Wararka maanta


Qaylo dhaan

Dhamaan muxsiniinta ajir iyo xasanaad alle hakasiiyee waxay jamciyadda Al-Tacaawun Al- khayriya oogu qaylo dhalaaminaysaa agoontii Mujaahidiinta S/galbeed oo ay lasoo daristay dhibaatooyin balaadhan sida:-
1- Dhibaatooyinka colaada kajira wadanka s/galbeed iyo iyo kii ay maciinsan lahaayeen ee wadanka soomaaliya oo daba dheeraaday oo qax joogta ah lagu jiro marwalba.
2- Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha Agoonta S/galbeed oo ay adagtahay inay helaan nolosha hal mar maalintii.
3- Kalabaahsanaan balaaran ookudhacday agoonti iyo dhibatadi markay sal yeelan wayday oo ay Dadkii wax bixin jiray ay iska cajisay.
Arimahan oodhan waa arimo jira sugayana gacanta walaalaha
khayrka jecel.
Inkasta oo ay agoonta s/galbeed dhibka iyo rafaadka kasiman yihiin ayaa hadana waxaa udaran 18 Qoys oo xaaladoodu aad uliidato oo ubaahan si dagdag ah in loo kaalmeeyo, waxa oogu yar ee bahidooda lagu dabooli karana waa 2538$ Bishii.

Jamcicada al-tacaawun waxay walaalaha khayrka jecel ka codsanaysaa in dhibaatadaas agoonta mujaahidiinta haysata ay ubaahan tahay in fadhiga looga kaco il naxariiseedna lagu dayo. waxa ay wax kasugaana waa naxariista rabi iyo gacanta walaalahooda wax haysta .

Wabilaahi Towfiiq



magaalada Jabuuti oo uu soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed

Wararka naga soogaadhaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in wafdigii ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed ee u yimid wadahadalii la rabay in ay kadhacaan dalka Djabuuti inuu soo gaaray .

Xubnaha Isbahaysiga ku sugan magaalada Jabuuti ayaa u yimid jabuuti in ay wadahadalo la galaan UNka iyo Bulshada caalamka madaxdooda inta ka joogto, warar hoose ayaa sheegaya in markii ay gaadheen waftiga isbahaysiga Dib uxoraynta Soomaakliyeed magaalada jabuuti loo soo jeediyay in ay kasoo qayb galaan xaflad lagu furayo shirka dib uheshiisiinta xukumada kumeelgaarka ah iyo Isbahaysiga, oo ay isbahaysigu sheegeen in aanay diyaar u ahayn in ay kaqayb galaan xafladaas ama ay lafadhiistaan xiligan nimanka shacabka gumaadaya.

waxayna si cilmi ah u sheegeen in uu ka soo horjeedaa Dastuurka Isbahaysiga oo leh wax wada hadal ah lama galayno inta dalka Ciidamada caddowga joogaan Dowlad ku sheega, laakiin wuxuu dastuurka qabaa in aan la kullano lana fadhiisano cid kasta oo danaynayso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya oo ay ugu horeyso UNka iyo Bulshada caalamka intooda Soomaaliya danaynayso wanaageeda.

Sidoo kale waxaa la damcay shalay xubnihii ugu horeeyey ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed markii ay soo gaareen Jabuuti in la dejiyey Hoteelka Caalamiga ah ee magaaladaas ku yaalo nasiib wanaag markey ogaadeen Xubnaha Isbahaysiga in Hoteelkaas uu yahay midka shirka ka dhacaayo labada garab dadka ka socdana la soo dejinaayo ayey ka soo guureen iyagoo sheegay in uusan waafaqsanayn dastuurka isbahaysiga in ay meel la degaan ama la fadhiistaan dabadhilifyada caddowga wararkan oo si hoose inooga soo gaaray dad si aad ah ugu dhow dhow arrimaha iyo wadhadalda Jabuuti ka dhacaayo. Ilaa iyo hadda waxaan la garanayn Xubnaha matalayo Isbahaysiga oo la sheegay in ay yihiin dad aad u heer sareeyo aqoon iyo garasho siyasadeedba leh balse aan lagu arag meelaha la isugu yimaado Hoteel khaas ahna la dejiyey sida warku nagu soo gaaray.


Isbartiibo &wasaaradii hire ee Gaashaandhigga oo lagu weeraray hoobiye

Weerar Hoobiye yaal ah ayaa Mujaahidiintu waxay Galabta ku duqeeyeen fariisimadda ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ku kala leeyihiin Stadium Muqdisho iyo Wasaaraddi hore ee Gaashaandhigga ee caasimadda Muqdhisho.

Madaafiic nooca hoobiyeha loo yaqaano oo gaaraya ilaa 9 ayaa waxaa lala helay xarunta Isbartiibo kuwaas oo aan la ogayn khasaraha ay u gaysteen Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo fariisinka ku leh goobtaas.

Sidoo kale ilaa 7 hoobiye ayaa waxaa lagu garaacay wasaaraddii gaashaandhigga oo ay Ciidamada gumaysigu fariisin ka samaysteen waxaana Afhayeenka MMIS dhinaca hawlgalada Sh.C/raxiim Ciise Cadow uu xaqiijiyay in dhamaan hoobiye yaashaas ay la heleen bartilmaameedkii loogu talagalay isla markaana la filayo in ay khasaarooyin u gaysteen cadawgii goobtaas ku sugnaa.

Dhinaca kale hoobiye yaal ay maanta soo rideen Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ku dhaceen qaybo ka tirsan xaafadda Baar-ubax waxaana la sheegay in ay khasaarooyin u gaysteen dad rayid ah oo deganaa xaafaddaas.

Xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa u muuqda in ay sii kordhinayaan weerarada xoogan oo ay la beegsanayaan kuwa ka soo horjeeda isla markaana waxaa hoos u dhac weyn ku yimid hawlgalladii ay horay u samayn jireen Ciidamada gumaysiga iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah, waxaana raxan raxan isu soo dhiibayaan Ciidamadamo ka tirsan dawladda halka itoobiyaanka ay dhib ku noqotay sidii ay saadka ugu kala gudbin lahaayeen fariisimadooda kala duwan ee ay ku leeyihiin Soomaaliya

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com