Wararka maanta

TACSI TIIRAANYO LEH.

INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ururka Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed waxuu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer S/galbeed iyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Halgamaagii waynaa, Qoraagii Caanka ahaa ee dhulka s/galbeed Sh Ibraahim Sh Cabdallah Maax oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Ururka ONLF, oo ku geeriyooday maalintii shalay ahayd wadanka Isu tagga Imaraad Carabta.

Ururku waxuu sigaar ah tacsi ugu dirayaa Xaasaskii iyo Caruurtii uu ka tagay Sh Ibraahim Sh Cabdallah, oo kamid ahaa Aabayaashii Dhidibada u aasay halganka maanta kasocda Dhulka S/galbeed.

Sidoo kale waxuu Ururku Sigaar ah Ururka Onlf uga Tacsiyee nayaa Geeridaas Naxdinta lahayd ee ku timid Aabihii iyo Aas aasihii ururka ONLF Sh Ibraahim Sh Cabdallaah, oo runtii ahaa Nin jecel Midnimada Shacabka S/galbeed iyo Xaqqa Aayo katalinta Dhulkooda.

GABAGABO
Ururka MJXSG waxay ugu baaqaysaa shacabka soomaaliyeed gaar ahaan Aqoonyahan, Culimada, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Dhulka S/galbeed in ay u istaagaan Qadiyadda Shacabka S/galbeed ee uu gumaysigu qayrkood kareebay.

Waxuu ugu dambayntii ururku Ilaahay uga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo Janadii Firdowso ahaydna galiyo Sh Ibraahin Sh Cabdallaah, Shacabka S/galbeedna uu samir iyo Iimaan kasiiyo, kaalintiisiina uu ugu badalo Mid ka khayrbadan.
AAMIIN AAMIIN .

Xafiiska warfaafinta ee Ururka
Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed
MJXSG/UWSLF.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com