Ilaahay baa mahad iska leh naxariis iyo nabag-gal yana kor kiisa ha ahaato nabi muxamed. ( s.a.w )

Ma ogtahay wax kaa tagay inuusan kugu soo noqonayn, Maalintaaduna ay tahay maanta
Ma og'tahay in wax walba ay ku socdaan " qadarka alle" Ma og'tahay in nasrigu uu yimaado imtixaanka kadib, Hadaba walal kayga muslimka ahow qalbigaaga fur oo kuwaano qaado,aayaatka Qurqaanka iyo axaadiista rasuulkaa ( NNKH )

Ma og'tahay in jabku u qayb samo sadex-qaybood oo kala ah:
a) Cabsi iyo Khal-khal
b) Quusasho iyo tanaazul
c) Is dhiibid
Hadaba walaalkayga qaaliga ahow sadexdan qodon aynu kor ku soo sheegnayba waxaa maanta lahayaa oo lagu arkay cadowga islaamka laba kamid ah, waxa u dhimanna waa qodabka sadexaad insha-allu isagana waxaan ka sugeenaa eebe inuu noo dhamaystiro.

Ma og'tahay in muminka xaaladiisu ay cajiib tahay, hadii uu dhib ku dhaco way sabraan
Hadii ay barwaaqo helaana way ku shukriyaan, Hadaba walalkayga muslimka ahow miyuusan ahayn waxa maanta wadankeena ka jira mid lagu sabro sabir qurux badan.
Ma og'tahay hadii aan sabirno oo aan ilaahay tala saarano, in aan gaadhayno balan qaadkii uu ilaahay uu uyaboohay dadkiisa saabiriinta ah.

Ma og'tahay in maanta xaalada cadowgu ay aad uliidato iyadoo ay iyagu isku tilmaameen inay yihiin sida " Mariil dul saraan naxash"
Ma og'tahay in jabkooda ay u dheertahay rajo la'aan iyo naar cadaabteedu ay aad u kulushahay.

Ma og'tahay in bulsha wayntii soomaaliyeed rajada kaliya ee ay maanta ilaahay ka sugayaan ay tahay dowlad islaami ah oo towxiidka dadka ugu yeerta shirkigana ka reebta
Cadliga islaamkana ugu badasha qabyaaladii iyo gumaysigii dheeraa ee fikirka u badnaa.

Hadaba walaalkayga qaaliga ahoow "fakir" oo fiir-fiiri nimcooyinka ilaahay na siiyay naftaadana ku qanci kalsoonida ilaahay, naftaadana waydii meesha ay kaga jirto jihaadka barakaysan ee wadankeenii kasocda.

Qore: Naamuus, Badal

 

 

Maxaa ka dhashay Dhoofkii ?

Qeybta 1aad

Maqaalkan oo aan ugu kuurgalyno dadkii dhoofay ee reer galbeedka tagay gaar ahaan Maraykanka oo aan xog badan ka hayo waxaan kaga hadlaynaa qodobadan soo socda oo aan mid mid u dul istaagi doono :-
1-Maxay tahay ujeedada muuqata ee Maraykanku kaleeyahay Qaxootiga uu qaado
2-Maxaa uga hirgalay ujeedooyinkaas
3-Waa maxay Rajada Qaxootigu kalahaa Tagitaanka Maraykanka
4-Maxaa ka hirgalay Damacii Qaxootiga
5-Waa Sidee Xaalada Nabadgalyada Ee Dadka kunool Maraykanka kadib 11-9-2001
6-Waa Sidee Muuqaalka Diineed ee dadka tagey Maraykanka
7-Dadka qaxootiga ah Maka soonoqon doonaan Maraykan


Waxaana qeybtan koowaad soo qaadannaynaa labada qodob ee ugu horeysa :

1-Maxay tahay ujeedada muuqata ee Maraykanku kaleeyahay Qaxootiga uu qaado ?
2-Maxaa uga hirgalay ujeedooyinkaas ?


