|
||
|
|
||
|
|
QABSASHADII 1-AAD EE XABASHIDU QABSATAY S/GALBEED Dagaalladii dhexamarayey Xabashida iyo shacabka S/galbeed oo ay hoggaaminaysay Imaaraddisii Islaamiga ahayd ee Harar waxay ahaayeen kuwo guushu ay tahay kala rog-rogasho inta badana ay raacaysay Muslimaiinta ilaa ay ka timaaddo faragalintii xoogagga reer Yurub oo ay matalayeen Bortaqiiska iyo Talyaaniga. Xabashidu iyadoo ay taageerayaan ciidamo isugu jira Talyaani iyo Bortaqiis oo ka badan 1500 oo askari ayay weerar ku qaadday Magaalada Harar sannadkii 1887-kii halkaas oo ay gacanta ku dhigtay dad iyo duunyo waxay ugu timidna cagta marisay oo ay waliba u beddeshey masaajidkii ugu waynaa magaalada Kaniisad iyadoo ilaa xilligan uu masjidkaasi yahay kaniisad. Xabashida ayaa qabsatay magaalada oo ka saartay Amiirkeedii ugu danbeeyay (AMIIR C/LLAAHI C/SHAKUUR ) iyadoo ay weliba jirtay heshiis ilaalin ah (ximaayo) oo Amiirku la lahaa Ingiriiska waxbana uusan ugu qaban, balse uu diiday inuu siiyo hub uu isaga difaaco weerarka ku soo wajahan taasoo ka dhigan inay ahayd mu'aamarad iyo shirqool ay gumaystayaashu u wada dhannaayeen. QABSASHADII INGIRIISKA EE S/GALBEED Shirkii Berlin(Jarmalka) sannadkii (1884-1885) ee lagu qaybsanayey dhaxalkii dawladdii (Khilaafadii) Islaamka ee sii taag daraanaysay siiba qaaradda Afrika. S/galbeed waxay gacanta u gashay gumaysigii Ingiriiska oo waddanka ku soo galay heshiis ilaalin ah oo uu la galay odayaasha S/galbeed sanadkii 1886 iyo 1888 taasoo (haysigaas ) socotay illaa iyo 1954-kii markii uu Ingiriisku ku wareejiyay qeybtii ugu danbaysay ee dhulka S/galbeed Xabashida iyadoo aannu dadka waddanka lehi waxba ka ogayn oo lagu khiyaameeyay heshiisyadii ilaalinta ahaa ee lala galay.
Sannadkii
1948-kii Ingiriisku wuxuu Xabashida ku wareejiyay waddanka S/galbeed,
isagoo abaal gud uga dhigaya: 2- Ballan qaadkii ay balan qaaday inay Muslimiinta deriska la ah ku qasbi doonto inay qataan Masiixiyadda (Diinta Kiristaanka ). Hadaba afqabashadaas ay Xabashidu ka heshay walaalaheeda reer Yurub ayaa u fududeeyay inay qabsato wadanka S/galbeed. Xabashidu markii ay ku qabsatay dhulka sidaas aan soo tilmaanay waxay dadka kula kacday dhaqankeedii cadawnimada lahaa ee ay ku caan baxday. Maalin kaliya dadku kama nasannin ciqaabta iyo xasuuqa gumaysigaas foosha xun. Shacabka S/galbeed wuxuu bilaabay halgan aan kala go' lahayn oo ku baadi goobayo xuquuqdiisa sharciga ah iyo aaya ka talintiisa, waxana bilawday dhaq-dhaqaaqyo jihaadi ah iyo kacaanno gobanimo-doon, kuwaas oo illaa imminka socda, waxaana ka mid ahaa:
1-
Jihaadkii Sayid Maxamed C/lle Xasan (1900-1921) oo mar kaliya la wada
dagaallamayey gumaystayaashii qaybsaday ummadda Soomaaliyeed ee xabashidu
horgalka u ahayd. Sayidku wuxuu dhigay wacdaro lagu xasuusto guud ahaanba
shacabka Soomaaliyeed isagoo noqday ninkii ugu horreeyay ee Afrikada madow
lagula dagaalamo Diyaarado iyo hub casri ah. Kacdoonkani wuxuu qayb ka ahaa himiladii shacabweynaha Soomaaliyeed ee hanashada gobanimadooda kaasoo wada gaadhay dhamaan degaanka Soomaalidu degto wuxuuna dareenkii sii xoogaystay markii ay dhalatay jamhuuriyadii Soomaaliya ee ay ku midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo koonfur iyadoo qaybihii kale ee Soomaalidu u hiloobeen inay ka qaybqaataan dhismaha bahweynta Soomaaliyeed, taas ayuuna salka ku hayay halgankii dhaqdhaqaaqii la magac baxay NASRULLAAHI. Inkasta oo uu halgankani soo hoyiyey guullo la taaban karo, khasaarana cadawga u gaystay haddana kuma guulaysannin in uu gaadho hadafkiisii. 