Siraaca Diineed ee Geeska Afrika.
Qaybtii
1aad
Mahad balaarini waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, tagayna cirka
iyo dhulka tiir la aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa
Muhammad. Intaa kadib run ahaantii ehal uma ihi qoraalka, khibrad iyo
waayo aragnimo igu filanna uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase
ahaatee , waxa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda
yar aan ku biirayo walalaha kale ee aan u dhuun daloolin taariikhda
ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo
loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia)
iyo masiixiyada geeska Africa(Eithopia).
Loolanka
colaadeed ee u dhaxeeya labada shucuub wuxuu soo maray marxalada kala
duwan, oo ay ugu dambaysay marxalada aynu marayno iminka, hadaba arimahaa
oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkeena hooyo ayaa igu
dhaliyay in aan maqaalkan qoro ( Siraaca diineed ee geeska afrika).
Hadaba
somalidu waxay ku maahmaahdaa "geeridii laga sheegay galbeed
gondahaada ka day", dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa
uu salka ku hayo dagaalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan
in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay
waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida
oo dul abaabaya caasimadii Somalia.
Sidaa
owgeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia
iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, maadaama aynan suurtagal ahayn
in lagu soo koobo moowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday
in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh
una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa.
Boqortooyadii Xabashida.
Boqortooyada
xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn xiriir wanagsana la lahayd boqortooyadii
Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah
Asia.
Waxaa
hoos tagi jiray xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa
kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allah
ku sheegay qurank, kuna halaagay abraha iyo wixii uu watay.
Hadaba
markii lasoo sarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi
jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta
Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijradii koowaad ee asxaabtu ay usoo
haajireen dhulki la oranjiray dhulkii xabishada , waxay kasoo dageen
sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku
nolaa qowmiyada fara badan oo ay kamid tahay Somali, Sidaamo, Cafar,
Amaharo, Tigree, Oromo, Gaalo, Bani Shanqul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa
dhulka xabashida .
Qorayaasha
reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka
geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.
Hadaba
su, aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga
amainsanaa dhulka Xabashida? Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay buugiisa
layiraahdo "Ethiopians"( kala saaristii diinta iyo dowladnimada
"ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia
waxay u qaybsanayeen kuwa aaminsan caqiidada mosame ama diintii
mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darteed aad
ayay ugu adkaatay diimihii Islamka iyo christiankuba in ay si sahlan
ugu faafaan, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday diimahaasi dadkii
laa diiniga ahaa(cawaan)".
Wuxuu
kaloo sheegay in jiritaanka diimeed ee xabashi uu ahaa mid uu mugdi
kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga. sidoo kale waxuu
sheegay in Ethiopia laga caabudi jiray ( jinka, geedaha, qoraxda iyo
cirka). Dhanka kale waxaa lagu turjumay buuga Injiilka luqadii tigreega
qarnigii 5aad ee miilaadiga, kadib markii ay soo gaareen Eithopia wufuud
ka socotay kaniisadihii Reer galbeedka kuwaas oo dhisay Kaniisado iyo
meelo lagu faafiyo diinta masiixiga.
Dowladii Islamka Zaylac ee somaliyeed.
Ummade somaliyeed run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii
uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore
taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalka uu saameeyay uma somaliyeed
kadib markii ay soo wajaheen hagardoomooyin,dagaalo badan oo kaaga imanayay
gumaystihii iyo acdaadii islaamka kuwaas oo qariyay taariikhdii dhabta
ahayd ,juqaraafigi iyo siyaasadi, waxayna soo saareen dhalin aanan garanayn
dhaqankii, taariikhdii uu lahaa dalkoodii hooyo, garaadkooduna uu ku
simanyahay taariikhdii uu qoray gumaystuhu qarnigii 20aad xiliyadii
isticmaarka.
Waxaa
layaab ah hadii aad ku tiraahdid mid kamid ah dhalintaa caasimada Ethiopia
ee addisababa waxaa laga xukumi jiray Zaylac , Ethopiana ma aynan lahayn
ee waxay qabsatay xiligii boqorkii mililik ama aad ku tiraahdid waa
qayb kamid ah dhulka somaliyeed ee ay Eithopia gumaysato , wuxuu moodayaa
dhalanteed halka dhalinta Eithopia lagu abaabiyo taariikhdana loogu
dhigo in Eithopia ay iska leedahay lagasoo bilaabo gacanka cadan ilaa
suudaan oo aanay jirin wax Somali layiraahdo.
Hase yeeshe
maanta waaba ka daroo dibi dhal ,oo waxaa yimid qaar sheeganaya siyaasiyiin
ama mas,uuliyad oo kusoo hogaanshay dalkii cadowgii soo jireenka ahaa
ee umada somaliyeed , si xishood la,an ah ugu hadaaqaya ,hadalada ku
dhisan axmaqnimo oo oranaya waxaanu nahay dad walala ah,runhaantii waa
wax laga yaqyaqsado ,lakiin taariikhda ayaa xusi doonta ninkii baal
dahaba kagalay halganka iyo kii calooshiis u shaqaysta ahaa, lakiin
umad waliba waxay leedahay rag u istaago xuriyadeeda iyo jiritaankeda,
somaliyana way joogaan wayna joogi doonan Allah idinkiis .
Hadaba u kaalay meelihii ay xukumi jirtay dowlada zaylac ee somaliyeed
iyo imaaradaha hoos imaan jiray.
Imaaradii
Islamiga ahayd ee "Eifaat" waxay ahayd imaarat xakunto dhulka
manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa oo u
jirta 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii amxaarada bilowgii
qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta
iyo geeridii geesigi weynaa Axmed ibraahim gureey,taa oo ka dhalatay
markii ay weerer aad u xoog badan ku soo qaadeen macatab u dirirkii
(salibiyiintii) naftood hurayaasha ahaa ee uu soo diray Pop Scander
ee uu dambi dhaafka u balan qaaday ee kayimid Europe una hiilinayay
xabashida ,markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan ,raadadkii islaamka
,masaajidadii, macaahidii qur'aanka , ayagoo ku badalay kaniisado iyo
macaabid .
Sidoo
kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku nool deegaankaa oo kaliya ay ka
baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la
ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale's ama halka hada
loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad
islaamka ee kajiray 10qarni.
Marki
ay la wareegeen imaaradaas waxay ka aas aaseen boqortooyada shaawa ee
christianka ahayd waxay badaleen dhamaan magacyadii magaalooyinka iyo
raadadkii ismaalmka.
2. Imaaradii Dawarow waxay dhacday woqooyiga Baali daanta wabiga, waa
dhul beeraleey ah walina waxa dago dad Somali ah.
3. Saldanadii Araabiini ama alabiini labadaba waa lagu sheegay bookta
taariikhda, hase ahaatee magaranayo halka ay dhacdo magaaladan lakiin
waxaa la rumaysanyahay in ay magaalada abbo, waxayna iskugu jireen dad
qodota ah iyo raacato.
4. Saldanadii Sharkha waxay dhacdaa saldanadasi bariga abbo, dadka maglaada
waa dad lagu sheegay dad culuma ah jecelna diinta Islamka.
5. Saldanadii Baali waa saldanadii ugu wayneed dowladii zaylac, waxay
macruuf ku ahayd wax soo saarka sida suufka, bunka, dharka, waxayna
ahayd dhul beeraleey ah, waxayna kamid tahay magaalooyinka cilmiga loo
aado geeska afrika, waa magaalo fiqhi iyo luqada .
6. Saldanadii Daarow waxa lagu sheegaa in ay ahayd saladanadii ugu taagta
darayd ee dowlada zaylac.
7. Saldanadii Caadil, saldanadaas kama hayo wax fahfaahin ah, bookta
taariikhdu kaliya waxay xuseen magacaa kaliya lakiin waxay ahayd imaarad
kamid ah zaylac.
8. Saldanadii HADYA waxay dhacdaa koofurta eiifaat waxana xukumi jiray
suldaan kaanim oo la Oran jiray jaad, suldaankii ugu xooga badnaa wuxuu
ahaa suldaankii ugu xooga badnaa ee soo mara imaaradas,sida la sheego
waxaa in ay dhacdo deeganka ay daganyihiin dadka gambeelaha iyo joodiile,
dadkaas oo aha dad walaalo la ah somalida waxana lagu kla magacaaba
aboow,waryaa,aykaa.
