|
Wararka
maanta
|
||
|
Shir Balaaran oo Waxloogu Qabanayo Dadkii Soomaaliyeed ee Ku waxyeeloobay Rabshadihii Kadhacay S/Afrika oo ay kasoo Qayb galeen Wasiiro katirsan Dowladda S/Afrika. Shir ay kasoo qayb galeen 8 wasiir oo dowlada south africa katirsan oo lagu lafa guray sidii wax loogu qaban lahaa dadkii soomaaliyeed ee ka barakacay rabshadihii dalka s/afrika ayaa lagu qabtay gobolka western cape. shirka ayaa kadhacay dugsi Sare oo kuyaala xaafada site B ee deegaanka Khaylitja oo kamid ahayd meelihii barakaca ugu badan kasoo gaadhay Somalida kunool gobalkan western cape waxaana soo xaadiray madaxweyna kuxigeenka dalka koonfur africa mrs.P.Nakuka ,Wasiirka hidaha iyo dhaqanka mr.polar Jordon, oo ah siyaasi rugcadaa ah oo saamayn weyn kuleh siyaasada xisbiga talada wadankan haya ee ANC iyo Badhasaabka gobalkan Ebrahin Rasool oo ah nin muslim ah si gar ahna uga gilgishay dhibaatada soo gaadhay dadka soomalida ah . shirkan ooy sidoo kale ka qayb galeen xubna kasocda kooxda maaraynta masiibooyinka ee somaliyeed (somali disaster management team) ayaa waxa lagu lafa guray wixii dhacay iyo cida ka masuulka ahayd iyo waxa hada loobaahan yahay in laqabto waxayna xubnihii dowlda kasocday ka cadeeyeen goobta in ay somalidu ku leedahay abaal gaar ah dowlda south africa iyo dadkeedaba ayna ksoo qaybqaateen halgankii xorimo doonka ahaa ee ANC da waxayna su,aalo waydiiyeen dadkii daganaa meelihii boobku ka dhacay iyaga oo yidhi ma wax dhib ah ayad tabanaysaan somalida iyo dhaqankooda waxayna dhamaantood isku raaceen inayna haba yaaratee somalida u ahaynin wax ceeb ah ayna jecelyihiin kanasoo horjeedaan dhibkii dhacay kadibna xubnihi dowlada ayaa arinkaas soo dhaweeyay waxayna cadeeyeen in lasameeyay maxkamad gaar ah oo lala tiigsan doono dadkii ka danbeeyay falkii dhacay. sidoo kale waxay sheegeen in loohayo qalalaasihii dhacay dad gaadhaya 800 oo qof lagana hor,istaagay dadkaas in damiin lagusiidaayo waxayna intas ku dareen in qabqabashadu socoto ilaa hada ,waxayna intaas ku dareen in dowldu diyaar u tahay in qorshe cusub ay dhaqan galiso oo lagula dagalamayo weerarada jinsiyad nacayb ka ah iyagoo sheegay in lasamaynayo gudi isku dhaf ah oo ka kooban: police ka ,dad ka deegaanka ,iyo soomalida ganacsiga kuleh meesha, ayna u kuur gali doonaan shirqolada la maleegayo jawaab dagdag ahna laga bixin doono hadii la helo warar danbi la xidhiidha . mar laweydiiyay in wax magdhow ah lasiin doono dadkii la moora duugay ayay ku jawaabeen in uu jiro doona gacan loofidin doono dadkii hantidooda la baabi,iyay walow ay ka gaabsadeen gacantaasu waxa ay noqon doonto sida uu sheegay MAHAD CUMAR CABDI oo ku magac dheer LIBAAX oo ah arday jamaacada UNISA kadiyaarinaya shahaadada sare kana tirsan Somali disaster management Team oo isaga laftiisu ku barakacay deekaanka uu shirku ka dhacayay ee khaylistja waxaana argadii somalida ooga qaybgashay shirka ka mid ahaa MAXAMED CISMAN JAAMAC (DHEEREEYE) oo ah xubin firin fircoon oo katirsan madaxda somalida gobalkan western cape ,waxayna labadooduba ka muujiyeen rajo wanaagsan sidii qiirada lahayd ee madaxdii meesha timid uga