RUMAYSO
WAA RUNE(1)
Waa 24/05/94-kii
aniga oo ah C/KARIIM FAARAX SIRAAD SUGULLE iyo mujaahid kale
oo iga da yar FAARAX SIRAAD ROOBLE ayaa waxaa naloo soo
diray inaan hawl gal ka samayno magaalada Dh/buur gudaheeda, xoogga
waxaan saarnay haddii kolba ay tahay inaan Naftayada khatar galinayno
inaan ugaadhsanno gaalo saraakiil ah.
Aroor hore oo salaadda subax la tukaday ayaannu soo gallay magaalada,
hubna waxaan sidannaa Bastoolad iyo Hal Bambo. magaaladii ayaan ka shaahaynnay
oo ka quraacannay, waxaanan mar-marnay jidadkeeda bal inaan wax baylah
ah la kulanno.
Waxaan ka warqabnay in kuwa saraakiil ahi subax walba u soo dhaadhaacaan
magaalada oo QABALAHA la shiraan waxaanan fadhiisannay meeshii
aan is lahayn seegi maayaan.
Goor ay tahay 1:30 aroornimo ayaa waxaa noo muuqday (6) nin oo Askar
ah oo laba ka mid ahi Buugaaag gacanta ku sitaan qoryana aan wadannin,
4-ta kalena ay hubaysanyihiin. In muddo ah ayaan iska garab soconnay
bal in ay kala baxaan, sidaan filaynayana 4-tii ayaa meel ku hadhay,
mid kuwii buugaagta sitay ah iyo mid Askari ah oo qori sitana horey
ayay u dhaqaaqeen.
Saaxiibkay ayaan ku reebay 4-tii oo ku idhi kuwan ayaan ugaadhsanayaaye
marka xabbaddu billaabato hadday xaggayga u soo ordaan Bamka dhex dhigo.
2-dii markay kuwii ka durkeen walina suuqii magaalada oo aan dad badnayn
socdaan ayaan kii buugaagta sitay dhafoorka kaga dhuftay xabbad markuu
dhacayna kii kale ee qoriga sitay oo arga-gaxay ayaan isagiina 2 boobsiis
ah shafka kaga dhuftay isna waa dhacay, anigana waxaan u dhaqaaqay kii
sarkaalka ahaa oo aan doonayay inaan hubsado mid [xabbad] ayaan u dhiibay
markaan bakhtigiisa hubsaday ayaa waxaan doonay inaan qoriga ka qaato
kii kale oo isna dhaawac ahaa, laakiin markaan ku foorarsaday ayuu haraati
lawga igaga dhuftay oo dib ii riday, ka dibna Bastooladdii ayaan is
idhi dhafoorka kaga dhufo balse mid macawis iyo shaadh caadi ah qaba
ayaa aniga oo ninkii buursan xabbad Bastooladeed qar-qarka igaga dhuftay,
aniguna ma dhugane kii ayaan dhafoorka kaga dhuftay.
Isla markiba intaan booday ayaan kula jeedsaday kii xabbadda igu dhuftay
Balse wuxuu ku cararay Maqaayad noo dhaweyd oo dad badani raashin ka
cunayay, kama hadhine aniga oo baacsanaya ayaan ka daba galay.
Dadkii wax cunayay
ayaa Tawxiidka boobay aniguna xabado ayaan ninikii bawdyaha kaga jabiyay
oo Bastooladiisii ayaa inta ay ka duushay waxay ku dhex dhacday halka
raashinka lagu kariyo markuu dhacay ayaan mid kale ku riday Balse waan
la gafay.
Ninka waxaan u haystay Jaajuus Soomaali ah oo makhaayaddana qabiilkoodu
leeyihiin marka Bastooladdii uma hawoonin oo waxaan ka baqayay in dadkaasi
I qabtaan laakiin inatay arga-gaxeen ayuu nin waliba cuntadii gacanta
ama afka ugu jirtay dibadda ula cararay ninkuna wuxuu ahaa Tigree ee
ma noqon Soomaali aniguse bastooladdii ayaa xabbadaheedii iga dhammaadeen
oo isaga oo dhaawac ah ayaan ka tagay.
Ka dib aniga oo dhiiggu iga qubanayo oo xabbaddu naaska iyo qar-qarka
isaga kay baxday ayaan ku soo laabtay kii qoriga la bakhtiyay oo tar-tiib
ugala baxay qorigii .
Ninkii saaxiibkay ahaa kuwii aan ku ogaa markii ay xabbadda maqleen
xeradii ayay u yaaceen ee ma soo birmannin marka wuxuu ii yimid isagoo
bamkiisii wata markuu arkay dhiigga iga baxayana wuxuu I yidhi war ma
dhaawac baad tahay qoriga ii dhiib.
Waxaan ku idhi maya ee waa kuwii aan laayay dhiiggoodii ee iga hadh
oo aag kale ka bax, dhowr goor ayuu igu cel-celiyay ma dhaawac baad
tahay isaga oo shakisan aniguna sidii ayaan ku adkaystay markaa aag
kale ayuu ka baxay oo waa tagay isga oo bad qaba oo aan Bastooladdii
u dhiibay.