1-Ujeedadda: Muuqata ee Maraykanku kaleeyahay dadka uu qaado waxaa kamid ah :
" Shaqaalle Jaban
" Dhaqaalle laga helo dadkaas(Canshuurta)
" Dad-badsi(Tiro Kordhis)
" Diin kasaarida da'yarta (Gaalaysiin ama Dhaqan halayn)


2- maxaa ka hirgalay ujeedooyinkaas

" Shaqaale Jaban
Sida ay lasocdaan dad badan waxaa jira in warshadaha wax soosaarka(company) wadankaasi ay shaqeeyaan sanadka oo dhan taas oo loobaahanyahay in loo helo shaqaalle jaban(ku shaqeeya qiimo hoose) kuwaas oo waliba aan sida badan looqaadanin shaqaale joogto ah ee layidhaahdo waxaad ku shaqaynaysaa kumeelgaadh(temporary),si aan Warshadaha loogu yeelan xaq(Mag-dhaw),hadaba waxaa warshadahaas u qaybiyeen dadka u shaqaynaya Sadex xili(3-shift) oo Midkiiba shaqeeyo Sideed Saacadood(8) dadkaas oo aan intooda badan laguxidhin khibrad (aqoon hore) waxayna ku shaqeeyaan qiimaha ugu hooseeya ee qof kushaqayn karo marka halkaas lajoogo dadkaasi waa waxa beeralayda soomaaliyeed ay u yaqaanaan (Tacab goosi).

Taas oo macneheedu yahay marka beerta lafalayo in qofka loo cabiro qiyaas dhul ah in uu cawska ka dhameeyo lana siiyo qiimo go'an oo lacageed sidaas oo kale shaqaalahan jaban ee u shaqaynaya sida kumeelgaadhka ah waxaa weeye inta aad shaqaynayso ayaad lacag leedahay hadii aad soo shaqo tagi waydana wax la cag ah malihid.

hadii shaqada aad katagto ama lagaa caydhiyana wax xaq ah malihid ee waad iska tagaysaa. Kadib marka ay arkaan dhibaatadaas ayey in badan oo kamid ah shaqaalaha jaban waxay isku dayaan in ay kor uqaadaan xirfadahooda (Aqoontooda)si ay uga baxaan dhibkaas loo habeeyey nooca cadaawada ah, sidaas darteed si ayna warshadahaasi(company) ujoojin shaqada waxaa lama huraan ah in sanadkasta lasoo galiyaa tiro dad oo qaxooti cusub ah, kuwaas oo warshaduhu kafaa'iidaystaan.


" Dhaqaalle Lagahelo dadkaas (Canshuurta)
Sida ay lasocdaan dadbadan qofkasta oo wadankaas shaqo ka bilaaba waxaa laga qaadaa canshuur, canshuurtan waxaa loo qaybiyaa dadwlada dhexe iyo mida heer gobol ee -qofkaasi kunool yahay Canshuurahani kuma koobna oo kaliya ruuxa shaqadiisa ee waxay lasocdaan ruuxa noloshiisa, Waxaan ula jeedaa wax kasta oo aad iibsato ama aad iibiso waxaa saran canshuur labadaas dawladood, sidoo kale waxay canshuurtu saarantahay dhamaan biilasha aad bixinayso sida Telephone ka, T.V ga iwm. Dhamaan canshuurahaas ama lacagaha qofka laga qaadayana waxay kamid yihiin dhaqaalaha (Miisaaniyada)Labada dawladood mana jiro qof ka baxsan kara bixinta Canshuurahan oo dhan, Waxaana loo sameeyey qofkasta(9)Sagaal Lambar oo looyaqaano Social Security number Kaas oo qofka lawaydiinayo meelkasta oo uu dan kayeesho.

hadaba canshuurtan oo aan waliba yarayn waxay sitoos ah ugu dhacdaa Qasnadaha labadaas dawladood,Taasna waa mida aan ugu magacdaray dhaqaalaha lagahelo dadka(Canshuur).