hadleen arinta . dhinnaca kale waxaa wali kusugan masaajida ,xaramuha dowlda hoose iyo xeryo milatriba kumaanaan soomaali iyo african kalaba isugu jira oo ku barakacay ququlatooyinkan ka aloosan dalka koonfur africa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaana dhibka ugu badan uu haystaa dadka kujira xerada lagu magacaabo Soet water (biyihii macanaa) oo kutaala meel xeeb ah oo u dhow meesha labada badood iska yimaadaan waxaana kajira halkaas qabow aad u daran waana xerada dadka ugu badan kujiraan ee aaga magaalada Cape Town waxaana la isdhexmarayaa in dadka xeradaa kujira ay ka dhur sugayaan in UNHCR ay u qaado wadamada dibada hase yeeshee mar aan khadka telefonka kula xidhiidhnay Mr APEL oo ah sargaal sare oo katirsan UNHCR ta oo fadhigiisu yahay Pretorea xarunta wadankan oon wax ka waydiinay in ay jiraan wax ay ugu tala galeen dadkan barakacay ayaa sheegay inayna jirin ilaa hada inta uu ogyahay Mr Gobta oo isna katirsan UNHCR ta ayaa raaciyay in haday Dowladu ka codsato in lagu caawiyo sidii dadka meelhii ay kaso barakaceen laagu celin lahaa ay diyaar u yihiin taas laakiin ayna suurta gal ahayn awoodna ayna u lahayn in dadkan lageeyo meelkale oo ka baxsan wadanka wuxuuna tibaaxay in wadankale dad u qaadistiiso ay tahay wax xadidan oo 0.5% aduunka digu udajin loosameeyo ayna qaadato sanado ayna ku xihantahay wadamaad ogalanshahooda iyo sida lo kala daran yahay. dhicaca kale waxaa aad ugu howlan gargaarida dadka barakacay walaalaha muslimiinta wadankan u dhalatay oo wax walba oo dadku baahnaayeen diyaariyay sida hooyga ,Cuntada ,Gogasha ,iyo dharka waxayna aad ugu diyaar garoobayan waxna ka qaban qaabiyeen mudaharaadka laga cabanayo dhibaatooyinka loo gaysto dadka qaxootiga ah ee soomaaliyeed iyo kuwa african ah ba mudahaaradkan o ah mid nabadgaliyo kudhacaya sida loogu tala galay ayaa lagu wadaa in ay u dareeraan in ka badan 5000 oo qof maalinta isniinta ah ee soo socota bisha June ay tahay 2/06/2008 waxayna wax garadka soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga magaalada Cape Town ka codsanyaan dadka soomalida ah in ay ka qaybqaataan mudaharaadkaas ilaaliyaana sharciga wadanka iyo anshax mudaharaadka isla markaana waxay uga digayaan in ay jiraan dad dana siyaasadeed ka dhexeeyaan dowlada south africa o isku dayaya in ay ka leexiyaan cabashada dhabihii saxda aha una isticmaalaan danahooda siyaasadeed saas darteedna ay muhiim tahay in dadka somaaliyeed iyaga oo gacmaha is haysta ka qayb qaataan banaan baxan iskana ilaaliyaan cidii dhibaato abuuraysa una hogaan samaan dadka maamulaya banaan baxan iyo Police ka wadanka oo iyaga 4 ta dhinacba kasocon doona dadka cidii isku dayda dhibna gacan bir ah ku qaban doona. FG: ogeysiis: waxaa la ogeysiinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka wetern cape iney ka oo qeyb galaan mudaaharaad ka dhicidoona magaaladda cape town maalinta isniinta ah ee soo socota taariikhda 02-06-2008,
Xadiis Xaaji Aadan ,Cape Town, South Africa. contacts: xadiis80@hotmail.com. cell no,
:27721980051 Mujaahidiinta
Koonfurta Soomaaliya oo la wareegay Jasiirada Kudhaa ee G/Jubadda Hoose.
Mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa shalay galinkii dambe la wareegay gacan ku haynta deegaanka Jasiirada Kudhaa oo dhinaca konfur/galbeed ka xigta Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose. Afahayeenka Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed C/raxiim Ciise Cadow ayaa xaqiijiyay in ay shalay galinkii danbe la wareegeen gacan ku haynta Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubadda Hoose isaga oo arintaasi ka hadlayana waxaa hadaladiisa ka mid ah ciidamada Maxkamaduhu halkaasi way tageen wayna la wareegeen, wax dagaal ah oo weyna ka ma dhicin C/raxiim u waramayay Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ku sheegay sababta ay halkaasi u tageen Burcad sifayn iyo waliba sugida amaanka isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri deegaanka kudhaa waxa uu ka mid ahaa deegaanada Gobolada Jubooyinka, waxaana halkaasi joogay niman burcad ah oo mooryaan ah oo dhibaato shacabiga deegaanadaasi ku hayay Caddow ayaa sidoo kale sheegay in Burcad sifayn ay ka wadeen deegaano kale oo ka mid ah Gobolka shabeeladda hoose iyo waliba G/Sh. Dhexe isla markaana ay kulamo wada tashi la leeyihiin odayaasha ku dhaqan deegaanadaasi si ay isaga kaashadaan sugida amaanka isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri sidoo kale goobaha ay ka wadeen Ciidamada Maxkamaduhu xagga amniga waxaa kaloo ka mid ah Lego illaa Yaaq Bariweyne deegaanadaas oo ay la kulmeen Odayaasha iyo Waxgaradka Goboladaas iyo Deegaanadaas, halkaasina waxa ay ka sifeeyeen Burcad ay isbaarooyin u yaaleen, markii dabo dhilifyadii iyo cadowgiiba ay ka baxeen, waana isla afgaranay in deegaanadaasi amnigeed inaan wax ka qabano iyagana ay na kaalmeeyaan. Dhanka kale Afahayeenka Ciidamada MMIS C/raxiim Ciise Cadow waxa uu sheegay in shalay ay la wareegeen deegaanka cadalle isla markaana ay Burcadii ka sifeeyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Xarardheere isaga oo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yiri sidoo kale Degmada Caddale oo ka tirsan Gobolka Shabeeladda Dhexe oo jidkaan muqdisho ka soo baxa illaa Xarardheere isku xira oo iyaduna burcad fara badan ay ka dilaacday. Xoogaga
Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo xiligani isku
xilsaaraya sidii ay maamul iyo amaanba ugu soo rogi lahaayeen degmooyinka
ay la wareegaan iyo waliba kuwa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo KMG-kaba
isaga tagaan. Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa si weyn u cambaareysay maamulka Jasiirada Malta Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa si weyn u cambaareysay maamulka Jasiirada Malta qaabka xun oo ay ula dhaqmaan dadka muhaajiriinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ee sida tahriibka ah ku gala dalkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay hay'adda Amnesty international ayaa lagu sheegay in muhaajiriin doonayey in ay ka talaabaan jasirada Malta ay maamulka jasiiradaasi xirxireen halka kuwo kale oo ku go'doomay badda ay maamulka jasiirada Malta ku guuldareysteen in ay badbaadiyaan. Sidoo kale hay'adda ayaa ku dhaliishay jasiirada Malta in ay so weyn ugu xadgudbaan qawaaniinta caalamka ee dhinaca qaxootiga, iyadoo sidoo kalena warbixinta lagu sheegay in ciidamada Malta ay dadka muhaajiriinta dib u celiyaan. Hay'adda Amnesty international ayaa sheegtay in loo baahan yahay in maamulka jasiirada Malta ay badalaan hab dhaqankaas oo y badbaadiyaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda ku qatar galinaya badda. Jasiirada
Malta ayaa kamid ah goobaha ay sida weyn u istcimalamaan dadka muhaajiriinta
ah ee doonaya in ay u talaabaan dalalka Yurub, iyagoo naftooda qatar ku