3-Halgankii xoraynta S/galbeed (1976-1980): halgankaas oo ay hoggaaminaysay Jabhaddii Xoraynta S/galbeed (WSLF). Jabhadaasi oo kaalmo ka helaysay dawladdii iyo shacabweynihii Soomaaliyeed waxay ku guulaysatay in 90% waddanka S/galbeed ay ka xorayso nijaastii gumaysiga, hase yeeshee faragalintii ay samaysay WAARSO ee uu gadhwadeenku u ahaa Midawgii Soofiyeeti ayaa gaagixisay xorriyaddii. Dagaalkaasi wuxuu sababay Qaxooti farabadan oo u soo jabay dhanka Soomaaliya iyagoo ka baqanayay cadaadiska gumaysiga xabashida oo ay ku barteen naxariis darro. MALYUUN QAXOOTI AH OO SOO GALAY SOOMAALIYA Si ay ugu baxsadaan gumaad kaga imaan lahaa nidaamkii ku caan baxay arxan darada ee kaligii taliyihii Mingiste waxay dadka S/galbeed u soo jabeen dhanka walaalahoodii Soomaaliyeed waxana lagu soo dhaweeyay xeryo Qaxooti oo laga furay waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo gaadhay ilaa 21-xero oo ku kala baahsanaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inkasta oo ay dadku soo barakaceen dhibaato baddana kala kulmeen hayaankii ay u soo galeen imaatinka Soomaaliya haddana qaxaasi wuxuu lahaa faa'iidooyinkiisa, sababtoo ah waxay heleen fursaddo waxbarasho oo ay awal ka xidh-xidhnaayeen, waxaa u furmay caalamkii oo dhallinyaro badan oo ka mid ah S/galbeed ay heleen koorsooyin waxbarasho iyo jaamicaadka siiba kuwa islaamiga ah. Ducaaddaasi markii ay soo dhammaysteen waxbarashadoodii jaamacadeed waxay dib ugu soo laabteen dadkoodii oo ay wax bareen, waxaana u suurta gashay Asaasitaanka Ururka Itixaadka Islaamka ee S/galbeed kaasoo samaysinkiisu ku salaysnaa: 1.
Baahida shacabka S/galbeed u qabay inuu si dhab ah u fahmo diintiisa oo
ah tan wanaaggiisa (aakhiro iyo adduunba) uu ku gaadhayo.
DHAQ-DHAQAAQYADII CULIMADA S/GALBEED EE XERYIHII QAXOOTIGA Runtii ma ahayn wax sahlan gudashada waajibaadka horyiilay ducaadaas oo ku dhex noolaa xukuumad aad xaasaasiyad uga qabta wixii dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ah. Iyadoo ay taasi jirtay hadana waxay ku talaabsadeen mudadii ay dhisnaayeen xeryihii qaxootigu howlo waa weyn oo ay ka mid ahaayeen: 1.
Inay fureen Madaaris iyo xalaqaad cilmiga diiniga ah oo dhalinyarada lagu
baro culuumta sharciga lagana ilaaliyo dhaqamada khaldan ee aan waafaqsanayn
Islaamka kuwaasoo uu shisheeyuhu inta badan kaga faa'iidaysto dadyowga
tabarta daran, dhaqmadoodana ku lumiyo. 3.
Inay shabaabka ku baraarujiyeen naca gaalada iyo sida ay waajibka u tahay
in lala dagaallamo oo laga xoreeyo dhulka ay muslimiinta ka haystaan ee
ay gumaysato taasoo ay ula jeedeen in aanay marnaba hilmaamin cadawgooda,
ruuxda wax iska dhicinta ee dadkuna ay ahaato mid taagan oo aan daciifin. 4. Inay gudihii waddanka S/galbeed u direen sannaddii 1989-kii sahan si loo qiimeeyo xaaladda shacabka, tan gumaysiga iyo sida abaabul dacwo iyo mid halganba looga billaabi karo waddanka hawlgalkaas oo ay hoggaaminayeen ducaad caan ka ahayd waddanka S/galbeed oo uu ka mid ahaa [Alle ha u naxariistee Sheekh C/llaahi Sheekh Axmed Qaasim]. Wafdigaas oo socod ku maray dhamaan goballada iyo degmooyinka dalka iyagoo howlgalkii ku jirana uu yimid bur-burkii Soomaaliya. Dhamaan howlahaas oo ahaa kuwo u socday si qarsoodi ah oo nidaamsan xawlina leh waxay ahaayeen kuwo lagu guulaystay iyadoo ay aad u kordheen dhalinyaradii kusoo xidhantay culimada howshaas ku mashquulsanayd waxaana soo baxday fikraddii isku xidhka culimada iyo shababka S/galbeed taasoo gundhig u ahyd asaasitaankii uruka Itixaadka Islaamka Soomaali Galbeed ee lagu dhawaaqay markii lagu noqday waddanka.
13 sano oo ay qaxootigaasi la noolaayeen walaalahooda soomaaliyeed kadib waxaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dhacay dagaalladii sokeeye ee bur-buriyay wax walba aakhirkiina sababay in xukunka laga tuuro dawladdii Siyaad Bare. Dagaalkaas oo qaatay qaab qabyaaladeed waxaa dadkii S/galbeed qasab ku noqotay in ay dib ugu noqdaan hoygoodii. Dadku waxay guryahoodii ku soo laabteen iyagoo aad u dhibaataysan markii ay waddanka yimaadeenna waxay la soo kulmeen xilli aad u adag oo ay jirto abaar halis ah, hase yeeshee nasiib wanaaggu wuxuu ahaa in markii ay yimaadeenba uu dhacay taliskii Mingiste, xukunkii Itoobiyana ay la wareegtay Jabhadda TPLF ee Qowmiyadda Tigreega. QABSASHADII TIGREEGA (EPRDF) XUKUNKII ITOOBIYA. qowmiyada Tigreega waa qowmiyad degta waqooyiga shishe ee Itoobiya., waxaana tirada dadkaas lagu qiyaasaa 3 milyan. waxay ku caan baxday nacaybka ay u qabto diinta Islaamka iyo dadkeeda, waxayna haysataa, Aaminsa tahay Diinta Kirishtaanka gaar ahaan madhabta Orthodox-ka oo ah mad-habta ay haystaan Serbiyiinta ku caan baxday gowraca Muslimiinta Boosnia iyo Kosovo. Runtii jabhadani in kasta oo ay af-macaan billawgii ku soo gashay amaba samaysay ballanqaadyo haddana marka loo dhabbo galo istaraatiijiyaddeeda iyo hab dhaqankeeda waxba kagama duwana maamulladii hore ee Itoobiya ka soo jiray marka laga eego dhinaca gumaysiga iyo rabitaanka Is-ballaadhinta, balse waxaaba la odhan karaa iyaga ayaa ka daran asbaabo ay ka mid yihiin: 1.
Inay yihiin jabhad kiristaanimadeeda rabta inay dhulka ku qabsato kuna
fidiso dadka dhaxdooda, taasoo na xusuusinaysa masharuucii kiristaamaynta
ee ay ku howlanaayeen talisyadii xabshida. Jabhadani ma oggola muuqashada
muslimiinta iyo inay xitaa muujistaan shacaa'irkooda diiniga ah. 2.
Inay sameeyaan dastuur aan fulin lahayn, kaasoo u ekaysiinaya in ay oggolyihiin
xuquuqda shucuubta lana mid ah kii Mingiste oo isagu sheegan jiray in
dawladdiisu tahay dawlad Dimoqraadi ah iyadoo hadafka laga leeyahay ay
tahay inay ra'yul caalamka la marin habaabiyo. 4.
Inay dadka kala dagaalamayaan nolosha iyo muuqashada iyagoo oo wax walba
ay dadku u dhoofin lahaayeen dhinaca Soomaaliya ka dhigay koontarabaan
isla markana ay dadku ka af-duubanyihiin wax xidhiidh ganacsi ah oo ay
la leeyihiin Itoobiya marka laga reebo Jaadka oo loogu tala galay inuu
dumiyo noloshooda iyo jiritaankooda. 5.
