SOOMAALIYAY
DHAGARAHA MARAYKANKA IYO DHOOHANAANTEENA.
Ninka
Gabiga nagu soo dunshow sow ku garan mayno!.
Qaybtii
1aad- Arinta maanta soomaaliya ka taagan iyo balaayada aloosan ee
dhanwalba saamaysay, waamid u baahan in si qoto dheer loo baaro, loogana
baaraan dago,halka mushkiladu ka jirto, oo ay salka ku hayso, isla markaana
la ogaado cidda dahsoon ee sida dadban lugtas ugu leh.
Inta
aynaan daaha ka faydin cidda wajiga soo qarsatay ee inta ugu badan ka
dambaysay aafooyinka soomaaliya ka dhacay, bal aynu horta dib u milicsano
inta ay gaarsiisan tahay iyo baaxadda ay leedahay masaa'ibta ummadda
lala beegsaday.
Hadal
kama taagna in taliskii soomaaliya ka jiray uu gaystay gumaad iyo gaboodfalyo
aan laxisaabi Karin, oo ay adag tahay in laga garbaxo, ha noqdaan godobihii
laga galay culimadii la laayay, dhibaatadii loogaystay dadkii gobolada
mudug iyo nugaal, ama dambiyadii laga goboladii Waqooyi, waxyaabihii
ka dhacay gobolada Jubbooyinka iyo ugu dambayn gardarooyinkii lagula
kacay guud ahaan ummadda soomaaliyeed.
Eedo
badan oo ummaddii loo talinayay laga galay way jirteen, laakiin marnaba
lama barbardhigi karo waxii dhacay qaran jabkii kadib. Oo waxaa si aan
kala go' lahayn sanka isu saaray aafooyin iyo masiibooyin midba mida
kale ka xanuun iyo laxaw badan tahay. Dagaalo aan dhammaanayn iyo colaado
aan meel ay usocdaan iyo meel ay kasocdaan lagaranaynin oo dhammaantood
magac qabiil huwan, isla markaana uu holaca dagaalku wada gubay dhammaan
goboladda iyo degmooyinka soomaaliya.
Waxaas
oo idil miraha ka dhashay ee laga gurtay ayaa ah waxyaabo badan oo ku
beeraysa murugo iyo uurkulaalo qof walba oo dareen islaamnimo leh.
Miraha
dhibaatadaas ka soo baxay ayaa ah:-
1-
Burburkii qaranimo iyo maamulkii dowladnimo oo gabi ahaan meesha ka
baxay, oo dibad iyo gudaba ay ummaddii lamid noqotay agoon dayacantay
oo gun mudatay, cadawgeediina u noqotay hilib bisil.
2-
Jiridii iyo mooryaantii la soo adeegsaday waxay baa bi'iyeen oo ay cagta
mariyeen dhamaan kaabayaashii dhaqaale ee at umaddu lahayd iyo hay'adihii
ka shaqayn jiray danihii bulashada.
3-
umadii oo laka dilay, lana dhex dhigay dhiilo iyo colaado horseeday
in lakala qoqobmo, oo ay ka samaysmeen maamul gobaleedyo ku salaysan
qabiil.
4-
qiyaastii laba milyan oo dad ah ayaa ka qaxay wadanka oo qaarkood cuduro
iyo gaajo ugu ledeen wadooyinkii ay kusii qaxayeen halka kuwakalana
ay darxumo iyo silic ay kuqabsadeen xeryihii qaxootiyadda ee wadamadda
dariska ah, sida, Kenya, Itoobiya iyo Yamen, qaar ka mid dadkaas ayaa
iyaguna maciinsaday inay ucararaan nafna ka dayaan wadamo badan oo kukala
yaala daafaha Aduunka, sida Yurub, Ameerika,Ustareeliya iyo Aasiya.
5-
waxaa intaas dheer dhibaatooyinka loo gaysay dalkoodii ay uga qaxeen
dagaaladda sokeeye iyo mustaqbal xumida ay kukeeni doonto Faca dambe
ee dadka Soomaaliyeed, taasoo ah sunta Nukleerka ee lagu aasay meelo
badan oo ka mid ah Badaha Soomaaliya.
Qaybtii
2aad- Waxaas oo dhibab ah iyo kuwo kale oonan halkan ku sookoobi
karin, oo ummaddeena ku habsatay, waa su'aale yay tahay cidda baas ee
ka dambaysa?! Mise waxaan leenahay waa arimi iska dhacay. Waxaa hubaal
ah in noloshan aysan kajirin wax iska dhaca, ee khar iyo sharba haday
dhacaan ay ku dhacaan qadarta Alle.
Alle
(swtc) waxuu inoo cadeeyay in waxii dhaca xumaan iyo samaan ay leeyihiin
sabab. Innagana sababtaas baa la inooga baahan yahay inaynu baadhno.
kadibna mushkiladda jirta xal u raadino.
Marka
si aynu u helno arinta gundhiga u ah mushkiladda ummaddeena haysata,
waxaa lama huraan ah, inaynu ogaano in balaayadu labo dhinac ka soo
jeedo. oo hadaynu rabno inaynu daawayno aan mid walba gaar ahaanteeda
u abaarno oon u dawayno.
Mushkiladda
koowaad oo ah mid kasoo jeeda ummaddeena, gacanteedana ay kula timid,
ayaa gundhig u ah dayacid ladayacay, diinta Alle inoo soo dejiyay iyo
sida foosha xun ee loo gacan bidixeeyay. Iyadoo ay dawadeedu tahay,in
culimaddu u sara kacdo sidii bulshada diinta loogu soo dabaali lahaa,oo
inta dadka diintooda labaro, Iimaankana quluubtooda laga dharjiyo, lagu
hago hanaanka ISlaamnimada.
Mushkiladda
labaad ee ummadeena ku habsatay ayaa ah shirqool ay gaaladu maleegeen
oo ay dabino ugu dhigeen ummaddeena, waxuuna xalkeedu noqonayaa, in
marka hore daawo loo hello mushkiladii hore, maxaa yeelay marka umadu
diinteeda si dhab ah uqabsato,oo ugu dhaqanto waxay helaysaa awood iyo
adayg ay kaga hortagto isagana caabiso shirqoolada iyo khayaamooyinka
ay gaaladu la maaganyihiin mana dhacdo inay umadi unuglaato balaayooyinka
lala maaganyahay haday isku xidhantahay. Bal waxay noqonaysaa mid baraarugsan
oo feejigan waxkasta oo xaga gaalada uga imanayana ku eegaysa fiiro
taxadar leh.
Inkastoo
xalku sidaa yahay,hadana waxaa lagama maarmaan ah inaynu daaha ka faydno,
oo dabulka ka qaadno cida dahsoon ee qaska iyo jaha wareerka ku haysa
arimaha Soomaaliya, taasoo inoo horseedaysa inaan ogaano heerka ay gaadhsiisantahay
cadaawada gaaladu inoo hayaan, iyo haadaanta ay inoogu tala galeen inay
inagu tuuraan, si aynu aduun iyo aakhiraba u seegno.
Ogaanshaha
arintaasi waxay dhalinaysaa in cidii dareen islaanimo iyo danqasho iimaan
leh uu intuu baraarugo fadhigana ka kaco, una tafa xayto, ujilib dhiga
dagaalka dhabta ah ee ay gaaladu umadeena kula jirto, isagoo ku tala
galaya in uu wajiga ka faydo qaababka kala gadisan ee loo maldahayo
khiyaamadda cadowtooyo ee ay gaaladu uhayaan
Back