Siraaca Diineed ee Geeska Afrika.

Qaybtii 1aad
Mahad balaarini waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, tagayna cirka iyo dhulka tiir la aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muhammad. Intaa kadib run ahaantii ehal uma ihi qoraalka, khibrad iyo waayo aragnimo igu filanna uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee , waxa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biirayo walalaha kale ee aan u dhuun daloolin taariikhda ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyada geeska Africa(Eithopia).

Loolanka colaadeed ee u dhaxeeya labada shucuub wuxuu soo maray marxalada kala duwan, oo ay ugu dambaysay marxalada aynu marayno iminka, hadaba arimahaa oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkeena hooyo ayaa igu dhaliyay in aan maqaalkan qoro ( Siraaca diineed ee geeska afrika).

Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa "geeridii laga sheegay galbeed gondahaada ka day", dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa uu salka ku hayo dagaalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida oo dul abaabaya caasimadii Somalia.

Sidaa owgeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, maadaama aynan suurtagal ahayn in lagu soo koobo moowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa.
Boqortooyadii Xabashida.

Boqortooyada xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn xiriir wanagsana la lahayd boqortooyadii Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah Asia.

Waxaa hoos tagi jiray xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allah ku sheegay qurank, kuna halaagay abraha iyo wixii uu watay.

Hadaba markii lasoo sarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijradii koowaad ee asxaabtu ay usoo haajireen dhulki la oranjiray dhulkii xabishada , waxay kasoo dageen sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku nolaa qowmiyada fara badan oo ay kamid tahay Somali, Sidaamo, Cafar, Amaharo, Tigree, Oromo, Gaalo, Bani Shanqul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa dhulka xabashida .

Qorayaasha reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.

Hadaba su, aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga amainsanaa dhulka Xabashida? Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay buugiisa layiraahdo "Ethiopians"( kala saaristii diinta iyo dowladnimada "ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia waxay u qaybsanayeen kuwa aaminsan caqiidada mosame ama diintii mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darteed aad ayay ugu adkaatay diimihii Islamka iyo christiankuba in ay si sahlan ugu faafaan, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday diimahaasi dadkii laa diiniga ahaa(cawaan)".

Wuxuu kaloo sheegay in jiritaanka diimeed ee xabashi uu ahaa mid uu mugdi kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga. sidoo kale waxuu sheegay in Ethiopia laga caabudi jiray ( jinka, geedaha, qoraxda iyo cirka). Dhanka kale waxaa lagu turjumay buuga Injiilka luqadii tigreega qarnigii 5aad ee miilaadiga, kadib markii ay soo gaareen Eithopia wufuud ka socotay kaniisadihii Reer galbeedka kuwaas oo dhisay Kaniisado iyo meelo lagu faafiyo diinta masiixiga.


Dowladii Islamka Zaylac ee somaliyeed.
Ummade somaliyeed run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalka uu saameeyay uma somaliyeed kadib markii ay soo wajaheen hagardoomooyin,dagaalo badan oo kaaga imanayay gumaystihii iyo acdaadii islaamka kuwaas oo qariyay taariikhdii dhabta ahayd ,juqaraafigi iyo siyaasadi, waxayna soo saareen dhalin aanan garanayn dhaqankii, taariikhdii uu lahaa dalkoodii hooyo, garaadkooduna uu ku simanyahay taariikhdii uu qoray gumaystuhu qarnigii 20aad xiliyadii isticmaarka.

Waxaa layaab ah hadii aad ku tiraahdid mid kamid ah dhalintaa caasimada Ethiopia ee addisababa waxaa laga xukumi jiray Zaylac , Ethopiana ma aynan lahayn ee waxay qabsatay xiligii boqorkii mililik ama aad ku tiraahdid waa qayb kamid ah dhulka somaliyeed ee ay Eithopia gumaysato , wuxuu moodayaa dhalanteed halka dhalinta Eithopia lagu abaabiyo taariikhdana loogu dhigo in Eithopia ay iska leedahay lagasoo bilaabo gacanka cadan ilaa suudaan oo aanay jirin wax Somali layiraahdo.

Hase yeeshe maanta waaba ka daroo dibi dhal ,oo waxaa yimid qaar sheeganaya siyaasiyiin ama mas,uuliyad oo kusoo hogaanshay dalkii cadowgii soo jireenka ahaa ee umada somaliyeed , si xishood la,an ah ugu hadaaqaya ,hadalada ku dhisan axmaqnimo oo oranaya waxaanu nahay dad walala ah,runhaantii waa wax laga yaqyaqsado ,lakiin taariikhda ayaa xusi doonta ninkii baal dahaba kagalay halganka iyo kii calooshiis u shaqaysta ahaa, lakiin umad waliba waxay leedahay rag u istaago xuriyadeeda iyo jiritaankeda, somaliyana way joogaan wayna joogi doonan Allah idinkiis .
Hadaba u kaalay meelihii ay xukumi jirtay dowlada zaylac ee somaliyeed iyo imaaradaha hoos imaan jiray.

Imaaradii Islamiga ahayd ee "Eifaat" waxay ahayd imaarat xakunto dhulka manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa oo u jirta 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii amxaarada bilowgii qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta iyo geeridii geesigi weynaa Axmed ibraahim gureey,taa oo ka dhalatay markii ay weerer aad u xoog badan ku soo qaadeen macatab u dirirkii (salibiyiintii) naftood hurayaasha ahaa ee uu soo diray Pop Scander ee uu dambi dhaafka u balan qaaday ee kayimid Europe una hiilinayay xabashida ,markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan ,raadadkii islaamka ,masaajidadii, macaahidii qur'aanka , ayagoo ku badalay kaniisado iyo macaabid .

Sidoo kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku nool deegaankaa oo kaliya ay ka baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale's ama halka hada loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad islaamka ee kajiray 10qarni.

Marki ay la wareegeen imaaradaas waxay ka aas aaseen boqortooyada shaawa ee christianka ahayd waxay badaleen dhamaan magacyadii magaalooyinka iyo raadadkii ismaalmka.
2. Imaaradii Dawarow waxay dhacday woqooyiga Baali daanta wabiga, waa dhul beeraleey ah walina waxa dago dad Somali ah.
3. Saldanadii Araabiini ama alabiini labadaba waa lagu sheegay bookta taariikhda, hase ahaatee magaranayo halka ay dhacdo magaaladan lakiin waxaa la rumaysanyahay in ay magaalada abbo, waxayna iskugu jireen dad qodota ah iyo raacato.
4. Saldanadii Sharkha waxay dhacdaa saldanadasi bariga abbo, dadka maglaada waa dad lagu sheegay dad culuma ah jecelna diinta Islamka.
5. Saldanadii Baali waa saldanadii ugu wayneed dowladii zaylac, waxay macruuf ku ahayd wax soo saarka sida suufka, bunka, dharka, waxayna ahayd dhul beeraleey ah, waxayna kamid tahay magaalooyinka cilmiga loo aado geeska afrika, waa magaalo fiqhi iyo luqada .
6. Saldanadii Daarow waxa lagu sheegaa in ay ahayd saladanadii ugu taagta darayd ee dowlada zaylac.
7. Saldanadii Caadil, saldanadaas kama hayo wax fahfaahin ah, bookta taariikhdu kaliya waxay xuseen magacaa kaliya lakiin waxay ahayd imaarad kamid ah zaylac.
8. Saldanadii HADYA waxay dhacdaa koofurta eiifaat waxana xukumi jiray suldaan kaanim oo la Oran jiray jaad, suldaankii ugu xooga badnaa wuxuu ahaa suldaankii ugu xooga badnaa ee soo mara imaaradas,sida la sheego waxaa in ay dhacdo deeganka ay daganyihiin dadka gambeelaha iyo joodiile, dadkaas oo aha dad walaalo la ah somalida waxana lagu kla magacaaba aboow,waryaa,aykaa.

Saldanadaas waxaa ka soo baxay rag ay taariikhdu xustay geesinimadooda, dagaalyahano ah sida geeska weynaa ee u gargray diinta islaamka Jamaaluddin Mohammed sacduddin al zaylaci isagoo difaacay marki ay soo wareertay boqortooyadii tigreega jab lixaad lehna u gaystay ilaa uu dilay boqorkii isxaaq ee ahaa boqor kamid ah kuwii ugu waynaa

Isku dhicii ugu horeye ee Islaamka iyo Christianka ee geeska Africa. Sida aan lawada socono dagaalka u dhaxeeyay mujtamacadakii Islamka iyo christianku ee wakhtigaa ma uunan ahayn mid ku kooban dhul cayiman ee wuxuu ahaa dagaalka ku socday hab tartan ama loolan diineed si loo kasbado dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa dhulkaa. Islam wuxuu doonayay in dadkaa laga saaro mugdiga, jahliga iyo gaboodfalka loona daadihiyo cadaalad iyo sinaan,halka christianku uu doonayay aduunsiga ,tagri falka ,dhac,boob iyo in kan xooga lihi uu qaato kan taagta daran xaqiisa, xeerkoodu wuxuu ahaa kan duur joogta .

