 |
Ciidamada
Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta s/galbeed oo Weerar Dhabo
Gal ah ku qaaday Gaadiid ay Leeyihiin Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada
Mujaahidiinta Midowga Jabhada xoraynta S/galbeed ayaa weerar dhaba
gal ah ku qaaday labo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada gumaysiga
itoobiya , oo marayay Tuulada Higlaale Biir oo katirsan Degmada
Dhanaan ee Wadanka S/galbeed.30/6/08
|
 |
Xoogagga
mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu lahaa
Yuusuf Dabageed
Xoogagga
mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu lahaa
Yuusuf Dabageed oo mar horey u ahaa guddoomiyaha maamulkka gobolka
Hiiraan.30/6/08
|
 |
Mid
kamid ah wasiirada Dowlada Kumeelgaarka ah oo ku gacan Saydhay
Degmooyin uu Magacaabay C/hi yuusuf
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Muuse Nuur Amiin ayaa ku gacan
seyray magacaabistii shalay ee madaxweyne uu Yuusuf uu magacaabay
lix degmo oo lagu biiriyey degmooyinka gobolada Galgaduud iyo
Mudug.30/6/08
|
 |
Dagaal
Xoogan oo Xalay Kadhacay Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Dagaal
ayaa xalay habeenkii labaad ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka
Galgaduud halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah oo
labo maalin ka hor halkaas gaaray.30/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Kabaxay Degmooyinka Dhowr ah oo kuyaala
Wadanka S/galbeed.
Ciidamada
Gumaysiga itoobiya ayaa ka baxay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala
gudaha wadanka s/galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin Degmooyinka
Xamaro iyo Dhagaxmadow, oo ka kala tirsam Gobolada Dhagaxbuur
iyo Nogob ee dhulka S/galbeed.29/6/08
|
 |
Ciidamaga
Gumaysiga Itoobiya ee Kusugan Magaalooyinka Dhagaxbuur, Araarso
iyo Cobole oo u soo baxay Dhanka Bohollo.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka Araarso Cobole iyo
Dhagaxbuur ee wadanka s/galbeed ayaa usoo baxay dhanka Togga Faafaneed
gaar ahaa Dhanka Bohollo.29/6/08
|
 |
Magaalada
Guriceel ee Gobolka Galguduud oo uu Dagaal Xoogani xalay kadhacay.
Habeenkii
xalay ahaa ayaa waxa uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada Guri
ceel ee Gobolka Gal-Guduud Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed
iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo shalay halkaasi gaaray.29/6/08
|
 |
Magaalada
Baladwayne oo ay Ka khudbadeeyeen Madax sare oo ka tirsan Isbahaysiga
Dib Uxoraynta Soomaaliyeed.
Madax sare oo katirsan Isbahaysiga Dib uxoraynta Soomaaliyeed
ayaa gaarey xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyne ka dib markii
ciidamo xoogan oo ka tirsan MMI Soomaaliyeed shalay gebi ahaanba
si buuxda ula wareegeen magaalada Baladweyne.29/6/08
|
 |
Magaalada
Jigjiga ee Dhulka S/galbeed oo Lagu Xiray Hoggaankii Golaha Arrimaha
Islaamka ee Isla magaaladaas.
Waxaa
magaalada Jigjiga lagu xidhay Hoggaankii Golaha Arrimaha Islaamka
ee Jigjiga Shekh Cumar Faarax, Sheekh Cumar Faarax ayaa laga qabtay
xilli uu ku sugnaa Xafiiska Goluhu ku leeyahay magaalada Jigjiga.28/6/08
|
 |
Dilal
kala duwan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Dad Shacab
ah ay ku dhinteen.
Dilal
kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo illaa
seddax qof oo rayid ah siyaabo kala duwan loogu dilay qeybo kamid
ah magaalada Muqdisho.28/6/08
|
 |
Xoogagga
Mujaahidiinta Al-shabaab oo La wareegay Gacan ku heynta Degmada
Xudur.
Xoogagga
Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Xudur kadib
dagaal saakay ciidamada dowladda iyi xoogagga hubeysan ee Al-shabaab
ku dhexmaray degmadaas.28/6/08
|
 |
Dowlada
kenya oo Amar kubixisay In laxidho Idaacada Maxaliga aha ee lagu
Magacaabo kass.fm
kass.fm
waa idaacad maxali aha oo kutaala maagalada nairobi taas oo kahowlgasha
goobo badan oo kamid ah wadanka, iyadoo ku hadasha luuqada
kalenjinta ayaa waxaa logu eedeeyay in ay kaqaybqaadatay dagaaladi
hadheeyay wadanaka kenya horaantii sanadkan.
27/6/08
|
 |
Nin
hubaysan oo afka soo duubtay oo ciyaal ku laayey magaalada Kismaayo.