Anigu qorigii ayaan suuqa la soo dhex maray markaa raggu waxay I lahaayeen(war
na garab mar ha na gubine) Dumarkuna inta ay shafka garaacaan ayay lahaayeen
iyagoo ii naxsan [Allah....Allah... war horey u tallaabso intaan lagu
soo gaadhin, Alla.. Alla.. waa dhaawac]iwm.
Mawduuceenan oo aan cadadkii hore kaga soo hadalnay qisadii yaabka badnayd
ee Mujaahid C/kariim Faarax Sugulle ku qabsatay Dh/buur, ee innoo joogtay
ragga oo naga carar iyo Dumarka oo lahaa Alla.. war horey u tallaabso
ka dib markii Mujaahidkii isagoo dhaawacan oo sita qori uu ka furtay
gaaladii uu laayay uu soo dhex maray Suuqa.
Innagoo halkii ka sii wadaynnaa bal aan idiin kala baxo C/kariim oo
halkii ka sii wada:- Wax yar markii aan socday ayaa dhiig bixii wuxuu
igu keenay in Indhuhu I madoobaadaan Waxaan fadhiistay meel jidka dhinaciisa
ah Gabadh aanan garaneyn oo markay dhiigga igu aragtay I soo daba gashay
ayaa dhowr jeer i tidhi walaalow meesha isaga kac goor dambe ayaan wax
arkay waxaanan goaansaday inaan xaafad igu dhaweyd galo, balse
markii aan galay oo qol ka mid ah dhex fadhiistay ayaa reerkii lahaa
ka qaxay intuu qolkii aan ku jirey mooyee labadii qol ee kale qufullo
ku jabiyey.
Markii reerkii iga
cararay ayaa waxaa iga daba timid oo ii soo gashay gabadhii oo intay
I waraabisay Faashad aan sitayna igu duubtay. Gabadhii waxay u kacday
reerkoodii waxayna ii keentay Macwiis, Funaanad suuf ah iyo 2 go.Funaanaddii
intay isku laalaabtay ayey ku gufaysay meeshii Naaska korkiisa ahayd
ee dhiiggu ka socday, ka dibna 2-dii go midkood intay jeex-jeexday
ayey si jeeni qaar ahaana ugu xidhay goobtii dhaawaca, waxa kale oo
ay i siisay xanuun biiye waxayna iigu muuqatay mid khibrad dhakhtarnimo
leh.
Inta ay xaaladdaasi dhacayso ayaa waxaa Magaalada la saaray bandoo,
waxaana dhex wareegaya gaadhi makarafoon saaran yahay oo ku dhawaaqaya
ninkii Magaalada ayuu ku jiraa, waa dhaawacan yahay ee ha la soo saaro
.
Ninkii qariya ciqaab xun ayuu mudanayaa.
Dhiiggii ayey soo
raad qaadeen oo yimaaddeen halkii aan fadhiistay ee an ku dhiig baxay,
cabbaar ayay fiir-fiiriyeen oo dabadeedna wareeggoodii sii wateen iyagoo
ku dhawaaqaya waa ka dhiiggiisii aaggan ayuu ku jiraa ha la soo saaro.
Wakhtigu waa is gurayaa oo markaa waa 4-tii saac ee Subaxnimo. Gabadhii
ayaa waxay billowday inay Yaasiinka igu dul akhrido Balse iyadoo akhriyeysa
ayaa aaggii waxaa soo kuuriyay koox (30) Tigree ah oo loo soo diray
inay baadhaan 3 guri oo kan aan dhex fadhiyo uu ka mid yahay.
Gabadhii ayaan ku idhi orodoo gaaladii waa tane adigu isga kaaya dhex
bax, Balse way diidday oo waxay tidhi waan kula dhimanayaa
gabadhii waan bixin kari waayey illaa aan qoriga ku cabsiiyo, aakhirkiina
waxay iga baxday iaydoo ooyeysa wax yar ka hor soo galitaankii Gaalada.
Gaaladii ayaa jabisay
2-qol ee kale Alaabtiina dibadda u soo saartay anigu qolka aan ku jiray
Albaabka ayaan soo riixay oo daaqad shabaq leh ayaan dhaq-dhaqaaqooda
kala socdaa. Waxaan goaansaday maaddaama aanan rasaas haysannin
inaan sugo kan u horreeya ee irridda soo riixa si intaan ku dhufto baagga
ooga qaato oo ugu dagaallamo, Balse intay is hor tubeen qolkaygii oo
had-hadleen farahana fiiq-fiiqeen ayey dareemeen oo igaba tageen.Waxaa
jirtay halkan oo aan xusayaa in markii nimanku guriga isa soo hor tubeen
anna aan sugayo soo galitaankooda in Hurdo Allah igu riday oo aan soo
baraarugay nimankii oo meesha ka maqan.
Gabadhii oo ordaysa ayaa ii soo gashay aniga oo kitaab dhiig ka buuxo
akhrisanaya, waxayna i warsatay siday wax u dhaceen anna waan uga warramay
markaas ayey tidhi [Huunnooy awliyo ayaan kuu malayne miyaad tukataa?]
Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dib intaas waan seexday oo toosay makhribka
agtiisa iyadooy ila joogaan gabadhii iyo mid kale oo aan anigu u farriin
faray. Reerkii guriga lahaa ayaa yimid makhribkii aniga oo ay 2-dii
gabdhood sahan I hor socda ii yihiin ayaan magaalada ka baxay in kastoo
gaaladu jidadkoo dhan taagnayd.
Sidaas cajabta leh ayuu C/kariim kaga baxay magaaladii isagoo sita qorigii
qaniimada ahaa wuxuuna haleelay Mujaahidiintii uu ka soo hawl galay
ee Akhristow waa RUNE RUMAYSO.
RUMAYSO
WAA RUNE!!!.(2)
Waa 8/05/94-kii waxaannu ka soo kacnay Ciidan mujaahidiinta ka tirsan
oo
tirsigiisu dhan yahay 20 Nin joogayna Tuulada Suryada agteeda, taas
oo u dhaw magaalada Dh/buur una jirta 60Km, Dhawr Cidmaal(2Beri) waxba
ma aannan cunin oo Baahi ayaan la liidannaa. Waxaa Tuulo nagu dhaweyd
loo soo diray Aniga C/RISAAQ YUUSUF DIIRIYE iyo Nin kale oo Saaxiibkay
ah si aannu uga soo gadno Raashin.
Xilligaas waxay ahayd wakhtigii ay Mujaahidiintu ka baxeen Saldhig-yadoodii
ku yiillay Aagga nogbeed sida:- Xaangey,Ugunje, Ceel-ciiri, Garasley
iyo kuwo kaleba ka dib markii Cadawga oo kaashanaya Maraykanka iyo Ciidamo
Ereteriya ah uu Duullaan Cir iyo Dhulba ah ku soo qaadday Fadhiisimadaas.
Mujaahidiintu waxay Go,aansadeen Dagaal Dhuumaalaysi ah, Cadawguna wuxuu
ku sheekeeyay in Nimankii Asal raaca ahaa uu Bur-buriyay oo ay ka hadhee
wax yar oo ay Ugaadh-sanayaan , taas oo shacabka Niyad Jab iyo Cabsi
badan ku Abuurtay, marka ayArkaan Nin Mujaahid ahna waxay isku dayi
jireen inay yidhaahdaan na gara mar ha na Gubin waa la idinka Adkaadaye
oo Gaalada hannagu laynin, sidaa darteed marka aan Doonno inaan Tuulo
ama Shacab si uun ula Macaamillo way nagu adkayd annagoo Hubaysan oo
naloo garanayo Mujaahidiin inaan ka dan qunsanno.
Markii aannu Tuuladii
sii galayno ayaan waxaan Aragnay Gaadhi ay Gaaladu leedahay oo taagan
oo aannan meesha ka filaynnin, waardigii Gaalada ayaa nala hadlay oo
kaalaya na yidhi Balse aniga iyo saaxiibkay Dheg uma aannan dhigin oo
waxaannu iska dhignay waxaan maqlayn oo kale Tuuladii ayaan galnay Maqaaxidii
ugu horreysay ee aannu galnay waxaan ugu dhex tagnay 6 Gaal oo ay 4
Bastoolado qabaan 2-na Qoryo haystaan, Shaah ayaannu Dalbannay ka dibna
waa nala waraystay, waxaan u sheegnay in aan ka nimid reer Degay meel
Xoogey jirta oo sonkor iyo Raashin soo doonnay.
Gaaladii ayaa naga baxday markaa Dadkii waxaannu waydiinnay waxa ay
Qabanayso Bahasha halkan joogta, waa naloo sheegay in Gaadhi halkan
kaga Hallaabay oo ay sideen Raashin iyo Rasaas ay u wadeen Ciidamada
Duurka lagu sii daayay ee Raadinaya wixii ka hadhay Nimankii Gadhka
Fiiq-fiiqnaa. Waxaan kale oo aannu waydiinnay Tirsigooda marka Dadkii
qaarba waxbuu noogu sheegay, qaar 40, qaarna 70, qaarna waxayba lahaayeen
Nimanka xalay buu Ciidan badan u yimid.
Sonkortii iyo Raashinkii intaan Gadannay ayaan xaggii Ciidanka u dhaqaajinnay
waxaan Goaansannay inaan ka Shaqaynno sidii aan Nimankaas ula
Dagaallami lahayn, Wiilkii ila socday ayaan ku idhi haddii lagu warsado
waxaad sheegtaa 7-dii Gaal ee aannu aragnay illayn waxaad hubto sheeg
ayaa la yidhiye, waxaana ka codsaday in ku tidhi-kuteentii shacabka
uusan waxba ka sheegin oo aniga warka ii daayo.
Waannu sii Oradnay
oo meel 1:30 Daqiiqo loo soconayo oo Ciidanku joogay ayaannu 30- Daqiiqo
ku gaadhnay, waxaan ku idhi Ciidankii Niman-yahow baahibaa inna dilaysa
waxaana Tuulada joogta Gaalo Raashin iyo Rasaas wadda oo tiro yar magaciin
jirye meesha innaga wadiya aynnu Nimanka jarnee.Waxaa la I waydiiyay
inta ay ahaayeen waxaanan u sheegay in aannu aragnay 7 kaliya laakiin
Dadku sheegayeen 40 meel Afartan Nin ku qarsoomi kartana iima muuqan.
Markiiba Annagoo
(2) Unugood ah ayaan soo dhaqaajinnay Weerar ayaan ku qaadnay, Allah
fadligii waxaan ku soo hagaagnay iyadoo kala Daadsan oo Qaarna Gaadhigii
hoos jiifo qaarna Raadiye diraha Unugta aan la socday oo 9 ahayd ayaa
soo horreysay waxaannu Dabka saarray kuwo 6 ahaa oo Gaadhi hoos hadhsanayay,
midina kama uusan bixin oo iyaga oo aan Xabbad qudha soo ridin ayaan
ka faro xalanay.
Kuwii kale ayaa
meelaha ka soo bax-baxay iyagana kama aannan leex-leexane Foodda ayaan
ku qaadnay Allaahna waa nooga Gar-gaaray. Intii kuwaas dambe aannu la
diriraynay ayaan 2 Mujaahid u dirray inay bixiyaan Rasaas badan oo Gaadhiga
saarreyd iyo Qoryihii aannu Nimanka ka furannay.
Dagaalkaas dhexdiisa
waxaa aad noola diriray Nin Sarkaal ah oo aan Filayo in uu Dhakhtar
ahaa oo marka Xabbaddu ku dhacdaba inta uu is duubo nagu soo Ordayay
inta aan la yaabay ayaan waxaan idhi:- (War Inkaar qabuhu muxuu Naarta
kaga qamaamayaa?) waanan dillay marka uu marayo Xabbadii 7aad oo ku
dhacda.
Ka dib waxaan hareeraynay
kuwo 4-ah oo colkii ka hadhay oo Meel Qorrof ah ku gabanayay, Cabbaar
haddii ay nala Dagaallamayeen ayaa waxaa soo hadhay mid kaliya oo aannu
saari waynnay ayna nala noqotay inuu dhaawac yahay.3- aan ku jiro oo
Mujaahidiinta ah ayaa loo diray inay Dhabarka kaga yimaaddaan sidii
aannu u soo xulaynnay Fardaan uu ku jiray ayaannu dhabarka Qori ka saarnay
isaga oo Shiishaya nin Mujaahidiinta ka mid ah, Qorigiina waannu ka
laadnay Illayn waa Fayoobaaye Carar ayuu Cagaha wax ka dayay Anana Xabbad
ayaan kudhufannay.
Sidaas ayaa Allaah
Gaaladii noogaga Gar-gaaray oo waxaan ka dillay (18) Annana waxaa naga
Shihiiday (2) Mujaahid, waxaana Gaalada ka Furannay 7-Qori oo[Ak-47]ah,
Hal qori oo (M-14)ah, Hal qori oo (Pkm)ah, 3- Bastooladood iyo 4- Raadiye[Is-gaadhsiin]
2 yar-yar ah iyo 2- waaweyn, (5000)Birr, 10,000[Rasaas Ak iyo Pkm] iyo
Dhar badan.
Waxaa kale oo aannu ka qaadannay Raashin Buskud u badan wixii aannu
ka qaadi karnay, wixii aan u Tabar waynay Illayn Gaadiid ma aannu wadane
waxaan ugu yeedhnay Shacabkii oo qaatay Rasaas aannu ku qiyaasnay(20,000)
oo isugu jirta Pkm iyo Ak iyo Raashin Badan Gaadhigiina Dab ayaannu
Saarnay ee Akhristow Rumayso Waa Rune!!.
RUMAYSO WAA RUNE!!!.(3)
Waa wakhti Aroor ah 5/10/96-kii mid ka mid ah Mujaahidiinta oo Shalay
4/10/96-kii Alaab ku soo Illoobay Ceelka Qorra ayaa dib ugu soo kallahay
Ceelka si uu Alaabtii u soo baadi goobo.
Ceelka Qorra wuxuu Degmada Dhanaan u jiraa 25 Km dhinaca Galbeed, wuxuuna
is arkay isaga oo dhex taagan ciidan Tigree ah oo Xalaynimo halkaas
soo dagay, isla markiibana si tartiib ah ayaa isagoon la arkin u soo
baxay una wargeeyay Raggii kale.
Ceelka waxaan ku ballansanayn Ciidan kale oo Mujaahidiinta ka tifsan
oo aannu maalmahaas halkaas ka filaynnay, 5 ka mid ah Mujaahidiinta
oo aan anigu [DAYIB HEEBAAN] ka mid ahay ayaa meeshii loo soo diray
si ay u soo xaqiijiyaan cidda meesha joogta. Waajibka nala siiyay wuxuu
ahaa haddii uu Cadaw noqdo, Dagnaanna aannu ka helno inaan doc ka wareen
ku samayno isagana soo baxno, Mujaahidiintuna waxay galeen diyaar garow
buuxa, waxaa kale oo naloo diray in cadawga dhumucdiisa aannu ka soo
war bixinno.
