![]() |
||
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||
|
|
Waxaan Akhristayaasha Webkan Soomaaligalbeed ogaysiinaynaa inaad bogan kahelidoontaan Maqaal dheer oo uu cinwaankiisu yahay Ninkii gabinaga nagu soo dunshow sow ku garan mayno! oo uu inoo soodiyaariyay walaalkeen Warsame Naaleeye Xasan. Hadaba waxii talo bixin ah ama dhaliil ah ee aad kala ku lantaan inta aad akhriyaysaan Maqaalkan waxaad fariimahiina ugu diri kartaan qoraaga = E-mailka cirsankayer@hotmail.com ama Webmaster@soomaaligalbeed.com Sidoo kale maqaalku waxuu ku soobixi doonaa si taxane ah, oo hadba qayb la soo bandhigi doono Inshaa Allaah. Maqaalkiina waxuu kubilowday Sidan:-
Inta aynaan daaha ka faydin cidda wajiga soo qarsatay ee inta ugu badan ka dambaysay aafooyinka soomaaliya ka dhacay, bal aynu horta dib u milicsano inta ay gaarsiisan tahay iyo baaxadda ay leedahay masaa'ibta ummadda lala beegsaday. Hadal kama taagna in taliskii soomaaliya ka jiray uu gaystay gumaad iyo gaboodfalyo aan laxisaabi Karin, oo ay adag tahay in laga garbaxo, ha noqdaan godobihii laga galay culimadii la laayay, dhibaatadii loogaystay dadkii gobolada mudug iyo nugaal, ama dambiyadii laga goboladii Waqooyi, waxyaabihii ka dhacay gobolada Jubbooyinka iyo ugu dambayn gardarooyinkii lagula kacay guud ahaan ummadda soomaaliyeed. Eedo badan oo ummaddii loo talinayay laga galay way jirtay, laakiin marnaba lama barbardhigi karo waxii dhacay qaran jabkii kadib. Oo waxaasi aan kala go' lahayn sanka isu saaray aafooyin iyo masiibooyin midba mida kale ka xanuun iyo laxaw badan tahay. Dagaalo aan dhammaanayn iyo colaado aan meel ay usocdaan iyo meel ay kasocdaan lagaranaynin oo dhammaantood magac qabiil huwan, isla markaana uu holaca dagaalku wada gubay dhammaan goboladda iyo degmooyinka soomaaliya. Wuu socdaa Maqaalkan ee hamoogaanin.....
|
|
| Home | Taariikh | Warar | Faalo | Maqaalo | Contact us | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 | Email: Webmastar@soomaaligalbeed.com | Website:
http://www. soomaaligalbeed.com |