Saldanadaas
waxaa ka soo baxay rag ay taariikhdu xustay geesinimadooda, dagaalyahano
ah sida geeska weynaa ee u gargray diinta islaamka Jamaaluddin Mohammed
sacduddin al zaylaci isagoo difaacay marki ay soo wareertay boqortooyadii
tigreega jab lixaad lehna u gaystay ilaa uu dilay boqorkii isxaaq ee
ahaa boqor kamid ah kuwii ugu waynaa
Isku
dhicii ugu horeye ee Islaamka iyo Christianka ee geeska Africa. Sida
aan lawada socono dagaalka u dhaxeeyay mujtamacadakii Islamka iyo christianku
ee wakhtigaa ma uunan ahayn mid ku kooban dhul cayiman ee wuxuu ahaa
dagaalka ku socday hab tartan ama loolan diineed si loo kasbado dadkii
cawaanta ahaa ee ku noolaa dhulkaa. Islam wuxuu doonayay in dadkaa laga
saaro mugdiga, jahliga iyo gaboodfalka loona daadihiyo cadaalad iyo
sinaan,halka christianku uu doonayay aduunsiga ,tagri falka ,dhac,boob
iyo in kan xooga lihi uu qaato kan taagta daran xaqiisa, xeerkoodu wuxuu
ahaa kan duur joogta .
Hadaba
dadkii cawaanta ahaa ayaa la dhacay cadaalada iyo wanagii ay xambaarsaneyd
risaaladii islaamka dabadeedna isu badal Muslimiin taas oo caro galisay
christiankii, dabadeedna waxaa bilowday dagaal military iyo mid siyaasadeed
oo u dhaxeeya labadii awoodood oo ay kala hogaaminayeen Imaaradihii
islamka ee Zaylac, harar, shaawa, eyfat (Adissababa) ee dhulka somaliyeed
iyo boqrtooyadii christianka ahayd ee Axmaara ee katalin jirtay buuraha
sare ee dhulka eithopia.
Dagaalkaa
wuxuu si toos ah u bilowday kadib markii ay burburtay dowladii Aksomia
ee tigreega ahayd, taa waxay keentay dhalashadii imaaradi Amxaaro ee
dhulka buuraha sare ee eithopia, taas oo markii dambo ku fiday ilaa
dhulka tigreega, taana waxaay sababtay in ay is dhaxgalaan dhaqamadii,
luqadahii amxaari iyo tigreega ilaa markii dambe laga qoray book kulminaya
luqadahaa laguna magaacabay( jacaz) taas oo noqotay luqada cusub ee
dowladaa,markaas ayay bilaabeen qolooyinka faafinayay masiixiyada in
ay ku fidiyaan qowmiyadaha kale ee cawaanta ahaa iyo in ay ka hortagaan
horomarkii iyo faafadii diinta Islaamka ee Ethiopia.
FIIRO GAAR AH
Hadaba akhristoow Kama maarmo wixii talo iyo tusaale ah ee aad igu biirinaysid,
sidoo kale cidwaliba oo ku aragto wax khalada ah articlekan waxaan ka
codsanayaa in uu iigu soo gudbiyo cinwaankan emailka si aan uga faiidaysto.
Fadlan
lasoco qaybta 2aad cinwanka (Dagaaladi dhexmaray dowladii islamka
ee Zaylac iyo boqortooyadii Christianika ahayd ee xabashida).
Qore zakariye ismacil xaji nur/Islamabad Pakistan
Emailka zakarie_21@hotmail.com.
Qaybtii
2aad (Siraaca Diineed ee Geeska Afrika).
Sida aan ku soo xusnay qoromadeenii hore loolankii u dhaxeeyay labadii
quwadood oo ay kala matalaan dowladii somaliyeed ee zaylac iyo boqortooyadii
xabashida (amhaara iyo tigree), wuxuu ku bilowday isku dhac diineed,
taas oo keentay in uu noqdo dagaal balaaran oo dhinacyo badan taabanaya.
Hadaba
isku dhacyadaa waxaa sababay arima badan oo ay kamid tahay kala duwanaanshihii
xadaaradaha iyo diimaha, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku
noolaa geeska Africa iyo dhulkii laga xukumi jiray zaylac, waxay ahaayeen
dad haysta ilbaxnimo islaami ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan,xoriyad
iyo dhaqamo aad u wanaagsan, halka ay ahayeen dadkii ku hoos jiray boqortooyadii
xabashida, dad cawaan ah oo dulman, iyo adoonsi kujiray.
Waxay
sheegaan dadka wax ka qoro taariikhda Africa, in adoonta ugu badan ee
lagu kala iibsanjiray suuqyadii caalaamka wixii ka horeeyay qarnigii
7aad ay ahaayeen dadkii hoos imaanjiray xukunkii boqortooyada xabashida.hadaba
qoromadan waxaan uga hadli doona isbarbardhig labadii xadaradood iyo
wixii laga qoray.
Isbarbardhigidii heererkii ilbaxnimo ee dowladii Islamka ee Zayla iyo
boqortooyadii xabashida
Mudo aad
u fog ayay Xamiitiggi Geeska Africa (Somali, Oromo, Sidaamo iyo Cafar)
iyo xeebaha Afrikada Bari xiriir ganacsi la lahaayeen khooriga Persia,
Koofurta dalalka Carbeed, India, Indonesia iyo Chine oo raadreebyo badan
laga helay.
Inbu batuuta oo sahan ku maray zaylac sanadki "1331' miilaadiga,
kitaabiisa "Alcajaa'ib al-asfaar"ku sheegay "Waa magaalo
madaxda barbariga (Somali) oo dadka Dagan ay Muslim yihiin, xoolohooduna
yihiin geel iyo ari waana magaalo saylad balaaran leh oo qiima leh"
sidoo kale wuxuu socodkiisaa ku tagay muqdisho isagoo la kulmay boqorkii
saldanadii muqdisho Abu shawaar Sheikh Abuubakar Cumar Hilowle, isgoo
ku sheegay dadkii daganaa halkaas dad ilbax ah xadaarad wanaagsana leh,
wuxuuna suldaanku ku tilmaamay in uu ahaa imam caadil ah dadkiisuna
ay aad u jecelaayeen.
Hadii
aan ku samayno isbarbardhig labadii xadaaradood waxa inoo cadaanaya
in ay ahaayeen kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay dadkii muslimiinta
ahaa ee ku noolaa Zaylac iyo dhammaan geeska Africa waxay ahayd noloshoodu
mid aad u sareysa, hadii ay ahaan lahayd xaga sidii ay u dhisan jireen
guryaha, xaga ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka .
Waxaa
taa kuu cadaynaya hadii aad dheehatid magaalooyinki waa weynaa ee somaliyeed
sida Zaylac oo ahayd caasimadii dowladii zaylac, Harar, Muqdisho, Baraawe,
Barbara, Marka iyo Cadil. waxay ahaayeen magaalooyinka ugu waaweynaa
geeska Africa .
Waxay
ku tilmaameen qorayaashii iyo dhulmareenadii muslimiinta ahaa nolasha
dadkii ku noolaa magaalooyinkaas iyo xukaamtoodiba nolol aad u sareysa.
Hadaba u kaalay Ibnu Fadlu-llaah Al-cumari, Al-qalashqaandi, Almaqriizi,
Al-idriisi, Al-yacquubi iyo Ibnu-Batuuta "oo ka sheekaynaya magaalooyinka
somaliyeed iyo dadkii ku noolaa,waxay sheegeen in ay ahayeen magaalooyin
aqooneed oo inta badan aad looga ixtiraamo dadka cilmiga leh gaar ahaan
culumada, sidoo kale waxay caan ku ahaayeen qaadiyada (Judges), dhanka
boqorada waxay ku sheegeen in boqorku, uu ku fariisanjiray korsi aad
u sareeya oo ka samaysan bir lagu xardhay dahab iyo qalin,halka ay umarada
kale fariisan jirtay hareeraha boqorka ,sidoo kale waxay tilmameen labiskii
ay qaadan jireen boqoradaa oo ay ku tilmaameen in uu xiranjiryay boqorku
Taaj aad u qurux badan laguna naash naashay xariir taas aad u qurux
badan, halka madaxda kale ay xiranjireen dhar suuf ka samaysan oo lagu
xardhay xariir,halka dadka kale ee shacabka ah ay xiranjireen dhar ka
samaysan suuf aad u qurux badan.
Sidoo
kale waxay sheegeen taariikhyahandaasi sicirkii cuntada lagu kala iibsan
jiray suuqyada magaalooyinka Islamic ah waxay sheegeen in 3o rodol oo
hilib ah la siisanjiray 2dirham, waxaa kale oo magaalooyinka wax lagu
kala iibsan jiray dahabka iyo qalinka".
Dhanka
kale dhalintii reer Zaylac waxay wax barasho u aadi jireen magaalooyinka
cilmiga sida Maka, Madiina, Qaahira, Dimishqi iyo Yemen ayagoo ka baran
jiray Fiqhi, Xadiis, luqada iyo culuumta kala duwan, sidoo kale waxaad
arkaysaa in wadamadaa aanu soo xusnay ay meelo gooni ah ay u cayimi
jireen ardada ka timaada zaylac ama dhamaan dhulkii xeebaha ee somaliyeed.
Syria
tusaale ahaan waxaa jiray qasri wayn oo lagu saacidi jiray dadkii ka
imaan jiray Sudan iyo Zaylac, halka Qaahira azhar ay u cayintay meel
la dajiyo ardadii ka imaan jirtay Zaylac waxaana lagu magaacaabi jiray
uruqatu Zayaalica.