Sidii aannu u soo
Gaatamaynnay ayaannu ka soo gudubnay Ilaaladii Ciidanka iyo Safkiisii
hore ee soo jiray dhankayaga annaga oo aan ogayn in an soo dhaafna,
waxaana soo gaadhanay Taliskoodii dhexda ku jiray, si kadis ah ayaan
Rasaas ugu furray oo dhawr meeshii dhignay wixii ka hadhayna waxay u
carareen wajigooda.
Waxaannu doonnay in aan u laabanno dhinicii aannu ka nimid mise waxaan
dar-darnay Ciidankii aannu soo dhaafnay oo diyaar garoobay Dhufaysna
noogu jira oo raba inay na qab-qabtaan.
Annagu bannaan ayaan soconnay iyagu geed qab ayay ku jireen, markibana
waxay isku dareen Rasaas ay nagu furaan iyo kicid ay nagu soo yaacaan.
Bannaankii ayaan is daadinnay oo si adag ugu jawaabnay Rasaastii ka
dibna Faraq Geed qab ah oo nagu dhawaa ayaannu xaggiisa isu majiirray,
3 ka mid ah saaxiibbaday ayaa iga horreeya midina Bannaankii ayuu ku
hadhay oo waxaannu u qaadannay in uu Shihiiday. Saaxiibbaday Faraqii
ayay durbadiiba gooyeen oo markaana wajigoodii oo ay cidla u haysteen
ku sii dhaqaaqeen Balse rasaas xoog leh ayaa ka hor timid, Anigana ii
diidday inaan gudbo.
Rasaastii nalagu soo ridayay ayaa waxay gubtay Shaadhkaygii iyo macawis
an qabay jidhkaygase waxba ma soo gaadhin, waxaan ku noqday Fadhigii
waxaanan arkay Saaxiibkaygii inuu Shihiiday aan u haystay oo xaggayga
u soo kacay, waan u gacan haadiyay si uu ii soo haleelo balse markii
uu5 tallaabo ii soo jirsaday ayay Xabbadii haleeshay oo uudhacay.
Raggii kale e 3 da ahaa Rasaastii ka hor timid awgeed ayay xaggayga
u soo rogmadeen waxayna u kala jeedsadeen 3 jiho oo rasaasi kaga imaanaysay
Dagaal aad u khadhaadh ayayna ku jiraan.Anigu waxaan markaa doonay in
saaxiibkaygii Shihiiday[MAXED HAYBE] aan ka soo qaado qorigii
balse markii aan dul imid ee ku foorarsaday ayaa waxaa ilagadday rasaas
kulul oo la I qabadsiiyay, waxaana iga duulaya Qorigii aan sitay.
Gaalkii isoo rasaaseeyay
iyo aniga ayaa qorigii u soo tar-tannay isagoo qorigiisuna gacanta ku
sita balse waan ugu hor maray markaan gacanta ku dhigay ayaa waa wax
Allaah iigu gar-gaarayee inta uu hilmaamay inuu isagu Qori sitay ayuu
dhulka isku lagday, aniguna uma sugine Feedhaha ayaan kaga dhuftay,
Saaxiibaday intaan hawshaas ku Mashquulsanaa ayay Cadawgii hor fadhiyay
Rasaas iskaga banneeyeen, balse inatay dib soo fiiriyeen ayay isha ku
dhufteen markii Rasaastu Iga go'day.
Markaas ayay iyaga oo is caraabinaya dib iigu soo laabteen, Balse aniga
oo bad qaba ayaan ka hor imid oo 4-tayadii is hellay iyadoo dhinac walba
nalaga jiro, waxaanan goaansannay Rasaasta Khasnad- khasnadda
ah ee noogu hadhay Qoryaha aannu jiho uun ku bannaysanno.
Waxaan isku darray Rasaas xoog leh oo aannu furray iyo Takbiir(ALLAAHU-AKBAR,
ALLAAHU-AKBAR) Allaah fadligiina annaga oo bad qabna[marka laga reebo
shihiidkii] ayaan ka baxnay Dagaal socday ugu yaraan 45: Daqiiqo Annaga
oo aan sidan Dhar Cawradayada Astura.
Gaaladii waxay dadkii ugu shekaysay dadkii in cidda ay la dagaallamayeen
aynan ahayn insaan caadi ah Balse ay ahaayeen dad yaab leh oo Xabbaddu
garab marayso ee Akhristow Rumayso waa Rune.
RUMAYSO
WAA RUNE(4)
Waxaanu ahayn koox ka mid ah ciidanka Mujaahidinta S/galbeed oo joogtay
Xagal oo ah laas ku yaala laagta Milmileed, tirsiga yaguna waxuu dhamaa
ilaa 26 nin, waxaa markaa burburay Hudno u dhaxaysay Mujaahidiinta S/galbeed
iyo Tigreega waxaana si kulul u biloowday dagaaladii.
Gaaladu waxay biloowday dhaqdhaqaaq xoog leh waxaana nagu soo baxay
ciidan afar madax ah oo tirsigiisu gaadhayo 420 Askari oo ay ujeedadoodu
tahay inay naga faraxashaan oon dib naloo arag ama aan gobolka ka baxno.