Hadaba dadkii cawaanta ahaa ayaa la dhacay cadaalada iyo wanagii ay xambaarsaneyd risaaladii islaamka dabadeedna isu badal Muslimiin taas oo caro galisay christiankii, dabadeedna waxaa bilowday dagaal military iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya labadii awoodood oo ay kala hogaaminayeen Imaaradihii islamka ee Zaylac, harar, shaawa, eyfat (Adissababa) ee dhulka somaliyeed iyo boqrtooyadii christianka ahayd ee Axmaara ee katalin jirtay buuraha sare ee dhulka eithopia.

Dagaalkaa wuxuu si toos ah u bilowday kadib markii ay burburtay dowladii Aksomia ee tigreega ahayd, taa waxay keentay dhalashadii imaaradi Amxaaro ee dhulka buuraha sare ee eithopia, taas oo markii dambo ku fiday ilaa dhulka tigreega, taana waxaay sababtay in ay is dhaxgalaan dhaqamadii, luqadahii amxaari iyo tigreega ilaa markii dambe laga qoray book kulminaya luqadahaa laguna magaacabay( jacaz) taas oo noqotay luqada cusub ee dowladaa,markaas ayay bilaabeen qolooyinka faafinayay masiixiyada in ay ku fidiyaan qowmiyadaha kale ee cawaanta ahaa iyo in ay ka hortagaan horomarkii iyo faafadii diinta Islaamka ee Ethiopia.


FIIRO GAAR AH
Hadaba akhristoow Kama maarmo wixii talo iyo tusaale ah ee aad igu biirinaysid, sidoo kale cidwaliba oo ku aragto wax khalada ah articlekan waxaan ka codsanayaa in uu iigu soo gudbiyo cinwaankan emailka si aan uga faiidaysto.

Fadlan lasoco qaybta 2aad cinwanka (Dagaaladi dhexmaray dowladii islamka ee Zaylac iyo boqortooyadii Christianika ahayd ee xabashida).
Qore zakariye ismacil xaji nur/Islamabad Pakistan
Emailka zakarie_21@hotmail.com.


Qaybtii 2aad (Siraaca Diineed ee Geeska Afrika).
Sida aan ku soo xusnay qoromadeenii hore loolankii u dhaxeeyay labadii quwadood oo ay kala matalaan dowladii somaliyeed ee zaylac iyo boqortooyadii xabashida (amhaara iyo tigree), wuxuu ku bilowday isku dhac diineed, taas oo keentay in uu noqdo dagaal balaaran oo dhinacyo badan taabanaya.

Hadaba isku dhacyadaa waxaa sababay arima badan oo ay kamid tahay kala duwanaanshihii xadaaradaha iyo diimaha, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa geeska Africa iyo dhulkii laga xukumi jiray zaylac, waxay ahaayeen dad haysta ilbaxnimo islaami ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan,xoriyad iyo dhaqamo aad u wanaagsan, halka ay ahayeen dadkii ku hoos jiray boqortooyadii xabashida, dad cawaan ah oo dulman, iyo adoonsi kujiray.

Waxay sheegaan dadka wax ka qoro taariikhda Africa, in adoonta ugu badan ee lagu kala iibsanjiray suuqyadii caalaamka wixii ka horeeyay qarnigii 7aad ay ahaayeen dadkii hoos imaanjiray xukunkii boqortooyada xabashida.hadaba qoromadan waxaan uga hadli doona isbarbardhig labadii xadaradood iyo wixii laga qoray.
Isbarbardhigidii heererkii ilbaxnimo ee dowladii Islamka ee Zayla iyo boqortooyadii xabashida

Mudo aad u fog ayay Xamiitiggi Geeska Africa (Somali, Oromo, Sidaamo iyo Cafar) iyo xeebaha Afrikada Bari xiriir ganacsi la lahaayeen khooriga Persia, Koofurta dalalka Carbeed, India, Indonesia iyo Chine oo raadreebyo badan laga helay.
Inbu batuuta oo sahan ku maray zaylac sanadki "1331' miilaadiga, kitaabiisa "Alcajaa'ib al-asfaar"ku sheegay "Waa magaalo madaxda barbariga (Somali) oo dadka Dagan ay Muslim yihiin, xoolohooduna yihiin geel iyo ari waana magaalo saylad balaaran leh oo qiima leh" sidoo kale wuxuu socodkiisaa ku tagay muqdisho isagoo la kulmay boqorkii saldanadii muqdisho Abu shawaar Sheikh Abuubakar Cumar Hilowle, isgoo ku sheegay dadkii daganaa halkaas dad ilbax ah xadaarad wanaagsana leh, wuxuuna suldaanku ku tilmaamay in uu ahaa imam caadil ah dadkiisuna ay aad u jecelaayeen.

Hadii aan ku samayno isbarbardhig labadii xadaaradood waxa inoo cadaanaya in ay ahaayeen kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa Zaylac iyo dhammaan geeska Africa waxay ahayd noloshoodu mid aad u sareysa, hadii ay ahaan lahayd xaga sidii ay u dhisan jireen guryaha, xaga ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka .

Waxaa taa kuu cadaynaya hadii aad dheehatid magaalooyinki waa weynaa ee somaliyeed sida Zaylac oo ahayd caasimadii dowladii zaylac, Harar, Muqdisho, Baraawe, Barbara, Marka iyo Cadil. waxay ahaayeen magaalooyinka ugu waaweynaa geeska Africa .

Waxay ku tilmaameen qorayaashii iyo dhulmareenadii muslimiinta ahaa nolasha dadkii ku noolaa magaalooyinkaas iyo xukaamtoodiba nolol aad u sareysa.
Hadaba u kaalay Ibnu Fadlu-llaah Al-cumari, Al-qalashqaandi, Almaqriizi, Al-idriisi, Al-yacquubi iyo Ibnu-Batuuta "oo ka sheekaynaya magaalooyinka somaliyeed iyo dadkii ku noolaa,waxay sheegeen in ay ahayeen magaalooyin aqooneed oo inta badan aad looga ixtiraamo dadka cilmiga leh gaar ahaan culumada, sidoo kale waxay caan ku ahaayeen qaadiyada (Judges), dhanka boqorada waxay ku sheegeen in boqorku, uu ku fariisanjiray korsi aad u sareeya oo ka samaysan bir lagu xardhay dahab iyo qalin,halka ay umarada kale fariisan jirtay hareeraha boqorka ,sidoo kale waxay tilmameen labiskii ay qaadan jireen boqoradaa oo ay ku tilmaameen in uu xiranjiryay boqorku Taaj aad u qurux badan laguna naash naashay xariir taas aad u qurux badan, halka madaxda kale ay xiranjireen dhar suuf ka samaysan oo lagu xardhay xariir,halka dadka kale ee shacabka ah ay xiranjireen dhar ka samaysan suuf aad u qurux badan.

Sidoo kale waxay sheegeen taariikhyahandaasi sicirkii cuntada lagu kala iibsan jiray suuqyada magaalooyinka Islamic ah waxay sheegeen in 3o rodol oo hilib ah la siisanjiray 2dirham, waxaa kale oo magaalooyinka wax lagu kala iibsan jiray dahabka iyo qalinka".

Dhanka kale dhalintii reer Zaylac waxay wax barasho u aadi jireen magaalooyinka cilmiga sida Maka, Madiina, Qaahira, Dimishqi iyo Yemen ayagoo ka baran jiray Fiqhi, Xadiis, luqada iyo culuumta kala duwan, sidoo kale waxaad arkaysaa in wadamadaa aanu soo xusnay ay meelo gooni ah ay u cayimi jireen ardada ka timaada zaylac ama dhamaan dhulkii xeebaha ee somaliyeed.