" Dadbadsi(Population)
Arinkan tiro badsiga dadku waa siyaasad kajirta aduunka waxaanse rabaa in aan kaa tuso meel dhaw oo aad kugarato, Soomaalidu waxyaalaha ay aad u taqaano waxaa kamid ah in labada reer ee tirada kalabadan qoyska tirada badan ayna waxba u ogolayn qoyska ka tiro yar, kuwa laga tira badanyahayna ay ogolaadaan qolada katirabadan in ay wax dheeraato,waana sida hada kuwa sheegta siyaasiyiinta soomalidu umaleeyeen cadaalada 4.5 (Afar meelood & Badh)taas oo macnaheedu yahay waa la'idinka badanyahay waana la idinka badsan.


hadaba sidaas oo kale ayey tahay tartanka dadka ee aduunyada kadhaxaysa sidaas darteed maraykanku isaga oo siyaasadaas kaduulaya ayuu go'aansday in uu sanad kasta tiro go'an oo qaxooti ah soo galiyo wadankiisa waxaana lasheegaa in ay u qorshaysantahay 50,000qof sanadkii , waxaa kale oo aad ogtihiin in Madaxwayne Bushka labaad uu kudaray 20,000qof oo dheeraad ah sanadka 2005,hadaba dadkaas lagufaanayo ee aduunka lagaga tirobadsanayo waxaa dheer faa'iidada kale ee aan kor kusoo sheegnay ee dhinaca dhaqaalaha.


" Diin kasaarida da'yarta (Gaalaysiin ama Dhaqan halayn)
Sida aan kawarqabno qaxootiga soomalidu ma aha dadkii ugu horeeyey ee muslimiin ah ee taga dalka maraykanka waxaa sidoo kale tagay dad badan oo muslimiin ah kuwaas oo intooda badan diin la cararay oo dagaal kaga yimid dalalkooda kabaxsaday dadkaas waxaa aad u yar manta in aad aragto dad muslimiin dhab ah iyaga iyo awlaadooduna waxay ubadanyihiin in ay magaca muslimiin ka ahaadaan laakiin dhaqankoodu isbadalay.

waxaase sidoo kale wax laga naxa ah in dadka da'yarta ah ee soomaaliyeed oo shalay tegay dhulkaas ay qaarbadan oo kamid ahi ay durba dhaqan halaabeen, hadalka,socodka,dharqaadashada & meela badan oo kalaba kaga daydeen dadkii ay u tageen.

iyada oo wali intaas ay u dheertahay barashada daroogada, Dilka( gangs) Waxaana Filayaa in laxusuusanyahay in sanadihii 1999/2000 dhalin soomaaliyeed lagu sooceliyey muqdisho kuwaas oo intooda badan lagu sooceliyey dhaqan xumo darteed. Waxaa kale oo aan kuxusuusinayaa in da'yarta soomaaliyeed ee jooga maraykanka in badan oo kamid ah kahoos baxeen taladii waalidka, waxaa aad u sahlan in aad aragto gabadh 20 labataan Jir ah oo kulabisan Jeenis iyo garan oo hooyadeed oo xijaaban lasocota .


 

Qeybtii 2aad Maxaa ka dhashay Dhoofkii ?


3-Waa maxay rajadda qaxootigu kalahaa Tagida Maraykanka

Sida aan kor kusoo sheegnay Dadka qaxootiga ah(gaar ahaan soomalida) in ay dhulkaas tagaan waxay kalahaayeen ujeedooyin dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin :
· Nolol :In dadku ay helaan nolol maalmeed kafiican tii ay hore ugu noolaayeen dalkooda
· Xoogs: In dadku kasoo shaqaystaan lacago ay dalkooda wax-kaga qabsadaan(Xoogsi)
· Baasaboor: dadku waxay rajeynayeen in ay helaan waraaqo socdaalka usahla
· Nabadgalyo: dadku waxay filayeen in ay helaan nabadgalyo kafiican wadamadii ay kayimaadeen

4- Maxaa ka hirgalay Damacii Qaxootiga


Nolol maalmeed kafiican tii ay hore ugu noolaayeen dalkooda
Waxaa laqiyaasi karaa in dadka tegay maraykan ay heleen nolol dhal-dhalaalbadan taas oo aad moodo dadka badidii in ay kuqanacsanyihiin marka laga fiiriyo dhinacyabadan kuwaas oo ay kamid yihiin:- Guryaha cad-cad,Baabuurta Cad-cad, Talaajadaha buuxa, Dhaqaalaynta Caydha, Caruurta sida dhibkayar loodhalayo ee xanaanadooda ayna hooyadu dhib kamarin kabilow dheebarka, Masaasada ,Kuraasta, Gawaadhida IWM .

Xoogsi: in dadku kasoo shaqaystaan lacago ay Dalkooda wax-kaga qabsadaan
Sida dad badan u cadaatay waxaa beenowday rajadii ahayd in lacago badan laga soo shaqeeyo maraykan lacagahaas oo Africa wax looga qabsado rajadaas waxyaalaha beenayey waxaa qayb wayn kuleh nolosha dhulkaas oo qaali ah, dhaqaalaha qofku shaqeeyo oo lagu jaangooyey noloshiisa haday noqon lahayd dhinaca kirada guryaha,biilasha kale Tel,TV,kharashka Baabuurka sida Gaaska(shidaalka), Caymiska, & Cilad bixinta , waxaa kale oo laxusi karaa Canshuuraha badan ee dadka laga qaado iyo Biilasha Ehelada lasoo gaadhsiiyo arimahaas oo dhan waxay koobeen in qofka ay u suuro gasho rajadiisii ahayd in uu lacag soo shaqaysto.

Passoport dadku waxay rajeynayeen in ay helaan waraaqo socdaalka usahla

Waxaan lasoconaa dadka soomaaliyeed waxay rajo badan kaqabeen in ay helaan Passoport ay kusocdaalaan mar hadii uusan jirin kii soomaliyeed sidaas darteed waxay rajeynayeen in xaasaska kalamaqan ay dhibyaraandoonto is aragoodu mar hadii lahelo waraaqahaas. Hadaba arinkaas maxaa kadembeeyey rajadaasi meesha way kabaxday kadib 11-9-2001 waxaana dadka safra in kabadan halmar ay lakulmeen su aallo cabsi galiyey in ay mardambe safraan oo laxidhiidha amaankooda

Nabadgalyo kafiican wadamadii ay kayimaadeen

Dhinaca Nabad galyada dadku ma ayna arag dagaalkii qabiilka ee ay kacarareen laakiin Sax maha in ay nabadgalyo heleen waxayna inbadan oo kamid ah u dhimatay wax yar oo gacmahooda kujirey waxayna tageen dhul tuuga nimada & wax dilku kubadan yihiin waxayna dadka qaar qiyaasaan in maraykanku yahay halka ugu badan dhimashada 24kii saacba aduunka oo dhan dadkaas oo intooda badan u dhinta dil budhcad nimo waxaadna lasocotaan in dhalinyaro badan oo soomaaliyeed lagu dilay sidaas,kuwaas oo ubadan kuwa Taxi ga wada ee loo malaynayo in ay lacag kaash(Cash )ah wataan, hadaba qofkasta isaga oo baqaya ayey dadka wadanka jooga oo dhanayna suuroobin in qofku qaato lacag cadaan ah ,waxa ay dadka oo dhan wataan ee lagu macaamiloodaana waa Kaar sida Visa Card, Master Card iwm kuwaas oo dariiqada bangiga wax lagu kalaqaadanayo, in qofku lacag cadaan ah qaatana waa qayb kamid ah in qofku naftiisa halaagayo, Taasna waxay cadaynaysaa in ayna naftu helin nabad ay kuraxaysato.