Iyagoo abuura colaad dadka dhaxdiisa ah (xagga Qabaa'ilka) iyo isku dir-dirid
siiba xiliyada ay jiraan waxa uu gumaysigu ugu yeedho doorashooyin taasoo
ah dabeecada lagu yaqaano gumaysiga ee QAYBI OO XUKUN. 7. Inay dajiyeen istaraatiijiyad dadka wixii dareen siyaasadeed leh, danqasho wadaniyadeed leh, wax garad ah amaba aan la dhacsanayn dhaqankooda ay kaga qixinayaan wadanka si aanay shacabka ugu gudbinin dareen koodaas BALLAN QAADYADII TIGREEGA Kadib markii la eryay kaligii taliyihii Mingiste ee ay jabhadaha Tigreegu (TPLF) qabsatay xukunka Itoobiya bishii May 1991-kii waxay qowmiyadahii ku hoos dulmanaa nidaamyadii hore ee Itoobiya soo xukumi jiray ugu baaqday cadaalad iyo Dimoqraadiyad taasoo ay ku heleen kalsooni farabadan ilaa ay arintu gaadhay in qoomiyado badani iyadoo ay hor- kacayaan jabhadahoodii gudaha Itoobiya iyo dibadaba ay dhigaan hubkoodii si aan cidina ku qasbin. Balan qaadyadaas beenbeenta ah ee ay jabhadaasi qaaday kuwoodii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ah
BALLAN KA BAXII TIGREEGA
Dadyowgii dulmanaa ee ay markii hore ballanqaadayada Tigreegu rajo galiyeen ayaa waxay la kulmeen dil aan aabo yeel lahayn,xadhig iyo cabudhin loo diido inay si xor ah barnaamijyadooda siyaasiga ah u fushadaan amaba ku hadlaan wax ka soo horjeeda Jabhadda xukunka qabsatay arrinkaas oo soo dedejiyey isku dhac dhex mara Tigreega iyo qaar ka mid ah qawmiyadaha kale sida Oromada. Tigreegu iyada oo aanay jirin wax ka sii horreeyay oo dhexmaray iyaga iyo ururka Itixaadka S/galbeed, isla markaana ay furanyihiin xafiisyadii ururka ku lahaa Magaalooyinka ayaa waxey weerar kadis ah oo habeenimo ku qaadeen 11-08-92-kii xeradii ciidanka Itaxaadka Soomaali galbeed ee Halooye (nawaaxiga Godey) iyagoo halkaas ku dilay 26 isugu jira culimadii wadanka oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii iyo ku xigeenkii urrurka Itixaadka S/galbeed Sh. C/laahi Bade iyo Sh. C/laahi Ax'ed Qaasim (C/llahi Yare)], shabaabkii joogay xeradaas iyo dad shacab ah oo ka aga dhawaa goobtaas. Sidaas ayeyna ku billowdeen dagaallada illaa iyo hadda mudada 12-ka sano ah dhexmarayay Mujaahidiinta Soomaali Galbeed iyo ciidamada Tigreega. MARXALADIHII UU SOO MARAY JIHAADKA KA SOCONAYA S/GALBEED (B)- Isku daygii Dabar goynta Mujaahidiinta [11/08/92-dhamaadkii sanadkaas] Tigreegu waxay ugu horrayntiiba ku khaldameen qiimaynta ay saareen dagaalka ay la gali doonaan Mujaahidiinta S/galbeed iyagoo ka qiyaas qaadanaya dagaaladii ay horey ugu soo guulaysteen ee ay la galeen qowmiyadaha kale. Dagaalkaas tigreegu waxey ku talagaleen in muddo aan ka badnayn 2-bilood iyo taklifo aad u yar ay kaga faraxashaan Mujaahidiinta, hase yeeshee markii ay dhaceen Sagaal Dagaal oo waaweyn wadcigu wuxuu u muuqday mid ka hor yimid xisaabtankii Tigreega iyadoo uu jabay kibirkii iyo santaaggii, waxaa go'ay hororkii saraakiishii hogaaminaysay dagaalka taasoo ku kaliftay inuu raadiyo xeelad uu kaga baxo dhoobada uu lugaha la galay. Sannadkaasi (1992-kii) wuxuu ku dhammaaday xabbad joojin uu dalbaday cadawgu odayaasha iyo salaaddiinta waddankuna ay dhex-dhexaadiyeyaal ka ahaayeen. Sanadkaas dagaalladu waxey ku badnaayeen Goballada Godey iyo Qabridahare. (t) Isku daygii iska horkeenka shacabka iyo mujaahidiinta [01/01/93-----Okt.1993-kii] kadib markii cadawgu u ku guul daraystay inuu xoog ku maquuniyo Mujaahidiinta wuxuu uga wareegay talo siyaasadeed oo uu islahaa wax bay kaaga qaban doontaa daminta dabka uu shiday. Wuxuu abaabulay doorashooyin lagu samaynayo ismaamul gobolleed taasoo hadafka u ka lahaa ay tahay inuu mushkilad ka dhex abuuro shacabka iyo maamulka la sameeyey oo dhan ah iyo Mujaahidiinta oo dhan ah isagoo u tusinaya inay Mujaahidiintu lidi ku yihiin danaha iyo maslaxada shacabka markaana ay dadku iska qabtaan. Waxaa la faafiyay dacaayado aan waxba ka jirin oo la leeyahay xornimadii ayeynu gacanta ku haynaa, xabad looma baahna iwm, hase yeeshee siyaasadasi Allaah fadligii kadib, siyaasadii xikmada lahayd ee ay Mujaahidiinta adeegsadeen iyo dareenka shacabka oo ka feejignaa xeeladaha gumaysiga darteed ayuu qorshihii Tigreegu shaqayn waayay. Waxaa
is af gartay dhamaan xoogagii uu doonayay inuu madaxa isu galiyo. Taariikhdu
markay ahayd Nofeembar 1993-kii waxaa magaalada Garbo shir isugu yimid
150 qof oo issugu jira salaadiintii, Ugaasyadii, Cuqaashii, Waxgaradkii
iyo Siyaasiyiintii S/galbeed iyagoo goobjoog ka ahaayeen Mujaahidiinta
iyo wafdi ka socda ismaamulka (kililka) oo uu hogaaminayay gudoomiye ku
xigeenkii xiligaas Axmed Cali Daahir go'aamadii shirkaas ka soo baxay
qodabadii ugu muhiimsanaa waxey ahayeen : 1.
In Itoobiya laga xoroobo si nabad ah haddii la waayana xoog lagaga xoroobo. (j) Ololihii Dagaalka Eee Balladhnaa [April 1994--------Feb/95 ] Wixii ka danbeeyay dagaalladii 1992-kii cadawgu wuxuu yaqiinsaday in arrintu ka culustahay sidii uu malaynayey, loona baahanyahay in la sameeyo daraaso dheer, sahammo fara badan iyo diyaar garow weyn si loo wajaho khatar ay u arkayeen inay kaga soo fool leedahay dhanka Mujaahidiinta S/galbeed cadawgu wuxuu qaylo dhaan iyo kaalmaba waydiistay kuwa dulmiga ku taageera ee ay ree Galbeedku horgalka u yihiin gaar ahaan Maraykanka. Dagal xoog badan oo cir iyo dhulba leh oo mujaahidiinta lagu qaado ayaa waxaa isla diyaariyay Maraykanka iyo Tigreega taasoo wasiirkii arimaha dibadda ee Itoobiya 30/04/94-kii shir jaraa'id oo uu Addis ababa ku qabtay uu ku sheegay inay ka takhluuseen Mujaahidiinta dawlada Maraykankana ay taas gacan ku siisay sidoo kale booqasho uu Zinaawi ku tagay 15/08/94-kii Maraykanka wuxuu uga mahad naqay sidii ay maraykanaka gacanta uga gaysteen xasilinta amaanka Itoobiya ololahaas oo loogu magac daray OLOLIHII 45KA BARI ayaa Alaah Mujaahidiinta waxuu haleeshiiyay inay raacan tabta dagaal ee loo yaqaan Dhuumaalaysiga, waxayna isku balaadhiyeen dhamaan wadanka S/galbeed wakhtigii loogu tala galay ololahaasi waxuu dhamaaday iyadoo aanay mujaahidiinta ka shihiidin wax ka badan 30-Mujaahid dagaalku sanad kaas 1994-kiina wuxuu ku fiday gobollada Wardheer iyo Jig-jiga qaar ka tirsan saraakiisha cadawgana waxaa laga soo xigtay inay ka shalaayeen qaadista ololahaas iyagoo yidhi " 20% ciidamadii soo halgamay ee riday taliskii Dergiga Abaal gudkoodu wuxuu noqday in lagu laayo oo waraabahu ku cuno duur aanay cidna ogayn sababta ay halkaas ugu le'anayaan". (x) Marxaladihii xabbad joojinta (hudnadii) [ Feb. 1995------23/10/95-kii ] kadib markii cadogu ku guul daraystay dagaaladii isla markaana ay soo gaadhay khasaarooyin waaweyn iyo bur-bur ciidan ayaa wuxuu qal qaaliyay wax garadka S/galbeed isagoo ka codsaday inay abuuraan jawi wada hadal oo ay wax ka qabtaan amaan darada ka jirta waddanka dhamaadkii Janaayo 1995-kii ayaa shir weyne waxuu ka furmay magaalada Q/dahare kaasoo go'aanada ka soobaxay ay ka mid ahaayeen:- In la sameeyo xabad joojin, lana bilaabo wada hadal. Cadawgu ujeedada uu ka lahaa shirkaas waxey ahayd inuu odayaasha u muujiyo inay Mujaahidiintu yihiin kuwa aanay garina galin garina ka bixin Mujaahidiintu si ay fursad u siiyaan nabad wax ku raadinta, faafinta dacwada isla markaana shacabkooda iyo waxgaradka S/galbeedba u tusiyaan in cadawgu yahay kan dagaalka wada ee aan ogolayn xuquuqdooda waxay xabad joojintaas ku aqbaleen shuruudo iyadoo kadibna ay biloowdeen wada hadalo socday ilaa iyo horaantii Oktoober 1995-kii hase yeeshee aan wax natiijo ah keenin. Tigreega oo sidii caadada u ahayd ku adkaystay in mujaahidiintu hubkooda soo dhiibaan, halka Mujaahidiintuna ku adkaysteen in shacabka S/galbeed afti laga qaado. Xabad joojintaasi waxay bur burtay markii ay jabiyeen ciidamada Tigreegu iyagoo dilay 5-kamid ah Mujaahidiinta, sidaana waxaa mar sadexaad ku qarxay dagaalkii oo markan u biloowday si aad u xoogan. (kh) Dagaaladii oo mar kale soo cusboonaaday [23/10/95----imminka ] muddadii 8-da bilood ahayd ee ay jirtay xabad joojintu waxay mujaahidiintu uga faa'iidaysteen inay qaateen tababaro adag oo noocyo kala duwan leh iyo diyaar garow aad u sareeya. Markii xabad joojintaasi bur-burtay ayaa si siman waxay Mujaahidiintu weeraro xoog leh ugu qaadeen fadhiisimada cadowga iyagoo u gaystey khasaarooyin tira badan oo aan la soo koobi karin dagaalada ayaa waxay ku fideen galbeedka shishe ee wadanka S/galbeed [ Diri-dhaba, jidka tareenka, Harar iyo Baabili ] waxaa kale ooy dagaaladaasi ku fideen dhumucda shishe ee cadawga [Addis-ababa iyo wadada isku xidha Maqale iyo Addis. Sida gabdhaha S/galbeed geerida iyo damqashadu wehelka iyo dariska ugu noqotay si la mid ah ayey ula daristay colaada iyo shanqadha qaraxyadu hoygii cadowga [ Gardarooy Gurigaad ku hoyatiyo Godkaadii Malaguugu soo Galay ]. (d)-Marxaladdihii deris kula galgalashada sida
caadada u noqotay xukuumadihii xukunka Itoobiya isaga danbeeyey kuwaasoo
mar kasta oo uu xanuujiyo kacdoonka shacabka S/galbeed u ekaysiin jiray
in mushkiladdu tahay mid u dhaxeysa dalal daris ah, uguna soo qaadi jirtay
weerarro aan geedna loogu soo gabbanin ayaa jabhadda Tigreegu waxay weerar
aan geedna loogu soogu soo gabban ku soo qaadday dadka walaalaheen ah
ee Soomaaliyeed oo awalba la liitay dhibaatooyin ay ku reebeen dagaalladii
Sokeeye. Xabashidu waxay beryihii hore ku eedayn jirtay kacdoonka shacabka S/galbeed Dawladdii Soomaaliyeed ee jirtay, imminkana waxay jabhadda Tigreegu ku andacootaa in dagaallada ay wadaan Mujaahidiinta sababtoodu ay tahay dawlad la'aanta Soomaaliya taasoo hadday wax uun ku tusinayso, caddaynaysa in dhibaatada jirtaayi ay tahay shacab doonaya xuquuqdiisa oo loo diiddanyahay isaguna ka dagaallamaya. GUULAHA UU GAARAY JIHAADKA S/GALBEED Runtii waa arrin la is weydiin karo waa maxay illaa iyo hadda natiijooyinka la taaban karo amaba faa'iidada leh ee kasoo baxay jihaadka hadda ka socda S/galbeed? kahor intaynaan ka jawaabin su'aashaas waxaa mudan in la ogaado in dagaalku sidiisaba uu keeno dhimasho, dhaawac bur-bur iyo dhibaatooyin badan, hase yeeshee natiijada dagaalka waxaa lagu qiimayn karaa sida looga gaadho ujeedooyinkii laga lahaa. Dad badani waxaa laga yaabaa inay ku jaha wareersanyihiin cidda billowday dagaalka iminka socda amaba ay khalad ka aaminsanyihiin, markase xaqiiqada la taabto sida laga dhadhansan karo qaybihii hore ee qoraalkeenan ee ka hadlayay sida uu ku billowday, dagaalka waxaan xaabsaarrayn oo iska cad in dagaalka ay bilaabeen Tigreegu iyadoo hadafka ay ka lahaayeenna ahaa inay dabarjaraan oo aan dib shanqadhood loo arag xoogga Mujaahidiinta ee xaq u dirirka ah si ay ugu fududaato in danaha ay ka leeyihiin S/galbeed gaar ahaan, guud ahaanna Soomaaliya ay ka fushadaan, halka hadafka Mujaahidiintu ka ahaa inay iska difaacaan hororka ugu yimid dhulkooda ee haddana doonaya inuu iyaga ka saaro iyo inay baadi goobaan xuquuqda shacabkooda dulman.
Dhinaca
S/galbeed waxaa jira: Inkastooy dhammaan dhibaatooyinkaasi jiraan haddana marka la bar-bar dhigo waxa uu shacabka S/galbeed raadinayo oo ah Aaya ka Talintiisa Iyo Xaqiisa Xorriyadeed waxay diyaar u yihiin in intaas iyo toban laabkeedba ay u huraan xorriyaddooda [ wax qaali ah raadintii waxaa loo huraa wax qaali ah ]. Guud ahaan marka la soo koobo natiijooyinka jihaadkas socday ka badan 10-ka sano ee laga qiimeeyo hadafkii ay labada dhinac ee is-haya ka kala lahaayeen wadista dagaalkaas waxaa la odhan karaa 80% Mujaahidiinta aya jooga guushii Jihaadkas socday muddadaas kor ku xusan, guulahas oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwo Milatariba waxaana ka soo qaadan karraa: 1
.In jihaadkani caalamka ogaysiiyay qaddiyadda shacabka S/galbeed iyo in
aanu dadkeedu ku qancaynin wax ka yar aayo katalin buuxda sida is-maamul
iyo wixii la mid ah. Halkaas waxaa inooga soo baxaya in cadawga oo ahaa kan isagu billaabay dagaalka kana lahaa ahdaafta aan soo tilmaanay uu ku guul daraystay oo aanay habayaraatee jirin wax uga qabsoomay, halka jihaadkani gaadhay guulaha aan soo xusnay iyadoo maalinba maalinta kadanbaysa uu sii xoogaysanayo cadawguna sii taag darraynayo oo quus sii gaadhayo. 8. Arrinta kale ee xusidda mudan kana mid ah guulaha uu jihaadkani keenay waxa ay tahay inuu horjoogsaday oo caqabad ku noqday qorshihii Itoobiya ee Qabshasada Soomaaliya kadib markii ay Mujaahidiintu manjoxaabiyeen oo ay noqdeen arrinta ugu wayn ee mashquulisay Fikirkooda iyo dadaalkooda.
Ugu horrayn waxaa mudan in la ogaado in midnimadu ay tahay waajib diini ah oo faranyahay qofkasta oo Muslim ah. Waxaa kale oo ay Mujaahidiinta S/galbeed aaminsan yihiin in midnimo la'aanteed aanay jirin wax hirgaliya oo la taaban karo iyo midnimo la'aantu inay tahay mid ka mid ah arrimaha ilaa iyo iminka oo badi umaduhu xoroobeen ay S/galbeed baaqiga ugu sii tahay gumaysiga. Hadaba mujaahidiintu iyagoo ka duulaya fulinta waajibaadkaas diiniga ah iyo arigtidaas ay aaminsanyihiin waxay muddadii ay jireen u soo galeen dadaal ad u dheer oo ay ku baadi goobayaan midaynta xooga ummadda, dadaalladaas oo aad u fara badnaa waxaan ka xusi karraa: 1.
In aasaasitaankii ugu horeeyayba xil wayn iska saaray xalinta wixii khilaafaad
ah ee dhexyaalla qeybaha bulshada sida [ xurgufta qabaa'ilka, khillaafaadka
shakhsiga ah iyo kala tagsanaanta aragtida ] taasoo lagu bixiyay maskax,
muruq iyo maalba ilaa ay dadku ka yidhaahdaan wixii khilaafaad ah ee yimaada
war idinkaa dadka dowlad u ahee waxaasaa meel heblaayo ka jira. 2.
In la qabtay shirar shacbi ah oo ballaadhan kuwaas oo ay ka soo qaybgaleen
Salaadiinta, Ugaasyada, Waxgaradka, Culimo owdiinka, Dhalinyarada iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada looguna sharxayay ujeedoonyinka Mujaahidiinta
S/galbeed iyo lagama maarmaan nimada ay midnimadu u leedahay ka midho
dhalinta ujeedo kasta oo la beegsanayo gaar ahaan ka yool gaadhista halganka
lagula jiro cadawga. 3.
waxay mujaahidiintu shirar badan la yeesheen urruradii siyaasiga ahaa
ee ka samaysmay S/galbeed sida: ONLF, WSLF, TADAAMUN, DAL iyo kuwo kaleba
oo ka kala dhacay wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba kuwaasoo dhamaantood
logu yeedhayey in iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin la mideeyo xooga
ummadda maadaama ay urruradu yihiin: isku cadaw, isku dal iyo isku dad
ugu danbaystiina waxaa lagu guulaystay midaynta qaar ka tirsan urrurada
halganka ku jira sida aan sheegi doono. 4. waxay Mujaahidiintu wada hadallo masaalixda ummadda iyo u danaynteeda la yeesheen maamulkii ay tigreegu ka sameeyeen waddanka S/galbeed in ka badan 3-jeer, kana kala dhacay Garbo iyo Jig-jiga iyadoo la'isla gaadhay qodobo ay fulid la'aantooda mas'uul ka ahayd xukuumadda EPRDF-ta iyo awood yaraanta maamulkaas. waxaa kale oo jirta in Mujaahidiinta S/galbeed xidhiidh wanaagsan la leeyihiin shacabka wallaalahood ah ee Soomaliyeed meelkasta oo uu joogo iyagoo u arka in taageeradoodu ay lama huraan u tahay halganka ay ku jiraan, maqnaanta Dawlad Soomaaliyeedna ay dadka S/galbeed yihiin kuwa oogu daran ee uu khasaaruhu ka soo gaadhay, iyadoo horaanba shacabka Soomaaliyeed si hagar la'aan ah uga qeyb qaatay kaalintooda oo naf, maskax iyo maalba u huray xoriyad gaadhsiinta walaalahooda S/galbeed Intaas waxaa dheer inay Mujaahidiinta S/galbeed isbahaysi la sameeyeen urrurada ka soo horjeeda gumaysiga xabashida ee ay isku aragtida ka yihiin doonista xoriyadda iyo ka hoos bixidda dulmiga dadka tirada yar siiba kuwa ay dagaanka wadaagaan iyo kuwa ay la leeyihiin xidhiidhka darisnimo iyadoo la sameeyay isbahaysiga xoraynta ee jabhadaha Oromada, Soomaalida iyo Cafarta [OSALA] oo ay ku midoobeen qowmiyadaha Soomalida, Oromada iyo Cafarta. Isbahaysigan ayaa ujeedadiisu ahayd inay Mujaahidiinta S/galbeed la yeeshaan xidhiidh wanagsan qowmiyadaha kale ee uu kulmiyo dulmiga gumaysiga Xabashida isla markaana la abuuro xiddh iskaashi halganeed Ku Dhawaaqidii MIDAWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED Mujaahidiinta
S/galbeed marna kamayna daalin inay ugu yeedhayaan jabhadaha ku hawlan
halganka S/galbeed inay midoobaan iyagoo dareensan sida ay midnimadu u
tahay waajib ay diintu farayso dadka Muslimiinta ah, iyo inay midnimadu
tahay furaha ugu wayn ee ka midho dhalinta halganka shacabka S/galbeed
dadaal ay Mujaahidiintu wadeen muddo sannado ah sidii loo midayn lahaa
xoogga ummadda iyo aragtideeda halgameedba ayaa natiijadiisii waxaa ka
dhashay MIDAWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED oo la aasaasay 01/02/99, kadib
markii la qabtay shirwayne socday intii u dhaxaysay 27/01/99-----01/02/99
kaasoo lagu qabtay GURDUMI oo ka tirsan degmada Awaare ee Gobalka Dh/buur,
ayna ku midoobeen Urrurada kala ah: 1.
Urrurka Midnimada Islaamka S/galbeed[WSIU] Waxaana aas aaskii Midawga Jabhadda Xoraynta S/galbeed u ahaa mid ka turjumaya guusha ay gaadheen Mujaahidiinta S/galbeed oo ku guulaystay inay mideeyaan xooggagas halganka ku jiray waxayna kor u sii qaaday hawlgalkooda iyo kartidooda wax qabad. Waana Alla mahaddii mar hadii la gartay in midnimadu lagama maarmaan u tahay halganka shacabka S/galbeed, iyadoo ay wadada u xaadhayso isku day kasta oo lagu midaynayo ummadda S/galbeed.
Wuxuuna Midawga Jabhada xoraynta S/galbeed ugu baaqayaa shacabka S/galbeed
gude iyo dibadba inay cududdooda mideeyaan, kana digtoonaadaan khatarta
iyo dhagaraha cadawga isla markaana hubkooda qaataan si ay isaga tuuraan
heeryada gumaysiga. |
|
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |