HOME // WARAR // TAARIIKH // MAQAALLO // FAALLO // CONTACT US

Somali links
Islamic Links
Qaamuus.net
Xornimo.com
Addacwah.com
Halgan.net
Aflax.net
Altaqwaa.com
Boqolsoon
Khalid Mosque
Islamonline
Learn about Isl.
Hanuun
Risaala
Quran
Waano.net
Masjid Abubakar

Faalooyinka

Wareer ka taagan madaxa al-Qaeda ee Ciraaq


Mareykanku waxa ay sheegeen in al_masri uu yahey kan lagu badeley Zarqawi
Waxa soo baxaya warar sheegaya in uu jahwareer ka taaganyahey ninka la sheegey in al-Qaeda ay u magacowdey hawlgalada Ciraaq, markii Zarqawi la diley ka dib.
Qareen aad looga yaqaan Qaahira ayaa sheegey ninka Masriga ah ee Mareykanku ku sheegey inuu yahey ambaanduulaha cusub ee al-Qaeda u magacwodey hawlgalada Ciraaq, waa nin todobadii sano ee u dambeysey ku jirey xabsi oo weli xiran.

Qareenkaas oo la yiraa Mamduux Ismaaciil oo sanooyin badan qareen u noqdey kooxo Islaamiyiin ah, ayaa sheegey inuu maalmo yar ka hor uu xabsi ku yaal duleedka Qaahira kula kulmey ninkaas Mareykanku ku sheegey inuu yahey madaxa cusub ee al-Qaeda u jooga Ciraaq.

Waxa qareenku sheegey in wararkan u muuqda iney is-khilaafsan yihiin laga yaabo iney qeyb kayihiin olole labada dhinac (mareykanka iyo al-Qaeda) isku marin habaabinayaan.

Si kastaba ha ahaatee in si madax bannaan loo cadeeyo cidda runta sheegeysa waa wax ay adagtahey sameynteedu.

Sawirka la soo daayey

Amuurtani waa sheeko mugdi ku jiro; waxana ay la mid tahey wararkii ku saabsanaa hawlagalda ka hortagga argagixisada iyo hawlhii la xiriirey adeegga sirdoonka oo kala cadeyntoodu aysan fududeyn.

Mamduux Ismaaciil waa qareen Masriya oo ruug-cadaa ah oo bari hore intii uusan Masar ka tegin ka mid ah kooxaha u ololeeya Islaamiyiinta, kuna dhawaa Ayman al-Zawahiri oo ah ku xigeenka Osama Bin Laden.

Markii Zarqawi bishii na soo dhaaftey lagu diley Ciraaq ka dib, ayaa Mareykanku soo saarey sawirak nin Masri ah ooy ku sheegeen inuu yahey kan lagu badely Zarqawi.

Sareye Gaas William Caldwell oo ah afhayeenka Miletriga Mareykanka ee Ciraaq ayaa xilligaaas yiri "sawirkan waa Ayyub al-Masri oo laga yaabo inuu yahey qofka al-Qaead Ciraaq masuulka uga noqon doona.

Waxa uu Afhyeenku intaas raaciyey "ayyub al-Masri waa sarkaal sare oo al-Qaeda uga hawlgala Ciraaq. Waxa aan ognahey inuu masuul ka yahey hawl fududeynta ay maleeshiyooyinku uga soo gudbaan Syria ooy Baqdaad lafteeda ku soo galaan."

Waxa aan ognahey inuu al-Masri uu argagixiso ahaa tan iyo sanadkii 1982kii, oo uu hawlahaas la bilaabey kooxda Masaarida ee Islamic Jihad.

Laakiin sida uu sheegayo Mamduux Ismaaciil, ilo wareed oo ku xiriira dhinaca ammaanka oo laga heley Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegaya in dhab ahaantii magaca al-Masri uu ku dagaal galo oo loogu yeero nin la yiraa Sharif Haza oo iminka ku xiran Masar.

Qareen Ismaaciil waxa uu sheegey in sheekada Mareykanka ee ah in al-Masri uu badeley Zarqawi aysan suurtgal aheyn iney rumowdo.

Waxa uu qareenku yiri "saddex maalmood ka hor ayaan joogey xabsiga Turah", oo ah halka uu joogo Sharif Haza oo wakhtiyada uu dagaalka galo loo yaqaan al-Masri.

Waxa uu qareenku yiri markii aan tagey xabsiga "waxa aan la kulmey Sharif Haza oo aad ugu qosley waxa bannaanka looga sheego".

Sharif Haza

Waxa qareenku yiri, waxa uu Sharif Haza ii sheegey "inuu iminka xabsi ku jirey sanooyin badan oo uusan haba yaraatee xirii la laheyn al-Qaeda iyo Osama Bin Laden toona".

Waxa uu qareen Ismaaciil sheegey inuu Haza uu todo sano xabsi ugu jirey eedeymo la xiriira argagixiso

Mas'aladda ku saabsan aqoonsiga ninka lagu badeley Zarqawi ayaa todobaadkii hore waji cusub yeelatey, ka dib markii cajil uu ku soo hadley Osama Bin Laden uu ku sheegey in al-Qaeda ay Ciraaq u magacowdey nin la yiraa Abu Hamza al-Muhajir.

Qareen Ismaaciil waxa uu sheegey in aan horey loo maqlin qof la yiraa al-Muhajir.

Waxa uu qareen Ismaaciil intaas raaciyey in magacyada ay Mareykanka iyo al-qaeda soo saareen, laga yaabo iney qeyb ka yihiin ololey ay labada dhinac warar khaldan iskugu gudbinayaan oo ujeedadad kaliya ee ay leedahey ay tahey in midba kan kale uu jahwareeriyo

 

Khamaarka Zenaawi iyo khiyaanada Ethiopia

--------------------------------------------------------------------------------
24 July 2006 Waxaa maalmahan saxaafadda Soomaaliya hadheeyey damaca waalan iyo gardarada aan geedka loogu gabban ee dawladda Ethiopia ay ku gashey dalka Somaliya iyadoo ay hadda qarka u saarantahey inuu qarxo dagaal adag kaasoo aan lagarankarin natiijada kasoo baxeysa iyo cidda guuleysan doonta ama la jabin doono.
Ujeeddada Ethiopia ama aan garano ama yaynaan garane waxey tahey, aheyd, ahaana doontaa inaan Soomaali helin maamul wanaagsan oo dareen leh. Markii uu shacabkii istaagey gartey ineysan intaas ka badan u dulqaadaneyn dhibka qabqablayaashii uu Zenaawi anqariyey ee ay iska saareen ayuu Ethiopia waagu ku baryay.

Waxaan maalmahan akhrinaa, maqalnaa in la is horfadhiyo. Waana qasab in isku dhac waliba aad u adag dhici doono todobaadyadan soo dhaw. Dawlado badan oo Afrikan iyo kuwa kaleba waxey ka dayriyeen kana digeen ineysan Ethiopia ciidankeeda geynin Somaliya. Waxey aqoonyahamiin culimo iyo waxgarad oo dhami sheegeen in Ethiopia haddey timaado dalka ilkaha lagula dagaali doono.

Dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisuba waxey wada ogyihiin iney leeyihiin hal cadow geeska Afrika. Ethiopiana waxey ogtahey iney leedahey hal cadow oo Soomaali ah. Labadii xaqiiqo ayaad mooddaa iney is taabteen qasabna ay tahey iney isku dhacaan.

Waxayse ku kala duwanaan karaan in Ethiopia uu yahey maamulka hadda jira cidda weerarka soo ah ee rabta iney dhabeyso burburinta Somalida iyo qalbigooda ama diintoodaba.

Dhanka kale Somalida oo dhan dal iyo dibadba waxey aaminsanyihiin in la isku raaco in cadowgaas lala jihaado marka laga reebo kuwa Ethiopia ay iyadu sameysatey.

Xabadda ugu horeysa ee qarxi doonta waxey saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geeska Afrika waxeyna halis khatar ah ku tahey dawladda Ethiopia.

Waxaa meesha ka baxay dawlad kusheeggi cabdulaahi yusuf waxeyna taaso hadda isu baddashey waxaan jirin ama Kililka 6aad oo ay ciidamadu iyo awoodda leeyihiin Tigreegu.

Khamaarka uu Zenaawi galayo labo waa miduun. Somali waxey lumin baa iska yar waxii malaggii galeyna waa uu dhiman iyagoo ilaahey kheyr ka rajeyn kuna dhawaaqaya Allahu Akbar.

Zenaawise haddii ciidamadiisa laga itaal roonaado waxey noqoneysaa gabagabadii ugu danbeysay ee Zenawi waxaana ay xabaddu ka dhici doontaa gudaha dalka Ethiopia.

Isagoo Zenaawi arintaas iyo waliba midda Erateriya og ayuu go aansadey inuu ciidamo soo diro. Rajadiisuna waxey tahey intaan iska fadhin lahaa ee Somali dawlad noqnn laheyd aan dabka galo si aana u shallaayin hadhoow.

Ugu danbeyn hila walba ka cabtaye, waa middii yaxaasku kaa qaadi lahaa.

Al-Haji


170 Masjid oo Sunniyiinta koonfurta Ciraaq leeyihiin oo albaabada loo laabay
Posted to the Web May 27, 11:46


Ciraaq:- Waxaa lagu khaarijiyay maanta duhuradii magaalada Basra (koonfurta Ciraaq) Sheekh Wafiiq Alxamdaanii oo ahaa Imaamka iyo khadiibka masaajidka Alkawaaz ee Basra bartamaheeda ku yaal.


Maleeshiyo hubaysan ayaa Sheekha soo weeraray asagoo masaajidka u socda si khudbada jimce uga soo guto. Sheekhu wuxuu ka mid ahaa odayaasha rug cadaaga ee magaalada Basra ka tilmaaman, sheekhu da'diisu waxay madax lasii galaysay sano sideetamaad.

Ka dib markii ay arintaani dhacday, shalayna sidaa oo kalena lagu khaarijiyey 5 kamid ah sunniyiinta ayaa waxaa Gudiga sare ee Awqaafta suuniyiinta go'aan ku gaareen in albaabada u laabaan dhamaan masaajidada gobolkaa ku yaal oo gaaraya 170 masjid, si loo ilaaliyo masaakinta naf la caariga ah, dowladaha islaamka, warfaafiyaasha, wakaaladaha wararka iyo in dowlada faraha la gasho.

Waxaa xusid mudan in sunniyiinta Koonfurta Ciraaq lagu wado gumaad dahsoon oo ay hogaaminayaan shiica sheegatada Eeraan.

A Hiraabey
Halgan.net
Xigasho: Almufakkira


Halgankii Ma dhamaanin

Halkaan ka aqriso Journalka Geeska Afrika Cadadka 91/92/93

Home | Taariikh | Warar | Faalo | Maqaalo | Contact us
Copy right © Soomaligalbeed 2006 Email: Webmastar@soomaaligalbeed.com Website: http://www.
soomaaligalbeed.com