Tiro badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee S/galbeed oo Maamulka Kililku ka codsaday inay kala qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa Jabhadaha.

Waxaa maalmahan lagu soo gabagabeeyay Magaaladda shir maamulka Maqaar saarka ihi uu ugu yeedhay tiro badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee dhulka S/galbeeed ee lagumaysto odayaashan oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 108 oday ayaa kakala yimid gobaladda oo kakoobanyahay dhulkaasi.

Cuqaashan ayaa loo sheegay in ay ka qayb qaataan sidii loo sugi lahaa nabadgaliyadda gobaladda ay joogaan si looga hortago xoogaga xornimo udirirka ah iyo wacyi galinta dadka shacabka ah ee ay odayaasha uyihiin kuwaasoo iyaga wax badan ka maqli kara, balse arinkaa odayaashu waxay sheegeen inayna waxba ka qaban karin hadiiba Dowlado ay ku guuldaraysatay in ayna iyaguna waxba amaanka sugi karin.

Lugbuur ayaa la sheegay in uu isku dayay intuu shirku socday inuu odayaasha qaar ugu hanjabo in gobaladooda uun ay ka jiraan nabadgaliyo xumidda iyo Jabahaduhuba balse taa waxaa beeniyay odayaashaa oo sheegay in jabhaduhu ha jiraan dhamaanba gobaladda oo ayna jirin gobala ayna joogin taasoo lugbuur ka dhigaysa nin aan war badanba ka ogayn waxa ka baxsan magaalo madaxda gobalka ee Jigjiga toosoo ay ku suganyihiin inta badan Maamulkiisa daba dhilifka ihi.

Baarlamaanka F. Itoobiya oo yeelanaya kalfadhi si ay u doortaan madaxweyne Maqaar saar ah oo aan wax awooda lahayn kaasoo inta badan ah nin magac uyaala oo loo magacaabo nin kasoo jeeda qowmiyadda ugu tiradda badan dalka Itobiya ee Oromadda.

Jigjiga, August 8, 2007 (SG) – Baarlamaanka Federaalka ee Itoobiya ayaa isugu imanaya kalfadhigii koowaad ee ay yeeshaan sannadkan cusub ee Itoobiya maanta oo Isniin ah. Kalfadhigan ayay baarlamaanku waxa ay ku dooranayaan madaxweyn isaga oo uu dhammaaday xilligiisii madaxweynaha haatan xilka haya, Girma Woldeghiorgis.

Waxaa beryahanba la hadalyahayn jiray cidda beddeli doonta madaxweyne Girma Woldeghiorgis waxaana kamid ahaa ragga miiska la soodhigay lana filayo inay beddeli karaan Bulcha Demeksa oo ah guddoomiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Demoqraadiga Federaaliga ah (OFDM).

Balse Bulcha ayaa isagu meesha ka saaray inaan tuhunkaasi jirin isla markaana aanay jirin cid la soo qaadday arrintaasi.

Mr Bulcha Demeksa ayaa isagu aad u dhalliila qaabka imika madaxweynaha loo doorto isaga oo ku tilmaamay inayna dhaafsiisnayn kursi buuxiyayaal waxaanu sheegay inuu doorbidayo madaxweyne awood badan.

Qaar kamid ah xisbiyada mucaaridka ayaa iyagu ka cagajiidaya cidda la doorandoono iyo sida loo doorandoonaba.

Gudoomiyaha xisbiga CUD, Temesgen Zwedie, ayaa isagu aad uga walaacsan, inkasta oo bayaankii baarlamaanku ay ansixiyeen ee sida loo maamulayo doorashada madaxweynuhu ay sheegayso in doorashada madaxweynuhu ay noqoto mid madaxbannaan, ayaa guddoomiyuhu waxa uu ka walaacsan yahay in natiijada doorashadu ay noqon doonto mid taasi ka gaddisan.

Temesgen oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, "ku kasta oo uu noqdo ninka loo doorto madaxweynahu, waxaan aad u aaminsanahay inuu noqon doono nin aad ugu dhowdhow xisbiga talada haya ee EPRDF.

Madaxweynihii hore, Negasso Gidada, oo ah xubinta qudha ee baarlamaanka oo aan xisbina ka tirsanayn, ayaa sida uu sheegay tixgalinaya madaxweynaha ladooran doonaa inuuna noqon qof baarlamaanka dibadda ka ah.

Sida uu sheegayo Dr Negasso, qodobka lixaad ee dastuurka ayaa sheegaya in madaxweynuhu " uu noqdo mid aan wax xidhiidh ah lalahayn xisbina, taasi oo micneheedu tahay inay ciddii madax bannaani oo kaliya ay noqon karto madaxweyne.

Sikastaba ha noqotee, waxa uu Dr Negasso intaasi kusii daray inaanu, "inaanu qaanuunku caddayn inuu qofka la dooran doonaa kaliya ka imaan doono baarlamaanka, waxaanu noqon karaa qof dibadda ka ah."

Dhinaca kalena, xisbiyada mucaaridka ayaa arrintan ahmiyad weyn siinayayn waxaanay si weyn u taageereen in arrintan laga doodo aqalka baarlamaanka.

Ajandayaasha kale ee ay xisibiyada mucaaridku rabaan in laga doodo ayaa waxaa kamid ah sida loogu xaqsoormayo saxaafadda.

Waxaanay mucaaridku ku cabanayaan iyada oo ay doorashadii kale soo dhowdahay inaanay si caddaalada u helin inay inay fikradahooda ka baahiyaan saxaafadda. Waxaanay leeyihiin waxaan aad u taageersannahay in wax laga beddelo arrintaasi.

Dalka itoobiya waxaa ka talisa Jabhadda uu hogaamiyo macangaga Malase Zinaawi taasoo iyado aan marba tix galin wax doorasho la yidhaa iyo rabitaanka dadka Itoobiya midna balse marwalba haddana waxay isu ikaysiisaa wadan ay ka jirto Dimuqoraadiyad taasoo wax badan ay ku beerlaxowsato wadamadda reer galbeedka.

 

Back