HOME // WARAR // TAARIIKH // MAQAALLO // FAALLO // CONTACT US

Somali links
Islamic Links
Qaamuus.net
Xornimo.com
Addacwah.com
Halgan.net
Aflax.net
Altaqwaa.com
Boqolsoon
Khalid Mosque
Islamonline
Learn about Isl.
Hanuun
Risaala
Quran
Waano.net
Masjid Abubakar

ANAGA IYO XABASHI

TAARIIKHDA DAHSOON EE SOOMAALIDA & XABASHIDA
TAARIIKHDA CASRIGA AH JAMHUURIYADDA ..............
SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA 1960 - 1997 -W/Q:Abu-cabdishakuur

Taxanaha Halganka S/galbeed Waxaa Diyaariyey Mujaahidiinta S/galbeed

QABSASHADII 1-AAD EE XABASHIDU QABSATAY S/GALBEED


Dagaallada dhexamarayey Xabashida iyo shacabka S/galbeed oo ay hoggaaminaysay Imaaraddisii Islaamiga ahayd ee Harar waxay ahaayeen kuwo guushu ay tahay kala rog-rogasho inta badana ay raacaysay Muslimaiinta ilaa ay ka timaaddo faragalintii xoogagga reer Yurub oo ay matalayeen Bortaqiiska iyo Talyaaniga. Sii akhri


QABSASHADII INGIRIISKA EE S/GALBEED

Shirkii Berlin(Jarmalka) sannadkii (1884-1885) ee lagu qaybsanayey dhaxalkii dawladdii (Khilaafadii) Islaamka ee sii taag daraanaysay siiba qaaradda Afrika. S/galbeed waxay gacanta u gashay gumaysigii Ingiriiska oo waddanka ku soo galay heshiis ilaalin ah oo uu la galay odayaasha S/galbeed sanadkii 1886 iyo 1888 taasoo (haysigaas ) socotay illaa iyo 1954-kii markii....Sii akhri


QABSASHADII 2-AAD EE XABASHIDA

Sannadkii 1948-kii Ingiriisku wuxuu Xabashida ku wareejiyay waddanka S/galbeed, isagoo abaal gud uga dhigaya:
1- Doorkii ay Xabashidu ka qaadatay la dagaalankii kacdoonkii Mahdiga ee Suudaan oo ay Ingiriiska gacan ku siisay sidii looga takhallusi lahaa kacaankaas.
2- Ballan qaadkii ay balan qaaday inay Muslimiinta deriska la ah ku qasbi doonto inay...... Sii akhri


DHAQ-DHAQAAQYADII JIHAADIGA & GOBONIMADOON EE S/GALBEED

1- Jihaadkii Sayid Maxamed C/lle Xasan (1900-1921) oo mar kaliya la wada dagaallamayey gumaystayaashii qaybsaday ummadda Soomaaliyeed ee xabashidu horgalka u ahayd. Sayidku wuxuu dhigay wacdaro lagu xasuusto guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed isagoo noqday ninkii ugu horreeyay ee Afrikada madow lagula dagaalamo .. Sii akhri

MALYUUN QAXOOTI AH OO SOO GALAY SOOMAALIYA

Si ay ugu baxsadaan gumaad kaga imaan lahaa nidaamkii ku caan baxay arxan darada ee kaligii taliyihii Mingiste waxay dadka S/galbeed u soo jabeen dhanka walaalahoodii Soomaaliyeed waxana lagu soo dhaweeyay xeryo Qaxooti oo laga furay waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo gaadhay ilaa 21-xero oo ku kala baahsanaa....Sii akhri



DHAQ-DHAQAAQYADII CULIMADA S/GALBEED EE XERYIHII QAXOOTIGA

Runtii ma ahayn wax sahlan gudashada waajibaadka horyiilay ducaadaas oo ku dhex noolaa xukuumad aad xaasaasiyad uga qabta wixii dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ah. Iyadoo ay taasi jirtay hadana waxay ku talaabsadeen mudadii ay dhisnaayeen xeryihii qaxootigu howlo waa weyn oo ay ka mid ahaayeen...... Sii akhri