Waxaa intaa dheer Zaylac waxaa ka soo baxay culumo aad u waawayn oo
maanta kutubtoodu ay marjac u yihiin fiqhiga iyo xadiithka sida:
Cabdullah Ibnu yuusuf Ibnu Mohammad Al Zaylaci, wuxuu iska leeyahay
kutub layiraahdo "Nasbu-rraayah Li- axaadiith al hidaayah"
wuxuuna ahaa xanafi, kitaabkaasi wuxuu ka mid yahay kutubada la ictimaado
xaga axnaafta ama dhamaan kutubada xadiithka, sidoo kale ardaydii shikha
waxa kamid ahaa Ibnu xajar- al casqalaani oo ah shaarixa kutubka layiraahdo
"Fatxul baari". Wuxuu dhintay shiikhu sanadkii 762 hijriga.
Fakhruddin Cusman Ibnu Cali Al-Zaylaci. Kutubtiisa waxaa kamid ah, kitaabka
layiraahdo "Tabyiinul xaqaa-iq fii-sharxi Kanzu al- Daqaa iq",
waa kitaab aad u qiima badan oo fiqhi ah. Carab Faqiih, waa qoraagii
Imaam Axmed gureey wuxuu qoray kutubka la yiraahdo "Futuux Al-xabasha"
waa buuga kaliya ee loogu noqdo taariikhdii muslimiintii zaylac iyo
dagaaladii ay lagaleen christiankii xabashida iyo Portugal.
Waxaa halkan inooga cadaatay in dadka somaliyeed ay yihiiin dad soo
jireen ah oo leh taariikh aad u fog.
Carabtu
waxay xeebaha Afrikada Bari ay aqoon u lahaayeen tan iyo waayo fog waxayna
aad wax uga qortay heerka ganacsiga ee magaalooyinka xeebaha iyo dadkii
deggenaa dhaqankiisii. Waxaa xusid mudan ineey carabtii qarniyadii dhexe
ee miilaadiga wax ka qortay dalka Somalia waxay u yaqiineen dalkii beberigaa
ama barri-alcajam walina waagaa sooma ifbixin magaca Somalia.
Qorayaashi
Islaamka ee wax ka qoray dhulka somaliyeed iyo guud ahaanba Geeska Afrika
waxaa kamid ahaa: Alyacquubi, Ibnu idriis, Yaaqu al xamawi, Ibnu batuuta,
Ibnu khalduun, Ibnu saciid, iyo qaar kale oo aad u badan wallow aynan
somalidu wax tixraac ah ku samayn.
Hadaba
ilbaxnimadii xabashida oo aad u hooseysay markii aad dheehatid nolashii
ay ku noolaayeen xabashidu, waxay kor usii kicisay colaadii iyo dagaalkii
u dhaxeeyay iyaga iyo muslimiintii Zaylac. Waxaa dabka colaada ku sii
shiday heerarkii ay maraysay xadaaradii dowladii zaylac dhanka maadiga
iyo dhanka moralka intaba, iyadoo ilbaxnimadii dowladii zaylac ay ahayd
mid la hana qaaday horumarkii barigaa ay ku talaabsadeen wadamadii muslimiinta
ahaa sida Iraq, Syrian, Magolis iyo Xijaaz, ayadoo zaylac iyo muqdisho
ay noqdeen labada magaalo ee ugu saraysa xaga ganacsiga ee Geeska Africa
.
Hadaba
waxaa inoo cadaynayaa xadaaradii xabashidu heerka ay maraysay, qoraaga
weyn ee Almaqriizi oo isagu sahan ku maray boqortooyada xabashida iyo
waxii uu ka qoray. Wuxuu ku sheegay Kitaabkisa "Al-ilmaam"
Xabashidu waxay daganaayeen guryo laga sameeyay coosh, harna looga dhigay
soda ama maqaarka lo,da,waxayna ku cunayeen hilibka lo,da qayriin, isagoo
hadalkiisa sii wato ayuu yiri , wuxuu ii sheegay ruux arkay Sayf orcad
"wuxuu ahaa mid kamid boqoradii xabashida wuxuuna kamid ahaa usradii
Sulaymaniinta ahayd ee xukumi jirtay xabashida, wuxuu xukumayay 1382
ilaa 1411 miilaadiga" in uu arkay isagoo cunaya hilib qayriin ah
oo laga soo jaray neef nool oo lo, ah , sidoo kale wuxuu yiri waxaan
indhahayga saaray nin cunaya digaagad nool oo qaylinayso", kafiiri
page 2,3 ee kitaabkaas.
Waxaa
taageeraya tilmaaha uu sheegay maqriizi taariikh yahano booqday isaga
kadib, ha ahaadeen Muslimiin ama Christian ajaanib ah. Xiimi oo booqday
bartamihii qarnigii 11aad ee hijriga ama qarnigii 17aad ee miiladiga,
wuxuu ku sheegay kitaabkiisa "Siiratul xabasha, page 99" isgoo
tilmaamaya qalcadii uu ku noolaa boqorkii xabashida wuxuu yiri dhamaan
guryaha boqortooyadaasi waxay ahyeen acshaab ama ulo, laga soo jaray
dhirta".
Xiimi
kadib, waxaa yimid dhulmareenkii Scottish ahaa James biros oo booqosho
ku tagay xabashida sanadki 1183 hijriga ama1769 miilaadiga, wuxuu ku
noolaa 3sano, isagoo ku xanuunsaday, kadib markii uu la qabsan waayay
dhaqamadii xabashida, wuxuuna tilmaamay sida ay xabashidu, u malafsanjireen
hilibka qaydhiinka ah gaar ahaan hilibkii lo, da, waxayna dhaayihiisu
soo arkeen sida ay hilibka uga siibi jireen jirka neefka lo,da oo nool,dabadeedna
ay u cuni jireeneen sidii dugaagi.
Sidoo kale waxa tilaamay arintaa Saadaq baasha Alcadami kadib markii
uu booqday isna dhulkii xabashida ee buuraha sare qarnigii tagay.
Hadaba waxaa inoo cadaatay sugnaashiyaha hadalkii uu soo tabiyay Almaqriizi
afar qarni kadib.
Dowlada
xabashidu maynan ahayn kaliya mid ku liidato xaga nolasha ee waxay aad
uga hooseysay dhanka maamulka, dhaqaalaha, dagaalka, dowladihii dariska
la ahaa gaar ahaan dowladii zaylac.
Hadaba
eeg Almaqriizii oo markale tilmaamaya qarnigii 9aad ee hijrada ama qarnigi
15aad ee miiladiga, wuxuuna yiri "waxay ahayd saldanadii Isxaq
daawuud, taas oo maqriizi ay isku wakhti ahaayeen iyo boqrtooyadii Abihii
hamajiyiin (juhalo) anan waxba qorin waxna akhrin,wuxuu yiri ma ayna
lahayn wax diiwaan,tartiib iyo qaanuun intaba .
Guntii
iyo gunaanadki, akhristoow hadii somaalidii barigaa ay xabashidii ku
khasbeen in ay hilibka qaydhiinka ah cunaan ama digaagadaha nool ay
dufta ku liqaan baqdin ay ka qabeen, in Axmed gureey iyo colkiisi galaaftaan,
kuna khasbeen in ay buuraha miciin bidaan, kana zuuliyeen in ay jadiinka
mariyaan wax bisil. maxaad ka filan kartaa hadii aad u gacan gashid
caruurtii aabayaashood sidaa loo galay, laguna soo barbaariyay cadowtooyada
somaliyeed ama aad isu dhiibtid? .
Waxaan u malaynayaa in su, aashaas jawaabteeda cidna gibil ka saarnayn,
mirihii kadhashay cadow lasoo dhawaystana, in ay maantaba soo ifbaxeen
walina aneey faanoole fari ka qodneeyn.
Waxaa
intaa dheer ninka aaminsan in ethiopia ay ka shaqaynayso maslaxad umada
soomaaliyeed wuxuu lamid yahay Nin abeeso farqaha ku wato.
Horay ayaa loo yiri "Axdi malaha ethopia lagu aaminaaye waa abris
iyo abees afka kala hayoo ubad iyo caruur oday iyo haween waxii uu arkaba
alamsiinayoo, anaguna hadii aan nahay Islam aayeheenu waa umad yahay
midnimo, arligana inagaa iskaleh ethiopiana ma ogolin".
Hase yeeshee
waxaa jira rag talo ku gooyay isku raacay in ay geeri iyo nolol ka xigaan
gumaysiga, marka Allah waxaan uga rajaynayaa in uu guuleeyo.
TIXRAAC (references).
1. "Wathaa'iq cani somal, xabasha, irateria" waxaa qoray Axmed
barkhad maaxi"waa qoraa somaliyeed.
2.Alcilaaqatu-siyaasiya bayna muslimi al-zaylac wannasaara al xabasha".Dr
Rjab Mohamed cabdul-xaliim.
3.The Ethiopian, an introduction to country and people" waxaa qoray
Ulenderdorff (Edward).
4. "Futuuxul xabasha" Carab faqiih.
5. "Tuxfatunnadaar fii qaraa'ib al amsaar" Ibnu batuuta.
6. "A somaal wadanan washacban." Mohamed cabdul muncim.
7. "Duwal fii sharqi ifriiqiya (Somali, harar)"Dr.maxamed
muctasim.
8. "Tuxfatul awfiya limasiirati altaxriir, waltacriib liqarni al-ifriqiya".waxaa
qoray Ibraahin Abdullah Mohamed, waa qoraa Somali ah.
9. "Alnizaac al Somali wal itoobia" waxa qoray Cali axmed
nur.
10"Al-somaal alkabiir" waxaa qoray Dr.raashid baraawi.
11. "Al-somaal qadiiman wa xadiisan".waxaa qoray Xamdi sayid
saalim.
12. "Islam wal xabasha cabra taariikh".Almuhandis fatxi qayth.
FG.waxaan
ka cudurdaaranaya in maqaalkaygii hore anan soo raacin wax tixraac ah,
hadaba aqristaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in masaadirtii hore
iyo kuwii dambe intaba an ugu soo gudbiyay halkan, sidoo kale waxaan
u mahadcelinaya dhamaan intii igu biirisay talo iyo tusaale,walina kama
maarmo talada akhristayaasha,hadaba lasoco qoromada dambe
Qaybtii 3aad (Siraaca
Diineed ee Geeska Afrika)
Waxaan
ku soo sheegnay qoromooyinkii hore loolaanadii u dhaxeeyay Muslimiinta
iyo Christianka Geeska Afrika, sidoo kale waxaan uga soo hadalnay kala
duwanaashiyihii xadaaradeed ee u dhaxeeyay xabashida iyo Somalida, waxaan
ku xusnay qoromadii koobaad in xabashi loogu yeeri jiray dadka ku nool
laga soo bilaabo xuduudka Sudan ilaa gacanka cadan, hadaba dad badan
ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid magaca xabashi, Abyssinia, Aagawa,
dhamaan loogu yeeri jiray xabashida, sidoo kale soo ifbixii magaca Ethiopia
iyo sababta xabashidu ula baxday magacaas,halka uu ka yimid asal ahaan?
Iyo cidda bixisay, deegaanka asalka u ah xabashida?
Arimahaa
oo idil waxaan ku faah faahin doona qoromadaan soo socta hadii Allah
uu idmo.
AAGAWA,
XABASHI IYO ABBYSSINIA
Howsha
ugu horeeysa waxay tahay marka wax laga qoraayo Aagawada ama Xabashida
in la go, aansado magacii loogu yeeri lahaa, maxaa yeelay waa arin murugsan
oo aan wali meel laysla dhigin.Aagwadu waxay isku magacowday Ethiopiaiyadoo
ka fogaanayso magaca Xabasha oo ahaa magac ay lahayd qolo Carab Xabashaad
(Xabuush, Axbaash) ah oo waayihii hore dalka ku timid hayaan awooda
dalkana la wareegtay dabadeedna ay carabtii u hirgalisay magacaas.
Waxaa
la sheegay in Xabuushta ay ka soo hijrootay Yamen xiliya fog dabadeena
ay sidaa ku soo dagtay dhulkaas.
Aagawada
ama Xabashida deegaanka asalka u ah waxaa weeye dusha weyn ee T akase
iyo dooxooyinka ku hareereysan ee uu kala qaybiyo webiga Niilka Buluugga
waxayna ka koobantahay:
Tigray,
Begender (Axmaara), Dambaya, Aagow-Medda, Damoot iyo Gojaam oo gidigood
loo yaqaan Xabasha, waxayna tahay Xaamiyiinta Kushutiga ah oo uu aad
u dheehay Samatiga dalka soo galay, waxaase la moodaa dheehidaa saamiyiintu
in aneey wax wayn ka doorin dhalashadeedii iyo muqaalkeedii xaamigag
ahaa.
Ethiopia
waa magac soo jireen ah oo leh macnooyin waaya badan soo jiray oo ay
taariikhyaqanada Yurubta qaarkood qaloociyeen mid ka mid ah macnooyinkii
hore uu iska lahaa.
Ereyga
Ethiopia wuxuu ka koobanyahay labo eray oo AF giriig (Greece) ah oo
macnohuudu yahay Fool-madoowe waxay AF ahaan isku asal yihiin
erayga Negrooo Latin ah iyo erayga Aswadoo Carabi
ah oo dhamaantood lagu tilmaamo dadka gibilka madoow.
Taariikh-yaqaanadii
hore: Hormer, Herotodus, Strabo iyo kuwa kale waxay ugu yeeri jireen
ereyga Ethiopia goortay tilmaamayaan gobalka u dhexeeya Niilka iyo Hinduska
oo idil kaas ay u yaqiineen gobalkay daganyihiin dadka uu gibilkoodu
madowyahay oo ay u qeybsheen:
Ethiopiyada
Bari oo ahayd Carabta, Shaamiyiinta, Mesopotaniya iyo Hinduuska. Ehopiada
Galbeed oo ahayd dadka Xaamiyiinta ah ee ku nool Bada Cas dhinaca Africa.
Qoreyaashii
hore kuma aynan darin Xabashida qeybta ethopiadii Galbeed, waayoo, ma
aysan aqoon dadka Xabashida iyo dalka ay ku nooleeydba.
Waxaa
kaloo muuqata in Qoreyaashii afka Geezka ku turjumay Injilka ay magacii
Kush ku badaleen Ethiopia, iyagoo u jeedadoodu ahayd in ay tilmaan ka
bixiyaan gobalka Nuuba ee Koofurta Sudan oo aynan u jeedin Xabashida.
Hadaba
waxa is weyndiin mudan maxay Xabashidu ugu daalaysaa ama u sheeganaysaa
magac loo aqoon jiray, guud ahaan, dadkii gibilka madoobaa oo idil ama
ku koobnaa dadkii daganaa woqooyigeeda ee waagaa la yaqiin?
Qorayaashu
waxay sheegaan in kuwii ku turjumay Injiilka afka Xabashida kuna badalay
afka Geez ineey magaca xabashida ku badaleen ereyga Ethopia oo soo jireenka
ah si ay ugu muujiyaan, aduunka Dowlada Masiixiga ah, inay tahay mid
facwayn oo soo jireen ah.
Hase yeeshee
waxaa cad in Xabashidu ay magacaas ula baxday si ay u hirgashato hamigeedii
ku dhisnaa is balaarinta, si ay ugu fido dadyowgii dariska la, ahaa
iyo dhamaan dakii ku noolaa Qaarada Afrika, taas ay qorshaheeda wax
ka wadeen quwadihii gumaysiga, maxaa yeelay xabashidu waxay magaca Ethiopia
la baxday markii ay dadyow kale qabsatay qarnigii 19aad, marwalibana
waxaa taageerayay gumaystayashii reer galbeedka ow ugu horeeyay Boortaqiisku.
Ethopia
waxay marwaliba si, is daba joog dal balaarsi ah, ugu soo durkaysay
dhulka somalida iyo qowmiyadihii kale ee ku noolaa Geeska Afrika sida
Oromada iyo Cafarta, iyagoo oromada dhamaan wada qabsaday.
Wuxuu
hakad ku yimid isbalaarinta ethopia intii ay shaqaynaysay madax banaanidii
somalida mudadii 30 sano ahayd.
Waxaa
jira sheego ka dhaqan gashay xabashida taas oo oranaysa in Nabi Nuux
dhalay Xaam xaamna uu dhalay Kush oo isaguna dhalay Ethopia oo
ah magaceedu halkuu ka yimid, kaasoo ku aasan magaalada Akhsum oo loogu
magac daray wiilkiisii Akhsum oo aasaasay magalada.
Runtu
waxay tahay in magaca Xabashi ka yimid qolo Carab ah oo kasoo haajiray
Yaman ka hor miiladiga, kadibna la wareegtay siyaasadii iyo dhaqaalihii
dalka, dabadeedna uu sidaa magucu ugu hirgalay.
Kadibna
waxaa dalka soo galay qolo la oranjiray Qays oo dagtay Shamsana, Akele-Gusay
iyo Agame.Qoladaan dambe waxaa afkeeda lagu turjumay Injiilka masiixiga
wuxuuna aad u dhalaanrogay afkii kushitiga ahaa. Qarnigii 4aad miiladiga
saldanadii Xabashidu waxay ku fiday woqooyi iyo dusha dalka manta loo
yaqaan Eritrea, uuna boqorkii Xabashidu la baxay boqorkii boqorada waxaana
magaalo madax u ahayd Akhsum.
Waxaa
kaloo kusoo biiray sanadku goortuu ahaa 641 miiladiga, qolooyin Yuhuud
ah oo lagasoo eryay dhulka Carbta.
Qoloda
Amxaarada waxay ku abtirsataa Menelikii kowaad oo ay sheekadooda oraahda
ahi ku sheegto in uu ahaa wiil ay iska dhaleen Nabi Suleiman iyo Boqoradii
Balqiisa, sheekadan oo aynan taarikhyahanadu rumaysan, ahna mid aan
la rumaysan karin, waxaa cad in asalka xabashidu uu u noqonayo qabaail
Zanji ah iyo xaamiyiin uu dhalan rogay cunsurkii samitiga ahaa oo badankoodu
ahaaYuhuud ka soo haajirtay Yaman iyo jinsiyada kale oo is kugu jiray
African,Carab, Creece iyo Roman.waxaa dhacday hijra wayn qarnigii 18aad
miiladiga kadib, kala qaybsamadii roomanka taas oo ay dadbadani u soo
haajireen xabashida.
Xuduudkii
Xabashidu ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad.
Ethopia waxay dhacday ka hor isbalaarinteedii qarnigii 19aad m.
Koofur Bari waxay xuduud kala lahayd Eritrea.
Galbeed waxay xuduud kala lahayd Sudan iyo Eritrea.
Koofur waxay xad kala lahayd Imaaradii Jamawa.
Bari waxay xad kala lahayd Somalia.
Badka Dhulka waxay gaareysay 300600km2.
Population dadka: 6milion.
Waxay
siyaasad ahaan u qaybsanayd ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad 3 walaayadood:
1. Walayada
Tigray. Waxay ahayd tan ugu awooda badan, ayada ayaana xukunka gacanta
ku hayn jirtay waxayna ahayd tan ugu dadka badan, waxaana lagu sheega
in ay tahay xarunta masiixiyada Geeska Afrika waana halka aalaa looga
soo duulo Islaamka iyo Muslimiinta dhamaan dagaaladii dhexmaray Christinka
iyo Islamka.Hase yeeshee wuxuu xukunkii u wareegay Amxarada oo gacan
ka helaysay Dowladihii gumaysiga dhamaadkii qarnigii 19aad ee miiladiga
kadib markii ay dileen Daraawiishtii Sudan ee uu hogaaminayay mahdigu
Boqorkii Yohna, caasimadeedu waxay ahayd Akhsom.
2. Walayadi
Axmara ama Bagendara: waxaa loogu yeeri jiray dhulkii casaa waxana loogu
bixiyay dadkeeda ayaa caan ku ahaa la dagaalanka Muslimiinta dagaalkii
Macatab u dirirka ee lagu qaaday dhamaan dalalkii Muslimiinta aha, laga
soo bilaabo Andalus, Qooqaaz, Qudus, India ilaa Geeska Afrika, caasimadeeduna
waxay ahayd Gandar.
3. Walaayadi
Gojaam: walaayadaa waxaa la wareegay Xayla Silesia (Tafarra Maknon)
isagoo marag ku dilay boqorkii xukumi jiray sanadii 1951 miiladiga,
caasimadeedu waxay ahayd Monkobar.
4. Walayadi
Walow: waxay ahayd walaaya Islami ah,waxayna gacanta Muslimiinta ka
baxday dagaaladii isdaba jooga aha ee ay ku soo qaadeen salibiyiintii
Boortaqiiska iyo Xabashida, waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen kadib
geeridii Imaam Axmed Gurey qarnigii 17aad iyo wixii ka dambeeyay, iyadoo
dadkii Muslimiinta ahaa ee daganaa lagu qasbay in ay christianka rumayaan
iyo in la laynayo, sidii horay uga dhacday Dalkii la oran jiray Andalus(span
iyo Portugal) kadib markii boqoradii Isabella iyo Fernando ay ku khasabeen
dadkii reer Andalus ee Muslimiinta ahaa in ay labo mid doortaan, in
la laynayo iyo in ay qaadanayaan diinta christianka.
5. Walaayadi
Shawa: waa walyadii shanaad ay qabsadaan kadib qarnigii 19aad waxaana
laga aasaasay dowlad masiixi ah kadib markii xididada loo siibay Imaaradii
Islaamiga ahayd ee Owfaat ama Iifaat,waxayna dhacday woqooyiga Addis
Ababa xarunta ethopia.waxay la wareegeen markii la jabiyay xoogagii
Muslimiinta qarnigii 16aad,dagaaladii macatab u dirirka ee boortaqiiska
iyo Xabashida, wali waxaa ku dambeeyo raadreebyadii muslimiintii ku
noolaa walaayadaa sida uu shaaca ka qaday mustashriqii talyaaniga ahaa
Shabbily sanadii 1935 miiladiga,wuxuuna sheegay in laga helay raad reebyo
iyo qoraalo Carabi ah oo aan lagaranayn ciddii qortay,marka taas waxay
cadaynaysaa in muslimiintu xukumi jireen laga soo bilaabo sanadii 1063
miiladiga ilaa iyo sanadii 1289 miiladiga.
Sanadkii
1935 miiladiga waxay xabashidu la wareegtay imaaradii ugu dambaysay
ee Islaamka ee Jamaa.
TIXRAAC
(References).
Waxaad
ka tixraaci kartaa isla masaadirtii hore, ee aan ku xusnay maqaladeenii
hore, sidoo kale kuwa soo socda:
1. Islam
in Ethopia.By J.Spencer Triminingham.
2. Altanaafus alduwali fii bilad al somaal.By Dr.Jalal Yaxya.
3. Rixlatul-somali wal xabasha by fariq saadiq al muayad.
4. Taariikhda Somalia (dhulkii filka weynaa ee punt).by J.maxamed Ibraahim
maxamed Liiqliiqato
Iyo
tixraacyadii hore.
FG.waxaan
u mahadcelinayaa dhamaan intii talo iyo tusaaleba iga siisay qoraalkan,
walina Kama maarmo talda iyo tusaalaha akhristayaasha sharafta leh,
waana soo dhawaynayaa cidii igu caawinaysa tixraac ama reference aan
ugu noqdo taraaikhdan.
Qore Zakaria
Ismail Xaji Nur
Pakistan-Islamabad
Email
Zakarie_21@hotmail.com,zakariyei@gmail.com.
Wallaahu
waliyyu- ttowfiiq.
Qaybaha
dambana Dib ayaad u daalacan doontaan Inshaa Allaah.
Qaybtii 4aad (Siraaca
Diineed ee Geeska Afrika ee soomaaliya iyo Itoobiya)
Waxaan
uga soo hadalnay maqaalkii 3aad, magaca xabashi halkuu kasoo jeedo,
dhulka xabashidu ay asal ahaan u leedahay, soo ifbixii magaca Ethiopia
iyo sababta ay xabashidu is kugu magacowday Ethiopia,hadaba maqaalkan
waxaan ku soo qaadan doona,isballaarintii Xabashida iyo dagaaladii galbeed.
Isballaarintii
gumaysiga Xabashida iyo daglaadii Galbeed
Qarnigii
12aad ee miilaadiga, waxaa ka jiray dhulka galbeed ee manta Xabashidu
gumaysato Saldanado Islaami ah waxayna ahaayeen: Zaylac (adal), Iifaat,
Waalow, Haadiya, Dawaaro, Baali, Jamaa iyo kuwa kale.
Qarnigii
13aad miilaadiga, Saldanada Xabashidu waxay ku koobnayd dusha buuraha
sarsare waxaana u talinayay dadka Agowada sheegta.Boqorodii Xabashidu
ma ay lahayn boqor isku magacaabi jiray boqorkii boqorada (Negus Negesti)
taariikhda Xabashiduna waligeed ma noqon mid ku salaysan run.Waayihii
dambe waxay ku koobnayd boqrtooyooyin yar yar oo isku bahaystay diin,
kuna dhisan qaab foowdaali ah, boqorkii u taagroona ayaa lagu magacaabi
jiray boqorka boqorada.
Horaantii
qarnigii 14aad miilaadiga, waxay saldanadaha Xabashidu ka koobnayeen
boqora yar yar, waxaana ka dhax dillaacay dagaalo awood sheegad ah waxaana
loollan iyo dagaal dheer kadib, ku guulaystay in uu mideeyo Saldanadaha
Xabashida Boqorkii ku abtirsanayay qoysk Suleymaan iskuna magtacaabay
Boqorkii Boqorada.
Wayahaas
waxaa socday dagaaladii salibiyiinta ama macatab u dirirka ee u dhaxeeyay
Muslimiinta iyo Kiristiyanka, lagasoo billaabo Andalus, Qudus, Qooqaaz,
Khuraasaan, Ciraaq ilaa Geeska Afrika.
Ujeedooyinka
dagaalku wuxuu ahaa siduu ka dhawaajiyay Vasco De Gama,markii u duqeeyay
magaalada Muqdisho,18,4,1499 miilaadiga,isagoo burburiyay dhamaan dhismayaasheedii,shacab
aad u tira badana xasuuqay,hase yeeshee kuma uunan guulaysan in uu hantiyo
magaalada,waxaa dagaal aad u kulul kala horyimid dadkii reer Muqdisho
una diiday in uu gudaha u soo galo magaalada,hadaba mar wax lagawaydiiyay
Vasco de gama,babaha uu u burburiyay muqdisho iyo ahdaafta dagaalku
wuxuu ku jawaabay:
Ujeedada
nagu waxay tahay:
1.In Macatabku
uu kula dagaalamo Bisha dunida dacalkeeda ilaa laga takhalusayo,taas
macnaheedu waxaa weeye in Kiristiyaanku uu la dagaalamo Islaamka dunida
oo idil inta laga takhalusayo dadka Muslimiintah,maxaa yeelay macatabku
waa shicaarka Kiristaanka,bishuna waa shicaarka Muslimiinta.
2. In
Rooma ay Makka kala dagalaanta dhulka ka fog in ka badan 1500 farsakh,
waa dhulka Falastiin ee maanta ay haysato Yuhuudu, ujeedka hadalkaasi
waxaa weeye in Muslimiinta dhulkooda loogu tago inta aynaan Kiristaanka
lagu weerarin dhulkooda, sidii dhacday waagii Muslimiinta ay awooda
lahaayeen oo ay qabsadeen caasimadda labaad ee France ee Liyoon, sidoo
kale dowladii Cusmaaniyiintu ay garaacday irdaha Vienna, taas oo ah
qaacida caan ah oo alaa ay adeegsadaan wadamada reer Galbeedku.
3. In
ciidamadii Khilaafadii Cusmaaniyiintu ay iskaga huleelaal Yurub, waa
wadamadii ay xukumi jirtay khilaafadaas, sida Qubrus, Giriig, Uguslaafiya,
Jeeg ilaa Ostariya.
4. In
wadamada Yurub ay ciidamo u diraan Afrika si, muslimiinta loo go, doomiyo.
5. in
la cunaqbateeyo wadamada Muslimka, si dhaqaalohoodu hoos ugu dhaco,
awoodooduna ay u daciifto, taas waxaa loo xilsaaray Vasco, wuxuuna kala
jaray ganacsigii India iyo wadamadii Carabta u dhaxeeyay.
6. In
la taageero Boqortooyada Xabashida ee masiixiga ah, laguna xiro wadamada
Yurub, si Xabashidu uga takhalusto Saldanadihii Islaamiga ahaa ee dariska
la, ahaa, istaraatiijiyada ka dambeysaa waxaa weeye in Xabashidu la
wareegto ilaa Badacas dabadeedna sidaa ay ku weerarto Kacbada ama Maka
iyo Madiina, Vasco ayaa ku goodiyay in uu kasoo saari doono qabriga
Nabigeena Muxammed.s.c.w.dabadeedna uu gayn doono Rooma si muslimiintu
isu dhiibaan. Run ahaantii taa way isku dayeen hase yeeshee diinta Islaamku
waxay leedahay qarni waliba iyo zaman waliba dad u sara kaca diffaaceeda,
waxaa arintaas riyo lagu tusiyay Nuuradiin Zanki Amiirkii muslimiinta
ee la dagaalamayay Salibiyiinta,isagoo ku guulaystay in uu ka hortago
falkaas, khaarijiyana kuwii ka dambeeyay,taageerida Xabashida la siinayay
waxaa saldhig u ahaa burburinta Xaramaynka(Makka iyo Madiina).
Hadaba
Boqorkii Xabashida ee isku magacaabay Boqorkii Boqorada goortuu mideeyay,
xukunka Xabashida isagoo ka faaidaysanaya fursadaas, kaashanaya Dawladihii
Masiixiga ee Yurub, wuxuu bilaabay inuu isku ballaariyo saldanadihii
Islaamka ahaa ay dariska ahayeen.Wuxuu ugu horayntii isku dayay in uu
qabsado Saldanadii Iifaat oo waagaa ugu awood roonayd Saldanadaha Muslimka
uguna ballarnayd.Saldanada Iifaat waxaa waagaa u talinayay Suldaan Xaqa
Al Diin-1, ee qoyskii Waali Asmac.1321 miilaadiga,waxaa muran ka dhaxdhashay
Suldaankii Iifaat iyo boqorkii Xabashida,murankaas markii dambe wuxuu
isu rogay dagaal lagu dilay Suldaan Xaq al diin dabadeedna Xabashidu
waxay xukunkii ku wareejisay wallakiis Sabru Diin.Waaguu Sebru diin
dhintay qoyskii Waali Asmac waxaa ka dhexe aloolsamay loollan awoodeed,kaasoo
1376 miilaadiga,saldanadii waxaa qabsaday Xaq Al Diin-II. Xaqul diin
wuxuu ka soo horjeestay isballaarintii Xabashida waxay dagaal iskaga
soo horjeesteen,sanadkii 1386/7 miilaadiga,waxaa lagu dilay suldaan
Xaqul diin,Xabashidana waa lagu caabiyay.
Sacduddiin
Muxammad cali oo ahaa suldaankii la dilay walaalkii,ayaa noqday hogaamiyaha
Saldanada wuxuuna sii waday dagaalkii looga soo horjeeday dhul ballaarsigii
Xabashida Masiixiga.markii horay wuxuu ka soo hooyay guulo hase yeeshee
weerar dambe oo Xabashidu ku soo qaaday ayaa lagu jabshay,Xabashidu
ku qabsatay saldanadii Iifaat.halkaasna waxaa gacanta uga baxay Saldanadii
Islaamka ahayd ee faca waynayd.
Sacadu
al diin wuxuu u haajiray magaalada Zaylac oo ahayd Boqortooyadii Islaamka.1415
miilaadiga,boqortooyadii Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii waxay
weerar ku qaaday magaalada Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al
diin Maxamed Cali oo ku aasan Geeska koofur bari ee jaziirada loogu
magacdaray.
Sanadkii
1487kii miilaadiga Boqor Johankii-IIaad ee Boortaqiiska, wuxuu Pedro
Cavilhan u soo diray Boqortooyadii Xabashida si uu ula saxiixdo heshiis
saaxibtinimo wuxuuna boqorki Xabashidu ku yiri Waa waajib saaran
boqotooyada Masiixiga ee Xabashida iney Saldanooyinka Muslimka ka go,doomiso
caalamka Islaamka.
Boortaqiisku
wuxuu u balan qaaday Xabashida in uu ilaaliyo xeebaha iyo xarumaha si
uu gacan u siiyo xabashida.
Hadaba
Boortaqiisku isagoo fulinaya heshiiskii ahaa in la go, doomiyo Saldanooyinka
Muslimiinta waxay ciidamadiisii badu bilaabeen in ey duqeeyaan magaalooyinka
xeebaha soomaaliya.
Daandaansigii
Boortaqiiska, waxaa ugu horeeyay weerar uu sameeyay Pero De Cavilhan,
1487, waa uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay India.Waxaa xigay Vasco
Da Gama oo ka soo laabtay socdaalkii dheeraa ee caanka noqday ee uu
ku soo maray India, ayaa marsada Muqdisho yimid 2dii Janaayo 1499m,
isagoo hogaaminaya koox xaryanna ah.Wuxuu isku dayay in uu magaalada
gun uga dhigo xukunkii Boortaqiiska, haseyeeshee waxaa ka horyimid dadkii
reer Muqdisho uuna mari wayay wuxuuna duqeeyay magaalada.
Sannadkii
1506M, Boortaqiisku wuxuu duqeeyay magaalooyinka Soomaaliyeed ee Baraawe,Muqdisho.Kulkuu
Boortaqiisku isku dayay in uu ciidankiisa magaalada Baraawe ku dajiyo
waxaa ka horyimid ciidan hubaysan oo gaaray 6000 soomalai ah,dagaal
kulul ayaa laysku hardiyay,waxaa Boortaqiiska goobtaas looga dilay 800
askari,waxaana looga dhawacay in kabadan iyadoo lagu sandulleyay in
uu ka hilfa gurto magaalada.Markuu ka quustay magaalada Baraawe ayuu
isku dayay in uu magaalada Muqdisho markale qabsado hase yeeshee taa
wuu ku hingoobay,magaalada Muqdisho waxaa lagu tirinayay magalada ugu
qanisan magaalooyinka Geeska Afrika.Kadib wuxuu weerayay Jaziirada Soqotara,markii
hore wuxuu kala kulmay isaka cabin hase ahaatee mar dambe ayay u suurtagashay
in uu qabsado magaaladaas.
Sannadki
1517M, Lope Suarez wuxuu duqeeyay uuna gubay magaalada Zaylac,sanadkii
xigay 1518M,wuxuu duqeeyay magaalada Berbera.Waxaa isla wagaas ka horyimid
Boortaqiiska Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo awood xoogan ku lahayd bada
horayna u midaysay dunida Islaamka.
Sanadkii
1526M, Boqorkii Xabashida Labna, markuu gaboobay wuxuu awoodii gaashandhiga
ku wareejiyay Degelhan in uu sii wado weerarkii Islaamka lagu hayay.
Sanadkii
1527 waxaa dhankale awoodii gaashandhigga Islaamka la wareegay Imaam
Axmed Ibraahin Alqaazi Gureey.
Hadaba
la soco qaybta 5aad.
Imaam
Axmed Ibraahim Gureey iyo Qabsashadii Xabashi. (899H
950H/1492M
.1543M).
Txraac:
waxaad ka tixraaci kartaa masdarada soo socda.
1. Alislaam
walthaqaafah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud
2. Al
Islam wal Xabasha cibrad taariikh.Fatxi qayth.
3. Taariikhda
Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt).J.M.Ibrahin Liqliqato.
4. Al
Buldan Al Islaamiyah wal aqalliyaat al muslimah filcaalam al mucaasi.Dr.M.Sayid
Qulaab, Dr.Xasan C/qaadir.Kaatib Maxamuud Shakir.
5. Wathaaiq
Cani Soomaal wal Xabasha wa Ereteriya Axmed Barkhad Maaxi.
6. Futuuxul
Xabasha. Carab Faqiih.
FG: Wixii
talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.
Qore:
Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.
Pakistan-Islamabad
Email:Zakarie_21@hotmail.com,Zakariyei@gmail.com.
Wabilllaahi
Attowfiiq.
14,02,2008.
Qeybtii
5aad: Taariikhda
colaada ee Somalia iyo Ethiopia
Waxaan
uga soo hadalnay maqaalkii 4aad, isballaarintii Xabashida iyo dagaladii
Galbeed, hadaba waxaan ku soo qaadan doonaa qoromadaan soo socota halgankii
Imaam Axmed Ibraahim Al-qaazi (Gureey).
Qarnigii
12aad ee miilaadiga waxaa ka jiray deegaanada Galbeed oo ay Xabashidu
gumaysato Imaarado Islaam ah waxayna ahaayeen:
Shaawa,Zaylac,Harar,Iifaat,Adal,Hadya,Fatajar(Araabiin),Baali,Dawaaro,Sharkha
iyo Jaama.
Imaarda
Iifaat waxay ahayd tan ugu wayn, waxaana aasaasay Qoys Makhzuumi ah
kana soo haajiray Jaziiratul Carab.
Sannadkii
1277 Miilaadiga Nin la oran jiray Omar waali Asmac iyo qoyskiisii ayaa
dagaal ku qaaday Saldanada Iifaat uu qoyska Makhzuumigu ka talin jiray
dabadeedna qabsaday,halkaasooy ku hana qaaday Saldana qoyskii Waali
Asmac.Boqorkii Xabashida ee la magac baxay Boqorka boqorada wuxuu weerar
ku qaaday Imaaradii Iifaat oo ahayd tan ugu awooda badnayd imaaradaka
Islaamiga ah.Iifaat waxa waaga ka talinayay Xaq Aldiin-1,dagaal dhaxmaray
Xabashida iyo suldaankii Iifaat ayaa wuxuu sababay in lagu dilo Xaq
aldiin-1,dabadeedna waxaa xukunkii qabsaday Sabrudiin oo ah xaqdiin
walaalkiis isagana waa la dilay dabadeed waxaa xukunka la wareegay Sacad
Aldiin Maxamed Cali oo ahaa Suldaankii la dilay walaalkiis wuxuu sii
waday dagaalkii,markii hore guul ayuu ka soo hooyay hase ahaate dagaal
dambe ayaa lagu jabshay wuxuuna u haajiray Zaylac, wuxuuna ka aasaasay
halkaas Dowladii Zaylac oo ay u yaqiineen reer Galbeedku Adal.
1415 miilaadiga,boqortooyadii
Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii waxay weerar ku qaaday magaalada
Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al diin Maxamed Cali oo ku aasan
Geeska koofur bari ee jaziirada loogu magacdaray.
Suldaan
Sacad Aldiin wuxuu dhalay Abuubakar Sacad aldiin, Badlaay Sacad Aldiin.Abuubakar
isna wuxuu dhalay Cali Abuubakar, Xabiib Abuubakar.Badlaay wuxuu dhalay
Maxamed Badlaay,Shamsuddiin Badlaay.Cali Abuubakar ayaa isna dhalay
Azar, Maxamed.Azar ayaa isna dhalay Suldaan Maxamed Ibnu Azar Ibnu Cali
Ibnu Abuubakar Ibnu Sacad Aldiin.
Suldaan
Maxamed wuxuu xukumayay Zaylac muddo 30 sano ah.waa la dilay Suldaan
Maxamed waxaana dilay Maxamed Abuubakar Ibnu Maxfuud oo xidid la,ahaa
suldaanka la dilay,wuxuuna xukunka hayay mudo sanad ah,dabadeed Maxamed
abuubakar ibnu Maxfuud isna waa la dilay oo waxaa dilay Ibraahim Axmed
oo ka talinayay Hobat xukunkana hayay mudo 3bilood ah,isna waxaa dilay
Wasana oo isna ka talinayay Zaylac muddo 3 bilood,Wasana waa laga takhalusay
waxaana xukunkii la wareegay Mansuur Maxfuud Maxamed Garaad Aadsha isna
kuma waarin oo waxaa dagaal kala horyimid Garaad Abboon dagaal dheer
ka dib waxaa laga takhalusay Garaad Maansuur waxaana xukunkii la wareegay
Garaad Abboon oo ka talinayay Zaylac muddo 7 sano ah.
Waayhii
uu xukunka hayay Garaad Abboon waxaa lagu tiriyaa xiliyadii ugu cadaalada
badnaa marka loo eego raggii isaga ka horeeyay, Imaam Axmed Gureey waagaas
wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Garaad Abwaan.
Hadaba
dagaal dhaxmaray Garaad Abboon iyo Suldaan Abuubakar oo ka mid ah duriyyadii
Sacdudiin ayaa waxaa lagu jabshay colkii Garaad Abboonn isagiina lagu
dilay.
Halgankii
Imaam Axmed Gureey iyo qabsashadii Xabashi (912-950H/1506-1543M)
Axmed
Ibraahim Al-qaazi, Imaamki Dowladii Adal (Zaylac), waa hogaamiyihii
qabsaday Xabashi, qarnigii 9aad ee hijriga, kuna beegan, qarnigii 15aad
ee miilaadiga.
Waxaa
loogu yeeri jiray magacya badan,sida Imaam, Suldaan,Amiir, Mujaahid,
Qaazi ,hase ahaatee wuxuu caan ku ahaa Gureey,Garaan,oo ay ugu yeeraan
dadka Oromada iyo qaar ka mid ah Soomaalida,Ashmal ay ugu yeeraan dadka
Amxaarada,maxaa yeelay,wuxuu ku dagaalami jiray gacanta bidixda ah.
Qorayaashii
wax ka qoray Imaamka siyaaba kala duwan ayay wax uga qoreen goorta uu
dhashay, waxaa la shegaa in uu dhashay 912H/1506, Halka qorayaal kale
ay sheegaan in uu dhashay 908H/1500M.
Wuxuu
ku dhashay tuulada Dackah oo ka tirsan Hobat waxaa kaloo la sheega Geldessa
oo iyana isla deegaanka Hobat ah una dhexeysa Harar iyo Zaylac.
Yaraantiisi
wuxuu ku barbaaray Harar diintana ku bartay, dabadeena wuxuu waxbarasho
u aaday magaalada Zaylac oo ahayd xarunti dowlada Islaamka ee Zaylac,wuxuuna
ahaa nin aad u firfricoon,aqoon wanaagsan u leh diinta Islaamka,wuxuu
ahaa caalim,ku xeeldheer Tafsiirka,Xadiiska iyo Culuumta Luqada Carabiga,wuxuu
ahaa nin dhugbadan, hadalna uusan seegin,laxaadleh,oo burji sareeya,geesi
lawada jecelyahay,daganaasho iyo fasiixad ilaah ku manaystay,taas waxaa
qiray xiita cadowgisii.
Inkastoo
siyaaba kala geddisan wax looga qoray isirkiisa hadana waxaay u badantahay
in uu ahaa Soomaali dhiig, dhacaan iyo dhaqanba, wallow dadyoow badani
ay sheegtaan,Inta badan qorayaashii wax ka qoray taariikhda Zaylac waxay
isku raaceen in uu ahaa Imaamku Soomaali, tankale suurtagal ma, aha
in Nin aan Soomaali ahayn uu hogaamiyo kumannaan ciidan oo Soomaali
ah; waxaa kale oo la ogyahay in, inbadan oo abaanduuliyaashiisii ka
mid ahi ay ahaayeen Soomaali, hase yeeshee muhimaadu waxay tahay in
uu ahaa geesi Muslim ah kana soo ifbaxay dadkii ku noolaa deegaankaas.
Waayihii
uu Imaam Axmed Gureey soo hana qaadayay waxaa ka jiray dhulka Zaylac
dagaalo is daba joog ah ay Xabashidu ku soo qaadaysay dadkii Muslimiinta
ahaa ee ku noolaa deegaanadaas, waxaa kaloo jirtay gibir (baad) la siiyo
Boqortooyadii Xabashida, hadaba Imaamku isagoo ka damqanaya dhibaatada
lagu hayay dadka Muslimiinta ah ayuu ku biiray dagaalkii lagala soo
horjeeday duulaanka Xabashida sidaana wuxuu ugu biiray ciidankii Graad
Abboon oo wayahaa Suldaan ka ahaa Saldanadii Adal (Zaylac).
Muddo
yar dabadeedna markuu ka qayb galay dhowr dagaal oo aad u qaraaraa,
ayna u cadaatay Garaad Abboon in uu Axmed Gureey leeyahay ragannimo
dheeraad ah, iyo geesinimo, isla markaasna mas, uuliyad qaadi karo,
ayuu ka dhigtay gacantiisa midig, taladii iyo maamulkiina wax ugu dhiibay.
Hadaba
waxaa dhacday isagoo Axmed 19 jir ah, hase ahaatee uu waayo arag noqday
tiisana ku meelmari karo, dagaal dhex maray Garaad Abboon iyo Sulsaan
Abuubakar oo duriyaddii Sacduddiin ah.Waxaana lagu jabiyay Garaad Abboon
iyo ciidankiisiba, isagiina waxaa lagu dilay Zaylac 1522m, hase ahaatee
Imaam Axmed wuxuu la baxsaday colkii Garaab Abboon wixii ka haray, wuxuuna
saldhig ka dhigtay deegaanka Hobat.
Hadduu
in muddo ah degganaa deegaanka Hobat oo uu col uruursi ku jiro, ayaa
markay taariikhdu ahayd 1527M qeylo dhaan looga keenay in dadkii Muslimiinta
ahaa ee dagganaa galbeedka Hobat ciidamo dooxata ah, oo Xabashi ahi
ay gummaadeen iyagoon u miidan deyin maato iyo muruqle xoolihiina dhaceen
haweenkii iyo caruurtiina qafaasheen ciidankaasna waxaa watay oo madax
u ahaa Batriiq lagu magacaabo Faniil oo reer Draaruu ah.
Iyadoo,
ay tahay xubin ninkii madax ahba looga baahanyahay in uu yeesho ayuu
Axmed Gureey ku ammaanaa oo burji ku lahaa, hoggaanka ciidamada iyo
maamulkaba, oo uu had iyo jeer markuu ciidankiisa jihaadka galinayo
uu ku guubaabin jiray muhimmada jihaadka iyo faadiisha uu leeyahay,
wuxuuna aad ugu baraarujin jiray himilooyinka dagaalka,iyo waxa ay u
dagaalamayaan oo ah in la diffaaco Diinta Islaamka, Dalka,Dadka iyo
sharafta shacabka Muslimiinta ah lagana hortago gibir iyo gabadha la
iskugu darayo Boqorka Xabashida,taas oo ka soo horjeedo diinta Islaamka
iyo dhaqanka suuban ee Muslimiinta.wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad
aad u xammaasad badan uu ku guubaabinayo colkiisa in ay la yimaadaan
iimaan dhab ah kuna sabraan dhibaatada, maxaa yeelay marnaba ma khasaarayaan
haddii la dilo waa shuhadaa oo waxaa ka dambeeyo jannatul firdowsa iyo
xuurulcayn,haddii ay guulaystaana waxay ku noolaanayaan, sharaf iyo
cizi.
Rag meel
uu joogaba alaaba libin isuma oggola, hase ahaatee khubaddaas uu jeediyay
Imaam Axmed, wuxuu ku kasbaday taageero iyo magac oo rag kii ku lid
ahaana uu ku tixgaliyo kii raacsanaana uu kalsooni uu ugu hogaansamo
madaxnimadiisa.Inkastoo ay ahayd khudbaddaasi bilowgii halgankiis, misana
waxaa u harsanaa is muujintii goobta dagaalka siduu gabyaa soomaaliyeed
yiri:
Saajac
wiil ah wuxuu beelo yaal, wada sulfeeyaaba
Wuxuu
sumcada dheer iyo dabkiyo sababta qaataaba
Sirqey
doqon ah suukaha xun baa, sanco raacaaye
Jeereey
sun iyo qiiq galaan kalama soocmaane
Sidii
balanku ahaa,oroortii qoraxdu soo baxday buu colkii oo ku hubaysan himilooyin
jihad,oo kalsooni ka muuqato horgalay isagoo ku joogo faraskiisi lamagac
baxay Haraan, haddaba goor ay barqo dheer tahay ayaa waxa layskaga horyimid
halka loo yaqaan Caqam, oo uu ku sheegay Shihaabuddiin (Carab Faqiih)
Wabi wayn oo biya badan,haddii labadii ciidan is hardiyeen,oo qoob,
qeylo iyo dananka fardood ma ahee wax kale la maqli wayay,siigaduna
cirka isku shareertay,ciiro iyo qiiqna u gameen,seefihii la soo afeeyay,
oo wirwiraayay,ay isu badaleen xinjiro, gorod goyntii iyo gol dooxii
dhiig la guduuteen oo farasba faraskii uu ka cirib wacnaa goobabka galiyay
ayaa dagaalkii waxaa ku guulaystay ciidamadii Imaamka ,iyadoona lagu
dilay Faniil oo horwada ka ahaa colka Xabashida,dadbadana looga laayay
xoolihii ay dhaceena iyo dumarki iyo caruurtii ay qafaasheena, dib loogasoo
celiyay,hanti badanna laga qaniimaystay,ayaa Imaamkii iyo colkiisii
oo soo guulaystay waxay dib ugu soo noqdeen magaalada Zeefa oo u dhow
Harar.
Intuu
Imaam Axmed uu dagaalka kula jiray Xabashida ayaa, Suldaan Abuubakar
oo xukumayay Harar wuxuu is tusiyay inuu Imaamku halis ku yahay saldanadiisa,
maadama uu Imaamku ka mid ahaa ciidankii Garaad Abboon ee la jabiyay,
khilaaf ba, ana kala dhaxeeyaya isaga.
Markaasuu
ku bilaabay dibindaabyeyn iyo shirqool si ay isaga horyimaada,dabadeedna
uu tallaabo uga qaado intaanu ku taagsan,hase yeeshee Imaamku durbadiiba
wuuu dareemay wuxuuna billlaabay tillaabooyin ka soo horjeeda,ilaa ugu
dambayntii ay gaartay gacan ka hadal iyo in xoog la isakaga horyyimaado
si kii roon reerka ugu haro.
Waxaa
dhacday in Suldaan Abuubakar uu iskaga tagay Harar, isagoo ka bilaabay
col uruursi deegan Kadaad, Arab faqiih wuxuu ku sheegay deegaankaas
in uu ku yaal dhulka Soomaalida, waxayna isaga iyo Imaamku dagaal isaga
horyimaadeen halka lagu magacaabo Qaran oo ah Wabi biya badan, dagaal
dheer ka dib waxaa lagu jabiyey ciidaankii Suldaanka guushuna waxay
raacday Imaam Axmed,oo run ahaantii lagu soo gardarooday.meelaha ay
isaga horyimaadeen waxaa ka mid ah Hobat, Sheex iyo Jaadir.Maadaama
ay dadka Muslimiinta ama Soomaalidu ay xeer u leeyihiin, marki lays
qabto,in lays dhaxdhaxaadiyo ayaa waxaa lagu dhaxdhaxaadiyay in Suldaan
Abuubakar ahaado Suldaanka Harar,Imaam Axmed Gureeyna ahaado Amiirka
Siim iyo nawaaxigeeda uuna u madax bannaanaado taliskiisa iyo madaxnimadiisaba,
hase ahaatee Suldaan Abuubakar kuma qancin,oo halkii ayaa loolankii
ka sii socday,ilaa ugu dambayntii side laysu hagardaamaynayaba oo siyaasad
layskugu xeeladaynay dagaal gorada lays daro sidaana looga takhaluso
Suldaan Abuubakar laguna dilay,dabadeedna wuxuu Imaamku Suldaanimadii
ku wareejiyay Suldaankii la dilay walaakii Cumar Diini,isaguna ku kaaftoomay
magaca Imaam jihaadkiina uu halkaas ka sii waday.
Hadaba
la soco qeybaha soo socda.
Tixraac:
1. Tuxfatu-alzamaan
(futuuxul Xabasha), Shihaabuddiin Axmed Cabdulqaadir (Carab faqiih)
bage.5, 6, 7, 8,9,10,11,12,13.
2. Al-Ilmaam
biman fii ardil Xabasha min Muluukil al- Islaam.AL-maqriizi, bage: 26,27,28,49.
3. Alsiraac
Alsiyaasi Wal-thaqafi wa qadiyatul hawiiyati cindal Axbaash, kaatib.
Dr Muuse maxamed, bage.44-57.
4. Garba
Duubkii Gumaysiga.Faarax maxamed Jamac Cawl.
5. Alislaam
walthaqaafah al arabiyah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud bage,
63, 73, 75,201.
6. Al-Islam
wal-Xabasha cibrattaariikh: Fatxu Qeyth, bage.63, 64, 72-76.
FG: Wixii
talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.
Qore:
Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.
Islamabad-Pakistan
Email:Zakarie_21@hotmail.com,Zakariyei@gmail.com.
Back