Syria tusaale ahaan waxaa jiray qasri wayn oo lagu saacidi jiray dadkii ka imaan jiray Sudan iyo Zaylac, halka Qaahira azhar ay u cayintay meel la dajiyo ardadii ka imaan jirtay Zaylac waxaana lagu magaacaabi jiray uruqatu Zayaalica.
Waxaa intaa dheer Zaylac waxaa ka soo baxay culumo aad u waawayn oo maanta kutubtoodu ay marjac u yihiin fiqhiga iyo xadiithka sida:
Cabdullah Ibnu yuusuf Ibnu Mohammad Al Zaylaci, wuxuu iska leeyahay kutub layiraahdo "Nasbu-rraayah Li- axaadiith al hidaayah" wuxuuna ahaa xanafi, kitaabkaasi wuxuu ka mid yahay kutubada la ictimaado xaga axnaafta ama dhamaan kutubada xadiithka, sidoo kale ardaydii shikha waxa kamid ahaa Ibnu xajar- al casqalaani oo ah shaarixa kutubka layiraahdo "Fatxul baari". Wuxuu dhintay shiikhu sanadkii 762 hijriga.
Fakhruddin Cusman Ibnu Cali Al-Zaylaci. Kutubtiisa waxaa kamid ah, kitaabka layiraahdo "Tabyiinul xaqaa-iq fii-sharxi Kanzu al- Daqaa iq", waa kitaab aad u qiima badan oo fiqhi ah. Carab Faqiih, waa qoraagii Imaam Axmed gureey wuxuu qoray kutubka la yiraahdo "Futuux Al-xabasha" waa buuga kaliya ee loogu noqdo taariikhdii muslimiintii zaylac iyo dagaaladii ay lagaleen christiankii xabashida iyo Portugal.
Waxaa halkan inooga cadaatay in dadka somaliyeed ay yihiiin dad soo jireen ah oo leh taariikh aad u fog.

Carabtu waxay xeebaha Afrikada Bari ay aqoon u lahaayeen tan iyo waayo fog waxayna aad wax uga qortay heerka ganacsiga ee magaalooyinka xeebaha iyo dadkii deggenaa dhaqankiisii. Waxaa xusid mudan ineey carabtii qarniyadii dhexe ee miilaadiga wax ka qortay dalka Somalia waxay u yaqiineen dalkii beberigaa ama barri-alcajam walina waagaa sooma ifbixin magaca Somalia.

Qorayaashi Islaamka ee wax ka qoray dhulka somaliyeed iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxaa kamid ahaa: Alyacquubi, Ibnu idriis, Yaaqu al xamawi, Ibnu batuuta, Ibnu khalduun, Ibnu saciid, iyo qaar kale oo aad u badan wallow aynan somalidu wax tixraac ah ku samayn.

Hadaba ilbaxnimadii xabashida oo aad u hooseysay markii aad dheehatid nolashii ay ku noolaayeen xabashidu, waxay kor usii kicisay colaadii iyo dagaalkii u dhaxeeyay iyaga iyo muslimiintii Zaylac. Waxaa dabka colaada ku sii shiday heerarkii ay maraysay xadaaradii dowladii zaylac dhanka maadiga iyo dhanka moralka intaba, iyadoo ilbaxnimadii dowladii zaylac ay ahayd mid la hana qaaday horumarkii barigaa ay ku talaabsadeen wadamadii muslimiinta ahaa sida Iraq, Syrian, Magolis iyo Xijaaz, ayadoo zaylac iyo muqdisho ay noqdeen labada magaalo ee ugu saraysa xaga ganacsiga ee Geeska Africa .

Hadaba waxaa inoo cadaynayaa xadaaradii xabashidu heerka ay maraysay, qoraaga weyn ee Almaqriizi oo isagu sahan ku maray boqortooyada xabashida iyo waxii uu ka qoray. Wuxuu ku sheegay Kitaabkisa "Al-ilmaam" Xabashidu waxay daganaayeen guryo laga sameeyay coosh, harna looga dhigay soda ama maqaarka lo,da,waxayna ku cunayeen hilibka lo,da qayriin, isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri , wuxuu ii sheegay ruux arkay Sayf orcad "wuxuu ahaa mid kamid boqoradii xabashida wuxuuna kamid ahaa usradii Sulaymaniinta ahayd ee xukumi jirtay xabashida, wuxuu xukumayay 1382 ilaa 1411 miilaadiga" in uu arkay isagoo cunaya hilib qayriin ah oo laga soo jaray neef nool oo lo, ah , sidoo kale wuxuu yiri waxaan indhahayga saaray nin cunaya digaagad nool oo qaylinayso", kafiiri page 2,3 ee kitaabkaas.

Waxaa taageeraya tilmaaha uu sheegay maqriizi taariikh yahano booqday isaga kadib, ha ahaadeen Muslimiin ama Christian ajaanib ah. Xiimi oo booqday bartamihii qarnigii 11aad ee hijriga ama qarnigii 17aad ee miiladiga, wuxuu ku sheegay kitaabkiisa "Siiratul xabasha, page 99" isgoo tilmaamaya qalcadii uu ku noolaa boqorkii xabashida wuxuu yiri dhamaan guryaha boqortooyadaasi waxay ahyeen acshaab ama ulo, laga soo jaray dhirta".

Xiimi kadib, waxaa yimid dhulmareenkii Scottish ahaa James biros oo booqosho ku tagay xabashida sanadki 1183 hijriga ama1769 miilaadiga, wuxuu ku noolaa 3sano, isagoo ku xanuunsaday, kadib markii uu la qabsan waayay dhaqamadii xabashida, wuxuuna tilmaamay sida ay xabashidu, u malafsanjireen hilibka qaydhiinka ah gaar ahaan hilibkii lo, da, waxayna dhaayihiisu soo arkeen sida ay hilibka uga siibi jireen jirka neefka lo,da oo nool,dabadeedna ay u cuni jireeneen sidii dugaagi.
Sidoo kale waxa tilaamay arintaa Saadaq baasha Alcadami kadib markii uu booqday isna dhulkii xabashida ee buuraha sare qarnigii tagay.
Hadaba waxaa inoo cadaatay sugnaashiyaha hadalkii uu soo tabiyay Almaqriizi afar qarni kadib.

Dowlada xabashidu maynan ahayn kaliya mid ku liidato xaga nolasha ee waxay aad uga hooseysay dhanka maamulka, dhaqaalaha, dagaalka, dowladihii dariska la ahaa gaar ahaan dowladii zaylac.

Hadaba eeg Almaqriizii oo markale tilmaamaya qarnigii 9aad ee hijrada ama qarnigi 15aad ee miiladiga, wuxuuna yiri "waxay ahayd saldanadii Isxaq daawuud, taas oo maqriizi ay isku wakhti ahaayeen iyo boqrtooyadii Abihii hamajiyiin (juhalo) anan waxba qorin waxna akhrin,wuxuu yiri ma ayna lahayn wax diiwaan,tartiib iyo qaanuun intaba .

Guntii iyo gunaanadki, akhristoow hadii somaalidii barigaa ay xabashidii ku khasbeen in ay hilibka qaydhiinka ah cunaan ama digaagadaha nool ay dufta ku liqaan baqdin ay ka qabeen, in Axmed gureey iyo colkiisi galaaftaan, kuna khasbeen in ay buuraha miciin bidaan, kana zuuliyeen in ay jadiinka mariyaan wax bisil. maxaad ka filan kartaa hadii aad u gacan gashid caruurtii aabayaashood sidaa loo galay, laguna soo barbaariyay cadowtooyada somaliyeed ama aad isu dhiibtid? .
Waxaan u malaynayaa in su, aashaas jawaabteeda cidna gibil ka saarnayn, mirihii kadhashay cadow lasoo dhawaystana, in ay maantaba soo ifbaxeen walina aneey faanoole fari ka qodneeyn.

Waxaa intaa dheer ninka aaminsan in ethiopia ay ka shaqaynayso maslaxad umada soomaaliyeed wuxuu lamid yahay Nin abeeso farqaha ku wato.
Horay ayaa loo yiri "Axdi malaha ethopia lagu aaminaaye waa abris iyo abees afka kala hayoo ubad iyo caruur oday iyo haween waxii uu arkaba alamsiinayoo, anaguna hadii aan nahay Islam aayeheenu waa umad yahay midnimo, arligana inagaa iskaleh ethiopiana ma ogolin".

Hase yeeshee waxaa jira rag talo ku gooyay isku raacay in ay geeri iyo nolol ka xigaan gumaysiga, marka Allah waxaan uga rajaynayaa in uu guuleeyo.
TIXRAAC (references).
1. "Wathaa'iq cani somal, xabasha, irateria" waxaa qoray Axmed barkhad maaxi"waa qoraa somaliyeed.
2.Alcilaaqatu-siyaasiya bayna muslimi al-zaylac wannasaara al xabasha".Dr Rjab Mohamed cabdul-xaliim.
3.The Ethiopian, an introduction to country and people" waxaa qoray Ulenderdorff (Edward).
4. "Futuuxul xabasha" Carab faqiih.
5. "Tuxfatunnadaar fii qaraa'ib al amsaar" Ibnu batuuta.
6. "A somaal wadanan washacban." Mohamed cabdul muncim.
7. "Duwal fii sharqi ifriiqiya (Somali, harar)"Dr.maxamed muctasim.
8. "Tuxfatul awfiya limasiirati altaxriir, waltacriib liqarni al-ifriqiya".waxaa qoray Ibraahin Abdullah Mohamed, waa qoraa Somali ah.
9. "Alnizaac al Somali wal itoobia" waxa qoray Cali axmed nur.
10"Al-somaal alkabiir" waxaa qoray Dr.raashid baraawi.
11. "Al-somaal qadiiman wa xadiisan".waxaa qoray Xamdi sayid saalim.
12. "Islam wal xabasha cabra taariikh".Almuhandis fatxi qayth.