Dhowr maalmood ayaan ku jiray raad gadasho laakiin jihadaan u baxnaba
waxaa nagaga yimid ciidan, Ninkii masuulka naga ahaa Allaah ha
naxariistee C/raxmaan Xasan Wacdi ayaanu u soo jeedinay inaanu shan
shan u kala baxno wakhtina ballano, balse waa naga diiday asagoo u arkayay
in kala fakasho iyo cadowga oo gacanta loo galo ay keeni karto.
Dadka waxa u wada muuqtay in dagaal lama huraan yahay, sidaa darteed
maalin kahor dagaalka oo ku beegnayd 5/11/1995kii ayaanu iska reebnay
4 nin oo aan labo kamid ah u dhiibnay raadiyihii labana gaadiidkii si
aanu ciidan fudud u noqono.
Xaaladuna aad ayay noogu adag tahay oo afar cidmaal waxaanu cunay ma
jiro waxaana noo dheer socod raad gadasho ah.Subaxdii dagaalka oo ahayd
6/11/1995kii habeeenimadkeedii ayaan anigu (Daahir Macalin Caraale)
aad u walbahaaray, waxaan tukaday (salaatu-layl) waxaanan Allah ka baryay
Shahaado ama wax indhahaygu ku farxaan, waxaan habeenkaa ku riyooday
wiil iigu dhashay meel ka fog dhulka S/galbeed oo aan meeshii ugu tagnay
Aniga & labo mujaahid oo kale, Riyadaas waxay ila noqotay qarow
waayo? waxaan u heensays nahay dagaal barri la sugayo marka waxaan Allah
ka baryay Shahaado.
Waagii ayaa noo baryay salaadii subaxna waanu tukanay, anigoo akhrisanaya
adkaartii subax ayaa loo diray labo wiil oo roondo ah jihadii aanu shalay
kasoo soconay oo la filayay in col naga raad gurayay, waxyar kadib ayay
arkeen col lixaad leh oo soo socda, warbixintii ayayna noo keeneen.
Taliyihii ciidanku waxuu noo qaybiyay saddex qaybood 2 min 7 ah &
mid 8 ah. Meeshii aanu daganayn 2 dii isla ekayd ayuu aagag difaac kala
galiyay, anagoo 8 ahayna inaan dhabar jabin ilaalino ayuu noo diray,
markaa waxii ka danbeeyay saaxiibadayo shanqadha rasaasta mooyee waxba
iskama aanan ogayn. 8-dayadii oo dhisan dhismaha unugga ciidan oo aan
anigu sido (PKM) ayaa waxay rasaastii ka bilaabatay dhanka labadii 7
aad, oo doogaad bay ahayde Qiiq, Daryaan iyo Caydh mooyee waxkale ayaa
la arki waayay.
Hadday 30 daqiiqo wax kayar socotay waxaa dhankaanagii ka soo baxay
ciidan badan oo ah kuwii naloo diray ayagoo u socda si warmooganimo
ah iyo sidii rag guushu gacanta ugu jirto oo is huba.
Goor ay nagu soo dhawaadeen ayaanu ooda kaga qaadnay, Anigu shiishka
ayaan aad u aqiinay oo xabadaydu way gafid yarayd waxaanan arkay wax
daadsan, wax sii daba gadoomaya iyo wax sii cararaya uun , Qoriga 500
oo xabbo ayaan ku sitaa markaana waxaan riday 200 oo xabbo, labo nin
ayaa naga dhaawacantay labana iyagii ayay bixiyeen waxaanan ku soo hadhnay
4 kaliya.
Gaaladii dib ayay nooga baqatay, Taliyihii unugtaa Lamaange 10 xabo
ayaa qoriga ugu jirta, RBG7 kana labo xabo kaliya ayaa u soo hadhay,
ninka kalana hal khasnad ayaa u soo hadhay, anigana qorigaygii xabad
ayaa isku goysay oo markaasaanu jiid jiidnay waanse kari waynay.
Intaanu isku jeednay ayay gaaladii isa soo caraabisay oointay
meeshayadii garab martay doontay inay saaxiibadayo dhabar jabiso, waanu
garab galay waxaana u tartanay meel buur ah, Allah fadligii waan ooga
hormaray maxaanse haynaa oon kula dagaalanaa? !!
Buurtii ayaan 4-yadii isku qaybinay oo midba meel istaagay intuba inta
ka dhaqso lehe waxay nasoo gashay ayadoo siqaysa, Aniga iyo ninkii saaxiibaday
iigu dhawaa ayaa waxaa na dhex martay tashi gaaban oo ah inaan qoriga
PKM ah aan bixino maadaama uusan dhacaynin si aynan gaaladu u qaadan.
Asagu aniga ayuu ilahaa bixi, aniguna asaga ayaan lahaa, Waxaabase naga
soogaadhay gaaladii oo waxayba nagu noqotay (Alamtara Libaaxii soo dhaaf).
Intaan Bisinka qabsaday oon Allaahu akbar idhi ayaa xagii gaalada u
foorariyay Mise wuu daldalmayaa !! aad ayaan ugu farxay markaas ayaan
la istaagay oo si fiican u hurgufay mise gaaladii waa agalaxa oo aad
ayay u daadatay waana sifaysmay jawigii nagu cakiraa.
Mark uu saaxiibkay maqlay qorigaygii oo dhacaya ayuu asaguna dhexdhigay
hal xabo oo RPG7 ah, meeshaas ayay gaalo ku luntay.
73 xabbo markaan ka riday galana sidaan sheegnay noqotay ayuu qorigii
ku soo noqday xaaldiisii Hore (Hallowgii).
Waxaanu kabaxnay dagaalkii iyadoo dhankii kalana ay ka joogsatay xabbadii
kadib dagaal kulul oo socday 6 saac waxaan iskugu nimid meel aan bar
kulan ku lahayn wakhti casar ah.
Waxyaabaha iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen:- Goobtii aan daganayn
ee dagaalku ka dhacay waxii aan kaga tagnay ee qalab ahaa oo uu ku jiro
silis anigu aroortii aan culays dartii iskaga reebay, 4 cisho kadib
waxaan u nimid iyagoo sidoodii ah.
Waxaa kale dagalkaas oon cidna nagaga Shahiidin oo gaaladii ay qiratay
inay kaga dhinteen 65 askari iyo 90 dhaawacantay. Waxaa kale oo yaab
lahyd waxa qabsaday dadka shacabka ah oo sida caadada ah soo hubiya
meelaha dagaalku ka dhaco, Oday la yidhaahdo Daahir fanax waxuu ii shegay
inuu 4 jeer isku dayay inuu galo goobtaas balse mar walba uu maqlayay
shanqadh qori la koon garaynayo ka dibna uu soo cararay.
Xoolihii iyo ciyaalkii ayaa diiday inay u dareeraan aagii dagaalku ka
dhacay oo ka soo didaya sida odaygaasu ii sheegay, waxayna markii ugu
horeeysay dagaalka dabadii ee ay na arkeen reeruhu yidhaahdeen Owliyaad
tihiine noo fasaxa in xooluhu noo daaqaan dhulkaas dagaalku ka dhacay.
Waxay Odaygii iyo dadkii kale ee goobta ka ag dhawaa na waydiiyeen (Kuwii
buurta saarnaa ee quraanka makrafoonka ku akhrinayay ma waxay
ahaayeen kuwo aan dagaalka kujirin) Laakiin anagu waxba ma aanan maqlaynin
ayaan ugu jawaabnay wayse naga rumaysan waayeen !!
Gaaladu dadka waxay ugu sheekaysay dagaalku dhexda yada ayuu ahaa oo
is laynay.
Akhristow riyadii Daahir Macalin Caraale ee habeenkaas waxay rumawday
labo sano ka dib 15/9/1997kii oo wiil ugu dhashay meel ka durugsan S/galbeed
oo ay ugu tageen asagaya iyo labo Mujaahid oo kale ee Rumayso waa Rune
!!
RUMAYSO
WAA RUNE !! (5)
Waxaan ka imid Godey oo aan si khatar leh kaga soo baxay, waxaanan imid
Dhanaan. Waxaan helay dhowr Mujaahid oo loo soo diray inay dilaan nin
ciidanka cadowga ee dhanaan madax u ah oo shacabka aad u dhibay. Waxay
ila noqotay inaan howgalkan ka qayb qaato saaxiibadayna ima ayan diidin.
2 Maalmood markii aannu sugaynay ayaa gaalkii maalintii 3aad soo dhaadhacay
iyadoo ay la socdaan ku xigeenkiisii, nin jaajuus ah oo dadka iyo isaga
u kala turjubaana iyo 2 askari, laba askari oo kalana ay xoogaa ka yara
danbeeyaan.
Ninku makhaayad la sahamiyay ayuu tagaa oo dadka kula hadlaa kana hanjabaa.
Annagu markaa waan is qaybinay, labadii nin ee Amiirka iyo ku xigeenka
naga ahaa waxay dhaheen annaga ayaa nala soo amray oo ninka gacantayada
ku dilayna, markaana qoryahoodii ayay kusii xasaysteen meel u dhow Makhaayaddii,
Aniga iyo ninkii kalana waxaa naloo diray inaan difaac ka galnno guryaha
u xiga xerada ciidanka si aan uga hortagno gurmadka, halkaa ayaan anaguna
qoryahii ku sii qarsannay.
Afartii gaal ee wada socotay waxay tageen makhaayaddii labadii kalana
waxay soo galeen aaggii aan joognay. Aniga iyo saaxiibkay haddii aan
cabbaar shanqadh xabbadeed sugaynay oo aanu waynay, waxay nala noqotay
in saaxiibadayo fuloobeen, sidaa darteed waxaanu is nidhi soo hubiya
saaxiibadiin, balse waannu waynay, anagoo yaabban ayaa wiil yar na yidhi
farriintan ayay saaxiibadiin ii kiin soo fareen oo yidhi:-(Gaaladu intii
aynu ku talo gashanayn waa ka badan tahay ee arrinta barri ayaan dib
ugu dhignay ee la socda).