5-Waa Sidee Xaalada Nabadgalyada Ee Dadka kunool Maraykanka kadib 11-9-2001

Sida in badan oo ah dadka soo jeeda ay lasocdaan waxaa daaha laga rogay cadaawadii diineed ee kujirtay caloosha dadka reer maraykan, Cadaawdan oo kamuuqanayeysey shacab iyo dawladba waxay kutala galeen in ayjirto fursad lagula dagaalamo dadka muuqda ee muslimiinta ah, ha kumuuqdeen aqoon diineed, aqoon maadi ama dhaqaallo.

Dadkaas oo intooda badan xabsiyada laga buuxiyey hantidoodiina lala wareegay,waxaadna lasocotaan dhinaca soomaalida in ay jiraan dad lagu xidh-xidhay dagaalkaas muslimiinta kadhanka ah . kuwaas oo qaarkood xidhan yihiin mudo dheer wax dambi cad ah oo lagu xidhayna aan lasheegin, laakiin xabsiyada iskaga jira ilaa manta.

Sidoo kale waxaad lasocotaan in hantidii soomaaliyeedna lagu dhacay cadaawadaas taas oo aykamid tahay Xawaalada Barakaad ee ganacsatada Soomaaliyeed ay hantidoodii kuwaayeen, waxaa taas sii dheer dadka muslimiinta ah ee kunool maraykanka qofkasta waxaa kujirta goorma ayaa laguu yeedhi ,Laguwaraysan! Yeedhistaa ama waraysigaasina waa hanjabaad & Cabsi galin!

Waxaa xusuusin mudan in qofka muslimka ah ee kunool maraykan marka uu ka dhoofayo Garoomada uu lakulmayo baadhis dheeraad ah kaliya in uu magaciisu muslim yahay, Sidoo kale waxaa mudan in aan sheegno waardiyihii Buushka labaad kadib 11-9-2001 in loodiiday in uu raaco Diyaarada qaadaysa Buush, kaliya in qoyskiisu asal ahaan uu kazoo jeedo ninkaasi ahaa muslimiinta .

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in dadka caalamka muslimiintu toosaan gaar ahaan dadka soomaaliyeed ee wali ay rajo kahayso in ay tagaan maraykan ayna xusuustaan murtida soomaaliyeed ee ah kafiirso Intaadan-Falin.


6-Waa Sidee Muuqaalka Diineed ee dadka tagey Maraykanka

Waxaa hubanti ah in ay dadbadan dareemayaan in uusan jirin wakhti badan oo kasoo hadhaya dadka shaqooyinkooda(Xamaalka),wakhtigaas oo looga faa’iidaysto dacwada Islaamka(Wax-barashada) waxaase jira in maalmaha Sabtida & Axada uu dalku Shaqooyinka Fasax ka yahay Laakiin taas macnaheedu ma aha in warshaduhu Fasax yihiin ee way shaqeeyaan warshaduhu, hadaba dadka dacwada kuxidhan & dadka dacwada wadaba waxa ay wax dhugaan ama dhigtaan, Duruus,
Muxaadaraad,Dugsi Quraan iwm.waa Sabti & Axad

Dad yar oo Naf iyo Shaydaan kabaxsaday ayaana kafa’iidaysta, Laakiin dacwada dagaal ayaa kusocda ee bal tana fiiri waxaana sheegnay in warshaduhu shaqeeyaan markasta , si ay markasta dad ushaqeeya u helaana waxaysameeyeen xeelad kale oo ay dadku helaan waxayna dheheen: qofkii shaqeeya Isniin ilaa Jimce hadii uu saacadii ku shaqayn jirey $10.00 Maalinta Sabtida ah wuxuu qofku qaadanayaa $15.00 saacadkasta oo sabti ah hadii aad maalinta axada kudartana waa $30.00 saacadii, marka arinkaasi wuxuu dadbadan ku xambaaray in ay ka faa’iidaystaan oo ay lacag shaqaystaan sidaasna ay dacwada kaga mashquulaan.