DIB U SOO NOQOSHADII QAXOOTIGA

13 sano oo ay qaxootigaasi la noolaayeen walaalahooda soomaaliyeed kadib waxaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dhacay dagaalladii sokeeye ee bur-buriyay wax walba aakhirkiina sababay in xukunka laga tuuro dawladdii Siyaad Bare. Dagaalkaas oo qaatay qaab qabyaaladeed waxaa dadkii S/galbeed qasab ku noqotay in ay dib ugu noqdaan hoygoodii. Dadku waxay guryahoodii ku soo laabteen iyagoo aad u dhibaataysan markii......Sii akhri

JABHADDA TIGREEGA

Waa jabhad ku abtirsata qowmiyada Tigreega ee degta waqooyiga shishe ee Itoobiya. Qowmiyadaasoo aan tirsigeedu ka badnayn 3 milyan. Jabhaddaasi waxay ku caan baxday nacaybka ay u qabto diinta Islaamka iyo dadkeeda, waxayna haysataa ORTHODOX-ka oo ah mad-habta ay haystaan SEERBIYIINTA gowracay Muslimiinta....... Sii akhri



BALLAN QAADYADII TIGREEGA

Kadib markii la eryay kaligii taliyihii Mingiste ee ay jabhadaha Tigreegu (TPLF) qabsatay xukunka Itoobiya bishii May 1991-kii waxay qowmiyadahii ku hoos dulmanaa nidaamyadii hore ee Itoobiya soo xukumi jiray ugu baaqday cadaalad iyo Dimoqraadiyad taasoo ay ku heleen kalsooni farabadan ilaa ay arintu gaadhay...... Sii akhri



BALLAN KA BAXII TIGREEGA


Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo kordhayey awoodda iyo taageerada uu ururka Itixaadka S/galbeed ku dhex yeelanayay shacabkiisa taasoo aan farax galinin Tigreega oo ay waliba weheliso daba ka riixa kaga imaanayey masiixiyadda caalamiga ah oo ururka u arkeysay inuu caqabad ku yahay danaha ay..... Sii akhri



MARXALADIHII UU SOO MARAY JIHAADKA KA SOCONAYA S/GALBEED

(B)- Isku daygii Dabar goynta Mujaahidiinta [11/08/92-dhamaadkii sanadkaas]

Tigreegu waxay ugu horrayntiiba ku khaldameen qiimaynta ay saareen dagaalka ay la gali doonaan Mujaahidiinta S/galbeed iyagoo ka qiyaas qaadanaya dagaaladii ay horey ugu soo guulaysteen ee ay la galeen qowmiyadaha kale. Dagaalkaas tigreegu waxey....... Sii akhri



(t) Isku daygii iska horkeenka shacabka iyo mujaahidiinta [01/01/93-----Okt.1993-kii]

kadib markii cadawgu u ku guul daraystay inuu xoog ku maquuniyo Mujaahidiinta wuxuu uga wareegay talo siyaasadeed oo uu islahaa wax bay kaaga qaban doontaa daminta dabka uu shiday. Wuxuu abaabulay doorashooyin lagu samaynayo ismaamul gobolleed taasoo....... Sii akhri



(j) Ololihii Dagaalka Eee Balladhnaa [April 1994--------Feb/95 ]

Wixii ka danbeeyay dagaalladii 1992-kii cadawgu wuxuu yaqiinsaday in arrintu ka culustahay sidii uu malaynayey, loona baahanyahay in la sameeyo daraaso dheer, sahammo fara badan iyo diyaar garow weyn si loo wajaho khatar ay u arkayeen inay kaga soo fool leedahay dhanka Mujaahidiinta S/galbeed cadawgu wuxuu qaylo dhaan iyo kaalmaba........ Sii akhri



(x) Marxaladihii xabbad joojinta (hudnadii) [ Feb. 1995------23/10/95-kii ]

kadib markii cadogu ku guul daraystay dagaaladii isla markaana ay soo gaadhay khasaarooyin waaweyn iyo bur-bur ciidan ayaa wuxuu qal qaaliyay wax garadka S/galbeed isagoo ka codsaday inay abuuraan jawi wada hadal oo ay wax ka qabtaan amaan darada ka jirta waddanka dhamaadkii Janaayo 1995-kii ayaa shir weyne waxuu......... Sii akhri



(kh) Dagaaladii oo mar kale soo cusboonaaday [23/10/95----imminka ]

muddadii 8-da bilood ahayd ee ay jirtay xabad joojintu waxay mujaahidiintu uga faa'iidaysteen inay qaateen tababaro adag oo noocyo kala duwan leh iyo diyaar garow aad u sareeya. Markii xabad joojintaasi bur-burtay...... Sii akhri



(d)-Marxaladdihii deris kula galgalashada

sida caadada u noqotay xukuumadihii xukunka Itoobiya isaga danbeeyey kuwaasoo mar kasta oo uu xanuujiyo kacdoonka shacabka S/galbeed u ekaysiin jiray in mushkiladdu tahay mid u dhaxeysa dalal daris ah, uguna soo qaadi jirtay weerarro aan geedna loogu soo gabbanin ayaa....... Sii akhri



GUULAHA UU GAARAY JIHAADKA

Runtii waa arrin la is weydiin karo waa maxay illaa iyo hadda natiijooyinka la taaban karo amaba faa'iidada leh ee kasoo baxay jihaadka hadda ka socda S/galbeed? kahor intaynaan ka jawaabin su'aashaas waxaa mudan in la ogaado in dagaalku sidiisaba..........Sii akhri

Dhinaca S/galbeed waxaa jira:


1. tiro badan oo shuhaddo ah.
2. kumanyaal agoontoowday
3. boqollaal haween ah oo waayey ragoodii (Araamilo), walaalahood iyo wiilashoodii.
4. Boqollaal qof oo laga eryay degaannadoodii iyo guryahoodii.
5. Boqollaal la dhacay hantidoodii iyadoonay jirin wax sabab oo loogu mar-marsooday.
6. Boqollaal meel ay jaan iyo cidhib dhigeen aan illaa iyo imminka war loo hayn oo ay ugu danbaysay in Tigreegu qabteen.
7. Boqollaal jidh-dil, rarasho, xadhig, farxumayn iyo ciqaab nooc walba leh loo gaystay......... Sii akhri


DADAALKII AY MUJAAHIDIINTU U GALEEN MIDAYNTA HALGANKA SHACABKA S/GALBEED

Ugu horrayn waxaa mudan in la ogaado in midnimadu ay tahay waajib diini ah oo faranyahay qofkasta oo Muslim ah. Waxaa kale oo ay Mujaahidiinta S/galbeed aaminsan yihiin in midnimo la'aanteed aanay jirin....Sii akhri

Ku Dhawaaqidii
MIDAWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED

Mujaahidiinta S/galbeed marna kamayna daalin inay ugu yeedhayaan jabhadaha ku hawlan halganka S/galbeed inay midoobaan iyagoo dareensan sida ay midnimadu u tahay waajib ay diintu farayso dadka Muslimiinta... (Sii akhri)

 


Halgankii Ma dhamaanin

Halkaan ka aqriso Journalka Geeska Afrika Cadadka 91/92/93

Home | Taariikh | Warar | Faalo | Maqaalo | Contact us
Copy right © Soomaligalbeed 2006 Email: Webmastar@soomaaligalbeed.com Website: http://www.soomaaligalbeed.com