Inkabadan 450 arday oo dugsiyada sare ee Soomaaligalbeed oo imtixaankii ay kaga gudbi lahaayeen dugsiga sare laga laalay.

Dhagaxbuur, September 09, 2007 (SG) – Arday ka badan 450 arday oo u dhalatay gobolka Dhagaxbuur ee dhulka Soomaaligalbeed ayaa waayay imtixaankii ay kaga gudbilahaayeen fasalka 10naad ee dugsiga sare ee sannad-dugsiyeedkii lasoo dhaafay kaddib markii imtixaankooda lagu tilmaamay inuu waxba kama jiraan ahaa.

Ardayda degmada Dhagaxbuur ayaa lagu eedeeyay in imtixaanadooda lagu soo buuxiyay meelo kabaxsan fasalada kaddib markii ay dhammaadeen saacadihii loogu talo galay in la galo imtixaanka.

Eedaytan ayaa ka timid ninka ahaa kormeerka imtixaanada degmada Dhegaxbuur ninkaasi oo u dhashay qoomiyadda Amxaarada.

Ninkan kormeerka ahaa ayaan xilligii ay imtixaanadu dhacayeen wax warbixin ah siinin xafiiska waxbarashada ee degaanka balse markii uu Addis Ababa ku laabtay waxa uu talo ku bixiyay in ardayda imtixaanada ka gashay degmada Dhagaxbuur aanu imtixaankooda waxba ka jirin sidaa darteedna laga noqdo gabi ahaantiisaba arrintaasi oo ay wasaaradda Waxbarashada ee federaalku si indho la'aan ah u taageertay.

Mushkaladdan ayaa soo shaacbaxday oo kaliyo horraantii doddobaadkii hore wakhtigaasi oo la qaybiyay natiijadii imtixaanada fasalka tobnaad ee meelaha kale ee dhulka Soomaaligalbeed.

Masuuliyiinta degaanka Soomaalida ayaan iyagu haba yaratee waxba ka odhan arrintaasi balse waxaa si xooggan uga biyo diiday niyad-jab weyna ka muujiyay ardaydii iyo waaliddiintii ay dhibaatadani ku habsatay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan si weyn uga cadhooday iyaga oo sheegay inaanay caddaalad ahayn waxaanay leeyhiin waa tallaabo lagu curyaaminayo dhallinyarada degaanka si ayna ula jaanqaadin ummadaha kale.

Ardayda masiibadani ku dhacday ayaa sugi doona sannad waxayna markale imtixaan la fadhiisan doonaan ardayda sannadkan ka qalinjabin doonta fasalka 10aad ee dugsiga sare.

Imtixaanada looga fadhiisto dugsiyada sare waddanka Itoobiya ayaanay shacabka Soomaalidu natiijo fiican oo ay ku farxaan ka helin taasi oo ay ugu wacan tahay cadaadiska nidaamka gumaysiga ah.

Arday aad u tiro yar ayaa nasiib u hela inay fursad waxbarasho ka helaan jaamacadaha ku yaalla waddankan Itoobiya balse tiro badan ayaa lagu reebaa dhibcahooda oo aad u hoos loogu dhigo si ayna Nasiib ugu helin inay waxbarasho ka helaan jaamacaddaha ku yaala Itoobiyadda kale.

Arrintan ayaa lagu nisbeeyaa imtixaanada Addis Ababa lagu soo saxayo oo ardayda Soomaalida si ulakac ah dhibco hoose loo siiyo si aanay waxbarashooyinka sarsare ugula tartamin qoomiyadaha kale.

Nidaamka waxbarasho ee dugsiyada sare ee Itoobiya ayaa u qaybsama laba nooc, Waxaanay uga qalin jabiyaan fasallada 9aad iyo 10aad (Junior High School) oo ardayda dhibco fiican keensata ay uga gudubto 11aad iyo 12aad (Senior High School).

Si kastaba ha noqotee, aqlabiyadda ardayda Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku hadhaan imtixaanka fasalka 10aad kadibna waxay u qaybsamaan qaar taga dugsiyada farsamada gacanta oo tayadoodu aad u hoosayso iyo qaar badan oo kaba niyad jaba inay sii wataan waxbarashadooda.

Dhacdadan ugu danbaysay ee Dhagaxbuur ka dhacdayna waa mid dadka Soomaaliyeed ugu darsamaysa liiskii hore ee guul darrada gumaysigu badday.

Back