FG.waxaan ka cudurdaaranaya in maqaalkaygii hore anan soo raacin wax tixraac ah, hadaba aqristaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in masaadirtii hore iyo kuwii dambe intaba an ugu soo gudbiyay halkan, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya dhamaan intii igu biirisay talo iyo tusaale,walina kama maarmo talada akhristayaasha,hadaba lasoco qoromada dambe


Qaybtii 3aad (Siraaca Diineed ee Geeska Afrika)

Waxaan ku soo sheegnay qoromooyinkii hore loolaanadii u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Christianka Geeska Afrika, sidoo kale waxaan uga soo hadalnay kala duwanaashiyihii xadaaradeed ee u dhaxeeyay xabashida iyo Somalida, waxaan ku xusnay qoromadii koobaad in xabashi loogu yeeri jiray dadka ku nool laga soo bilaabo xuduudka Sudan ilaa gacanka cadan, hadaba dad badan ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid magaca xabashi, Abyssinia, Aagawa, dhamaan loogu yeeri jiray xabashida, sidoo kale soo ifbixii magaca Ethiopia iyo sababta xabashidu ula baxday magacaas,halka uu ka yimid asal ahaan? Iyo cidda bixisay, deegaanka asalka u ah xabashida?

Arimahaa oo idil waxaan ku faah faahin doona qoromadaan soo socta hadii Allah uu idmo.

AAGAWA, XABASHI IYO ABBYSSINIA

Howsha ugu horeeysa waxay tahay marka wax laga qoraayo Aagawada ama Xabashida in la go, aansado magacii loogu yeeri lahaa, maxaa yeelay waa arin murugsan oo aan wali meel laysla dhigin.Aagwadu waxay isku magacowday “Ethiopia”iyadoo ka fogaanayso magaca Xabasha oo ahaa magac ay lahayd qolo Carab Xabashaad (Xabuush, Axbaash) ah oo waayihii hore dalka ku timid hayaan awooda dalkana la wareegtay dabadeedna ay carabtii u hirgalisay magacaas.

Waxaa la sheegay in Xabuushta ay ka soo hijrootay Yamen xiliya fog dabadeena ay sidaa ku soo dagtay dhulkaas.

Aagawada ama Xabashida deegaanka asalka u ah waxaa weeye dusha weyn ee T akase iyo dooxooyinka ku hareereysan ee uu kala qaybiyo webiga Niilka Buluugga waxayna ka koobantahay:

Tigray, Begender (Axmaara), Dambaya, Aagow-Medda, Damoot iyo Gojaam oo gidigood loo yaqaan Xabasha, waxayna tahay Xaamiyiinta Kushutiga ah oo uu aad u dheehay Samatiga dalka soo galay, waxaase la moodaa dheehidaa saamiyiintu in aneey wax wayn ka doorin dhalashadeedii iyo muqaalkeedii xaamigag ahaa.

Ethiopia waa magac soo jireen ah oo leh macnooyin waaya badan soo jiray oo ay taariikhyaqanada Yurubta qaarkood qaloociyeen mid ka mid ah macnooyinkii hore uu iska lahaa.

Ereyga Ethiopia wuxuu ka koobanyahay labo eray oo AF giriig (Greece) ah oo macnohuudu yahay “Fool-madoowe” waxay AF ahaan isku asal yihiin erayga “Negro”oo Latin ah iyo erayga “Aswad”oo Carabi ah oo dhamaantood lagu tilmaamo dadka gibilka madoow.

Taariikh-yaqaanadii hore: Hormer, Herotodus, Strabo iyo kuwa kale waxay ugu yeeri jireen ereyga Ethiopia goortay tilmaamayaan gobalka u dhexeeya Niilka iyo Hinduska oo idil kaas ay u yaqiineen gobalkay daganyihiin dadka uu gibilkoodu madowyahay oo ay u qeybsheen:

Ethiopiyada Bari oo ahayd Carabta, Shaamiyiinta, Mesopotaniya iyo Hinduuska. Ehopiada Galbeed oo ahayd dadka Xaamiyiinta ah ee ku nool Bada Cas dhinaca Africa.

Qoreyaashii hore kuma aynan darin Xabashida qeybta ethopiadii Galbeed, waayoo, ma aysan aqoon dadka Xabashida iyo dalka ay ku nooleeydba.

Waxaa kaloo muuqata in Qoreyaashii afka Geezka ku turjumay Injilka ay magacii Kush ku badaleen Ethiopia, iyagoo u jeedadoodu ahayd in ay tilmaan ka bixiyaan gobalka Nuuba ee Koofurta Sudan oo aynan u jeedin Xabashida.

Hadaba waxa is weyndiin mudan maxay Xabashidu ugu daalaysaa ama u sheeganaysaa magac loo aqoon jiray, guud ahaan, dadkii gibilka madoobaa oo idil ama ku koobnaa dadkii daganaa woqooyigeeda ee waagaa la yaqiin?

Qorayaashu waxay sheegaan in kuwii ku turjumay Injiilka afka Xabashida kuna badalay afka Geez ineey magaca xabashida ku badaleen ereyga Ethopia oo soo jireenka ah si ay ugu muujiyaan, aduunka Dowlada Masiixiga ah, inay tahay mid facwayn oo soo jireen ah.

Hase yeeshee waxaa cad in Xabashidu ay magacaas ula baxday si ay u hirgashato hamigeedii ku dhisnaa is balaarinta, si ay ugu fido dadyowgii dariska la, ahaa iyo dhamaan dakii ku noolaa Qaarada Afrika, taas ay qorshaheeda wax ka wadeen quwadihii gumaysiga, maxaa yeelay xabashidu waxay magaca Ethiopia la baxday markii ay dadyow kale qabsatay qarnigii 19aad, marwalibana waxaa taageerayay gumaystayashii reer galbeedka ow ugu horeeyay Boortaqiisku.

Ethopia waxay marwaliba si, is daba joog dal balaarsi ah, ugu soo durkaysay dhulka somalida iyo qowmiyadihii kale ee ku noolaa Geeska Afrika sida Oromada iyo Cafarta, iyagoo oromada dhamaan wada qabsaday.

Wuxuu hakad ku yimid isbalaarinta ethopia intii ay shaqaynaysay madax banaanidii somalida mudadii 30 sano ahayd.

Waxaa jira sheego ka dhaqan gashay xabashida taas oo oranaysa in Nabi Nuux dhalay Xaam’ xaamna uu dhalay Kush oo isaguna dhalay Ethopia oo ah magaceedu halkuu ka yimid, kaasoo ku aasan magaalada Akhsum oo loogu magac daray wiilkiisii Akhsum oo aasaasay magalada.

Runtu waxay tahay in magaca Xabashi ka yimid qolo Carab ah oo kasoo haajiray Yaman ka hor miiladiga, kadibna la wareegtay siyaasadii iyo dhaqaalihii dalka, dabadeedna uu sidaa magucu ugu hirgalay.

Kadibna waxaa dalka soo galay qolo la oranjiray Qays oo dagtay Shamsana, Akele-Gusay iyo Agame.Qoladaan dambe waxaa afkeeda lagu turjumay Injiilka masiixiga wuxuuna aad u dhalaanrogay afkii kushitiga ahaa. Qarnigii 4aad miiladiga saldanadii Xabashidu waxay ku fiday woqooyi iyo dusha dalka manta loo yaqaan Eritrea, uuna boqorkii Xabashidu la baxay boqorkii boqorada waxaana magaalo madax u ahayd Akhsum.

Waxaa kaloo kusoo biiray sanadku goortuu ahaa 641 miiladiga, qolooyin Yuhuud ah oo lagasoo eryay dhulka Carbta.

Qoloda Amxaarada waxay ku abtirsataa Menelikii kowaad oo ay sheekadooda oraahda ahi ku sheegto in uu ahaa wiil ay iska dhaleen Nabi Suleiman iyo Boqoradii Balqiisa, sheekadan oo aynan taarikhyahanadu rumaysan, ahna mid aan la rumaysan karin, waxaa cad in asalka xabashidu uu u noqonayo qabaail Zanji ah iyo xaamiyiin uu dhalan rogay cunsurkii samitiga ahaa oo badankoodu ahaaYuhuud ka soo haajirtay Yaman iyo jinsiyada kale oo is kugu jiray African,Carab, Creece iyo Roman.waxaa dhacday hijra wayn qarnigii 18aad miiladiga kadib, kala qaybsamadii roomanka taas oo ay dadbadani u soo haajireen xabashida.

Xuduudkii Xabashidu ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad.
Ethopia waxay dhacday ka hor isbalaarinteedii qarnigii 19aad m.
Koofur Bari waxay xuduud kala lahayd Eritrea.
Galbeed waxay xuduud kala lahayd Sudan iyo Eritrea.
Koofur waxay xad kala lahayd Imaaradii Jamawa.
Bari waxay xad kala lahayd Somalia.
Badka Dhulka waxay gaareysay 300600km2.
Population dadka: 6milion.

Waxay siyaasad ahaan u qaybsanayd ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad 3 walaayadood:

1. Walayada Tigray. Waxay ahayd tan ugu awooda badan, ayada ayaana xukunka gacanta ku hayn jirtay waxayna ahayd tan ugu dadka badan, waxaana lagu sheega in ay tahay xarunta masiixiyada Geeska Afrika waana halka aalaa looga soo duulo Islaamka iyo Muslimiinta dhamaan dagaaladii dhexmaray Christinka iyo Islamka.Hase yeeshee wuxuu xukunkii u wareegay Amxarada oo gacan ka helaysay Dowladihii gumaysiga dhamaadkii qarnigii 19aad ee miiladiga kadib markii ay dileen Daraawiishtii Sudan ee uu hogaaminayay mahdigu Boqorkii Yohna, caasimadeedu waxay ahayd Akhsom.

2. Walayadi Axmara ama Bagendara: waxaa loogu yeeri jiray dhulkii casaa waxana loogu bixiyay dadkeeda ayaa caan ku ahaa la dagaalanka Muslimiinta dagaalkii Macatab u dirirka ee lagu qaaday dhamaan dalalkii Muslimiinta aha, laga soo bilaabo Andalus, Qooqaaz, Qudus, India ilaa Geeska Afrika, caasimadeeduna waxay ahayd Gandar.

3. Walaayadi Gojaam: walaayadaa waxaa la wareegay Xayla Silesia (Tafarra Maknon) isagoo marag ku dilay boqorkii xukumi jiray sanadii 1951 miiladiga, caasimadeedu waxay ahayd Monkobar.

4. Walayadi Walow: waxay ahayd walaaya Islami ah,waxayna gacanta Muslimiinta ka baxday dagaaladii isdaba jooga aha ee ay ku soo qaadeen salibiyiintii Boortaqiiska iyo Xabashida, waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen kadib geeridii Imaam Axmed Gurey qarnigii 17aad iyo wixii ka dambeeyay, iyadoo dadkii Muslimiinta ahaa ee daganaa lagu qasbay in ay christianka rumayaan iyo in la laynayo, sidii horay uga dhacday Dalkii la oran jiray Andalus(span iyo Portugal) kadib markii boqoradii Isabella iyo Fernando ay ku khasabeen dadkii reer Andalus ee Muslimiinta ahaa in ay labo mid doortaan, in la laynayo iyo in ay qaadanayaan diinta christianka.

5. Walaayadi Shawa: waa walyadii shanaad ay qabsadaan kadib qarnigii 19aad waxaana laga aasaasay dowlad masiixi ah kadib markii xididada loo siibay Imaaradii Islaamiga ahayd ee Owfaat ama Iifaat,waxayna dhacday woqooyiga Addis Ababa xarunta ethopia.waxay la wareegeen markii la jabiyay xoogagii Muslimiinta qarnigii 16aad,dagaaladii macatab u dirirka ee boortaqiiska iyo Xabashida, wali waxaa ku dambeeyo raadreebyadii muslimiintii ku noolaa walaayadaa sida uu shaaca ka qaday mustashriqii talyaaniga ahaa Shabbily sanadii 1935 miiladiga,wuxuuna sheegay in laga helay raad reebyo iyo qoraalo Carabi ah oo aan lagaranayn ciddii qortay,marka taas waxay cadaynaysaa in muslimiintu xukumi jireen laga soo bilaabo sanadii 1063 miiladiga ilaa iyo sanadii 1289 miiladiga.

Sanadkii 1935 miiladiga waxay xabashidu la wareegtay imaaradii ugu dambaysay ee Islaamka ee Jamaa.

TIXRAAC (References).

Waxaad ka tixraaci kartaa isla masaadirtii hore, ee aan ku xusnay maqaladeenii hore, sidoo kale kuwa soo socda:

1. Islam in Ethopia.By J.Spencer Triminingham.
2. Altanaafus alduwali fii bilad al somaal.By Dr.Jalal Yaxya.
3. Rixlatul-somali wal xabasha by fariq saadiq al muayad.
4. Taariikhda Somalia (dhulkii filka weynaa ee punt).by J.maxamed Ibraahim maxamed Liiqliiqato

Iyo tixraacyadii hore.

FG.waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii talo iyo tusaaleba iga siisay qoraalkan, walina Kama maarmo talda iyo tusaalaha akhristayaasha sharafta leh, waana soo dhawaynayaa cidii igu caawinaysa tixraac ama reference aan ugu noqdo taraaikhdan.

Qore Zakaria Ismail Xaji Nur

Pakistan-Islamabad

Email Zakarie_21@hotmail.com,zakariyei@gmail.com.

Wallaahu waliyyu- ttowfiiq.

Qaybaha dambana Dib ayaad u daalacan doontaan Inshaa Allaah.


Qaybtii 4aad (Siraaca Diineed ee Geeska Afrika ee soomaaliya iyo Itoobiya)

Waxaan uga soo hadalnay maqaalkii 3aad, magaca xabashi halkuu kasoo jeedo, dhulka xabashidu ay asal ahaan u leedahay, soo ifbixii magaca Ethiopia iyo sababta ay xabashidu is kugu magacowday Ethiopia,hadaba maqaalkan waxaan ku soo qaadan doona,isballaarintii Xabashida iyo dagaaladii galbeed.

Isballaarintii gumaysiga Xabashida iyo daglaadii Galbeed

Qarnigii 12aad ee miilaadiga, waxaa ka jiray dhulka galbeed ee manta Xabashidu gumaysato Saldanado Islaami ah waxayna ahaayeen: Zaylac (adal), Iifaat, Waalow, Haadiya, Dawaaro, Baali, Jamaa iyo kuwa kale.

Qarnigii 13aad miilaadiga, Saldanada Xabashidu waxay ku koobnayd dusha buuraha sarsare waxaana u talinayay dadka Agowada sheegta.Boqorodii Xabashidu ma ay lahayn boqor isku magacaabi jiray boqorkii boqorada (Negus Negesti) taariikhda Xabashiduna waligeed ma noqon mid ku salaysan run.Waayihii dambe waxay ku koobnayd boqrtooyooyin yar yar oo isku bahaystay diin, kuna dhisan qaab foowdaali ah, boqorkii u taagroona ayaa lagu magacaabi jiray boqorka boqorada.

Horaantii qarnigii 14aad miilaadiga, waxay saldanadaha Xabashidu ka koobnayeen boqora yar yar, waxaana ka dhax dillaacay dagaalo awood sheegad ah waxaana loollan iyo dagaal dheer kadib, ku guulaystay in uu mideeyo Saldanadaha Xabashida Boqorkii ku abtirsanayay qoysk Suleymaan iskuna magtacaabay Boqorkii Boqorada.

Wayahaas waxaa socday dagaaladii salibiyiinta ama macatab u dirirka ee u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Kiristiyanka, lagasoo billaabo Andalus, Qudus, Qooqaaz, Khuraasaan, Ciraaq ilaa Geeska Afrika.

Ujeedooyinka dagaalku wuxuu ahaa siduu ka dhawaajiyay Vasco De Gama,markii u duqeeyay magaalada Muqdisho,18,4,1499 miilaadiga,isagoo burburiyay dhamaan dhismayaasheedii,shacab aad u tira badana xasuuqay,hase yeeshee kuma uunan guulaysan in uu hantiyo magaalada,waxaa dagaal aad u kulul kala horyimid dadkii reer Muqdisho una diiday in uu gudaha u soo galo magaalada,hadaba mar wax lagawaydiiyay Vasco de gama,babaha uu u burburiyay muqdisho iyo ahdaafta dagaalku wuxuu ku jawaabay:

Ujeedada nagu waxay tahay:

1.In Macatabku uu kula dagaalamo Bisha dunida dacalkeeda ilaa laga takhalusayo,taas macnaheedu waxaa weeye in Kiristiyaanku uu la dagaalamo Islaamka dunida oo idil inta laga takhalusayo dadka Muslimiintah,maxaa yeelay macatabku waa shicaarka Kiristaanka,bishuna waa shicaarka Muslimiinta.

2. In Rooma ay Makka kala dagalaanta dhulka ka fog in ka badan 1500 farsakh, waa dhulka Falastiin ee maanta ay haysato Yuhuudu, ujeedka hadalkaasi waxaa weeye in Muslimiinta dhulkooda loogu tago inta aynaan Kiristaanka lagu weerarin dhulkooda, sidii dhacday waagii Muslimiinta ay awooda lahaayeen oo ay qabsadeen caasimadda labaad ee France ee Liyoon, sidoo kale dowladii Cusmaaniyiintu ay garaacday irdaha Vienna, taas oo ah qaacida caan ah oo alaa ay adeegsadaan wadamada reer Galbeedku.

3. In ciidamadii Khilaafadii Cusmaaniyiintu ay iskaga huleelaal Yurub, waa wadamadii ay xukumi jirtay khilaafadaas, sida Qubrus, Giriig, Uguslaafiya, Jeeg ilaa Ostariya.

4. In wadamada Yurub ay ciidamo u diraan Afrika si, muslimiinta loo go, doomiyo.

5. in la cunaqbateeyo wadamada Muslimka, si dhaqaalohoodu hoos ugu dhaco, awoodooduna ay u daciifto, taas waxaa loo xilsaaray Vasco, wuxuuna kala jaray ganacsigii India iyo wadamadii Carabta u dhaxeeyay.

6. In la taageero Boqortooyada Xabashida ee masiixiga ah, laguna xiro wadamada Yurub, si Xabashidu uga takhalusto Saldanadihii Islaamiga ahaa ee dariska la, ahaa, istaraatiijiyada ka dambeysaa waxaa weeye in Xabashidu la wareegto ilaa Badacas dabadeedna sidaa ay ku weerarto Kacbada ama Maka iyo Madiina, Vasco ayaa ku goodiyay in uu kasoo saari doono qabriga Nabigeena Muxammed.s.c.w.dabadeedna uu gayn doono Rooma si muslimiintu isu dhiibaan. Run ahaantii taa way isku dayeen hase yeeshee diinta Islaamku waxay leedahay qarni waliba iyo zaman waliba dad u sara kaca diffaaceeda, waxaa arintaas riyo lagu tusiyay Nuuradiin Zanki Amiirkii muslimiinta ee la dagaalamayay Salibiyiinta,isagoo ku guulaystay in uu ka hortago falkaas, khaarijiyana kuwii ka dambeeyay,taageerida Xabashida la siinayay waxaa saldhig u ahaa burburinta Xaramaynka(Makka iyo Madiina).

Hadaba Boqorkii Xabashida ee isku magacaabay Boqorkii Boqorada goortuu mideeyay, xukunka Xabashida isagoo ka faaidaysanaya fursadaas, kaashanaya Dawladihii Masiixiga ee Yurub, wuxuu bilaabay inuu isku ballaariyo saldanadihii Islaamka ahaa ay dariska ahayeen.Wuxuu ugu horayntii isku dayay in uu qabsado Saldanadii Iifaat oo waagaa ugu awood roonayd Saldanadaha Muslimka uguna ballarnayd.Saldanada Iifaat waxaa waagaa u talinayay Suldaan Xaqa Al Diin-1, ee qoyskii Waali Asmac.1321 miilaadiga,waxaa muran ka dhaxdhashay Suldaankii Iifaat iyo boqorkii Xabashida,murankaas markii dambe wuxuu isu rogay dagaal lagu dilay Suldaan Xaq al diin dabadeedna Xabashidu waxay xukunkii ku wareejisay wallakiis Sabru Diin.Waaguu Sebru diin dhintay qoyskii Waali Asmac waxaa ka dhexe aloolsamay loollan awoodeed,kaasoo 1376 miilaadiga,saldanadii waxaa qabsaday Xaq Al Diin-II. Xaqul diin wuxuu ka soo horjeestay isballaarintii Xabashida waxay dagaal iskaga soo horjeesteen,sanadkii 1386/7 miilaadiga,waxaa lagu dilay suldaan Xaqul diin,Xabashidana waa lagu caabiyay.

Sacduddiin Muxammad cali oo ahaa suldaankii la dilay walaalkii,ayaa noqday hogaamiyaha Saldanada wuxuuna sii waday dagaalkii looga soo horjeeday dhul ballaarsigii Xabashida Masiixiga.markii horay wuxuu ka soo hooyay guulo hase yeeshee weerar dambe oo Xabashidu ku soo qaaday ayaa lagu jabshay,Xabashidu ku qabsatay saldanadii Iifaat.halkaasna waxaa gacanta uga baxay Saldanadii Islaamka ahayd ee faca waynayd.

Sacadu al diin wuxuu u haajiray magaalada Zaylac oo ahayd Boqortooyadii Islaamka.1415 miilaadiga,boqortooyadii Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii waxay weerar ku qaaday magaalada Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al diin Maxamed Cali oo ku aasan Geeska koofur bari ee jaziirada loogu magacdaray.

Sanadkii 1487kii miilaadiga Boqor Johankii-IIaad ee Boortaqiiska, wuxuu Pedro Cavilhan u soo diray Boqortooyadii Xabashida si uu ula saxiixdo heshiis saaxibtinimo wuxuuna boqorki Xabashidu ku yiri “Waa waajib saaran boqotooyada Masiixiga ee Xabashida iney Saldanooyinka Muslimka ka go,doomiso caalamka Islaamka”.

Boortaqiisku wuxuu u balan qaaday Xabashida in uu ilaaliyo xeebaha iyo xarumaha si uu gacan u siiyo xabashida.

Hadaba Boortaqiisku isagoo fulinaya heshiiskii ahaa in la go, doomiyo Saldanooyinka Muslimiinta waxay ciidamadiisii badu bilaabeen in ey duqeeyaan magaalooyinka xeebaha soomaaliya.

Daandaansigii Boortaqiiska, waxaa ugu horeeyay weerar uu sameeyay Pero De Cavilhan, 1487, waa uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay India.Waxaa xigay Vasco Da Gama oo ka soo laabtay socdaalkii dheeraa ee caanka noqday ee uu ku soo maray India, ayaa marsada Muqdisho yimid 2dii Janaayo 1499m, isagoo hogaaminaya koox xaryanna ah.Wuxuu isku dayay in uu magaalada gun uga dhigo xukunkii Boortaqiiska, haseyeeshee waxaa ka horyimid dadkii reer Muqdisho uuna mari wayay wuxuuna duqeeyay magaalada.

Sannadkii 1506M, Boortaqiisku wuxuu duqeeyay magaalooyinka Soomaaliyeed ee Baraawe,Muqdisho.Kulkuu Boortaqiisku isku dayay in uu ciidankiisa magaalada Baraawe ku dajiyo waxaa ka horyimid ciidan hubaysan oo gaaray 6000 soomalai ah,dagaal kulul ayaa laysku hardiyay,waxaa Boortaqiiska goobtaas looga dilay 800 askari,waxaana looga dhawacay in kabadan iyadoo lagu sandulleyay in uu ka hilfa gurto magaalada.Markuu ka quustay magaalada Baraawe ayuu isku dayay in uu magaalada Muqdisho markale qabsado hase yeeshee taa wuu ku hingoobay,magaalada Muqdisho waxaa lagu tirinayay magalada ugu qanisan magaalooyinka Geeska Afrika.Kadib wuxuu weerayay Jaziirada Soqotara,markii hore wuxuu kala kulmay isaka cabin hase ahaatee mar dambe ayay u suurtagashay in uu qabsado magaaladaas.

Sannadki 1517M, Lope Suarez wuxuu duqeeyay uuna gubay magaalada Zaylac,sanadkii xigay 1518M,wuxuu duqeeyay magaalada Berbera.Waxaa isla wagaas ka horyimid Boortaqiiska Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo awood xoogan ku lahayd bada horayna u midaysay dunida Islaamka.

Sanadkii 1526M, Boqorkii Xabashida Labna, markuu gaboobay wuxuu awoodii gaashandhiga ku wareejiyay Degelhan in uu sii wado weerarkii Islaamka lagu hayay.

Sanadkii 1527 waxaa dhankale awoodii gaashandhigga Islaamka la wareegay Imaam Axmed Ibraahin Alqaazi Gureey.

Hadaba la soco qaybta 5aad.

Imaam Axmed Ibraahim Gureey iyo Qabsashadii Xabashi. (899H…950H/1492M….1543M).

Txraac: waxaad ka tixraaci kartaa masdarada soo socda.