Warkaas waa nala khadhaadhaaday labadayadii waxaan goaansanay
dagaal, haddii aan saaxiibadayo raadin lahaynna waxaan aragnay nimankii
oo soo baxay oo raba dib inay xerada ugu noqdaan markaas ayaan aniguna
qorshaystay afartii, Saaxiibkayna u diray labadii kale. - Annagoo dag-dagayna
oo ka yaabban in cadowgu naga baxsado ayaan doonanay qoryahii, oon la
soo laxaadsannay, ciddii dhawaaqda oo iska jira dhahdana waxaa noo goaan
ah inaan kor dhigno xabbad oo aan cabsiinno.
Sakad dheer oo wareeg igu fog ah ayay ahayd inaan la wareego si aan
nimanka aan rabay u gaadho, balse waxaan arkay guri labo af leh oo Makhaayad
ah lagana dhex dusi karo, qorigana go ayaa ka koreeya oo waa ii
asturanyahay. Gurigii anigoo dagdagaya ayaan soo galay waxaan isha ku
dhuftay 4 Askari oo labisan, hubaysanna oo shaah ku dhex cabaysa.
Soo galitaankaygii ugu horreeyayba waxaan daadiyay oo lugtaydii ku dhacday
shaahii uu cabayay askari ka mid ah nimanka. - Intaan naxay oon dib
u baxay ayaan qorigii soo rogtay ayagiina sidaydii oo kale way naxeen
waxayna u qaateen nin reer baadiye ah oo si kadis iyo warqab laaana
meesha ku soo galay oo haddana qorigiisii la baxsanaya. Waan ku soo
noqday oo aan soo kala dhex istaagay ayagoo isku diyaarinaya inay iga
daba yimaaddaan.
Waxaan goaansaday inaan labo dilo labada kalana aniga ay i dilaan.
Mid ayaa igu soo booday oo wajiga, Indhaha iyo sankaba I qabtay oo sacabka
iga saaray, balse Allah ma guulaynin ee waan ku kala jeexay mid kale
ayaa soo booday oo aan asagana kor dhigay labadii soo hadhay mid miis
ayuu hoosta ka galay midna gabadhii makhaayadda lahayd ayuu isku duubay,
markii aan doonay inaan dilana gabdhihii ayaa yidhi walaal hana laynin,
Anigu ismaba ogi qoriga laba khasnadood ayaan ku ogaa midi dhexda ayay
deg-deggii suuqa igaga dhacday middii kalana labadii gaal ayaan ku dhameeyay.
Markaan labadii dilay ayan ka baxay gurigii labadii gaal ee hadhayna
midi miiskii ayuu iskaga hoos jiray midina intuu irridda ka baxay ayuu
i soo xabbadeeyay markii aan is idhi ku ridna waxaan arkay in aanan
xabado haysan oo waan is tuuray oon galgashay asagana xagga xeradiisii
ayuu u cararay.
Arrintii naga fashilantay oo raggii aan rabnay waxay ku carareen xeradii,
Saaxiibkayna markii uu rasaastaydii maqlay ayuu labadii askari ee lagu
aadiyay ka takhalusay oo intuu qori ka qaatay iska baxay.
Anigu waxaan dhex raacay dadkii baqanayay qorigiina meel dooxo ah oo
qoyan ayaan ku xaseeyay kadib waxaan arkay haweenay leh waryaa Islaam
ah oo qorigan iga qaada. Qorigu wuxuu ahaa mid nin aanan ogayn oo magaalada
dhinac kaga jira uu dhigtay guriga haweenayda ayaduna intay baqday ayay
iska fogaynaysay.
Waan ka qaaday
waxuuna sitay 6 khasnadood mar haddii aan xabado helay anigoo labadaydii
qori sita ayaan dib ugu soo noqday magaaladii waxaana imid ayadoo afartii
bakhti ay niman boolis ahi sii qaadeen oo xeradii gaalada geeyeen waxayna
ila noqotay inaan soo dhaadhacooda sugo oo dhinicii xeradoodu jirtay
ayaan dhufays ka galay, wax soo dhaadhacase waan waayay.
Goor danbe oo ay makhrib agtiis tahay ayaa midi ka soo baxay oo markuu
iridda marayo ayaan ku dhajiyay waxaana maalintii danbe la ii sheegay
inuu dhintay. Habeenkii oo dhan ayaan sugayay bal wax soo dhaqaaqa aroortii
markay tahay ayaa la igu yidhi aan kuu ducaynee ama magaalada aan ka
baxno oon caruurta gacmaha qabsano ama iska tag gaalo kaa cabsataye.
Gaaladii waxay odoyaashii u tagay ku tidhi magaalada ciidan ayaa haysta
oo u soo dhaadhici maynee nimanka la hadla oo magaalada ka saara. Goor
danbe oo ay 3 saac oo subaxnimo tahay ayaa inta Beer si fiican laygu
qureeciyay ayaan iskaga baxay magaada.
Hadaba Akhristoow taasi waxay ahayd Xaqiiqo uu sameeyay Mujaahid Maxmuud
Xirsi Duulane ee Rumayso waa rune.
Back