Waxaa Sidookale xusid mudan in aan sheegno dhaqan xumada lagabartay ee dhinaca xaasaska, sida aad lasocotaan soomalidu waxay aad ugu dadaalaan baryahan dambe in ay lacag helaan ,hada waxyaalaha diin la’aanta ah ee ay xaasaska soomaaliyeed sameeyaan iyaga oo lacag raadinaya waxaa kamid ah waxay yidhaahdaan waanu isu cadhaysannahay(waa ninka iyo naagta) taas waxay keenaysaa in naagta iyo caruurta la isku dhaqaaleeyo ninkuna uu shaqaysto dawladuna ay u citiraafto naagtaas iyo caruurteeda in ninkii katagey ninkuna uu naagta u soo dhuunto oo ka ilmo dhalo taas oo ilmahaas loo aqoonsanayo in uu dhalay saaxiib, maadaama ninkeedii ay kalamaqanyihiin oo ay isu cadhaysan-yihiin caruurtaasna waa garacyo dhinaca dawlada, waxaa kale oo la dhaxlay gabdhihii-
oo marka la isu cadhoodo Booliska u yeedhanaya oo ninka xidhaya.
Arinka kale ee muhiimka ah una baahan in aad loo fiiriyo waxaa weeye in dadbadan oo muslimiin ah ayna aad ugu dadaalin in ay ogaadaan lacagta ay shaqaysanayaan ma xalaal baa mise waa xaaraan, Tankale ee layaabka ah waxaa weeye in dadka dalka jooga ee soomaaliyeed intiisa badan wiilkiisa ama gabadhiisa dhooftay ay kadalbadaan lacag mooyee ayna kala hadlin wiilkayoow/gabadhaydaa xalaal ii soodir oo xaaraan iga ilaali.



7-Dadka qaxootiga ah Maka soonoqon doonaan Maraykan

Sidoo kale waxaa u baahan in la fiiriyo rajada laga qabo soonoqodka dadka soomaaliyeed ee tagay Maraykan, waxaan filayaa dad aad ubadan ayaa niyasan soonoqod laakiin waxaa jira duruufo adag oo horyaalla dadkaas , Arinka 1aad waa Walalka dadku ay kaqabaan Africa dhinacayada nolosha, & Nabdgalyada iyaga oo iswaydiinaya hadii aad caruurta lacararto soo mafiicnaateen in aad wax kacanqabsi ah hayso oo gurina aad u dhisto caruurta, & armaa laguu dilaa aano qabiil ama dibad ayuu kayimid.

2aad waa dumarka oo aan kuqanacsanayn intuu ninku Africa keeno in isgauna kunoqdo maraykan, iyo raga oo ayna kadhamaan wali waad xamaali kartaa.
3aad waa mida dhaqaalle oo ay adag tahay in halmar la isla helo reer guuraya tigidhadii ay ku dhoofi lahaayeen. Qofkuna waligii rajada soo noqodka ayuu qabayaa.

Axmed Cali Axmed
xogwaran@yahoo.com


Rumayso Waa Rune!!.

Siraaca Diineed ee Geeska Afrika iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka dhashay.
Taxane Socondoona Qore: Zakariye ismacil xaji nur
Qaybtii 1aad

Qaybtii 2aad

KUWANI WAA AGOONTII S/GALBEED EE AY AABAYAASHOOD AMXAARADU LAYSAY
Ceelna uma qodna Ceelalyana uma maqna Agoonta S/galbeed.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com