ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED muxuu ka yidhi howgaladda cusub ee ee la filayo inay ciidamadda gumaysiga iyo kuwa daba dhilifka u ah ay ka fulin doonaan magaaladda Muqdisho.

Isbahaysigu isagoo indhaha ku haya dhaqdhaqaaqa iyo tabaha cadawga, waxa uu si xoog leh u cambaareynayaa qorshaha cusub ee ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo daba dhilifyadoodu ku doonayaan inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimadda oo hadda la doonayo in dhawr qeybood loo qeybiyo, si loo gumaado inta ka hartay intii hore loo qaxiyey ama loo isir sifeeyey.

Ciidamada Ethiopia ee dalka ku soo duulay oo kaalmo dhinacyo badan ka helaya Mareykanka iyo dalal kale ee gobolka ah waxa ay guda-galeen fulinta qorshe cusub oo dalka lagu soo gelinayo ciidamo hor leh laguna qabsanayo saldhiyada booliska iyo goobo xasaasi ah, oo danta laga leeyahay ay tahay inay sare u qaadaan tacadiyada iyo xadgudubyada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Ibahaysigu waxa uu cambaareynayaa dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamda gumeysiga ee soo duulay kuwaas oo si joogta ah loola beegsanayo culumada, aqoonyahanka, saraakiisha , ganacsatada iyo odoyaasha dhaqanka, falalka noocan ah oo aysan Soomaalidu dhaqan u lahayn waxaa dalka soo geliyey gumeysiga oo u tababartay koox uu ula baxay (red terror).

Hadadaba Isbahaysigu waxa uu mar kale u sheegayaa kuwa u haysta inay danahooda ku xaqiijin karaan falalka noocan ah in marnaba shacabka Soomaaliyeed uu san ka tanaasuleynin qadiyaddiisa xaqa ah, waxaana uu arknaa in xalka arrinta Soomaaliyeed uu ku jiro ciidamada Ethiopia oo dalka ka baxa, Soomaalidana arrimaheeda loo madaxbaneeyo.

Isbahaysigu waxa uu ka digayaa khatarta ka dhalan karta ciidamo cusub oo dalka dib loo soo geliyo, iyo hawlgalo lagu banaysanyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan masuuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata qorshahan guracan dusha uga ridanaya Ethiopia iyo dabadhilifyadeeda masuuliyada sheeganaya ee xumaanta hor boodaya, iyadoo ay masuuliyadda la wadaagi doonaan hay'adaha iyo dalalka ku taageeraya ciidamada gumeysiga gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan mar labaaad ku baaqeynaa in aan gumeysiga lagu taageerin gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Isbahaysigu waxa uu ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed inay adkeeyaan midnimadooda, dadaalkoodana sii kordhiyaan iskana kaashadaan sidii loo fashilin lahaa qorsha cusub ee cadawga.

Allahu Akbar, guushana waxaa leh
Muqaawamada & jihaadka
Xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga
ASMARA 06/10/2007

 

Back