SOOMAALIYAY DHAGARAHA MARAYKANKA IYO DHOOHANAANTEENA.

Ninka Gabiga nagu soo dunshow sow ku garan mayno!.
Qaybtii 1aad- Arinta maanta soomaaliya ka taagan iyo balaayada aloosan ee dhanwalba saamaysay, waamid u baahan in si qoto dheer loo baaro, loogana baaraan dago,halka mushkiladu ka jirto, oo ay salka ku hayso, isla markaana la ogaado cidda dahsoon ee sida dadban lugtas ugu leh.

Inta aynaan daaha ka faydin cidda wajiga soo qarsatay ee inta ugu badan ka dambaysay aafooyinka soomaaliya ka dhacay, bal aynu horta dib u milicsano inta ay gaarsiisan tahay iyo baaxadda ay leedahay masaa'ibta ummadda lala beegsaday.

Hadal kama taagna in taliskii soomaaliya ka jiray uu gaystay gumaad iyo gaboodfalyo aan laxisaabi Karin, oo ay adag tahay in laga garbaxo, ha noqdaan godobihii laga galay culimadii la laayay, dhibaatadii loogaystay dadkii gobolada mudug iyo nugaal, ama dambiyadii laga goboladii Waqooyi, waxyaabihii ka dhacay gobolada Jubbooyinka iyo ugu dambayn gardarooyinkii lagula kacay guud ahaan ummadda soomaaliyeed.

Eedo badan oo ummaddii loo talinayay laga galay way jirteen, laakiin marnaba lama barbardhigi karo waxii dhacay qaran jabkii kadib. Oo waxaa si aan kala go' lahayn sanka isu saaray aafooyin iyo masiibooyin midba mida kale ka xanuun iyo laxaw badan tahay. Dagaalo aan dhammaanayn iyo colaado aan meel ay usocdaan iyo meel ay kasocdaan lagaranaynin oo dhammaantood magac qabiil huwan, isla markaana uu holaca dagaalku wada gubay dhammaan goboladda iyo degmooyinka soomaaliya.

Waxaas oo idil miraha ka dhashay ee laga gurtay ayaa ah waxyaabo badan oo ku beeraysa murugo iyo uurkulaalo qof walba oo dareen islaamnimo leh.

Miraha dhibaatadaas ka soo baxay ayaa ah:-

1- Burburkii qaranimo iyo maamulkii dowladnimo oo gabi ahaan meesha ka baxay, oo dibad iyo gudaba ay ummaddii lamid noqotay agoon dayacantay oo gun mudatay, cadawgeediina u noqotay hilib bisil.

2- Jiridii iyo mooryaantii la soo adeegsaday waxay baa bi'iyeen oo ay cagta mariyeen dhamaan kaabayaashii dhaqaale ee at umaddu lahayd iyo hay'adihii ka shaqayn jiray danihii bulashada.

3- umadii oo laka dilay, lana dhex dhigay dhiilo iyo colaado horseeday in lakala qoqobmo, oo ay ka samaysmeen maamul gobaleedyo ku salaysan qabiil.

4- qiyaastii laba milyan oo dad ah ayaa ka qaxay wadanka oo qaarkood cuduro iyo gaajo ugu ledeen wadooyinkii ay kusii qaxayeen halka kuwakalana ay darxumo iyo silic ay kuqabsadeen xeryihii qaxootiyadda ee wadamadda dariska ah, sida, Kenya, Itoobiya iyo Yamen, qaar ka mid dadkaas ayaa iyaguna maciinsaday inay ucararaan nafna ka dayaan wadamo badan oo kukala yaala daafaha Aduunka, sida Yurub, Ameerika,Ustareeliya iyo Aasiya.

5- waxaa intaas dheer dhibaatooyinka loo gaysay dalkoodii ay uga qaxeen dagaaladda sokeeye iyo mustaqbal xumida ay kukeeni doonto Faca dambe ee dadka Soomaaliyeed, taasoo ah sunta Nukleerka ee lagu aasay meelo badan oo ka mid ah Badaha Soomaaliya.

Qaybtii 2aad- Waxaas oo dhibab ah iyo kuwo kale oonan halkan ku sookoobi karin, oo ummaddeena ku habsatay, waa su'aale yay tahay cidda baas ee ka dambaysa?! Mise waxaan leenahay waa arimi iska dhacay. Waxaa hubaal ah in noloshan aysan kajirin wax iska dhaca, ee khar iyo sharba haday dhacaan ay ku dhacaan qadarta Alle.

Alle (swtc) waxuu inoo cadeeyay in waxii dhaca xumaan iyo samaan ay leeyihiin sabab. Innagana sababtaas baa la inooga baahan yahay inaynu baadhno. kadibna mushkiladda jirta xal u raadino.

Marka si aynu u helno arinta gundhiga u ah mushkiladda ummaddeena haysata, waxaa lama huraan ah, inaynu ogaano in balaayadu labo dhinac ka soo jeedo. oo hadaynu rabno inaynu daawayno aan mid walba gaar ahaanteeda u abaarno oon u dawayno.

Mushkiladda koowaad oo ah mid kasoo jeeda ummaddeena, gacanteedana ay kula timid, ayaa gundhig u ah dayacid ladayacay, diinta Alle inoo soo dejiyay iyo sida foosha xun ee loo gacan bidixeeyay. Iyadoo ay dawadeedu tahay,in culimaddu u sara kacdo sidii bulshada diinta loogu soo dabaali lahaa,oo inta dadka diintooda labaro, Iimaankana quluubtooda laga dharjiyo, lagu hago hanaanka ISlaamnimada.

Mushkiladda labaad ee ummadeena ku habsatay ayaa ah shirqool ay gaaladu maleegeen oo ay dabino ugu dhigeen ummaddeena, waxuuna xalkeedu noqonayaa, in marka hore daawo loo hello mushkiladii hore, maxaa yeelay marka umadu diinteeda si dhab ah uqabsato,oo ugu dhaqanto waxay helaysaa awood iyo adayg ay kaga hortagto isagana caabiso shirqoolada iyo khayaamooyinka ay gaaladu la maaganyihiin mana dhacdo inay umadi unuglaato balaayooyinka lala maaganyahay haday isku xidhantahay. Bal waxay noqonaysaa mid baraarugsan oo feejigan waxkasta oo xaga gaalada uga imanayana ku eegaysa fiiro taxadar leh.

Inkastoo xalku sidaa yahay,hadana waxaa lagama maarmaan ah inaynu daaha ka faydno, oo dabulka ka qaadno cida dahsoon ee qaska iyo jaha wareerka ku haysa arimaha Soomaaliya, taasoo inoo horseedaysa inaan ogaano heerka ay gaadhsiisantahay cadaawada gaaladu inoo hayaan, iyo haadaanta ay inoogu tala galeen inay inagu tuuraan, si aynu aduun iyo aakhiraba u seegno.

Ogaanshaha arintaasi waxay dhalinaysaa in cidii dareen islaanimo iyo danqasho iimaan leh uu intuu baraarugo fadhigana ka kaco, una tafa xayto, ujilib dhiga dagaalka dhabta ah ee ay gaaladu umadeena kula jirto, isagoo ku tala galaya in uu wajiga ka faydo qaababka kala gadisan ee loo maldahayo khiyaamadda cadowtooyo ee ay gaaladu uhayaan


Back