galinaya badda. Badda al islaamu qariiban, Wa sayacuudu Qariiban.... Daafaha dunidan aynu dul-saarannahay & dabeecaadka dadka badidiisa kolkaad daraasayn ku samayso, waxaa kuu muuqan habdhaqan ay dhaqangalintiisu sandulayn ku tahay caruur iyo cirooleba. Habdhaankan oo aan ku qeexi karno cilmi ku salaysan tab & xeelad kuna hiranaya hirgalin, taabo-galin & ujeeddooyin horey la isula qaadaa dhigay ayaa ah nidaam aan mid jiifa jiifkiisa uga tagayn, kan indhaha lana dhagaha lagaga shubayo. Sidaa awgeed ayaa waxaad mooddaa inay jamaahirtu si dadban & si toosanba guddoon iyo hawraarsan mar qudha u wada tidhi hilinkan la isku hanuuninayo! Badhtamihii qarnigii na dhaafay ayaa faylasuuf reer galbeed ah laguna magacaabo Edwin Lemert dibadda u soo saaray khiddad aan ugu magic dari karno aragtida isa-sumadaynta (Labelling theory) oo ah hooyada ay ka soo uskuntay taxaalufka ay jamaahirtu isku taxaalufaysatay nidaamka aynu maanta u wada iilanay (Popular culture). Hal-ku dhegyada, halbeegyada & qeexidda kooxaha ku naxadhsan nidaamkan & kuwa ka gadoodayba waxaa lagu hal abuuraa lagana soo dhoofiyaa galbeedka, rugta iibgayntu waa dunida muslinka ah, danbiiluhuna waa midka aan badeecaddaa iibsan. Thomas Freeman waa suxufi heer caalami ah, aadna wax ugu qora saxaafadda New york times, isaga oo weedhaydaa ka marag kacayana wuxuu yidhi ** badeecadda maraykanku u iibgeeyo caalamka, waxaa garab socda cudud qarsoon, Macdonald-na(is maris laga cuno maraykanka) lama iibsadeen hadduusan iibgayn Macdonald douglas (muhandaskii sameeyey diyaaradda F-16 ee dagaalka)** si kale haddaan u idhaa fad ama ha fadine hee,,,,,,,,,,,,,,haaheey waa lagu fadsiin! Weedhaa uu sida aan gabashada lahayn noogu sheegay suxufi dalka maraykanka isaga & saxaafaddiisaba aad looga tixgaliyo ayaa waxay marag cad ka tahay habdhaqanka ay galbeedku & hawl-wadeenadooduba ku sandulaynayaan dunida,,,, khaasatan kuwa muslinka ah. George Tenneth oo isna la taliye sare u ah wasaaradda gaashaandhigga ee maraykanka, ayaa buugga la yidhaa hawlgalada sirdoonka maraykanka (CIA at war) ku yidhi** Masiixiyiinta & yuhuuddu waxay ku guulaysteen inay badhxaan diimahooda abraahiimiga ah, waxaana rajo fiican laga qabaa inay walaalaheenna muslimiintuna ay badhxi doonaan, annaguna aan la garab taagannahay hiil & hoo, kuwa mayalka adage ee diidana, waxaan la tiigsan doonaa quwado is kaashaday** Haddii haddaba wargaysyada & khuburada aadka looga tixgaliyo galbeedka ay si qayaxan u soo bandhigeen barnaamijka ay la damacsan yihiin kawnkan, suaashu waxay tahay habdhaqanka islaamku ma la jaanqaadi karaa nidaamkan cusub ee caalamka sanka laga marmarinayo? Umaddase baaqi ma ku yihiin akhiyaar suttida u qabatay dhaqan-geddiskan? Waana kobta nuxurka & biyodhaca maqaalkani ku soo aroorayo. Jawaabta 1aad waxa weeye, Maya, habdhaqan aadami dejiyey marna kama wada qosliyo laba qof, ee mid buu dulmaa midna wuu caleem-saaraa. Jawaabta 2aadna waxa weeye Nacam! Rag baa jira habdhaqankooda diiday inay haybad meel kale uga timaad & habeedba ku iibsadaan, wuxuu suubanuhu (scw) ugu yeedhay magac ah Qurabaa. Waana hal-dhaca qormadaydan. Bilowgii habdhaqankani & kacdoonkiisii u horeeyeyba wuxuu ahaa mid bulshadu la fajacday, wuxuuna ku danbayn mid lala fajaco sidii uu ku bilowday oo kale, arinkaasuna wuxuu hanbalyo & boogaadin u yahay qurabaada! Weedhan ayaa u qaybsan saddex marxaladood:_ 1- Habdhaqankani wuxuu ku bilowday qariibnimo:_ Sifadan waxay ka hadlaysaa rasuulka (scw) & halyeeyadii u horeeyey ee qaddiyaddan laabta ku qaaday, haddaad haddaba u dhabo gasho falcelintii ay bayaddii ku xeeranayd kala kulmen waxay ahayd mis isugu jirta sumcad dil, aflagaadayn,jidh dilid,musaafirin,magacyo ugu yeedhid iyo in loo arkayey falalkooda kuwo ku sifaysan ka dhan-ahaansho dawgii dunidu kolkaa taqaanay! Halgamayaashan habdhaqankan u banbaxay gummaadkana kala kulmay gayigii ku gadaamanaa waxay gabagabadii gadheen Guul uu guuluhu u ballanqaaday!