1. Alislaam walthaqaafah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud

2. Al Islam wal Xabasha cibrad taariikh.Fatxi qayth.

3. Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt).J.M.Ibrahin Liqliqato.

4. Al Buldan Al Islaamiyah wal aqalliyaat al muslimah filcaalam al mucaasi.Dr.M.Sayid Qulaab, Dr.Xasan C/qaadir.Kaatib Maxamuud Shakir.

5. Wathaaiq Cani Soomaal wal Xabasha wa Ereteriya Axmed Barkhad Maaxi.

6. Futuuxul Xabasha. Carab Faqiih.

FG: Wixii talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.

Qore: Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.

Pakistan-Islamabad

Email:Zakarie_21@hotmail.com,Zakariyei@gmail.com.

Wabilllaahi Attowfiiq.

14,02,2008.

 

Qeybtii 5aad: Taariikhda colaada ee Somalia iyo Ethiopia

Waxaan uga soo hadalnay maqaalkii 4aad, isballaarintii Xabashida iyo dagaladii Galbeed, hadaba waxaan ku soo qaadan doonaa qoromadaan soo socota halgankii Imaam Axmed Ibraahim Al-qaazi (Gureey).

Qarnigii 12aad ee miilaadiga waxaa ka jiray deegaanada Galbeed oo ay Xabashidu gumaysato Imaarado Islaam ah waxayna ahaayeen:

Shaawa,Zaylac,Harar,Iifaat,Adal,Hadya,Fatajar(Araabiin),Baali,Dawaaro,Sharkha iyo Jaama.

Imaarda Iifaat waxay ahayd tan ugu wayn, waxaana aasaasay Qoys Makhzuumi ah kana soo haajiray Jaziiratul Carab.

Sannadkii 1277 Miilaadiga Nin la oran jiray Omar waali Asmac iyo qoyskiisii ayaa dagaal ku qaaday Saldanada Iifaat uu qoyska Makhzuumigu ka talin jiray dabadeedna qabsaday,halkaasooy ku hana qaaday Saldana qoyskii Waali Asmac.Boqorkii Xabashida ee la magac baxay Boqorka boqorada wuxuu weerar ku qaaday Imaaradii Iifaat oo ahayd tan ugu awooda badnayd imaaradaka Islaamiga ah.Iifaat waxa waaga ka talinayay Xaq Aldiin-1,dagaal dhaxmaray Xabashida iyo suldaankii Iifaat ayaa wuxuu sababay in lagu dilo Xaq aldiin-1,dabadeedna waxaa xukunkii qabsaday Sabrudiin oo ah xaqdiin walaalkiis isagana waa la dilay dabadeed waxaa xukunka la wareegay Sacad Aldiin Maxamed Cali oo ahaa Suldaankii la dilay walaalkiis wuxuu sii waday dagaalkii,markii hore guul ayuu ka soo hooyay hase ahaate dagaal dambe ayaa lagu jabshay wuxuuna u haajiray Zaylac, wuxuuna ka aasaasay halkaas Dowladii Zaylac oo ay u yaqiineen reer Galbeedku Adal.

1415 miilaadiga,boqortooyadii Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii waxay weerar ku qaaday magaalada Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al diin Maxamed Cali oo ku aasan Geeska koofur bari ee jaziirada loogu magacdaray.

Suldaan Sacad Aldiin wuxuu dhalay Abuubakar Sacad aldiin, Badlaay Sacad Aldiin.Abuubakar isna wuxuu dhalay Cali Abuubakar, Xabiib Abuubakar.Badlaay wuxuu dhalay Maxamed Badlaay,Shamsuddiin Badlaay.Cali Abuubakar ayaa isna dhalay Azar, Maxamed.Azar ayaa isna dhalay Suldaan Maxamed Ibnu Azar Ibnu Cali Ibnu Abuubakar Ibnu Sacad Aldiin.

Suldaan Maxamed wuxuu xukumayay Zaylac muddo 30 sano ah.waa la dilay Suldaan Maxamed waxaana dilay Maxamed Abuubakar Ibnu Maxfuud oo xidid la,ahaa suldaanka la dilay,wuxuuna xukunka hayay mudo sanad ah,dabadeed Maxamed abuubakar ibnu Maxfuud isna waa la dilay oo waxaa dilay Ibraahim Axmed oo ka talinayay Hobat xukunkana hayay mudo 3bilood ah,isna waxaa dilay Wasana oo isna ka talinayay Zaylac muddo 3 bilood,Wasana waa laga takhalusay waxaana xukunkii la wareegay Mansuur Maxfuud Maxamed Garaad Aadsha isna kuma waarin oo waxaa dagaal kala horyimid Garaad Abboon dagaal dheer ka dib waxaa laga takhalusay Garaad Maansuur waxaana xukunkii la wareegay Garaad Abboon oo ka talinayay Zaylac muddo 7 sano ah.

Waayhii uu xukunka hayay Garaad Abboon waxaa lagu tiriyaa xiliyadii ugu cadaalada badnaa marka loo eego raggii isaga ka horeeyay, Imaam Axmed Gureey waagaas wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Garaad Abwaan.

Hadaba dagaal dhaxmaray Garaad Abboon iyo Suldaan Abuubakar oo ka mid ah duriyyadii Sacdudiin ayaa waxaa lagu jabshay colkii Garaad Abboonn isagiina lagu dilay.

Halgankii Imaam Axmed Gureey iyo qabsashadii Xabashi (912-950H/1506-1543M)

Axmed Ibraahim Al-qaazi, Imaamki Dowladii Adal (Zaylac), waa hogaamiyihii qabsaday Xabashi, qarnigii 9aad ee hijriga, kuna beegan, qarnigii 15aad ee miilaadiga.

Waxaa loogu yeeri jiray magacya badan,sida Imaam, Suldaan,Amiir, Mujaahid, Qaazi ,hase ahaatee wuxuu caan ku ahaa Gureey,Garaan,oo ay ugu yeeraan dadka Oromada iyo qaar ka mid ah Soomaalida,Ashmal ay ugu yeeraan dadka Amxaarada,maxaa yeelay,wuxuu ku dagaalami jiray gacanta bidixda ah.

Qorayaashii wax ka qoray Imaamka siyaaba kala duwan ayay wax uga qoreen goorta uu dhashay, waxaa la shegaa in uu dhashay 912H/1506, Halka qorayaal kale ay sheegaan in uu dhashay 908H/1500M.

Wuxuu ku dhashay tuulada Dackah oo ka tirsan Hobat waxaa kaloo la sheega Geldessa oo iyana isla deegaanka Hobat ah una dhexeysa Harar iyo Zaylac.

Yaraantiisi wuxuu ku barbaaray Harar diintana ku bartay, dabadeena wuxuu waxbarasho u aaday magaalada Zaylac oo ahayd xarunti dowlada Islaamka ee Zaylac,wuxuuna ahaa nin aad u firfricoon,aqoon wanaagsan u leh diinta Islaamka,wuxuu ahaa caalim,ku xeeldheer Tafsiirka,Xadiiska iyo Culuumta Luqada Carabiga,wuxuu ahaa nin dhugbadan, hadalna uusan seegin,laxaadleh,oo burji sareeya,geesi lawada jecelyahay,daganaasho iyo fasiixad ilaah ku manaystay,taas waxaa qiray xiita cadowgisii.

Inkastoo siyaaba kala geddisan wax looga qoray isirkiisa hadana waxaay u badantahay in uu ahaa Soomaali dhiig, dhacaan iyo dhaqanba, wallow dadyoow badani ay sheegtaan,Inta badan qorayaashii wax ka qoray taariikhda Zaylac waxay isku raaceen in uu ahaa Imaamku Soomaali, tankale suurtagal ma, aha in Nin aan Soomaali ahayn uu hogaamiyo kumannaan ciidan oo Soomaali ah; waxaa kale oo la ogyahay in, inbadan oo abaanduuliyaashiisii ka mid ahi ay ahaayeen Soomaali, hase yeeshee muhimaadu waxay tahay in uu ahaa geesi Muslim ah kana soo ifbaxay dadkii ku noolaa deegaankaas.

Waayihii uu Imaam Axmed Gureey soo hana qaadayay waxaa ka jiray dhulka Zaylac dagaalo is daba joog ah ay Xabashidu ku soo qaadaysay dadkii Muslimiinta ahaa ee ku noolaa deegaanadaas, waxaa kaloo jirtay gibir (baad) la siiyo Boqortooyadii Xabashida, hadaba Imaamku isagoo ka damqanaya dhibaatada lagu hayay dadka Muslimiinta ah ayuu ku biiray dagaalkii lagala soo horjeeday duulaanka Xabashida sidaana wuxuu ugu biiray ciidankii Graad Abboon oo wayahaa Suldaan ka ahaa Saldanadii Adal (Zaylac).

Muddo yar dabadeedna markuu ka qayb galay dhowr dagaal oo aad u qaraaraa, ayna u cadaatay Garaad Abboon in uu Axmed Gureey leeyahay ragannimo dheeraad ah, iyo geesinimo, isla markaasna mas, uuliyad qaadi karo, ayuu ka dhigtay gacantiisa midig, taladii iyo maamulkiina wax ugu dhiibay.

Hadaba waxaa dhacday isagoo Axmed 19 jir ah, hase ahaatee uu waayo arag noqday tiisana ku meelmari karo, dagaal dhex maray Garaad Abboon iyo Sulsaan Abuubakar oo duriyaddii Sacduddiin ah.Waxaana lagu jabiyay Garaad Abboon iyo ciidankiisiba, isagiina waxaa lagu dilay Zaylac 1522m, hase ahaatee Imaam Axmed wuxuu la baxsaday colkii Garaab Abboon wixii ka haray, wuxuuna saldhig ka dhigtay deegaanka Hobat.

Hadduu in muddo ah degganaa deegaanka Hobat oo uu col uruursi ku jiro, ayaa markay taariikhdu ahayd 1527M qeylo dhaan looga keenay in dadkii Muslimiinta ahaa ee dagganaa galbeedka Hobat ciidamo dooxata ah, oo Xabashi ahi ay gummaadeen iyagoon u miidan deyin maato iyo muruqle xoolihiina dhaceen haweenkii iyo caruurtiina qafaasheen ciidankaasna waxaa watay oo madax u ahaa Batriiq lagu magacaabo Faniil oo reer Draaruu ah.

Iyadoo, ay tahay xubin ninkii madax ahba looga baahanyahay in uu yeesho ayuu Axmed Gureey ku ammaanaa oo burji ku lahaa, hoggaanka ciidamada iyo maamulkaba, oo uu had iyo jeer markuu ciidankiisa jihaadka galinayo uu ku guubaabin jiray muhimmada jihaadka iyo faadiisha uu leeyahay, wuxuuna aad ugu baraarujin jiray himilooyinka dagaalka,iyo waxa ay u dagaalamayaan oo ah in la diffaaco Diinta Islaamka, Dalka,Dadka iyo sharafta shacabka Muslimiinta ah lagana hortago gibir iyo gabadha la iskugu darayo Boqorka Xabashida,taas oo ka soo horjeedo diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Muslimiinta.wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad aad u xammaasad badan uu ku guubaabinayo colkiisa in ay la yimaadaan iimaan dhab ah kuna sabraan dhibaatada, maxaa yeelay marnaba ma khasaarayaan haddii la dilo waa shuhadaa oo waxaa ka dambeeyo jannatul firdowsa iyo xuurulcayn,haddii ay guulaystaana waxay ku noolaanayaan, sharaf iyo cizi.

Rag meel uu joogaba alaaba libin isuma oggola, hase ahaatee khubaddaas uu jeediyay Imaam Axmed, wuxuu ku kasbaday taageero iyo magac oo rag kii ku lid ahaana uu ku tixgaliyo kii raacsanaana uu kalsooni uu ugu hogaansamo madaxnimadiisa.Inkastoo ay ahayd khudbaddaasi bilowgii halgankiis, misana waxaa u harsanaa is muujintii goobta dagaalka siduu gabyaa soomaaliyeed yiri:

“Saajac wiil ah wuxuu beelo yaal, wada sulfeeyaaba

Wuxuu sumcada dheer iyo dabkiyo sababta qaataaba

Sirqey doqon ah suukaha xun baa, sanco raacaaye

Jeereey sun iyo qiiq galaan kalama soocmaane”

Sidii balanku ahaa,oroortii qoraxdu soo baxday buu colkii oo ku hubaysan himilooyin jihad,oo kalsooni ka muuqato horgalay isagoo ku joogo faraskiisi lamagac baxay Haraan, haddaba goor ay barqo dheer tahay ayaa waxa layskaga horyimid halka loo yaqaan Caqam, oo uu ku sheegay Shihaabuddiin (Carab Faqiih) Wabi wayn oo biya badan,haddii labadii ciidan is hardiyeen,oo qoob, qeylo iyo dananka fardood ma ahee wax kale la maqli wayay,siigaduna cirka isku shareertay,ciiro iyo qiiqna u gameen,seefihii la soo afeeyay, oo wirwiraayay,ay isu badaleen xinjiro, gorod goyntii iyo gol dooxii dhiig la guduuteen oo farasba faraskii uu ka cirib wacnaa goobabka galiyay ayaa dagaalkii waxaa ku guulaystay ciidamadii Imaamka ,iyadoona lagu dilay Faniil oo horwada ka ahaa colka Xabashida,dadbadana looga laayay xoolihii ay dhaceena iyo dumarki iyo caruurtii ay qafaasheena, dib loogasoo celiyay,hanti badanna laga qaniimaystay,ayaa Imaamkii iyo colkiisii oo soo guulaystay waxay dib ugu soo noqdeen magaalada Zeefa oo u dhow Harar.

Intuu Imaam Axmed uu dagaalka kula jiray Xabashida ayaa, Suldaan Abuubakar oo xukumayay Harar wuxuu is tusiyay inuu Imaamku halis ku yahay saldanadiisa, maadama uu Imaamku ka mid ahaa ciidankii Garaad Abboon ee la jabiyay, khilaaf ba, ana kala dhaxeeyaya isaga.

Markaasuu ku bilaabay dibindaabyeyn iyo shirqool si ay isaga horyimaada,dabadeedna uu tallaabo uga qaado intaanu ku taagsan,hase yeeshee Imaamku durbadiiba wuuu dareemay wuxuuna billlaabay tillaabooyin ka soo horjeeda,ilaa ugu dambayntii ay gaartay gacan ka hadal iyo in xoog la isakaga horyyimaado si kii roon reerka ugu haro.

Waxaa dhacday in Suldaan Abuubakar uu iskaga tagay Harar, isagoo ka bilaabay col uruursi deegan Kadaad, Arab faqiih wuxuu ku sheegay deegaankaas in uu ku yaal dhulka Soomaalida, waxayna isaga iyo Imaamku dagaal isaga horyimaadeen halka lagu magacaabo Qaran oo ah Wabi biya badan, dagaal dheer ka dib waxaa lagu jabiyey ciidaankii Suldaanka guushuna waxay raacday Imaam Axmed,oo run ahaantii lagu soo gardarooday.meelaha ay isaga horyimaadeen waxaa ka mid ah Hobat, Sheex iyo Jaadir.Maadaama ay dadka Muslimiinta ama Soomaalidu ay xeer u leeyihiin, marki lays qabto,in lays dhaxdhaxaadiyo ayaa waxaa lagu dhaxdhaxaadiyay in Suldaan Abuubakar ahaado Suldaanka Harar,Imaam Axmed Gureeyna ahaado Amiirka Siim iyo nawaaxigeeda uuna u madax bannaanaado taliskiisa iyo madaxnimadiisaba, hase ahaatee Suldaan Abuubakar kuma qancin,oo halkii ayaa loolankii ka sii socday,ilaa ugu dambayntii side laysu hagardaamaynayaba oo siyaasad layskugu xeeladaynay dagaal gorada lays daro sidaana looga takhaluso Suldaan Abuubakar laguna dilay,dabadeedna wuxuu Imaamku Suldaanimadii ku wareejiyay Suldaankii la dilay walaakii Cumar Diini,isaguna ku kaaftoomay magaca Imaam jihaadkiina uu halkaas ka sii waday.

Hadaba la soco qeybaha soo socda.

Tixraac:

1. Tuxfatu-alzamaan (futuuxul Xabasha), Shihaabuddiin Axmed Cabdulqaadir (Carab faqiih) bage.5, 6, 7, 8,9,10,11,12,13.

2. Al-Ilmaam biman fii ardil Xabasha min Muluukil al- Islaam.AL-maqriizi, bage: 26,27,28,49.

3. Alsiraac Alsiyaasi Wal-thaqafi wa qadiyatul hawiiyati cindal Axbaash, kaatib. Dr Muuse maxamed, bage.44-57.

4. Garba Duubkii Gumaysiga.Faarax maxamed Jamac Cawl.

5. Alislaam walthaqaafah al arabiyah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud bage, 63, 73, 75,201.

6. Al-Islam wal-Xabasha cibrattaariikh: Fatxu Qeyth, bage.63, 64, 72-76.

FG: Wixii talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.

Qore: Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.

Islamabad-Pakistan

Email:Zakarie_21@hotmail.com,Zakariyei@gmail.com.


Back