Jenaraal
Jilicow Iyo Rag Kale oomasuuliyiin ah oo shalay lagu dilay magaaladda
Muqdisho oo maanta lagu aasay magaaladdaas.
Janaraal Axmed Jilicow Caddow ayaa maalintii shalay ahayd maqribnimadii
dil toogasho ah ku dileen kooxo hubaysan oo aan la garanayn iyadoo dhaawacii
kasoo gaarayna loola cararay isbitaalka keysaney ee magaalada muqdisho
islamrkaana uu halkaas ku geeriyooday.
Gen,jilicow
oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa todobaadkii hore loo magacaabay
guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka gobolka Banaadir.
Marxuum
jilicow ayaa xiliga dilka loo gaystay marayey isagoo wata gaari uu iska
lahaa isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho iyadoo Gaarigii
uu watay jananku lagu hor gooyey gaari kale, waxaana ka soo degtay rag
hubeysnaa oo rasaas ku furay Janaraalka iyo labo nin oo la socotay,
waxaana goobtii ku geeriyooday labadii nin, hase yeeshee jenelral jilicow
waxaa loola cararay isbitaalka Keysanay oo uu ku geeriyooday isla saacado
kadib .
Gen,jilicow
ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyadoo dowladii dhexe ee maxamed
siyaad barrena uu kamid ahaa saraakiisha ugu sarsaraysay dalka ee ciidamada
nabad sugidda, sidoo kale waxa uu noqday duqa Magaalada Muqdisho, iyadoo
markii ay dhaceen dagaaladii sokeeyena janaraal Jilicow uu ka dhex muuqan
jiray bulshada nabada u ololeeya .
Dhinaca
kale waxaa isla shalay lagu diley magaalada muqdisho ku xigeenkii xeer
ilaaliyii gobolka Banaadir C/qaadir Maxed Yuusuf iyo weliba labo
nin oo kale oo la socotey dilka xeer ilaaliyaha ayaa sida saxaafada
u sheegeen dad goob joogayaal ahi isagoo watey gaari nooca loo yaqaano
market -2 waxaa soo weeraray kooxo ku hubaysnaa bastoolado xili uu marayey
wadada dheer ee Aadan Cadde islamrkaana rasaas ooda kaga qaadeen iyadoo
halkaas ay ku geeriyoodeen xeer ilaaliyaha iyo ragii la socdeyba.
Dilalka
qorsheysan ee ka dhaca caasimada muqdisho ayaa badanaaba loo aaneeyaa
amaan darida baahsan ee ka jirta Caasimada xili ay magaalada Muqdisho
ku sugan yihiin cutubyo ciidamada ethiopia iyo weliba kuwa dabadhilifka
u ah gumaysiga, dhinaca kale magaaladdawaxa ka soconaya Barakac ay dadku
ka qaxayaan magaaladda markii ay uadkaysan waayeen dhibaatada ay ku
hayaan ciidamadda gumaysiga iyo ku la shaqeeya
Back