2-Habdhaqankan
wuxuu ku noqon qariibnimadii uu ku bilowday:_ maanta carada waxaa camiray
ciroole culimo diid ah, caruur summad laaana, bulsho nafsiyan madhan
cidlana heehaabaysa, hooyooyinkeen waxay ku dhex wajaqeen dhaqamo kala
duwan oo is hirdinaya, markaasay umaddii wada noqotay bulsho u wada afduuban
nidaamka cusub ee caalamka, kaasoo ku salaysan aragidii ahayd aragtida
isa-sumadaynta (labeling theory), taasina waxay na dhaxalsiisay maxsuul
& midho ah in habdhaqanka islaamku noqdo mid aan bayadda boosba
ku lahayn (Qariib), hawl-wadeenada u sare kaca soo celinta sumcadda umadda
& sare-yeelidda habdhaqankanna loogu yeedhay takooraneyaal (Qurabaa).
Maanta waxa bulshada dhexdeeda la kalgacaylbadan yahay kacdoonada ku qotoma waddaniyadda, beelaysiga, calan u istaagidda,gobolaysiga, tolweyne, isir-wadaag iwm. Oo intuba ahaa mawaaqiftii mustawaha & maamuuska ku dhex laha quraysh dhexdeeda goortii habdhaqanka islaamkuna ahaa mid loogu yeedhi jiray qariib, sidoo kale u heelannayaasha habdhaqankanna ahaayeen Qurabaa. Waana sababta uu suubanuhu(scw) u yidhi habdhaqanka islaamku wuxuu ku noqon qariibnimadii uu ku bilowday. Waayo walaasha shareeran, walaalka shacaairtu ka muuqato & nidaam shaciyeysan intuba shaqo & sharaftoona malaha kuma laha shaxda maanta dunida ka muuqata! Ciddii isu bahaysta inay habdhaqankan badbaadiyaanna, waxaa isu kaashanaya cudud milatarimid saxaafadeed & mid ijtimaaciba kala hotagaya muslin-sheegte & gaal labadaba, waana hardanka daafaha caalamka ka aloosan saacaddan aad maqaalkan akhrinayso!
3-Bishaaro u sugan Qurabaa:_ Xidhiidhka ka dhexeeya labada hawl-wadeen (kuwii bilaabay habdhaqankan & kuwa maanta lagu ibtileynayo) ma wuxuu ku kooban yahay falcelinta & faragalinta gurracan ee kaga imanaysa bulshada & bayadda ay la falgalayaan oo kaliya? Jawaabtu waa maya! Bal e waxay walaalahoodii ka horeeyey kala mid yihiin guusha uu u balan-qaaday guuluhu! Wayna sugayaane adigu ha sugi waayin! Waana tahniyadda & boogaadinta uu suubanuhu(scw) u sii qaddimay muddo maanta laga joogo in ka badan 14 qarni! Waayo qaaciddada uu eebe kawnkiisa ku maamulo (Universally divine laws) ayaa dhabbahaa qaadda, ismana baddasho, waana jawaabtii aynu ka haynay macalinkii ahaa Imam shaafici, goortii la yidhi iyamaa khayr badan bulsho la ibtileeyo ka dibna la makansiiyo guusha & mid bilaa ibtilo gacanta laga galiyo, wuxuu imaamku ku jawaabay tani ma dhacdo tan laaanteed! ( No accomplishments without complications)!
