|
Wararka
maanta
|
||
|
Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo la wareegay Gacan kuheenta Saldhigii Booliska ee Waaberi Mujaahidiinta soomaaliyeed ee mmi ayaa lawareegay gacan kuheenta saldhigii degmada waaberi IYO QAYBO kamid ah wadada maka-al-mukarrama ee magaalada moqdisho kadib markii uu dagaal culus oo dhexmaray ciidamada mujaahidiinta soomaaliyeed iyo kuwa dabadhilifka itoobiya. Mujaahidiinta MMIS ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Saldhigga Waabari waxayna dab qabad siiyeen labo gaari oo ay lahayeen Ciidamada Dawladdu oo yaalay Saldhigga Degmada Waabari. Dagaalka ayaa soconayay muddo kabadan hal saac waxaana la sheegay in ay goobta ku geeriyoodeen askar ka tirsan Ciidamada dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga kuwaas oo ilaa iyo hadda maydadkoodu ay yaalaan agagaarka saldhigga Waabari. Dagaalka ayaa qaboobay ka dib markii ay Mujahidiintu kala eryeen ciidamadii ka soo horjeeday isla markaana ay gacanta ku dhigeen goobihii dagaalku ka dhacay waxayna Mujaahidiintu si nabad ah dib uga soo baxeen Saldhigga Waabari oo hadda ah mid haawanaya. Mujaahiinta Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxay samaynayeen hawlgallo waaweyn oo dhanka ah Ciidamada Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah ayada oo uu dagaalku ka soconayo goobkasta oo ay ku suganyihiin Ciidamada gumaysiga iyo xulufadeeda gaar ahaan Gobolada Banaadir, Sh.Hoos , Sh.dhexe, Hiiraan, Baay, Bakool, iyo Galguduud waxaana Mujahidiinta gacanta ugu jira inta badan koonfurta Soomaaliya Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dad u badan xoolo dhaqato ku gowracay gobolka Sh/hoose Meydadka dad u badan xoolo dhaqato oo ay gowraceen ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa laga helay hareeraha deegaanka Yaaq bariweyn ee gobolka Sh/hoose halkaas oo shalay weerar khasaare loogu geystay ciidamada gumeysiga uu ka dhacay.
Wararka
laga helay deegaankaas ayaa tibaaxaya in meydadka illlaa 6-qof oo ay ku
jiraan dad waayeel ah oo ay gowreceen ciidamada gumeysiga Ethiopia laga
helay halkaas kuwaas oo la dhigay masjid ku yaala deegaanka Yaaq bariweyne
ee gobolka Sh/hoose. Dadkii ku dhaqnaa deegaankaas oo badankood soo laabtay markii ay halkaas ka bexeen ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa sheegay in ay wadada laamiga ah ku arkeen dhiig fara badan iyo qalab ka haray gawaari laga gubay ciidamada Ethiopia. Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa badanaa xasuuq u geysta dadka shacabka ah ee ku nool gudaha dalka Soomaaliyaeed, waxaana ciidamadaas si aan kala sooc laheyn ay dilaan dad u badan waayeel, caruur iyo dumar. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |