Hadii aad rabto hoos ( Halkan Riix) Hadaad rabto dhexda (Halkan Riix)

 

Shir Balaaran oo Waxloogu Qabanayo Dadkii Soomaaliyeed ee Ku waxyeeloobay Rabshadihii Kadhacay S/Afrika oo ay kasoo Qayb galeen Wasiiro katirsan Dowladda S/Afrika.
Shir ay kasoo qayb galeen 8 wasiir oo dowlada south africa katirsan oo lagu lafa guray sidii wax loogu qaban lahaa dadkii soomaaliyeed ee ka barakacay rabshadihii dalka s/afrika ayaa lagu qabtay gobolka western cape.31/5/08

Mujaahidiinta Koonfurta Soomaaliya oo La wareegay Jasiirada Kudhaa ee G/Jubadda Hoose.
Mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa shalay galinkii dambe la wareegay gacan ku haynta deegaanka Jasiirada Kudhaa oo dhinaca konfur/galbeed ka xigta Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.31/5/08

Amnesty international

Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa si weyn u cambaareysay maamulka Jasiirada Malta.
Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa si weyn u cambaareysay maamulka Jasiirada Malta qaabka xun oo ay ula dhaqmaan dadka muhaajiriinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ee sida tahriibka ah ku gala dalkaasi.31/5/08

Warsaxaafadeed Cambaarayn iyo Duco
Ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS). iyagoo ka xun kana murugsan waxa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka South Africa ayuu dawladda South Africa ka codsanaya in ay eegto oo ay baarto waxa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee nabadda u soo doontay dalka South Africa iyagoo ka soo baxsaday qalaalasaha iyo dagaallada daba dheeraaday ee ka jira Somalia.31/5/08

Qurabaa’ Vs. Qaanuunka La Isku Dirqinayo! Horaa la inoogu sheegay
Daafaha dunidan aynu dul-saarannahay & dabeecaadka dadka badidiisa kolkaad daraasayn ku samayso, waxaa kuu muuqan habdhaqan ay dhaqangalintiisu sandulayn ku tahay caruur iyo cirooleba.31/5/08

Roobab Mahiigaan ah oo xalay kada'ay magaaladda Jigjiga oo ay Dad badani ku Dhinteen.
Roobab mahiigaan ah oo xalay fiidkii ilaa habeen badhkii ka da'ayay magaalada Jigjiga ayaa khasaare laxaadleh gaystay, kaddib markii dadyowgii degganaa cidhifyada magaalada Jigjiga guryahoodii uu soo galay daadku kaddibna kadhigay wax uu la tagay iyo qaar laga badbaadiyay markii dambe.30/5/08

Sanad Guuradii 45aad ee Kasoo wareegtay Aas aaskii Ururka Midowga Afrika oo lagu Qabtay Wadanka K/Afrika oo ay kaqayb galeen Dhalinyaro Soomaaliyeed.
East london: sannad guuraddii 45aad ee xiligii la aas aasay urruurka midowga afrika oo ahaa 1963 ,ayaa waxaa lagu xusay magaaladda East london ee gobolka Eastern cape ee dalka k/afrika.30/5/08

Qaramada Midoobay oo Shaacisay in 31-bishan uu Mar kale furmi doono Shirkii Dib uheshiisiinta.
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in 31-bishan uu mar kale furmayo shirkii laagu heshiisiin lahaa dowladda KMG iyo mucaaradka ka horjeeda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay. 29/5/08

Ciidamada Ethoipia ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo Xalayto Dad ka Qab qabtay Gudaha Magaalada Baledweyne.
Ciidamada Ethoipia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa xalay howlgallo xooggan waxa ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baledweyne, iyagoo howlgaladaasna dad rayid ah ku soo qabqabtay.29/5/08

Ciidamada Dowlada Fedaraalka oo Xidhay Isu socodka Wadada Maka al-mukarrama.
Waddooyinka qaar ee magaalada sooda Muqdisho gaar ahaan wada Maka Al-mukarama ayaa saakay guud ahaan waxaa xirtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo gebi ahaan diiday dhaqdhaqaaaqa gaadiidka iyo dadka.29/5/08

Xuubsireed oo Difaacay Eedii loosoo Jeediyay Madaxwaynaha DF.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed ayaa kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wax kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyey qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaaliya oo ay soo bandhigeen Channel 4 iyo wargeyska Daily Mail..28/5/08

Qaar kamid ah Dhalinyaradda Kudhaqan wadanka S/galbeed oo ka dhiidhiyay Xaflad ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku Qabteen magaaladda Nagayle.
Qaraxyo waawey ayaa shalay waxaa lala beegsaday Xaflad ay samaynayeen Ciidamada Guumaysiga oo ay ugu dabaaldagayeen maalintay qabsadeen Dhulka S/galbeed, Qaraxyadan oo ahaa 3 Qarax ayaa ka dhacay goob lagu xusayay maalintan madaw.28/5/08

Qaar kamid ah Goboladda Dalka Yamen oo uu Dagaalo Culusi ku dhex marayo ciidamadda dalka Yamen iyo Maleeshiyada loo yaqaano Xuutiyiinta.
Dagaalo culus ayaa maalmahan ka soconaya gobalo ka mid ah dalka Yamen, Dagaaladan ayaa u dhaxeeya ciidamadda dalka Yamen iyo Maleeshiyada loo yaqaano Xuutiyiinta kuwaasoo ah maleeshiyo Shiico ah.28/5/08

Magaalada Jigjiga oo Caawa fiidkii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Bandaw lagu soo rogay.
Bandaw ayaa caawa fiidkii waxaa lagu soo rogay magaalada Jigjiga iyaoo la yareeyay isu socodka magaalada, Baabuurta ayaa sidoo kale la joojiyay inay dhex socdaan magaalada iyadoo dadka lugta ahna la waydiinayo Aqoonsigooda, halkay ka yimaaddeen iyo halka ay u socdaan. 27/5/08

Sheekh Xassan Daahir Uwees oo ka dhawaajiyay in uu sameenayo Guuddi soo baadho Khilaafka hareereeyay isbahaysigaaa
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in ay sameynayaan guddi soo baaraa khilaafaadka hareeyey isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara..27/5/08

Markab laga leeyahay Dalka Holland oo Burcad Badeed Soomaali ah ku afduubteen Badda cas.
Markab laga leeyahay dalka Holland ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxa ay ku afduubteen xeebaha gacanka Cadan, xilli seddax maalin ka hor la sii daayey markab ganacsi oo ay kooxo burcad badeed ah ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya..27/5/08

Shir Caalami ah oo lagu Muujinayo Nacaybka Yahuuda oo lagu qaban Doono wadanka Iiraan Todobaadka Soo socda.
Ururka ardayda wadanka Iiraan oo lagu magacaabo [al- cadaala] ayaa qabanaysa shir caalami ah, oo ay kasoo qayb galayaan wadamo badan , shirkaas oo lagu qabanayo caasimada dahraan ee wadankaas .26/5/08

Xaflad lugu maamusayay maalinta Africa oo y kadhacday Xarunta Gobalka Eastern Cape Ee wadanka K/Africa.
Xafladaas oo looga hadlayay ahmiyada ay leedahay midnimada iyo wada noolashaha umada afrikaanka ah ayaa waxaa lugu casuumay qaar katirsan xubnaha jaaaliyadaha kala gadisan ee kajira wadankan.26/5/08

Duqeyn xalay loo geystay deegaano ka tirsan Degmooyinka Saakow iyo Jilibgobolka ee J/dhexe
Duqeyn ayaa xalay loo geystay deegaano ka tirsan gobolka J/dhexe gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Saakow iyo Jilib, iyadoo ay soo baxayaan in uu jiro khasaare ka dhashau duqeyntaas.26/5/08

Dowladda mareykanka oo markii ugu horeysay ka dhawaajisay in uu Taageersan Yahay Dadaalada Qaramada Midoobay ay ku dhexdhexaadineyso Soomaaliya.
Dowladda mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay taageersan tahay dadaalada Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadineyso mucaaradka iyo dowladda KMG si loo soo afmeero mashaakilaadka ka jira dalka Soomaaliya.26/5/08

Magaaladda Boosaaso ee Maamulgoboleedka Puntland oo ay Xalay Qaraxyo kala duwani kadhaceen.
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee maamul goboleedka puntland, ayaa waxa mar qura oo qadar daqiiqado yar u dhaxeyso laga maqley Magaalada 2 qarax oo ahaa kuwo aad u xoogan .26/5/08

Sheekh Xasan Turki oo Maanta ku baaqay in la dagaalamo Ciidamada UNISOM iyo Itoobiya.
Sheekh Xasan Turki oo kamid ah mas'uuliyiinta sar sare ee maxkamadaha ayaa maanta ku baaqay dagaal ka dhan ah ciidamada ka socda Qaramada Midoobay ee la filaayo in ay dalka yimaadaan sida lagu sheegay bayaan uu golaha amaanka ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya.25/5/08

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo a ka dhawaajiyey in dowladda Eretrea ay wado qorshe ay ku kala Jabinayso Isbeheysiga.
Guddoomiyaha golaha fulinta isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Eretrea ay wado qorshe ay ku kala dhantaaleyso isbeheysiga dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara.25/5/08

Inka badan 50 Soomaali tahriib ah oo Ku dhintay Badda u dhexeysa Dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.
Inka badan 50 Soomaali tahriib ah ayaa ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya kadib markii ay la qalibmatay dooni ay si tahriib ah ugu galayeen xeebaha dalka Talyaniga.25/5/08

Qaar kamid ah Xildhibaanadda DF ee Kusugnaa Magalada Muqdisho oo ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya xabsiga Dhigeen.
Seddax kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya ayey ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee Asluubta waxa ay dhigeen xabsiga kadib markii iyaga oo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ay ka qabteen meel ku dhow xarunta Asluubta.25/5/08

Ciidamada Ethiopia oo Fariisin ka Samaystay dDeegaanka Yaaqbari Weyne ee Gobolka Sh/hoose.
Ciidamada Ethiopia ayaa fariisin ka dhigtay deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Sh/hoose halkaas oo weeraro iyo qaraxyo dhowr mar ciidamada Ethiopia lagula beegsaday.25/5/08

Ilma Yar oo 7sano jira ah oo u geeriyooday Qaniinyo Eey iyo Hooyadii oo Uwaalatay.
Ilmo yar oo da'diisu ahayd 7 jir ayaa waxaa uu u geeryooday qaniinyo Eey, ilmahan yar ayaa waxay reerkoodu degganaayeen xaafadda 7aad ee magaalada Jigjiga. Hooyada dhashay Ilmahan ayaa markiiba waalatay oo miyirkii ka tagay kaddib markay aragtay Ilmaheedii oo meyd ah.25/5/08

Cuddoomiyihii Degmada Guriceel iyo Seddax qof oo uu ku jiro oo shalay Maqribkii lugu dhaaway Magaalada Dhuusamareeb.
Seddax qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa shalay maqribkii kooxo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bastoolado waxa ay ku dhaawaceen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.25/5/08

Ciidamada Guumaysiga Itoobiya oo Baadhitaanno Xoogan Xalay Fiidkii Kasameeyay Qaybo ka mid ah Magaalada Jigjig.
25/5/08

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Ba-hoku Barigye oo Maanta ka war bixiyey Qaraxii Shalay lala Eegtay ciidamada Uganda.
24/5/08

Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo Maanta warsaxaafadeed Kasoo Saaray Galitaankii Guriga C/qaasin.
24/5/08

Dagaal Xoogan oo saaka ka Billawday Agagaarka Telvion-kii Hore ee Magaaladda Muqdisho.
24/5/08

Dagaal shalay Kadhacay Deegaanka Hobyo oo ay dad ku Dhinteen Qaarna Kudhaawacmeen.
24/5/08

 
 
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Wadamada Carabta ku eedeeyay Wax kaqabad la'aanta dhibaatada dalka Somalia.23/5/08
Maxkamad ku sheegta Magaaladda Jigjiga oo Dad Shacab ah ku xukuntay Dil.23/5/08
Ugu yaraan lix (6) dukaan iyo Hal gaari oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dab la qabadsiiyay .22/5/08
Kaluumeysatada xeebaha Muqdisho oo Cabasho Xooggan waxa Ka muujinaya Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya.22/5/08
Israsaaseyn Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo Maanta ka dhacday Gudaha Gagaalada Kismaayo.22/5/08
Qaraxii kadhacay Wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya oo Dadka Kudhintay ay Sii kordhayso.22/5/08

Iska horimaad xalay ka dhacay agagaarka xarunta barlamaanka DF ee Magaalada Baydhabo.
22/5/08

Qarax Xooggan oo Saaka Ciidamada Ethiopia lagula Beegsaday Wadada Maka Almukaama.
.22/5/08

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zinawi oo Warbaahinta caalamka iyo Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ku eedeeyay in ay Sumcadda kadilayaan Itoobiya.
22/5/08

Siyuum Masfin oo Qarax lalabeegsaday Xafiiskiisa Addis ababa
21/5/08

Dawlada Itoobiya oo Udiyaargaroobaysa 60 Guuradii Qabsashada Dhulka Soomaali Galbeed.
20/5/08

Xoogaga Mujaahijiinta Soomaaliyeed oo Weerara kuqaaday fadhiisima ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
20/5/08

Cudurka Shuban Biyoodka oo Seddax Qof ku dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe
20/5/08

Ciidamo aad u faran oo Ethiopiam ah oo saakay isku balaariyey qeybo kamid ah wadada warshadaha
20/5/08

Roobab socday inka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho iyo goobaha ku hareereysan
20/5/08

Maamul Goboleedka Puntland iyo Hogaamiye kooxeedyaadii ka talin jiray koofurta Somalia Maxay ku kala duwanyihiin.
20/5/08

Sheekh Xasan Daahir Aways oo sheegay in aysan Wax wada hadal ah la galeyn DFKMG.
19/5/08

Mid kamid ah xubnaha golaha aqoonyahanada Digil iyo MIrifle oo a xalay lagu dilay magaaladda Baydhabo.
19/5/08

Xoogagga mujaahidiinta Soomaaliyeed oo weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Ethiopia oo marayey meel ku dhow garoonka Balidoogle.
18/5/08

Boob loogeestay Dukaan uu lahaa Muwaadin Somaliyeed uu ku yaalay Duleedka Magalada Port Elizabeth Ee Gobalka Eastern Cape
18/5/08

Madaxii hay'adda Horn Relief ee Gobolada Jubbooyinka oo Xalay ay Rag hubeysan Ku dileen Gudaha Magaalada Kismaay.
18/5/08

Warshadii hore ee Bastada oo uu dagaal ku dhex maray Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiya.
17/5/08

Mujaahidiinta Soomaaliyeed aoo la wareegay Gacan ku heynta Degmada Jilib.
17/5/08

Magaalada Kismaayo oo uu Xalay Iska horimaad ku dhexmaray labo maleeshiyo ah.
17/5/08

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Xalay lagu Dilay Gudaha Magaalada Beydhabo.17/5/08

Xukumada Qahira oo ka Eriday dalkeeda Qaar ah madaxda mucadka dalka Sudan kadib.. 16/5/08

Ciidamada Dalka Suudaan oo Qabqabtay Tahriibayaal Soomaali ah oo u socday Dhanka Libiya.15/5/08

Diyaarado Dagaal oo Dulheehaabaya Hawada Gobolak Magaaladda Dhuuso Mareeb.15/5/08

Dakhtar Soomaalida Kenyan ah oo ku xiran Xabsi kuyaala Maamul Goboleedka Puntland.15/5/08

Aqoonyahanka iyo ardayda Beesha Absame ee Malaysia oo cambaaraynaya falalka Maamullada Puntland iyo S/land ay Dadka ugu dhiibayaan Itoobiya.14/5/08

Maamulka Cade Muuse oo Caado kadhigtay Kaganacsiga Muwaadiniinta Udhashay Wadanka S/galbeed.14/5/08

Maamulka lamagac baxay S/land oo Cadawga Itoobiya u soo gacan galiyeen laba Muwaadin oo u dhashay Dhulka S/galbeed.14/5/08

Nin Hubeysan ayaa Xalay labo qof ku dilay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose. 14/5/08

Ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Isbeheysiga Dib u xoreynta Ahna hormuudka Xubnaha ka qeybgalaya Shirka Jabuuti oo Hadal aan jirin ku tilmaamay Warkii Shalay ka soo yeeray Xoghayaha Difaaca ISbeheysiga.14/5/08

Isqab qabsiga Dukaamadda Dadka Soomaaliyeed ee Kudhaqan Wadanka South Africa oo Siibadanaya. 13/5/08

Ciidmadda Gumaysiga Itoobita oo Dad shacab ah ku Xasuuqeen Dhul Beereed Kuyaala Deegaanka Mulla ee Toga Faafaneed oo ka tirsan Gobalka Jigjiga.13/5/08

Shir Sannadeedkii Jaaliyadda S/galbeed ee Dalka k/afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg. 13/5/08

Tahriibayaal hor leh oo wali kusii qulqulaya wadanka Yamedn xili ay soo baxayso qaylo dhaan ku aadan arimaha tahriibta13/5/08

Rabshado Dhimasho iyo Dhaawac Wata oo Kadhacaya Wadanka Koonfur Afrika.13/5/08

Ciimada DF oo maanta Rasaas Ooda kaga qaaday Dadka ku sugan Ceelasha Biyaha.13/5/08

Yuusuf Indhacade oo Usoo jeediyay inay Isaga baxaan Xubnaha Shirka Jabuuti Uga qaybgalaya Isbahaysiga. 13/5/08

War Degdeg ah: Maxkamada Magaaladda jigjiga oo Xukun Dheer Kuriday Rag Caan ka ahaa Wadanka S/ galbeed.13/5/08

Qaar kamid ah Mas'uuliyiinta Goboladda bay Iyo Bakool oo Hubkadhigis lagu sameeyay.13/5/08

Barakac Xooggan oo ay Sameynayaan Dadka ku dhaqan Deegaanada Leego iyo Yaaq bariweyne.13/5/08

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Arrimaha Dalka Soomaaliya Ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Taageeraan Soomaaliya.13/5/08

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay Gacan ku heeynta Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.13/5/08

Kulan looga hadlayey Sicir bararka & Qiimo dhaca Sh/So. oo lagu qabtey Magaaladda Boosaaso.12/5/08

Gaalkacyo

Wafti Kasocda Maamul Goboleedka Puntland iyo Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Mudug oo uu Shir ugu soo dhamaaday Magaalada Gaalkacyo.12/5/08

Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah oo Maanta Qaraxyo iyo Tacshiirad lagula Beegsaday Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose12/5/08

Ciidamada Ethiopia oo Howlgallo Ka bilaabay Gudaha Magaalada Baledweyne12/5/08

Kooxoaha Burcadka ee dadka iyo Baabuurtaba Baadha oo Tacshiirad ay Saareen Baabuur rakaab ah dad kudilay.12/5/08

Warsaxaafadeed Ka soo baxay Jaaliyadda Jubbaland ee Dalka k/afrika.12/5/08

Dad Rayid ah oo ay Ciidamada Gumaysiga Ethiopia ku dileen Gudaha Magaalada Baydhabo..11/5/08

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo Saaka Weerar laguqaaday gurigiisa.11/5/08

Hub kadhigis Maanta ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kusameeyeenYuusuf Dabageed.11/5/08

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo Tan iyo Markii ay ka dheceen Dagaalada uu Isbadal ku yimid Qeybaha kala duwan ee lagama Maarmaank u ah Nolosha.11/5/08

War Degdeg ah: Baabuur ay Wateen Booliska Maamulka Jigjiga iyo Askartii Saarnaydba oo Lagu qabqabtay Magaalada Addis Ababa.Mawaxaad tahay mise waxaad ismooday!11/5/08

Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Saaka aroorti lagu arkay Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah.11/5/08

Roobab laxaad leh oo Maalmihii ugu Dambaysay ka da'ayay qaybo badan oo ka mid ah Dhulka S/galbeed.
10/5/08

Xoogagga Mujaahidiinta oo Maanta la wareegay Labo gaari oo ay lahaayeen Xubno kamid ah golaha Wasiirada DF.10/5/08

Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo uu iska hor imaad kudhaxmaray..10/5/08

Qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo saaka xiran10/5/08


Qaylo dhaan

Dhamaan muxsiniinta ajir iyo xasanaad alle hakasiiyee waxay jamciyadda Al-Tacaawun Al- khayriya oogu qaylo dhalaaminaysaa agoontii Mujaahidiinta S/galbeed oo ay lasoo daristay dhibaatooyin balaadhan sida;..9/5/08

Magaalada Jabuuti oo uu soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed9/5/08

Isbartiibo &wasaaradii hire ee Gaashaandhigga oo lagu weeraray hoobiye9/5/08

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay Gacan kuheenta Saldhigii Booliska ee Waaberi.8/5/08

Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dad u badan xoolo dhaqato ku gowracay gobolka Sh/hoose.8/5/08

Dowladda Wadanka Masar oo Xabsiga Dhigtay koox tahriibayaal ah. 7/5/08

Aas Maanta Kadhacay magaala madaxda Gobalka Eastern Cape Ee Port Elizabeth ee wadanka S/afrika oo uu Aas Balaadhan Kadhacay.7/5/08

Maxkamad ku sheegta Magaalada Jigjiga oo Maxaabiis tiro badan la keenay Shalay.7/5/08

Naxariis Daranaa ma Wayaanaa! Dowladda Itoobiya oo Inkirtay in ay soomaaliya ka gaysatay wax Tacadi ah.7/5/08

AMNESTY INTERNATIONAL

Amnesty International oo ku eedeysay ciidamada gumeysiga Itoobiya in ay geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni aadamka7/5/08

JABISO oo weerar khasaaro geystay ku qaaday galabta Warshada Baastada Ex-control Balcad ee M/Muqdisho. 6/5/08

Dibadbaxyo Rabshada wata oo Maalintii labaad ka socda qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.6/5/08

C/laahi Yuusuf oo Taageero Militari ka codsaday Wadanka Fransiiska. 6/5/08

Jaamacada Arabta oo u diraysa guddi xaqiiqa raadin ah oo soo kormeerta xadka lagu muransan yahay ee u dhexeeya Djibouti iyo Ertrea. 6 /5/08

War degdeg ah : isbitaalka wayn oo gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee kenya oo uu dab xoog badani uu qabsaday .5/5/08

Dowlada China oo Canbaareeysay Duqeeyntii Mareeykanka Ee Dalka Somalia.5/5/08

Guddoomiyaha dib u xoraynta Somaliyeed oo si wayn u beeniyay in masar ay siiso tageero Militaray…