|
Wararka
maanta
|
||
|
Dowladda
Wadanka Masar oo Xabsiga Dhigtay koox tahriibayaal ah Aas Maanta Kadhacay magaala madaxda Gobalka Eastern Cape Ee Port Elizabeth ee wadanka S/afrika oo uu Aas Balaadhan Kadhacay. Shalay oo ay ahayd maalin talaado ah ayaa waxaa ka dhacay magaaladda port elizabeth aas aad iyo aad u balaaran ooy ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobolka Eastern cape Aaska oo ka dhacay xaafadda malabaree Gobolka E.cape, oo uu ahaa marxuumka ay niman soomaaliyeed oo budhcad ah ay dhaawac ugu gaysteen isaga oo jooga dukaan uu gadayay oo lagu magacaabo khaliif daahir macalin wali oo ka soo jeeda magaaladda dhanaan, ee xudunta Gobolka s/galbeed marxuumka waxaa dhaawac u geytay tuugo soomaaliyeed oo ka biloowday wadanka k/afrika. jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) ayaa u gashay dadaal aad iyo aad u balaaran soo qabashadda tuugadda ayadoo la kaashatay ciidamadda amaanka ee dalka k/afrika , soo qabashadda tuugadda ayaa waxaa ka qeyb qaadatay diyaaraddaha qumaatika u kaca ooy hagayaan maamulka jaaliyadda & ciidanka amaanka , warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern cape mudane: C/Raxmaan Raabi oo u mahad celiyay dhamaan walaalihii ka qeyb qaatay Raadinta tuugadda Guud ahaan maamuladda jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern cape oo si weyn ooga qeyb qaatay iyo qaraabadii & eheladii marxuumka oo muujiyay dadaal xoogan, waxuuna si gooni ah carabka oogu dhuftay gudoomiye kuxigeenku walaalaha kala : 1- Maxamed
budul (timacade) labadaas
xubnood oo ka soo jeeda jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda humansdorp
oo uu falku ka dhacay warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiika gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda ee Gobolka Eastern cape ayaa lagu sheegay iney jaaliyadu ku wareejisay kiiska marxuumaka & diyadiisa odayaasha labada dhinaca, jaaliyadda ayaa u dar daarantay dhamaan odayaasha soomaaliyeed iney u celiyaan xukunka dadka soomaaliyeed kitaabka & sunnaha nabiga (s/c/w). Jaaliyada
Somaliyeed Oo markii lasogabiyo Magaceeda lugu magacaabo (SASA) Somali
Assoiciation of South Africa Ayaa si wanaagsan uwado sidii ay bulshada
ugu soo dhihin laheeyd Xuquuqdodo kuna dhiira galineeyso Bulshada somaliyeed
sideey mid ugu noqon lahaayeen bircada iyo cuma wadayaasha gudoomiye Kuxigeenka
ayaa aad u amaanay dhamaan qaybaha kala gadisan ee bulshada sida ay u
wadaan hor socodka iyo wanaaga dhexdooda ah Reported Xafiska Jaliyada
Gobalka Eatern Cape Ismacil Turky Maxkamad ku sheegta Magaalada Jigjiga oo Maxaabiis tiro badan la keenay Shalay. Waxaa
maanta la soo taagay Maxkamad ku sheegta magaalada Jigjiga Maxaabiis aad
u tiro badnayd kuwaas oo goobta Maxkamadda lagu keenay baabuur qafilan
oo ay leeyihiin Booliska la shaqeeya Guumaysiga. Naxariis
Daranaa ma wayaanaa! Dowladda Itoobiya oo
Inkirtay in ay soomaaliya ka gaysatay wax Tacadi ah. Dowladda
Itoobiya ayaa warsaxaafadeed kasoo uu soo saaray xafiiska wasaarada arrimaha
Dibada ee Siyum Musfin ayaa ku gacan saydhay, wax kama jiraana ka soo
qaaday, warbixin ay dhowaan Hay'adda Amnesty International ka soo saartay,
in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay dad rayid ah ku laayeen gudaha Soomaaliya,
iyaga oo weliba u gowracay sidii xoolaha oo kale. Wasaarada Arrimaha Dibada ee dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in warbixinta Amnesty ay diyaariyeen kooxo ka tirsan kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo iska dhigaya Hay'ado u dooda xuquuqda Aadanaha. Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegtay in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay yihiin ciidamo anshax leh, waxna ka yaqaana qawaaniinta caalamiga ah., waasiday isu arkaan, ma in dadka lagawraco, laduqeeyo dad shacab ah lana bara kiciyo, looguna hanjabo xaafadaha aan bara kicin in loo barakicinayo sida kuwii bara kacay hadii aanay dhibka daynin miyaa waxa ay u taqaano itoobiya in ay taqaano xuquuqda aadanaha. Amnesty International oo ku eedeysay ciidamada gumeysiga Itoobiya in ay geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni aadamka Amnesty International ayaa ku eedeysay ciidamada gumeysiga Itoobiya in ay geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni aadamka, iyaga oo laayey culumaa udiin iyo dad kale oo rayid ah. Warsaxaafadeedkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhowaan Hay'adaha xaquuqul Insaanka ay ke eedeeyeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya falal waxashnimo, ka dib markii ay si arxan darro ah u laayeen dad rayid ah. Amnesta
International oo ciiidamada Itoobiya ku eedeeysay iney bartilmaameed ka
dhigteen dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Moqdisho
Hayadda ayaa sidoo kale waxay beesha caalamka ugu baaqday inay il gaar ah ku soo fiiriyaan waxa ka dhacaya dalka Soomaaliya iskuna taxluujiyaan inay wax ka qabtaan, haddii ay sidaasi ku sii eegtaan bay tiri hayaddu xaalado biniaadanimo oo aad u halis ahaa ku imaan doona shacabka Soomaaliyeed oo ay isugu darsameen abaaro iyo colaad.
Amnesty
International oo saakay xafiiskeeda ka soo saartay warbixin dhowr bog
ka kooban ayaa daboolka kaga qaadday in ciidamada Itoobiya oo ku doodaya
inay garab siinayaan dawladda federalka Soomaaliya ay falal biniaadanimada
ka baxsan kula kacaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Hayadda
ayaa sidoo kale waxay beesha caalamka ugu baaqday inay il gaar ah ku soo
fiiriyaan waxa ka dhacaya dalka Soomaaliya iskuna taxluujiyaan inay wax
ka qabtaan, haddii ay sidaasi ku sii eegtaan bay tiri hayaddu xaalado
biniaadanimo oo aad u halis ahaa ku imaan doona shacabka Soomaaliyeed
oo ay isugu darsameen abaaro iyo colaad. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |