
Masjid Abubakar

Wararkii Hore

28/10/07 Magaaladda Muqdisho oo ay maalintii labaad ka socdaan dagaalo xoogle oo u dhaxeeyay xoogaga Muqawamadda iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ka soconaya dagaalo fool ka fool ah oo aan horay uga dhici jiran wakhtiyada maalintii ah, dagaalkan ayaa udhaxeeya Xoogaga Muqaawamadda iyo ciimadda gumaysiga ee Macatab u dirirka ah iyo kuwa daba dhilifka u ah.

25/10/07 Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay magaala madaxda gobalka Nogbeed Fiiq, dhulka lagumaysto ee S/galbeed.
Wararka ka imaanaya Magaalada Fiiq ayaa sheegaya in magaaladaas uu ka dillaacay markii u horreysay Cudurka Shuban-biyoodka isla markaana uu faraba'an ku hayo Shacabka ku nool magaaladaas.

24/10/07 Nin meyd ah oo xalay laga helay xaafad ka mid ah xaafadaha magaaladda Jigjiga
Nin mayd ah ayaa xalay laga helay xaafadda Aayar-dega oo ku taalla bariga magaalada Jigjiga ee caasimadda Soomaaligalbeed.

22/10/07 Ciidamadda gumaysiga itoobiya oo dhibaatooyin ba,an ku haya shacabka dagan Magaaladda Fiiq ee xarunta u ah goblka Nogbeed.
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Fiiq gaar ahaan Magaalada Fiiq ayaa sheegaya in Ciidamada Tigreeggu ay Shacabka halkaas deggan ku hayaan dhibaato aan yarayn, Ciidamada Tigreegga ayaa wakhtiyada habeenkii ah waxay shacabka halkaas deggan ku qasbaan waxyaabo aysan samayn karin ama ay ku adag tahay siday u sameen lahaayeen.

21/10/07 Dagaalkii Boosaaso iyo muuqaaladda naxdinta leh ee uu ku reebay qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafada Raf iyo Raaxo

Dagaalkan oo sida ay booliiska Puntland sheegeen ay ku dhinteen 2 ruux 7 kalena ku dhaawac meen ayaa waxaa uu soo gabagaboobay shalay subax ,waxaana uu taliyaha booliiska Puntland oo isagu hawl galkaas hogaaminayey uu saxaafada u sheegay in ay isa soo dhiibeen dhamaanba dhalinyaradii guriga ku jirtay oo gaadhayey 7 ruux.

18/10/07 Waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin uu Bashiir Nuur nooga soo diray Soomalida Ku nool wadanka Baraaziil iyo dhibaatooyinka haysta.
Waxaa wadanka Baraziil jooga Somali iyo itoobiyaan fara badan oo isugu jira dad si toosa uga yimid Somaliya, Kenya, iyo itobiya halka qaar kalana ay ka soo kicitimeen south africa Dubay iyo Suuriya.

17/10/07 Mujaahidiinta Soomaaligalbeed, oo dagaalo dhex maray iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ku dilay tiro badan oo ka tirsan ciidanka gumaysiga qaar kalana kaga dhaawacay.
Maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 16/10/07 ayaa dagaal culisi waxaa uu dhex maray Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed iyo gumaysiga Itoobiya.

Dagaal culus kadib oo xalay la sheegay inay Xoogaga Muqaawamadu la wareegeen saldhiga Dagmadda Howl-wadaag ee magaaladda Muqdisho.
Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa caawa dagaal kululi ka dib la wareegay Saldhiga Ciidanka Booliiska ee degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

15/10/07 Magaaladda Dhooblay oo maanta ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Midowgii maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.
Wararka naga soo gaadhaya Dagmadda Dhooblay ee goblaka Jubadda hoose ayaa sheegaya in maanta barqadii ay magaaladaa la wareegeen ciidamo xoogle oo ka tirsan ciidamadii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ka talin jiray Konfurta Soomaaliya intabadan.

Laascaanood oo maanta si buuxda ay gacanta ugu dhigeen ciidamadda maamulka isku magacaabay Soomaland.
Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba la wareegay gacan ku heynta Gobalka Sool, ka dib Dagaal kulul oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo markale ka dhacay Magaalada Laascaanood saaka.

14/10/07 Ardada wax ka barata dalka Yamen gaar ahaan Mgaaladda Sanca, ee kasoo jeeda Dhulka S/galbeed ee lagumaysto oo cambaarayn usoo jeediyay Maamulka gobaladda Waqooyi ee labaxay Soomaaliland.
Anoo ah Ardada Soomaali galbeed Sanca wadanka Yaman, waxaan canbaarayn kulul usoojeedinaynaa maamulka gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaliya kuwaas oo caadaystay in ay kaganacsadaan shacabka soomaaligalbeed, ayagoo ugacan galiya cadawga soo jireenka ah ee itoobiya laga soobilaabo 1996 ilaa hada markii afraad ooy gacan galiyaan rag udhashay gabal kaas.

13/10/07 Tiro badan oo ah dhalinyaro u dhalatay dhulka S/galbeed ayaa laga qabqabtay magaalooyinka uu ka taliyo maamulka isku Mgacaabay S/land kuwaasoo la sheegay in loo gacan galiyay ciidamadda gumaysiga itoobiya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in maanta galinkii hore halkaas lagu xidh xidhay dad u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed, dadkan ayaan la garanayn intay dhan yihiin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ahaayeen dad dana kala duwan u tagay Hargaysa sida inay Soo gaadhayeen Eheladooda deggan Hargaysa oo ay la joogaan maalmaha Ciidda.

Fal Naxdin leh oo habeenkii xalay ka dhacay duleedka Magaaladda Nayrobi ee dalka Kenya halkaas oo lagu dilay 4 nin oo ganacsato Soomaaliyeed ah.
Duleedka Magaalada Nayrobi ee Caasiamadda Dalka Kenya maagalo yar oon ka fogay oo lagu magacaabo Naaro, ayaa maanta laga helay afar wiil oo ganacsato Soomliyeed Maydkooda Ragan ayaa ahaa ganacsato yaryar oo dagenaa tuulada Naaro kuwaasoo alaabooyin gayn jiray Tuulooyin ay daganyihiin dad reer Kenya oo ku hareeraysan Deegaanka Naaro oo Nayroobi aan ka fogayn.

12/10/07 Waxaan idiin soo gudbinaynaa sida looga ciiday magaaalooyin ka mid ah wadanka Barazil halkaas oo uu warkan nooga soo diray Bashiir nuur Saciid oo ka mid ah dhalinyarada S/galbeed oo wadankaa safar ku maraya maalmahan
.Waxaa salaadii ciid lagu tukaday masaajidka kaas oo lagu magacaabo Muxammadurrasuulullahi waxaa na tukiyay sheekh lagu magacaabo sheekh maxed c/lla waa masaajid wayn oo aad loo qurxiyay masajidku wuxuu ku yaallaa magaladda São paulo,xafadda Brass.

Ciidal Fidriga sidee looga ciiday magaala Jigjiga ee xarunta dhulka S/galbeed ee lagumaysto.?

Munaasibadda Ciidal Fidriga ayaa si wanaagsan loogu soo baxay maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka Soomaaligalbeed.

Caasimadda Dalka Kenya Nairobi iyo Ciidii maanta sida looga Tukaday.
Magaaladda Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi ayaa si wayn looga ciiday maanta, muslimiinta ku nool Caasimadda ayaa isagu soo baxay fagaaraha weyn ee loo yaqaano Sir Ali Culub" halkaasoo ah meesha inta badan dadka Muslimiinta ah ee reer Nairobi ay ku tukadaan Salaadaha Ciidaha.

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED
WARSAXAAFADEED KUSAABSAN MUNAASABADDA CIIDDA SOONFUR.

Waxaad ciideysaan idinkoo madaxbanaanidiinii idiin muuqato" (Lr.4) Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta mudane Sh.Shariif Sh.Axmed waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciidda soonfur ee barakeysan awgeed, waxa uuna Allah weydiisanayaa in uu ka aqbalo soonka, salaadda iyo ducooyinkii ay la yimaadeen bisha soon ee barakeysan ee sannadkan.
Maanta oo jimce ah ayaa ciidaya wadama badan oo ka mid ah dunida Muslimka waxaana ka mid ah wadamadda Dalka Soomaaliya oo laga arkay meelo badan oo ka mid ah Bishi iShuwaal iyo dalalka hoosta ku qoran

Sacuudiga,Qadar,Kuwayt,Imaaraadka,Lubnaan,Sudaan,Liibiya,
Tuunis, Baxrayn iyo Urdun

10/10/07 Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo caawa lagu Qarxiyay gudaha Xero ay deganyihiin Ciidamada Macatab udirirka Tigreegu.
Maqribnimadii caawa ayaa nin naftii hure ihi wuxuu gaadhi Qooqana oo laga buuxiyay walxaha qarxa gudaha u galiyay xero ay daganyihiin ciidamadda gumaysiga Itoobiya halkaasoo la sheegay in uu ku qarxiyay baabuurka, ninkan ayaa la sheegay inay usuura gashay in uu galo xeradda gudaheeda kadib markii uu soo daba galay kolonyo ciidamadda gumaysiga ah oo xerada sii galayay.

9/10/07 Inkabadan 450 arday oo dugsiyada sare ee Soomaaligalbeed oo imtixaankii ay kaga gudbi lahaayeen dugsiga sare laga laalay.
Dhagaxbuur, September 09, 2007 (SG) – Arday ka badan 450 arday oo u dhalatay gobolka Dhagaxbuur ee dhulka Soomaaligalbeed ayaa waayay imtixaankii ay kaga gudbilahaayeen fasalka 10naad ee dugsiga sare ee sannad-dugsiyeedkii lasoo dhaafay kaddib markii imtixaankooda lagu tilmaamay inuu waxba kama jiraan ahaa.

8/10/07 Tiro badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee S/galbeed oo Maamulka Kililku ka codsaday inay kala qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa Jabhadaha.
Waxaa maalmahan lagu soo gabagabeeyay Magaaladda shir maamulka Maqaar saarka ihi uu ugu yeedhay tiro badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee dhulka S/galbeeed ee lagumaysto odayaashan oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 108 oday ayaa kakala yimid gobaladda oo kakoobanyahay dhulkaasi.

Baarlamaanka F. Itoobiya oo yeelanaya kalfadhi si ay u doortaan madaxweyne Maqaar saar ah oo aan wax awooda lahayn kaasoo inta badan ah nin magac uyaala oo loo magacaabo nin kasoo jeeda qowmiyadda ugu tiradda badan dalka Itobiya ee Oromadda.
igjiga, August 8, 2007 (SG) – Baarlamaanka Federaalka ee Itoobiya ayaa isugu imanaya kalfadhigii koowaad ee ay yeeshaan sannadkan cusub ee Itoobiya maanta oo Isniin ah. Kalfadhigan ayay baarlamaanku waxa ay ku dooranayaan madaxweyn isaga oo uu dhammaaday xilligiisii madaxweynaha haatan xilka haya, Girma Woldeghiorgis.

7/10/07 ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED muxuu ka yidhi howgaladda cusub ee ee la filayo inay ciidamadda gumaysiga iyo kuwa daba dhilifka u ah ay ka fulin doonaan magaaladda Muqdisho.
Isbahaysigu isagoo indhaha ku haya dhaqdhaqaaqa iyo tabaha cadawga, waxa uu si xoog leh u cambaareynayaa qorshaha cusub ee ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo daba dhilifyadoodu ku doonayaan inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimadda oo hadda la doonayo in dhawr qeybood loo qeybiyo, si loo gumaado inta ka hartay intii hore loo qaxiyey ama loo isir sifeeyey.

6/10/07 Jenaraal Jilicow Iyo Rag Kale oomasuuliyiin ah oo shalay lagu dilay magaaladda Muqdisho oo maanta lagu aasay magaaladdaas.
Janaraal Axmed Jilicow Caddow ayaa maalintii shalay ahayd maqribnimadii dil toogasho ah ku dileen kooxo hubaysan oo aan la garanayn iyadoo dhaawacii kasoo gaarayna loola cararay isbitaalka keysaney ee magaalada muqdisho islamrkaana uu halkaas ku geeriyooday.

4/10/07 Dilkii ugu naxdinta badnaa oo maanta ka dhacay Magaaladda Kismaanyo.
Waxaa maanta Magaaladda Kismaanyo lagu dilay laba ka mid ah Culima awdiinka magaaladda oo kala ah Sheekh Yuusuf Maxamed Cali iyo Ahmed Xiis, ragaan ayaa laga kaxaystay magaaladda gudaheeda waxaana lala aaday deegaanka Kiboora ee duleedka magaaladda Kismaanyo halkaas ayaana lagu toogtay labadan Culimadda ah oo Sooman.

3/10/07 Ibahaysiga dib uxoraynta Dalka Soomaliya oo war saxaafadeed kasoo saaray xaaladda dalku marayo iyo gubashadii suuqa Bakaaraha.
I. Gubidda Suuqa Bakaaraha iyo is hortaaga dadaalkii wax looga qaban lahaa falkaas cadawnimada ah waa qeyb ka mid ah falalka foosha xun ee shacbiga soomaaliyeed lagula dagaalamayo noloshiisa iyo jiritaankiisa ee sida joogtada ah ay u fulinayaan ciidamada gumeysiga Ethoipia iyo dabadhilifyadooda .

Dabkii xalay kakacay suuqa weyn ee Bakaaraha oo khasaare xoogle u gaystay Suuqaas iyo hantidii shacaka Soomaaliyeed.
Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya, ayuu xalay dab qabsaday dabkan ayaa qabsaday qaybaha isku raranta ah ee suuqa dharka kaasoo markii dambana ku faafay qaybaha kale ee suuqa sida qaybta Maktabadaha kutubta lagu iibiyo, qaybta loo yaqaano Cabdale Shideeyaha iyo qaybta loo yaqaano suuqa hilibka.

1/10/07 Maxaabiis dhan 17,765 oo laga sii daayay xabsiyada Itoobiya. iyo Kumaan u dhashay S/galbeed oo xabasiyadda kabuuxa cidina ka hadlin.
Jigjiga, September 30, 2007 (SG) - Munaasibaddii ciidda kun-guurada saddexaad ee Itoobiya awgeed, ayaa waxaa dowladda federaalka iyo dowlad-degaanaduba ay cafis u fidiyeen baxaabiis dhan 17,765. Cafiskan ayaa lagu dhawaaqay laguna beegay munaasibadda sannadka cusub ee 2000 ee Itoobiya sannadkan oo bilaabmay September 12, 2007.

30/9/07 MAXAY UN-tu ARAGTAY? SIDAYse ITOOBIYA UGA JAWAABTAY? DADKA SOOMAALIGALBEED MA U CUNTANTAY WARBIXINTII QARAMADA MIDOOBAY?.
Warbixintan ayaan ku eegi doonnaa wixii ay qoreen inay arkeen guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee loo diray dhulka Soomaaligalbeed dhammaadkii bisha August ilaa horraantii bishan September kana soo saareen safarkoodii ay ku tageen dhulka Soomaaligalbeed si ay usoo ogaadaan dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee rejiimka Itoobiya ku abuuray dadka Soomaaligalbeed. Waxa kale oo aan eegi doonaa sida ay dadka Soomaaligalbeed u arkeen natiijadii safarka guddiga, iyo sida gabbood falayaashu uga jawaabeen

29/9/07 Dad Shacab ah oo ciidamadda gumaysigu ku laayeen deegaano ka tirsan gobalka Dhagaxbuur.
Wali waxaa dhulka lagumaysto ee S/galbeed kasocda xasuuqii ay kuhayeen caadamadda gumaysiga Itoobiya kuwaasoo bilihii ugu dambeeyaya halkaa ka waday xasuuq aan horay isagoo kale usoo marin dadka gobalkaa dagan ee lagumaysto.

26/9/07 Suuqa weyn ee Islii oo intiisa badan maanta xidhan
Suuqa weyn ee kuyaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ee looyaaqaao Islii ayaa maanta gabi ahaanba xidhmay kadib markii uu saaka halkaa ka dhacay qalalaase u dhaxeeya ciidamadda Poliska dalka Kenya iyo kooxo dhalinyaro muslimiin ah kuwaasoo ka cadhaysnaa goob lagu qaban jiray muxaadarooyin diini ah iyo doodo u dhaxeeya Culimadda Musliminta iyo kuwa masiixiga oo qashin lagu shubay.

21/9/07 Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Midawga Jabhada Xoraynta S/Galbeed.
Ujeedo: Taageerid Tirakoobkii gudiga xaqiiqa raadinta ee UN ee loo diray S/Galbeed .

Qayla dhaan ay Mas'uuliyiinta Agoonta S/galbeed kasoo saareen xaalad nololeedka Agoonta oo ku aadan Bisha Ramadaan.
KU: Dhamaan walaalaha ehlu khayrka ah.
Afuri qof sooman ajirkiisa oo kale aad heshide.

Warbixin ku saabsan magaalada Faafan.


Magaalada Faafan ayaa waxa ay ku taallaa dhul 31km galbeed ka xiga magaalo madaxda degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxaanay ku taallaa badhtamaha togga Faafan ee loogu magac daray iyada isla markaana waxa ay magaaladani leedahay magac kale oo ay caan ku tahay magacaasi oo ah "Dhagaxle".

16/9/07 Faahfaahinta qaraxii kadhacay Magaaladda Jigjiga.
Qarax weyn ayaa xalay goor ay saacaddu tahay abbaaro 9:30 fiidnimo waxa uu ka dhacay albaabka geerash ku yaalla xaafadda shanaad ee magaalada Jigjiga.

war dagdag ah: Qarax caawa kadhacay magaaladda Jigjiga.
Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Jigjiga ee Xarunta Soomaaligalbeed. Qaraxan ayaa waxa uu dhacay abbaaro 9:30 saacadda Afrikada Bari.

Bayaankii ka soo baxay Shirweynaha Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya gabo gabadiisii.
Gabo gabadii Shirweynaha Xoreynta iyo Dib U Soo Nooleynta Soomaaliya ayaa waxa laga soo Saaray Bayaan ka kooban 14 qodon waxaana lagu sheegay Bayaankaas oo Carabi ku qornaa Qodobo ay ka mid yihiin:-

Weerar xoogan oo caawa lagu qaaday Ciidamada degan Isgoysyada Aadan Cadde iyo midka Howl-Wadaag ee M/Muqdisho.
Abaarihii 11:25 ilaa 11:40 fiidnimo ee caawa ayaa waxa uu dagaal xoogani ka bilowday inta u dhaxaysa Isgoyska Aadan Cadde iyo midka Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

14/9/07Xafladii Xiritaanka Shirweynaha ka socda Asmara oo goordhaweyd la soo gabagabeeyay. Xafladaan oo galabta abarihii4:00pm ee galabnimo bilaabmatay ayaa goordhaweyd abaaro 9:10pm soo gaba gabowday, xafladan oo si heer sere ah loo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb galay,Aamiin Maxamed oo ah Xoghaya Guud ee Jabhada Shacbiga ee Dimuqraadiyada iyo Cadalada ee marka magaceeda la soo gaabiyo ah(PFDJ), iyo masu'uuliyiin ka socota safaarado carbeed oo ay kamid tahay,Safaarada Sucuudiga iyo Qadar, iyo Safaarado Reer galbeed ah intaba, waxaana xafladaas kalmado kooban ka soo jeediyay,Labada mas'uul ee u sareeya ISbahaysiga Xoraynta Soomaaliya, Sh.Shariif Sh.Axmed iyo Shariif Xasan Sh.Aadan.

Xarunta Expo ee Shirweynaha ISbahaysiga uu ka socdo oo maanta Si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Assiyas Afawarki
Maanta abaarihii 10:30am ee barqanimo ayaa Madaxweyne Dalka Eritrea Assiyas Afawarki, waxa si kulul loogu soo dhaweeyay Hoolka uu ka Socdo Shirweynaha Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolaynta Soomaaliya ee Magaalada Asmara, iyada oo sacab iyo farxad ey is qabsatay markii uu Madaxweyne Assiyas uu soo galay hoolka shirka isaga oo labada dhinac ay ka socdaan labada Masu'uul ee ugu sareeya Isbahaysiga Xoreynta iyo Dib-U- Soo Noolaynta Soomaaliya, Sh. Sharrf Sh. Axmed iyo Shariif Xasan Sh.Aadan.

Sh. Shariif Sh. Axmed oo noqday caawa Hogaanka U sareeya ee Isbahaysiga lagu dhisay Asmara ee dalka Eritrea.
Sh. Shariif Sh. Axmed oo noqday caawa Hogaanka U sareeya ee Isbahaysiga Xoraynta iyo Dib-U-Soo Noolayanta Soomaaliya, halka Shariif Xasan Sh.Aadan loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha, Golaha Dhexe ee Isbahaysiga, iyada oo aan la dooran, Gudoomiye Ku xigeen.

12/9/07 Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Maamulka dhadhan raaca ee wadanka S/galbeed ayaan looga dabaal degin sanad guurada 2000 gumaysiga Itoobiya.
Dadka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ayaan haba yaraatee lala socodsiinin wax dabaal dag ah oo loo samaynayo sannadka cusub ee Itoobiya inkastoo dadku ay niyaddooda ku jirtay in la isugu yeedhi doono bannaanka weyn ee badanaa lagu sameeyo dabaal dagyada Itoobiya

10/9/07 Jandayi Frazer oo digniin kulul u soo jeedisay wadanka Eritria, iyo Eritria oo waxkama jiraan ku tilmaantay.

Mareykanka ayaa soo saaray digniintii ugu cusleyd oo uu u jeedinayo dowlada Eritrea, taageerada ay siinayso siday yiraahdeen islaamiyiinta Soomaaliya xilli Asmara uu ka socdo shir ay leeyihiin mucaraadka Soomaalida.

8/9/07 Hargaysa oolagu xiray Nin u dhashay S/galbeed.
Wararka naga soo gaadhay Magaaladda Hargaysa ayaa sheegaya in nin u dhashay Dhulka S/galbeed ay Xabsiga u taxaabeen Maamulka Hargaysa, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu hubka ka iibsan jiray Haweenay ay wada daganaayeen Xaafad. Ninkan ayaa magaciisa naloogu sheegay C/laahi Shukri oo loo yaqaaney Gacan. wuxuuna u dhashay Magaalada Fiiq.

Gudoonka Ardayda S/galbeed ee Wadanka Yemen oo Cambaarayn u soojeediyay Ururka Onlf. Madaxa ardayda soomaaligalbeed ee wadanka yaman oo ku hadlaya magaca ardayda soomaaligalbeed ee sanca, ayaa sikulul u cam baareeyay dhaawaca iyo dilalka ay Onlf u gaysatay qaar kamid ah mujaahidiinta S/galbeed waxuuna ku billaabay

Muqaawamada Muqdisho oo xalay weerar ku qaaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh garoonka Muqdisho Stadium.
Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday Fariisimada ciidamada Ethiopia ay ku leyihiin garoonka Stadium Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray.

Shirka Asmara oo si habsmi leh u socda maalintii saddexaad iyo Goledhexe oo la dooranayo.
Waxaa maanta si weyn logu falanqeeyey shirka sidii soomaali loo heshiisiin lahaa loogana faaiidaysan lahaa bisha barakeysan ee Ramadaan.

5/9/07 Gumaadka shacabka S/galbeed oo maalinba maalinta kadambaysa kasii daraysa.
waraka naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa sheegaya in maalmahan ciidamadda Gumaysigu ay shacab badan ku gumaadeen deegaano ka mid ah gobalka Dhagaxbuur.

Waxaad Qarsataa wuu ku qarsadaa! Wardegdeg ah: Jabhadda Onlf oo dhaawac halis ah u gaysatay mujaahid kamid ah ciidanka Mujaahidiinta S/galbeed. Waxaa duleedka Tuuladda Galaalshe ee Gobolka Nogbeed 03/09/2007 ay cutub ONLF ah weerar kusooqaadeen Nin Mujaahida oo katirsan Guutada Sayd Maxamed C/le Xasan ee Mujaahidiinta UWSLF ( MJXSG) ee kahawlgala aaga galbeedka, kaasoo fasax kujoogay reerkiisii.

Budhcadnimada Booliiska Federaalka & Bahdilaanta bulshada iyo Booliiska Soomaaliyeed.
Waxaa sii kordhaysa isfahan darrada ka dhex taagan booliiska Degaanka Soomaalida iyo booliiska Federaalka ee Itoobiya. Booliiskan ayaa nimanka madaxda u ahi ay sheegeen inay booliiska Soomaalida gacan ka siinayaaan dhinaca nabadgelyada.

3/9/07 81 Arday oo u dhalatay Wadanka S/galbeed oo ka qalin jabisay kulliyad Caafimaad oo ku taala Jigjiga.
Jigjiga, September 03, 2007 (SG) – 81 arday ayaa ka qalin jabisay Kulliyad Caafimaad oo kutaala Magaalada Jigjiga. Ardaydan oo usoo dhaban adaygay dhibaatooyinkii ay kamid ahaayeen dhaqaaloxumida, cadaadiska iyo cabsigalinta intii ay waxbarashadooda dhiganayeen ayaa saaka ku guulaystay shahaadada Diploma-da.

2/9/07 Qaar kamid ah hay'adaha UN-ta oo safar xaqiiqo raadis ah ugu ambabaxay Gudaha S/galbeed.
jiga. September 02, 2007 (SG) – Iyada oo ay isa soo tarayso gabbood fallada ay ciidamada militariga Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan dhulka Soomaaligalbeed, ayaa qaar kamid ah laamaha hay'adaha Qaramada Midoobay ay qorsheeyeen safar ay ugu baxayaan gudaha wadanka s/galbeed, safarkaasi oo noqon doona mid xaqiiqo raadis ah.

30/8/07 Weeraro bambaano oo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Koox hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa caawo ilaa iyo labo bambo oo nuuca gacanta laga tuuraa waxa ay ku tuureen hotelka weyn ee Manchester ee ku yaala bartamaha magaaladaasi Baydhabo.

Weerar lagu qaaday dhismihii hore ee Warshada Tolmada ee degmada Hodan.
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa caawo fiid hore waxa ay weerar hubeysan ku qaadeen dhismihii hore ee Warshada Tolmada ee degmadaasi Hodan ee magaalada Muqdisho.

28/8/07 Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Bandow ku soorogay Magaalada Jigjiga.
Jigjiga, August 28, 2007 (Soomaaligalbeed) - Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Degaanka Soomaalida ayaa bandoo lagu soo rogay. Bandoogan ayaa waxa uu mamnuucayaa isusocodka dadka iyo gaadiidka ee.

27/8/07 Xisbiga Dabaqoodhiga ee Deegaanka S/galbeed oo xilka qaadis kusameeyay xubno iyaga kamid ah.
Jigjiga, August 27, 2007 (Soomaaligalbeed) - Shir muddo afar maalmood ah uga socday Xisbiga talada Degaanka haatan haya ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida (SPDP) ayaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii Xisbigaasi, Cabdi Cali Shagax.

Sadex Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxyo iyo Rasaas Maanta ka dhacay Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha.ugu yaraab sadex ruux ayaa ku geeriyootay 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib werar loo adeegsaday banbanooyin xiriir ah oo maanta ka dhacay wadada isgoyska H/wadaag ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaan ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaqii dhinaca ganacsiga ee suuqa iyo gadiidkaba.

Sadex Ruux oo Labo ka mid ah ay Ardey ahayen oo ku geeriyooday Qarax Saaka ka dhacay Xaafadda Gubta ee Muqdisho.
Labo ardey ayaa ku geeriyootay qarax saaka ka dhacay meel ku dhow goob wax laga barto oo ku taala deegaanka Gubta ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah halka ruux kale oo raydi ahna uu isna ku geriyooda qaraxaasi saaka ka dhacay deeganka Gobta.

Eritrea oo ku baaqday in loo daayo Somalida in ay nabadeeyaan dalkooda.
Madaxweynaha dalka Eretrea Esias Afewerki ayaa maanta sheegay inay muhiim tahay in arimaha Somalia loo daayo dadka somalida ah, si ay dhibaatooyinkooda ugu xalistan hanaanka iyagu ay doonaan.

25/8/07Qarax bambaano oo saaka lagu weeraray ciidamo Ethiopian kuwaasi oo marayay agagaarka suuqa xoolaha.
Kooxha kasoo horjeeda jogitaanka ciidamada caloshod u shaqastayaasha ayaa weeraro loo adeegsaday bam gacmeedyo iyo basuukayal ku qaaday ciidamo Ethiopian ah oo saakay ku sugnaa qeybo ka mid ah suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Labo ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta oo ku dhaawacmay qaraxyo lala beegsaday Hotel Lafweyn.
Labo ka mid ah odayaasha ka qayb qadanaya shirka dib u heshiisiinta ayaa ku dhaawacmay weerar bambaano oo Kooxo aan la garaneyn ay xalay ku qaadeen Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ergooyinka Somaalida.

IFJ oo cambaareysay dilkii loo geystay Wariye ka tirsan Idaacadda Banadir.
Ururka suxufiyiinta caalamiga ee IFJ ayaa shalay cambaareeyey dilkii loo geystay suxifi Soomaaliyeed oo u shaqeenayey idaacad gudaha ka howlgasha oo lagu dilay gobolka Gedo, iyadoo IFJ ay sidoo kale ku baaqday talaabo caalami ah oo laga qaado mashaqada ka aloosan Somalia halkaasoo weriyaasha ay noqdeen bartilaameedka ugu horeeya ee rabshadaha sii baahaya.

19/8/07 Meydadkii Sadexdii Qof ee ay Tigreegu ka Afduubtey Magaalada Dallaad oo Ka Tirsan Gobolka Qoraxey , oo Laga helay Duleedka Magaalada Dallaad.
Shalay 17-08-07 ayaa laga helay maydka Sedexdan Qof ee rayidka ahaa duleedka magaalada Dalaad, dadka oo ku noolaa magaaladda Dalaad ee gobolka Qoraxay, ayay afduubeen ciidamada gumaysigu Bilawgii Bishan August.

Qaban qaabo balaadhan oo kasocota wadanka K/Afrika.
Johannesburg: wararka ka imanya magaaladda johanesburg ee Dalka K/Afrika ayaa sheegaya in qaban qaabo balaaran loogu jiro soo dhaweynta fadhiilatu sheekh maxamed cabdi umal oo lafilayo in uu gaaro wadanka k/afrika maalinta barito ah.

Laantii Shirkadda Warbaahinta HornAfrik ee magaalada B/weyne oo albaabada loo laabay.
Maamulka cusub ee dhawaantani loo maga caabay gobolkaasi Hiiraan ee dhaca bartamaha wadanka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhuftay xaafiis warareedkii idaacada HornAfrik ay ku la hayd gobolkaasi iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay ilaa iyo labo wariye oo ka tirsanaa idaacada halkaasina ka howl-galayey.
Mas'uuliyiinta maamulka uu hogaamiyo Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaano "Yuusuf Dabageed" ayaana la tilmaamay in uu amarkaasi ka soo baxay goor dambe oo galabtaa.

Japan oo ugu deeqday 1 milyan USD UNHCR Ethiopia.
Addis Abab, August 19, 2007 (Soomaaligalbeed) Dawladda Japan ayaa ugu deeqday 1 milyan USD oo ah deeq barnaamijka 2007 ee Itoobiya, deeqdaasi oo ay ku howl gali doonto Hay'adda u qaabilsan Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Askari katirsan ciidamada Police-ka jigjiga oo toogasho lagu dilay.
Jigjiga, August 16, 2007 (Soomaaligalbeed) Askari ka tirsan ciidanka booliiska federaalka ayaa saaka toogasho lagu dilay duleedka magaalada Jigjiga. Akarigan ayaa dhac u gaystay nin ganacsade ah kaddibna markii loosoo gurmaday ninkii ganacsadaha ahaa ayuu askarigan la dilay diiday inuu isu dhiibo booliiska.

Dhibaatadda ay ciidamada gumaysigu ku hayaan shacabka s/galbeed. Muddadii 7aadka ahayd ee lasoodhaafay.

Itoobiya oo Markale isu Muujisay Inay Ka Xumaatay Dilkii Madaxda Hornafrik.
Soomaaligalbeed, August 15, 2007. Itoobiya ayaa markale isku muujisay inay ka xuntahay dilalkii lagula kacay qaar kamid ah madaxda warbaahinta Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay falkii Sabtidii la soo dhaafay lagu dalay mas'uulkii idaacadda iyo telefishanka HornAfrik, Cali Iimaan Sharmaarke iyo wariye kale oo ka mid ahaa madaxda idaacadda Mahad Axmed Cilmi.

14/8/07: Dagaal culus oo duleedka Tuulada Galaalshe, ku dhex maray Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed iyo Ciidamadda gumaysiya.
Waxaa maalmahan sii xoogaysanaya dagaalada dhex maraya Mujaahiidnta MJXSG,iyo ciidamadda gumaysiga Itoobita dagaalkii ugu dambeeyay waxa uu shalay ka dhacay duleedka Tuuladda Galaalshe ee gobalka Nogbeed.

Waxaa usuura galay warsidaha Soomaaligalkbeed.co inuu khadka isgaadhsiinta waraysi kula yeeshe Madax xafiiska Ciidanka UWSLF Taliye: Sh Shukri Cabdi Wali asagoo jooga saaxada Jihaadka .
Taliyuhu waxuu kudhashay Dagmada Salaxaad abaarihii 1965 waxuuna yaraantii bartay Qur,aanka kariimka ah kadib waxuu uqaxay wadanka soomaliya 1979 waxuna wax kubartay xeryihii qaxootiga ee Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi , taliyuhu waa Sheekh kutakhasusay Culuumta Shareecada waxuuna ka akhrinjiray meelo kamida Soomaaliya Tafsiirka Qur,aanka kariimka ah iyo Culuum kaleba sidookale waxuu akhrinjiray khudhbadaha jimcaha.

13/8/07: Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda oo lagu eedeeyay inay dambiyo dagaal ka galeen gudaha wadanka Somaaliya.
Hay'adda Human Rights Watch ee u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in ciidamada Ethiopia iyo KMG ah ee ku sugan Somalia ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya.

12/8/07: Warsaxaafadeed ay soo saareen MJXSG, oo ka hadlaya dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay dhexmaray Mujaahidiinta iyo ciidmadda Gumaysiga Itoobiya.
Dagaaladii kaqarxay 10-08-2007 Aaga Gobalka Nogbeed gaar ahaan saldhiga CEELA OBO ee dhexmaray Mujaahidiinta MJXSG iyo Gumaysiga Tigreey ee kusugnaa saldhigaas

Dagaalo culus oo maalintii labaad ka soconaya deegaanka Ceela Obo, oo ka tirsan gobalka Nogbeed.
Dagaallo xooggan ayaa la sheegayaa inay maalintii labaad ka soconayaan degaano ka tirsan gobalka Nogbeed, kuwaasoo ku dhow magaalo madaxda gobolka Fiiq, saaka aroortii hore ayay dadka magaaladda Fiiq dageni waxay noo sheegeen inay ku tooseen kooxa diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee ciidamadda gumaysiga.

11/8/07: Dagaal culus oo maanta ku dhexmaray Dagmadda Ceela Obo, ee gobalka Nogbeed, Mujaahidiinta S/galbeed, iyo Ciidamadda Gumaysiga Itoobiya.

Wararaka naga soo gaadhaya Dagmadda Ceela Obo, ee gobalka Nogbeed ayaa sheegaya in uu saaka 4 subaxnimo ee 10-08-2007 weerar kadisa ay ku qaadeen Mujaahidiinta MJXSG, saldhiga CEELA OBA oo ilaa 30 km dhanka koonfureed kaga aadan dagmada Baabili.

Waxaa si aan kala go lahayn noosoo gaadhadhaya Baaqyo ka imanaya jaaliyaadka S/galbeed iyo Soomaali weynata kalaba kuwaasoo Aad uga xumaaday dilikii ururka onlf ugaysta Mujaahid ka mid ah Mujaahidiinta ururka UWSLF.
Hadaanu nahay Shacabka Musliminta ah ee kudhaqan Gobalka Missouri Magaladisa Kansas city waxaan Canbaareyn kulul usoo jeedineynaa falka Masuuliyad daradda ah ee qaarka mid ah ururka Onlf ku kaceen inaalilahi wa inaa ileyhi raajacuun.

10/8/07: Wwarsaxaafadeed, ujeedo :canbaareeyn ku socota onlf, dilikii ay ugaysteen Mujaahid katirsan ururka, UWSLF.
Anigoo ah gudoomiyaha Jaaliyadda S/galbeed ee wadanka K/afrika kuna hadlaya magaceyga iyo kan jaaliyadda S/galbeed waxaan canbaareeynayaa uruurka onlf falkii xumaa eey u geysatay Mujaahidka Axmed dheeg guhaad ooy ku dishay degmadda Awaare ee gobolka Dhagaxbuur.

Tacsi, Canbaarayn iyo Baaq ay usoojeediyeen dhalinyaradda reer S/Galbeed ee ku nool UK ururada UWSLF iyo ONLF.
Anigoo kuhadlaya magaca dhalinyarada xaqa iyo xornimadda jecel ee soomaali galbeed kuna nool wadanka {uk}waxaan tacsi udiraynaa eheladii ,qaraabadii iyo waliba walaalahiisi xaq udirirka ahaa ee uu kageeriyooday axmed deeq geedi oo ah mujaahid si wayn looga yaqaanay wadanka gudahiisa sida laxaqiijiyayna ku caan baxay geesinimo iyo karti dheeraad ah waxaan ilaahayga raxmaanka ah uga baryaynaa inuu janatul firdowsa geeyo.

9/8/07: Booliiska Gumaysiga ee magaaladda Jigjiga, oo jidh dilay nin dhagaha wax ka qaba oo xaaladiisa aad looga dayrinayo.
Jigjiga, August 09, 2007 (Soomaaligalbeed) Booliiska Federaalka ee gumaysiga ayaa si xun u jidh dilay nin dhagaha ka xanuunsanaya. Ninkan dhagaha ka xanuunsanaya ayaa wakhti habeennimo ah soo galay garoonka diyaaradaha oo ay waardiyeeyaan booliiska federaalku.

Ardada Soomaali galbeed ee wax ka barata dalka Sudan, oo si weyn u cambaaraysay falkii ay kukaceen ururka onlf.
dhamaanba inta danaysa arimaha Somali galbeed iyo iyo halganka ka socda waxaan canbaarayn usoo jeedinaynaa cidii gaysatay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay agagaarka awaare ee dagmada dhagax buur.

Midawga Jabhada Xoraynta S/Galbeed Xafiiska Madaxtooyada oo War Saxaafadeed kasoosaaray dilkii mid ka mid ah Mujaahidiintooda.
Date:09/09/2007:Ujeedo: Cadayn Ku saabsan ONLF oo dishay Mujaahid ka mida Mujaahidiinta S/Galbeed.

8/8/07: Boqolaal Ciidamadda gumaysiga ah oo lasoo dhoobay wadooyinka waawayn ee Magaaladda Jigjiga.
Ciidamo faro badan ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waawayn ee magaalada Jigjiga. Ciidamadan ayaa ah kuwo isugu jira militariga iyo booliiska Federalka.

7/8/07: Gar gaar deg deg ah oo la weydiistayJaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan.

07 Aug 07 (Xogta.com) - Cismaan Xalane Xasan waa wiil yar oo Afar jir ah, waxa uu dhashay isagoo aan laheyn wax gacmo ah, taasoo dhibaato xoogan ku abuurtay

Shir ayaa saaka loo qabtay Guddida Xaafadaha Jigjiga.
Jigjiga, August 07, 2007 (Soomaaligalbeed) Shir ayaa saaka loogu yeedhay xubno ku magacaaban guddida nabad galyada ee xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jigjiga isla markaana waxa gudidaasi shir loogu qabtay hoolka shirarka ee magaalada Jigjiga.

Dowlad ku sheegta wakiilka uga ah gumaysiga Tigrega-degaanka Soomaaligalbeed, oo sheegtay inay dhisayso 500 guri.
Jigjiga, August 07, 2007 (Soomaaligalbeed) Dowladd ku sheegta Degaanka Soomaalida ayaa ka dhisaysa 500 oo guri degaanka Soomaalida.

6/8/07faahfaahin qaraxyadii shalay ka dhacay jigjig Hal qof ayaa ku dhintay dad kabadan 15 qofna way ku dhaawacmeen
Bam aad u xoog badan oo aan ilaa imika la xaqiijin nooca uu yahay ayaa waxa uu 11.00 ku qarxay suuqa loo yaqaanno Taiwanta gaar ahaan dhinaca galbeed ee dhismaha xarunta isgaadhsiinta telefoonada ee ETC. Dadka ku dhaawacmay ayaa intooda badan jidhku gubtay waxaana loola cararay cusbitaalka Kaaraamardha ee magaalada Jigjiga.

Golaha Senate-ka Maraykanka oo dalbay in baadhitaan lagu sameeyo Xasuuqa Degaanka Soomaalida & EU-da oo caawimo siisay Itoobiya
.Midowga Yurub ayaa ugu deeqay 5 milyan oo lacagta Euro-da ah Itoobiya. Deeqdan lacageed oo u dhiganta lacag dhan ilaa 60 milyan oo birta Itoobiya ah ayaa loogu talo galay dadka tabaalaysan ee Itoobiya

5/8/07: War Degdeg ah : Qarax weyn oo daqiiqado ka hor gilgilay Magaalada Jigjiga, Qaraxan ayaan wali la garanayn meeshuu ka dhacay laakiin qiiq weyn ayaa isku shareerey cirka wuxuuna u muuqdaa qaraxu inuu ka dhacay suuqa hoose ee Magaalada JigJiga. Dhaawaca ayaa hadda lageynayaa Isbitaalka waxaana magaalada iska soo buuxiyay Ciidanka Fadaraalka, isku socodkuna wuu yaraaday hadda. waxaa la arkayaa dad gubtay oo lagu sii wado Dhakhtarka weyn ee Jigjiga.
wixii ka soo kordha dib ayaan idin kala socodsiinaynaa

Baabuur badan oo shacabku ay leeyihiin oo maalmahan magaaladda Jigjiga ciidamadda Gumaysigu ka kaxaysteen.
Booliiska Federaalka ayaa ururinayaa dhammaanba gaadiidka dadka ee ku arkaan waddooyinka waawayn ee magaalada Jigjiga. Gawaadhida marka ay arkaan booliisku ayay kaxaynayaan iyada oo aan wax su'aal ah dirawaliinta la waydiin.

2/8/07: Soomaaligalbeed: murugo & muuqaal rajo
Maxaynu ku tilmaami karnaa xaaladda shacabka degaanka Soomaaligalbeed wakhtigan uu ku jiro?.

Xaaladda wakhtigan uu ku soo rugay guumaysiga Itoobiya shacabka degaanka Soomaaligalbeed waa mid ka muuqaal xun meelaha ay dhibaatooyinka bani'aadami-nimo kajiraan ee uu adduunku diiradda saaro sida Darfur, Ciraaq, Afghanistan iyo meelo kale oo lamid ahba,shacabka ku nool deegaanka ayaa lagu hayaa dacaddigii ugu ba'anaa ee abid soo mara.

1/8/07: Golaha dhaqanka beelaha Hawiye iyo saraakiisha Ciidamada Amisom oo muqdisho kulan ku qaatay.
Saraakiisha Ciidamada Uganda ee kusugan gobolka Banaadir ayaa ka la hadlay golaha midnimada beelaha Hawiye sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho.

Cali geedi oo si weyn uga carooday baaq kasoo yeeray qaar ka mid ah mudanayaasha barlamanka oo ku baaqay la xisbtanka xukumadiisa.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Somalia ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda kMG ah in uu soo fara galiyo muranka u dhaxeeya xukuumadda iyo Baarlamanka.

31/7/07: Ciidamadda Gumaysiga Itoobiya oo Dagmadda Awaare ee gobalka Dhagaxbuur ku gowracay xalay laba nin oo Shacab ah.
Shcabka ku dhaqan dhulka lagumaysto ee S/galbeed ayay ciidamadda gumaysigu ku hayaan gumaad, Xabsi, iyo cunaqabatayn laga joojiyay dhamaanba cunooyinka Daruuriga ah taasoo keentay in dadka bilaabeen hada inay gaajo u dhintaan.

30/7/07: Labo ka mid ah ciidamada booliska oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay goordhaweyd suuqa Bakaaraha.
Ugu yaaran labo askari ayaa ku dhaawacmay inta la ogyahay Qarax xoogan oo goordhaweyd ka dhacay wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Masuul u hadlaya Maxkamadaha islamiga ah oo si weyn uga digay khatar kusoo foole ummada soomaliyed.
Golaha maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed ayaa ka digay musiibo dhinaca bini aadanimada ah oo ku habsata shacabka Soomaaliyeed iyagoo sidoo kalena cambaareyn dusha kaga turay beelsha caalmka .

26/7/07: Tilifoonadii oo laga jaray 3 Magaalo oo ka mid ah dhulka S/galbeed ee lagumaysto.
Isgaadhsiinta tilifoonada gacanta lagu qaato ayaa laga gooyay oo ka maqan khadka muddo 2 todobaad ah magaalooyinka Faafan, Bambaas, iyo Gursum oo ka tirsan Gobolka Jigjiga ee Degaanka Soomaali Galbeed.

Magaaladda Jigjiga oo habeen xalay ciidanka gumayso baadhitaan xoogle ka sameeyeen dadna ku xidhxidheen.
Ciidamada Gumaysiga ayaa habeennimadii xalay waxay Jidgooyooyin dhigteen dhawr meelood oo ka mid ah Magaalada Jigjiga, halkaas oo ay ku baadhanayeen Baabuurta iyo Dadka intaba, meelaha ay Jidgooyooyinka dhigteen ayaa u badnayd waddooyinka waaweyn ee Magaalada Jigjiga sida Gantaroolka Wadada Harar, iyo Wadada kale ee tagta Dhakhtarka weyn ee Magaalada Jigjiga.

Eritrea Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Inay wax Taageero Hubka ah Siiso Kooxaha Islaamiyiinta Somalia
Dowlada Eritrea ayaa si kulul ugu gacan seyrtay eedeyntii guddiga Qaramada Midoobay ee la socoshada xayiraadda hubka ee Somalia, ay ku sheegeen in Eritrea ay hub u soo dirtay dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Soomaaliya.

26/7/07: Dad tiradoodu dhantahay 18 qof ayaa cudurka daacuun caloolaha ugu dhintay Dagmadda Sagag, ee gobalka Nogbeed.
Deegaano ka mid ah dhulka lagumaysto ee S/galbeed, ayay dad badani ugu dhimanayaan Gaajo, iyo Cuduro waxayna arintani ka dambaysay kadib markii ciidamadda gumaysiga Itoobiya ay dhulkaa ku soo rogeen cunaqabayn.

Ogaysiis muhiim ah!

25/7/07: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Eastern Cape ee wadanka koonfur afrika, Waxey ogeysiineysaa dhamaan Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka koonfur afrika iney ka soo qayb galaan kulan balaaran oo looga hadlayo dhibaatada, Cuna qabataynta, Dilka, DHaca, Boobka, kufsiga, iyo Ka Saaridda Hay'adda Samafalka , ee ay ciidamada Itoobiyaanku ku hayaan shacabka ku nool dhulka S/Galbeed ee lagumaysto.

Waa maalinta: axadda 29-07-07
Saacadu Waa: 1:30pm -3:00pm duhurnimo
Meeshuna Waa: sahan Restaurant
Korsten Port Elizabeth

Xaalada cunaqabataynta iyo cadaadiska ay kuhayaan ciidamadda gumaysigu shacabka S/galbeed oo gaadhay heerkii ugu saraysay.
Dawladda Itoobiya oo sii laba jibaartay Cunaqabatayntii ay ku haysay Shacabka Soomaaligalbeed iyadoo Hay'adihii cunnada gaynlahaa dhulkaasna ku amartay inay Degaanka kaga baxaan muddo 7 cisho ah.

Dawlada Kenya oo shaaca ka qaaday in ay dib u furayso xirirki dhinaca hawada ee ay horay uga joojisay dhanka soomaliy.
Mas'uul u hadlay dowladda Kenya ayaa shaaca ka in xukumada Nairobi ay dhawan ku tala jirto in ay qeyb ahaan qaadi qaado xayiraadii ay saartay duulimaadyadii uga imaan jirey dalka Somalia.

10 ruux oo sadex boolis ay tahay oo ku dhaawacmay qarax saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha.
in ka badan 10 ruux oo labo ka mid ah ay boolis yihiin ayaa ku dhaawacmay qarax bam oo saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

23/7/07 Maxaabiista Xabsiyada Muqdisho ee laga qafaalay fagaarayaasha oo lagu kala iibsanayo shan kun oo dollar.
Dadkii ugu horeeyay ee ka mid ahaa kumanaan maxbuusiina oo u xiran DFKMG ayaa laga sii daayay xabsiyadda Muqdisho kadib markii ay eheladooda ka bixiyeen lacago laaluusha oo ugu badnaan gaarayay shan kun oo dollar,ugu yaraana sedex kun oo dollarka Mareykanka.

Xilbaanada kusugan magaaladda Baydhabo oo maanta ka dooday mooshin la xiriira la xisaabtanka xukuumadda Cali Geedi.
Baarlamaanka kusugan magaaladda baydhabo oo maanta kulan isugu yimid magaaladaas ayaa ka dooday mooshin ku aadan sixitaanka howlaha Baarlamanka iyo la xisaabtanka xukuumadda, iyadoo qoraalo dheeri ah oo arintaasi ku aadan loo qeybiyay Mudanayaasha Baarlamanka.

Mid ka mid ah Ciidamada Dowladda oo ku Dhaawacmay Weerar Bam oo Caawa lagu qaaday Saldhigga Deg. Yaaqshiid.
Askari ka tirsan ciidamada police-ka ayaa ku dhaawacmay weerar bam oo caawa fiidkii lagu qaaday saldhigga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Tuulada Xodoyo ee gobalka Wardheer, oo ay gubeen ciidamada gumaysigu dadna ay kulaayeen.
Ciidamadda gumaysiga Itoobiya ee haysta dhulka S/galbeed ayaa shacabka halkaa dagan ku haya gumaad, cunaqabatayn iyo Barakicin intaba.