Kismaayo:-Nin
afka iyo indhaha soo duubtay ayaa caruur ku laayey magaalada Kismaayo
ee xarunta Jubada Hoose, ninkaan ayaa waxaa uu weerar ku soo qaaday
gurigii ay caruurtaan deganaayeen waxaan uu ku furay rasaas ,rasaasta
uu furay waxaa ku dhintay 2 caruur ah halka 2 kalena uu ku dhaawacmeen.
27/6/08
|
 |
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Estren Cape ee wadanka South Africa oo kaqayb
galay Xaflad Wayn oo lagu qabtay Magaalada Grahamston.
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee dalka k/afrika oo ka heshay martiqaad dawladda
k/afrika ayaa xalay kaga qeyb gashay furitaanka (NATIONAL ARTS&CULTURE
FESTIVAL) oo ka furmay magaaladda GRAHAMSTOWN ee Gobolka Eastern
cape ,shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 15 kun
oo ruux oo ka kala yimid dacaladda wadanka k/afrika ,waxaa kale
oo ka soo qeyb galay madaxda dawladda qeebaheeda kala duwan iyo
uruuradda bulshadda.27/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho oo Hoobiyaal
lagu Garaacay.
Tiro
hoobiyaal ah ayey kooxaha ka horjeeda dowladda waxa ay ku weerareen
xaruntii hore ee warshadda Baastada oo fariisin u ah cutubyo ka
tirsan ciidamada Ethiopia ee jooga gudaha Soomaaliya.26/6/08
|
 |
Baadhitaan
ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kasameeyeen Magaalada Jigjiga
oo Dad badan oo Shacab ah Lagu Xidh xidhay.
Baadhitaannadii
habeen hore ka socday Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu qabqabtay
dad aad u tiro badan oo Shacab ahaa kuwaas u badnaa haween iyo
dad waayeel ahaa, baadhitaannadan ayaa si wada jir ah waxaa u
samaynayay Ciidamada Guumaysiga iyo Booliska Jigjiga iyagoo dadka
waydiinaya Waraaqaha Aqoonsiga qofkii ay ka waayaana xabsiga u
taxaabayay.26/6/08
|
|
|
Hay'adda
WFP oo Raashin mucaawino ah u qeybisay Dad Soomaaliyeed oo ku
dhibaateysan qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe.
Hay'adda
WFP ayaa raashin mucaawino ah u qeybisay dad Soomaaliyeed oo ku
dhibaateysan qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe, xilli ay sii kordhayaan
dadka u geeriyoonaya gaajada iyo cudurada ka jira dalka Soomaaliya.26/6/08
|
 |
Isbahaysiga
Dib Uxoraynta Soomaaliyeed ee uu Fadhigoodu yahay Asmara oo War
bixin dheer Kasoo saaray Haysashada Dhulka Soomaaliyeed.
Sida
la wada ogsoon yahay, laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii 2006dii
wax aa loo geystay Soomaaliya masiibooyin shisheeye soo maleegay
oo ay sii murgiyeen hagrasho iyo danayn la aan adduun weynaha
oo dhegaha ka furaystay baaqyo isdaba jog ah ee hayadaha
Sama-falka iyo catawga Soomaalida la bara-kiciyay oo tabaalaysan
intaba.25/6/08
|
 |
Golaha
Dhaqanka Beesha Hawiye oo Dowladda KMG ah ugu Baaqay in ay Dhibaatooyinka
Ka deyso Shacabka Soomaaliyeed.
Golaha
dhaqanka Hawiye ayaa dowladda KMG ah ugu baaqay in ay dhibaatooyinka
ka deyso shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay markii horeba
la daalaa dhacayeen dhibaatooyin isbiirsaday oo ka jira dalka
Soomaaliya.25/6/08
|
 |
Gaari
Rakaab ah oo ka yimid Dhanka Magaalada Galkacyo kuna sii jeeday
Magaalada Muqdisho oo kooxo Burcad ah ay Rasaas Kufureen.
Gaari
rakaab ah oo ka yimid magaalada Galkacyo kuna soo jeeday magaalada
Muqdisho ayey kooxo burcad ah tacshiirad ku huwiyeen meel u dhexeysa
deegaanada Fiidow iyo Jimbiley ee bartamaha gobolka Hiiraan.25/6/08
|
 |
Culumo
ku sheeg u Fadwooday Ciidamada Itoobiya In uusan xiligan jiri
Wax Jihaad ah.
Taliyaha
ciidamada gumeysiga itoobiya ee Gobolka Godey ee Dhulka S/galbeed
iyo dad lagu sheegay culimo ayaa maalin ka hor waxa ay isla qaateen
shir ay uga hadlayaan Ururada Xornimo doonka ah ee ka dagaalama
dhulka S/galbeed.24/6/08
|
 |
Xoogaga
mujaahidiinta soomaaliyeed oo Xoog ku qabsaday Goob Isbaaro ah
oo u tiilay Ciidamada DF.
Xoogaga
mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa weerar xoogan oo loo adeegsadey
hubka noocyadiisa kala duwan ku qaaday bar isbaaro oo ciidanka
DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya u taaley agagaarka kuliyada
jaale siyaad.24/6/08
|
|
URURKA
MJXSG OO TACSI TIIRAANYO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN
KUWA S/GALBEED GEERIDII NAXDINTA LAHGAYD EE KU TIMID SH IBRAAHIM
SH CABDALLAAH MAAX.

|
 |
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Dalka k/afrika oo tacsi tiiraanyo leh u diraysa
Ummadda Soomaaliyeed.
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey tacsi tiiraanyo leh u diraysaa
ummadda soomaaliyeed & qaraabadii & eheladii uu ka geeriyooday
mujaahidkii weynaa & qoraakii caanka ahaa sh. ibrahim cabdla23/6/08
|
 |
Nin
ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay waxa
ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha
Nin
ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay waxa
ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha meel ku dhow suuqa sarifka
ee Bakaaraha agagaarka daarta Cali Dheere.23/6/08
|
 |
Nin
Rayid ah oo lagu dilay Gudaha Magaalada Marka ee Xarun Gobolka
Sh/hoose
Nin
rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Marka ee xarun goboleedka gobolka
Sh/hoose, iyadoo dilka ninkaas loo adeegsaday falaar sida ay sheegayaan
wararka laga helayo magaalada Marka 23/6/08
|
 |
Dagaal
laysku Adeegsaday Tooriyo oo Kadhacay Magaalada Gaarisa oo ay
Dad ku Dhaawacmeen.
In
kabadan 3 ruux ayaa kudhaawacamay dagaal 2 saf ahaa ookadhacay
magaalada Gaarissa,
Dagaalkan oo kadhashay muran iyo is qab qabsi lahaan shaha dhul
deegaameed kuyaala magaladaas.22/6/08
|
 |
Xoogagga
Hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab
oo Ka Mamnuucay Kaganacsiga Jaadka...
Xoogagga
hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa amaro ku soo rogay qeybo
kamid ah gobolka Bay gaar ahaan deegaanka Bardaale . Xoogagga
ayaa mamnuucay ka ganansiga qaadka iyo keenistiida, waxaana sidoo
kalena ay mamnuuceen in haweenku ay shaaha ku iibiyaan waddooyinka
deegaanka Bardaale ee gobolka Bay.22/6/08
|
 |
Kooxo
hubeysan ayaa afduub u geystay madaxii hay'adda UNHCR ee magaalada
Muqdisho
Xasan Maxamed Cali oo ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala deegaanka
Ceelasha biyaha oo ah halka ugu badan oo ay ku barakeceen dadkii
ka cararay dhibaatooyinka ka aloosan magaalada Muqdisho.22/6/08
|
 |
Magaaladda
Adis ababa oo lagu Xidh xidhay Qaar kamid ah Madax Maamul Isku
sheega Kililka.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in halkaas lagu
qabqabtay Rag dhawr ahaa oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay
Maamulka Kililka. kuwaas oo markii dambe laga qaaday xilkii ay
hayeen. Raggan Addis Ababa lagu qabqatay ayaa waxaa ka mid ah
Hoggaankii Nabadgalyada ee hore Jamiil gaas iyo Mohamed Ibraahim
oo isna haystay Booliska Jigjiga.22/6/08
|
 |
DUQII
HORE MAGALADA GARISSA OO SHIL BAABUR KU GALAY INTA UDHAXAYSA BANGAL
IYO TULLA.
Duqii hore magalada garissa SIYAAD OSMAN ayaa shalay galay shilbabuur
mar uu marahayay meel udhaxaysa BANGAL IYO TULA shilkan ayaa ahaa
mid kadhashay markii ay islagaleen madaxa baabuur kuu watay siyaad
iyo gadhi dhameer marahay wadada dhaxdeeda meshaana waxaa ku naf
waayay wiil dhlin yara ahaa oo watay gadhi dameedka iyo waliba
dameer kiisiiba 20/6/08
|
 |
Wadanka
Eritria oo Kaqaatay Safaaradiisii uu ku lahaa Wadanka Jabuuti.
Wadanka
Eritrea ayaa ka qaatay safaaradiisii uu ku lahaa wadanka Djibouti,
ka dib markii uu dagaal ku dhex maray xadka u dhaxeeya labada
dal , isla markaasna laysku dayay in la dhex dhexaadiyo labada
dal oo ay Eritrea diiday in ay wax wada hadal ah la gasho Djibouti
.20/6/08
|
 |
Sh.
Salmaan Ibnu Cabdullahi Ibnu Fahad Al-Cawdah oo Booqasho ku yimid
Wadanka Koonfur Afrika.
Waxaa
dhawaan booqasho ku yimid wadanka Koonfur Afrika Sh. Salmaan Ibnu
Cabdullahi Ibnu Fahad Al-Cawdah, isagoo ka helay casuumad Shir
uu qaban-qaabiyay Machadka Waxbarashada iyo Dhiirigalinta ee Koonfur
Afrika Cilmi ee saldhigiisu yahay magaalada xeebta
ku taala ee Durban 13-16/06/2008. Shirkaas oo ay isugu yimaadeen
culumo kala duwan kana kala socday Ingiriiska, Maraykanka, Sacuudiga
iyo Koonfur Afrika19/6/08
|
 |
Maciishada
Daruuriga ah oo Cirka isku shareertay Magaalooyin Badan oo ka
mid ah Dhulka Soomaaligalbeed.
Maciishada
daruuriga ah ayaa mar kale cirka isku shareertay magaalooyin badan
oo ka mid ah Dhulka Soomaaligalbeed, iyadoo shay walba oo 3 jibaarmay
intii uu maalmo ka hor ahaa. Waxyaabaha ugu sii daran ee hadda
qiimahoodu korka u kacay ayaa ka mid ah cuntooyinka ay dadku quutaan
sida Bariiska, Saliidda iyo Daqiiqda.19/6/08
|
 |
War
Degdeg ah: Labo Nin oo U dhalatay Wadanka S/galbeed oo ay Maamulka
S/land U dhiibeen Gumaysiga Itoobiya.
Warar
lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in labo nin oo u dhalatay
wadanka s/galbeed ay maamulka S/land ka qabteen boosteejo baabuur
" Meel baabuurta laga raaco" oo ku taala magaalada Hargaysa.18/6/08
|
 |
C/raxmaan
Ibi oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku baxayaan Wakhtigii
loo qabtay.
Cabdi
Raxmaan xaaji Aadan Ibi oo xalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta
muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka
Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay dalka Soomaaliya
uga baxayaan mudadii loo qabtay iyaga oo aan hal maalina ku darsan.18/6/08
|
 |
Guddiga
Dib u heshiisiinta DF oo Markii ugu horeysay Ku baaqay In wada
xaajood lala galo Dagaalyahanada Hubeysan ee Ururka Al-shabaab.
Guddiga
dib u heshiisiinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay ku baaqay
in wada xaajood lala galo dagaalyahanada hubeysan ee ururka Al-shabaab
oo kamid ah xoogagga dagaalka kula jira dwladda KMG ah iyo ciidamada
Ethiopia. 18/6/08
|
 |
Baabuur
Shacab ah oo Ku gadoomay Inta u dhaxaysa Magaalooyinka Fiiq iyo
Baabili ee Wadanka S/galbeed.
Shil
Baabuur ayaa waxaa uu ka dhacay jidka u dhaxeeya Baabili iyo Fiiq
ee Dhulka Soomaaligalbeed, halkaas oo dadkii baabuurkaas saarnaa
intoodii badnayd ay soo gaadhay dhaawacyo sahlan, mana jirin qof
ku dhintay Shilkaas Baabuur.17/6/08
|
 |
Hawlgalkii
Ururka Codka Nabd raadinta Ogadenia uu ku Tagay Washington DC.
Ururka
codka nabad-radinta Ogadenia (Ogaden Voice for Peace-OVP) ayaa
hawlgal taariikhi ah socdayna muddo 6 maalmood kuna salaysnaa
baadigoobka xaqa aayo ka tashi ee gobolka Ogaden & u ololeynta
xuquuqda bulshada ku nool gobolkaa kaga soo noqday caasimadda
dalka maraykanka Washington DC.17/6/08
|
 |
Raisul
Wazaraha Wadanka Kenya mr RAILA ODINGA oo u Ambabaxay Wadanak
Maraykanka.
Raisul
wazaraha wadanka kenya mr RAILA ODINGA ayaa u ambabaxay wadanak
maraykanka halkaas oo lafilayo in uu laqaato shirar kaladuwan
xubno katirsan dowlada maraykanka ayada oo si;gaar aha farta loogu
fiiqayo in uu lakulmi doono ninka isudiyaarinhaya in uu noqdo
madaxwaynaha dalkaas BRAK OBAMA oo ay isku jifayihiin MR ODINGA
MR:ODINGA.17/6/08
|
 |
War
deg degah:
Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG oo Kudabaal degaya magaalada Galaalshe
Kadib markii ay Isaga Carareen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Galaalshe ee Gobolka
Nogbeed ee wadanka S/galbeed ayaa iska cararay magaaladaas oo
ay mudooyinkanba degenaayeen, kadib markii ay ciidamada Mujaahidiinta
MJXSG ay soo kor dageen magaaladaas..16/6/08
|
 |
Saraakiil
Ka tirsan Ciidanka Booliska DFoo Siminaar Siminaar Uga furmay
Magaalada Kambala ee Dalka Ugandha.
Saraakiil
ka tirsan ciidanka booliska dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu siminaar
uga furmay magaalada Kambala ee dalka Ugandha, iyadoo saraakiisha
siminaarka lagu bari doono waxyaabo badan oo quseeya ciidanka
booliska Soomaaliyeed.16/6/08
|
 |
Culumaa'udiinka
ku dhaqan Deegaanka Xarayaale ee Degmada Wardhiigley oo Ugu baaqay
Dowladda KMG ah in ay siidayso Mu'adinkii Masaajidka Xaafadda
Xararyaale.
Culumaa'udiinka
ku dhaqan deegaanka Xarayaale ee degmada Wardhiigley ayaa ugu
baaqay dowladda KMG ah in ay siidayso mu'adinkii masaajidka xaafadda
Xararyaale Sheekh Xuseen Muuse Hiraabe kaas oo todobaadyo ka hor
ay ciidamada dowladdu ka kexeysteen masaajidka Xararyaale.16/6/08
|
 |
Rabshado
Xalay Kadhacay Magaalada Kismaayo oo ay Dad ku dhinteen Qaarna
Kudhaawacmeen.
Dhimasho
iyo dhaawac ayaa ka dhashay habeenkii xalay ahaa magaalada kismaayo
kadib markii kooxo Maleeshiyaad ah ay weerar ku qaadeen Xero ciidan
oo ku taala Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.15/6/08
|
 |
Qaar
kamid ah Saraakiisha Ciidamada MMIS oo Shaaca Kaqaaday in ay Dagaalka
ay kala soo horjeedaan Gumaysiga Itoobiya ay Siiwadi doonaaan.
Saraakiisha
Ciidanka Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya
ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay sii wadayaan dagaalka ay kula
jiraan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah.14/6/08
|
  |
DAWLADAHA
KENYA IYO MASAR OO GAADHAY HESHIIS ISKAASHI OO DHANKA CAAFIMAAD
KA AHA.
Wadamada
Masar iyo kenya ayaa heshiis iskaashi dhanka caafimaadka ah gaaadhay,
kuwaas oo uu dhanka wadanka kenya shaaciyay waziirka caafimaadka
dalka kenya YAN YON isagoo uu wasiirku sheegay in heshiiskan ay
gaadheen labada dal ay faaiido wayn utahay wadanka kenya.14/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Kaguuray Gudaha Magaalada B/weyne.
Ciidamada
Ethiopia ee todobaadyadii ina dhaafay ku sugnaa gudaha magaalada
Baledweyne ayaa halkaasi faaruqiyey iyagoo ka guuray saldhigga
ciidanka ee magaalada Baledweyne iyo buundada Liiqliiqato oo dhawaanahaan
ay ku sugnaayeen.14/6/08
|
 |
Todobaadka
Iyo Shirarkii Magaalada Jigjiga oo Rag Caan ahaa Lagu xidhay .
Toddobaadkii
aynu soo dhaafnay bilowgiisii ayaa Shir waxaa uu uga furmay Madaxda
Kililka magaalada Jigjiga, Shirkan oo ahaa mid ay uga dan lahaayeen
Madaxda Guumaysiga la shaqeysa ee ku sugan Jigjiga inay ku ogaadaan
dadka iyaga ka soo horjeeda siyaasad ahaan isla markaana Guumaysigu
ku tuhmayo inay xidhiidh la leeyihiin Jabhadaha ka soo horjeeda
Maamulka Kililka ee ka dagaallama Dhulka S/galbeed.13/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dil iyo Xarigba kagaystay Tuulooyinka Firdiidaha,
Daalo
Tayawga iyo Dhankayrka.
9/6/08
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa dil iyo xarigba u gaystay dadka
ku dhaqan Tuulada FIRDIIDAHA oo katirsam magaalada GALAALSHE ee
Gobolka Nogbeed ee wadanka S/galbeed.13/6/08
|
 |
DORASHOOYIN
KII KURAASTA BAR LAMAAN KA DALKA KENYA GOOBIHII LAYSKU HAYSTAY
IYO MIISAANIYADA WADANKA OO LASHAACIYAY.
Lagabillaabo
shalay subaxnimadii illaa maanta galin kii hore ayaa waxaa socotay
codbixin loogu codayn hayay kuraas tii barlamaanka ee dhimanayd
ee ay gudiga doorashooyinka wadanka kenya dib udhigeen markii
ay arkeen isqabqabsi iyo amaan xumo kajirtay meelahaas12/6/08
|
 |
Maydad
Dad Soomaaliyeed oo Laga helay Xeebaha Jazeerada Malta Iyagoo
u socday Dhanka Yemen..
Meydadka
tahriibayaal Soomaali ah ayaa laga helay meel ku dhow jaziirada
Malta kadib markii ay soo caariyeen iyadoo meydadkaan la helay
ay qeyb ka yihiin tiro dad Soomaali ah oo weli nolol iyo geeri
aan lagu heynin.12/6/08
|
 |
Dagaal
Xooggan oo U dhexeeya Ciidamada Dowlada FD, Kuwa Ethiopia, Ciidamada
AMISOM oo Isku garab ah iyo Muqaawamada Soomaaliyeed oo Ka qarxay
Isgoyska KM4.
Dagaal
xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowlada, ciidamada Ethiopia, ciidamada
AMISOM oo isku garab ah iyo kooxaha ka horjeeda ayaa ka qarxay
isgoyska KM4 illaa wadada maka al-mukarama ee magaalada Muqdisho.12/6/08
|
 |
Dowladda
Ruushka oo Markii ugu Horeysay Shaaca Ka qaaday in ay Caawinta
Dadka Soomaaliyeed.
Dowladda
Ruushka ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay qeyb ka
qaadaneyso caawinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha
dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda
arrimaha dibadda Ruushka.11/6/08
|
 |
Dagaal
u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea oo Ka qarxay Xadka ay
Wadaagaan Labadaasi Dal.
Dagaal
u dhexeeya dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa ka qarxay xadka
ay wadaagaan labadaasi dal, kadib markii ciidamo ka soo goostay
dalka Eretrea ay gudaha u galeen dalka Jabuuti taas oo dhalisay
muran iyo isqabqabsi.11/6/08
|
 |
Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay oo Soo dhaweeyey Heshiiskii Dalka Jabuutgi
.
Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii
ay dhawaan dalka Jabuutgi ku gaareen dowladda KMG ah iyo isbeheysiga
dib u xoreynta Soomaaliya kuwaas oo muddo wada hadalo uu dhex
dhexaadinayey wakiilka gaarka ah ee Qaraama Midoobay ku lahaa
dalka Jabuuti11/6/08
|
 |
Dowladda
Mareykanka oo Soo dhaweysay Heshiiskii ay Dhinacyada Dowladda
KMG ah iyo Qaar kamid ah Isbeheysiga Dib u xoreynta Ku wada gaareen
Magaalada Jabuuti .
Dowladda
mareykanka ayaa soo dhaweysay heshiiskii ay dhawaan dhinacyada
dowladda KMG ah iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta ku wada
gaareen magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.11/6/08
|
 |
Wardegdeg
ah: In kabadan 100 qof oo suudaaniin ah oo caawa ku dhimatay
Diyaarad rakaab oo ay lahaayeen wadanka suudaan oo katimid dhanka
wadanka camaan oo uu dab qabsaday kuna gubatay garaanka khartuum
dhexdiisa.
Diyaaradan oo uu dabxoogan qabsaday kana qabsaday meeshii ay rakaabku
sasoo dagi lahaayeen ayaa sababay in uu dadkii diyaarada ku jiray
oo 200 oo qof ahaa ay u sooro gashashay in ay 100 00 kaliya ay
kabad baadaan intii kalana ay ku geeriyooto diyaatada gudaheeda.
Ciidamada Dab damiska wadanka Suudaan ayay usuuro gali wayday
in ay diyaaradaas damiyaan oo ay badbaadiyaan rakaabkii ku dhex
xayirmay gudaha diyaarada.11/6/08
|
 |
Xabsiga
Lagu Magacaabo Neefdiid ee Kuyaala Magaalada Dhanaan oo 20 qof
in kabadan Lagu xidh xidhay.
Ciidamada
gumaysiga Itoobiya oo ay lashaqaynayaan qaar calooshood ushaqaystayaal
ah oo isku magacaabay maamulka Degmada dhanaan iyo tuulada Burqayar
ayaa in kabadan 20 qof oo shacab ah oo ay kamid yihiin dumar Umulo
ah ka soo aruuriyay deegaankaas oo xabsiga aan meel duleesha lahayn
ku aruuriyay.10/6/08
|
 |
Ciidamo
ka tirsan dowladda KMG oo Maanta Siyaabo kala duwan Toogasho ugu
Dilay Labo qof oo Rayid ah Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Ciidamo
ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta siyaabo kala duwan toogasho
ugu dilay labo qof oo rayid ah magaalada Muqdisho iyo degmada
Afgooye oo ka kala tirsan gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.10/6/08
|
 |
Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo Wax kama jiraan ku tilmaamay Heshiiskii
ay Dalka Jabuuti ku wada gaareen Dowladda KMG ah iyo Mucaaradka.
Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga Asma ayaa wax kama
jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay dalka Jabuuti ku wada gaareen
dowladda KMG ah iyo mucaaradka ku bohoobay isbeheysiga dib u xoreynta
ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara.10/6/08
|
 |
Qodobada
ugu muhiimsan ee heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen dowladda KMG
iyo isbeheysiga dib u xoreynta.
Heshiis ayey ku gaareen magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti
dowladda KMG ah iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya
kadib markii beesha caalamku ay muddo dhex dhexaadinayeen labada
dhinac.10/6/08
|
 |
Shirwayne
loogu Magac daray Walaaleeynta
Bulshadda k/afrika & La dagaalanka Jinsi naceeybka oo ka dhacay
Wadanka K/Afrika.
port
elizabeth: shir weyn oo shalay ka dhacay magaaladda port elizabeth
ee gobolka Eastern cape ooy ka soo qeyb galeen qeybaha gala duwan
ee dowladda Gobolka iyo dhamaan hay'addaha Rayidka ayuu cinwaankiisu
ahaa( walaaleeynta bulshadda k/afrika & la dagaalanka jinsi
naceeybka)9/6/08
|
 |
Magaalada
Galaalshe ee Gobolka Nogbeed ee Wadanka S/galbeed oo Dad shacab
ah lagu xir xiray.
Wararka
naga soo gaadhaya mid kamid ah Wariyaasha ciidanka MJXSG oo lagu
magacaabo Gamaadiid oo ku sugan aaga magaalada Galaashe ee gobolka
Nogbeed ee wadanka s/galabeed ayaa sheegaya in dad shacab ah oo
safar ahaa tiradooduna ay ahayd 10 qof laga qab qabtay wada dheer
ee dhex marta magaaladaas ee isku xidha qaar kamid ah magaalooyinka
wadanka.9/6/08
|
 |
Tuulada
Laanqayrta ee Gobolka Qoraxay oo 7 Qof oo shacab ah lagu xidh
xidhay
Wararka
aan kahelayno wariye Dabcasar oo katirsan ciidamada MJXSG oo ku
sugan aaga Gobolka Qoraxay gaar ahaan Tuulada Laanqayrta ayaa
noo sheegay in la xidh xidhay dadbadan oo katirsanaa dadka shacabka
ah ee degenaa Tuuladaas, dadkaas oo ay tiradoodu dhantahay 7ruux
oo ay midi haweenay tahay.9/6/08
|
 |
Goobihii
uu Dagaalkii Shalay kadhacay ee Magaalada Muqdisho oo Saaka Degen.
Goobihii
ay shalay dagaaladu ka dheceen ayaa saakay ah kuwo deggan oo aaney
ka jirin wax dagaallo ah waxaana dib u bilowday ganacsigii iyo
isu socodkii gaadiidka iyo dadweyanaha.9/6/08
|
 |
WARSAXAAFADEED
KU SAABSAN CAMBAAREYNTA DUQEYNTA AY CIIDAMADA ETHIOPIA KA GEYSTEEN
MAGAALADA MUQDISHO.
Isbahaysiga
Dib u Xoreynta Xoomaaliya wuxuu cambaareynayaa duqeynta ba'an
ee ciidamda Ethiopia la beegsadeen maanta magaalada muqdisho gaar
ahaan suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kaas oo sababay
dhimashada in ka badan 20 qof iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray
dadka rayidka ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween ku sugnaa goobaha
la duqeeyey. 9/6/08
|
 |
Warsaxaafadeed
ay soo saareen Midawga Ardayda Gobolka Banadir
Hadii aan nahay ardayda gobolka bandir waxkubarta waxaan canbaareyn
dusha uga tuurnay xasuuqiii maanta ka dhacay suuqa weyn ee bakaaraha
iyo Madafiicda aan loomeeldayin ee si arxan la aanta ah loo sootuurayay.
9/6/08
|
 |
14
Arday oo ufadhiday Imtixaankii Fasalka 10aad ee Dugsiga Sare oo
Xabsiga Ladhigay iyaga iyo Waraaqahoodii Imtixaanka.
Ugu
yaraan 14 Arday ah oo wakhtigaa u fadhiday Imtixaanaadka fasalka
10aad ayaa Xabsiga magaalada Jigjiga loo taxaabay, Ardaydan oo
isugu jira kuwo ka kala yimid Degmooyinka uu Degaanku ka kooban
yahay ayaa caawa xabsiga ku jira.7/6/08
|
 |
Shir
ay Yeesheen Qaar Kamid ah Hay'adaha Samafalka iyo Males oo ku
soo ku dhamaaday Hanjabaad.
Madaxa
ugu sareeya taliska Guumaysiga Malas ayaa shir waxaa uu dhawaan
la yeeshay masuulyiin dhawr hay'adood oo samafal ah, kuwaas oo
uu kala hadlay waxyaabo badan oo ku xidhan qaabkii ay uga shaqayn
lahaayeen dhulka Itoobiya.7/6/08
|
 |
Kitaabka
Qur'aanka Kariimka oo Kor u akhrintiisa Jaamicadaha la isaga SaarayoDalka
Itoobiya.
Jaamacadaha
ku yaal Magaalada Maqale ayaa dhibaato weyni waxay ka haysataa
Ardayda wax ka barata Jaamacadahaas siiba kuwooda Muslimiinta
ah, iyadoo si gaar ah loo takooro Ardayda Muslimiinta ah ee wax
ka barta Jaamcadaha magaalada Maqale ee dhulka Tigeegga.7/6/08
|
 |
Xamaro
oo ay Ku dagalameen Kooxo Daba qoodhi ah Waxna iska dilay.
Ciidamada
calooshood ushaqaystayaasha gumaysi kalkaalka ah ee lagu magacaabo
DABAQOODHIGA ayuu dagaal ku dhexmaray magaalada xamaro ee gobolka
nogbeed ee wadanka s/galbeed.7/6/08
|
 |
Burqayar
oo uu Cadawgu ku Xidh xidhay Dad badan oo shacab ah.
Magaalada
Burqayar ee katirsan Degmada Dhanaan ee Gobolka Godey ee wadanka
s/galbeed ayaa lagu xidhxidhay dad badan oo shacab ah oo ay ku
jiraan haween umulo ah.7/6/08
|
 |
Magaalada
Baabili ee Wadanka S/galbeed oo Dad Ganacsato ah Lagu xidh xidhay
Xoolahoodiina Lagu dhacay.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ayaa dadbadan oo ganacsato ah oo xoolo u iibgeeyay
magaalada Baabili oo ay saylad xoolaad kafuran tahay ku xidh xidhay
magaaladaas, xoolahoodiina kadhacay.7/6/08
|
 |
Guddoomiye
Ku xigeenka Isbaheysiga Dib u Xoreynta Somaliya oo Si kulul u
weeraray Madaxda Isbaheysiga ee ku Sugan dalka Jabuuti.
Guddoomiye
ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya ayaa si kulul
waxa uu u Weeraray madaxda Isbaheysiga isagoo ku eedeeyay in ay
galeen qiyaano qaran oo ka dhan ah Isbaheysiga dib u Xoreynta
Somaliya.6/6/08
|
 |
Gumaadka
Qarsoodiga ah ee Lagu hayo Shacabka Magaalada Muqdisho oo Siibadanaya.
Meydadka
seddax qof oo rayid ah oo xalay lagu dilay qeybo kamid ah magaalada
Muqdisho ayaa siyaabo kala suwan saakay loogu arkay magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.5/6/08
|
 |
Labada
Garab ee Ku hiraya Wadanka Jabuuti oo Ku heshiiyayin laysaga Dhex
baxo.
Dhinacyada
ku shirsan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa isku
afgartay in safiirada shisheeye laga saaro shirka uga socda magaalada
Jabuuti kadib markii uu shirka maalintii shalay hareeyey khilaaf
ka dhashay ka qeybgalka shirka ee safiirka dowladda Ethiopia u
fadhiya dalka Jabuuti.5/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dad Shacab ah Kugumaaday Degmada Galaalshe
ee Wadanka S/galbeed.
2/6/08
Ciidamada Cumaysiga Itoobiya ayaa dad shacab ah ku laayay degmada
galaalshe ee Gobolka Nogbeed ee Dhulka s/galbeed. Shacabka ku
dhaqan magaalada galaalshe iyo Agagaarkeeda ayaa aad uga argagaxay
sida bahalnimada ah ee ay sameeyeen ciidamada Gumaysiga Itoobiya
ee xooga ku jooga degmada Galaalshe4/6/08
|
 |
Tuulada
Sanxaskule ee Degmada Garbo oo ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
Kaqafaasheen 3 Nin oo Caan ka ahaa Tuuladaas.
3/6/08
Tuuladda Sanxaskulle ee Degmada Garbo ee Gobolka Nogbeed ee Wadanka
S/galbeed ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya oo marayay tuuladaas
waxay ka kaxaysteen sadex nin oo uu kamid ahaa KAAMIL SH XAYDAR
oo ah nin caan ka ah tuuladaas iyo agagaarkeeda.4/6/08
|
 |
Roobyaraan
Kajirta Wadanka S/galbeed oo sasabay in aan Labeeranin Dhulkii
Beereedkii Caanka ka ahaa wadanka S/galbeed.
Dhulka
S/galbeed ayaa laga soo sheegayaa roobyaraan ba'an kuwaas oo dhulkii
labeeran jiray aan maanta labeeranin. Wararka aan kahelayno Tuulooyinka
hoostaga Degmada Gunagado, sida BOODHLAY, WARGAADSAN, IYO BALISAREEDO.
ayaa lagu soo waramayaa in ay oon ba'ani kajirto deegaankaas oo
dad iyo duunyo waxii kunoolaa ay kahayaamayaan.4/6/08
< |