Maxay yihiin kooxdan ay haddaba wargaysyadeenu & waxgadarkeennuba ugu yeedheen magacyada ay ka midka yihiin Takooraneyaal, kooyto, fallaago iwm? Walaalka muslinka ahow ogow, suaashan si toos ah ayuu nin badawi ahaa u waydiiyey suubanaha?? Jawaabta rasuulku(scw) waxay ahayd ** waa kuwa dib u tola dildillaaca loo gaystay fariintayda, waa kuwa dib u islaaxiya fasahaadka ay umaddayda ku samaysay tubtii aan kaga tagay** waxaa kale oo astaamaha uu rasuulku (scw) sheegay ka mid ahaa ** waa dad xag qabiil & xag qawmiyadba aan shuqul isku lahayn (Inahun min qabaail shattaa)** waxaa sidoo kale sifooyinkooda ka mid ahaa ** kii ka hor yimaadda dhib kuma hayo**, wuxuu sidoo kale eebe weyne (sw) ku sharfay sifooyinka ah ** waxaan la iman hawl-wadeenno aan jeclahay, iyaguna I jecel, u dhago & qalbi nugul walaalahood, suttidana u qabta manhaj-dooriye-yaasha, u halgamaya kor yeelidda nidaamkayga, mid af & addin ku dagaalamana aan runta kala baqin,,,,,,,,,,,,,arinkaasuna waa martabo sare uu eebe weyne ninkuu doono gaadhsiiyo)
Walaalka muslinka ahow, gunaanad & gundhig waxaan qormadeenan uga dhigaynaa weedh ah habdhaqankani wuxuu ku bilowday qariibnimo, wuxuuna ku noqon qariibnimaduu ku bilawdaye, u bishaareeya takooraneyaasha (Qurabaa) **Badda al islaamu qariiban, Wa sayacuudu qariiban kamaa baddad Duubaa lil qurabaa** Muxammed (SCW)
Wacays Il Yare Risaala@hotmail.com Warsaxaafadeed
Cambaarayn iyo Duco Ururka waddaniga
Soomaaliyeed (UWS). iyagoo ka xun kana murugsan waxa lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed ee ku sugan dalka South Africa ayuu dawladda South Africa
ka codsanaya in ay eegto oo ay baarto waxa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed
ee nabadda u soo doontay dalka South Africa iyagoo ka soo baxsaday qalaalasaha
iyo dagaallada daba dheeraaday ee ka jira Somalia. Haddii aynu
nahay bahda ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS) waxaan canbaaraynaynaa
silica iyo dilka iyo boobka joogtada ah ee loo geesanayo shacabkeena Soomaaliyeed
ee ku sugan dalka South Africa,waxaanu leenahay in dawladda South Africa
ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo kuwa falalkaasi kula kacayo shacabkeena
Soomaaliyeed, loona soo celiyo walaalahayaga hantidooda dibna loo dejiyo
meelihii ay degganaayeen. Ururka Waddaniga
Soomaaliyeed (UWS) Wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed xusuusinayaa arrinta
ka dhacday South Africa ay tahay mid bilow ah, lagana yaabo inay ku sii
fiddo waddamo kale oo Afrikaan ah. Sidaas darteed
waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda, ka codsanaynaa
in ay gacmaha is qabsadaan walaal kastana oo ku dhibaataysan gudaha ama
dibedda gurmad u fidiyaan, waxaan caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee
dunida dacaladeeda ku nool si naxariis leh uga codsanaynaa in waalaalaha
ku dhibaataysan dalka iyo dibedda wax loo qabto. Dhammaan xubnaha UWS. Waxay tacsi tiiraanyo leh halkaan uga dirayaan Dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dhibaatadii ka dhacday waddanka Koonfur Afrika, waxay kaloo taci taa la mid u dirayaan Dhammaan dadka rayid ahaa ee ku geeriyooda maalin walba gudaha Somalia. Waxayna ALLAH (SWT) ugu beryayaan intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo. "Aamiin". Xubnaha
UWS. Waxay kaloo Allah (SWT) duco uga beryayaan inuu caafimaad fiican
siiyo dhammaan shacbigii Soomaaliyeed ee ku dhawaacmay waddanka Koonfur
Afrika iyo gudaha Soomaaliya intaba. "Aamiin" Xusuusnow
Halku dhigga UWS. Abdullahi
Jama Mohammed |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |