Dilkii ugu naxdinta badnaa oo maanta ka dhacay Magaaladda Kismaanyo.

Waxaa maanta Magaaladda Kismaanyo lagu dilay laba ka mid ah Culima awdiinka magaaladda oo kala ah Sheekh Yuusuf Maxamed Cali iyo Ahmed Xiis, ragaan ayaa laga kaxaystay magaaladda gudaheeda waxaana lala aaday deegaanka Kiboora ee duleedka magaaladda Kismaanyo halkaas ayaana lagu toogtay labadan Culimadda ah oo Sooman.

Falkan waxashnimadda ah ayaa waxaa fuliyay Mooryaan beeleeda ka arimisa Magaaladda Kismaanyo kuwaasoo la sheegay inay ka gadoodsanaayeen nin ka tirsan ciidamadda Sirdoonka dalka Itoobiya oo habeen hore lagu weeraray magaaladda gudaheeda, isla maanta ayaa labada sheekhba lagu aasay Qabuuraha Baarcaleen ee duleedka Magaaladda.


Qabqablayaasha Soomaliya iyo Mooryaan beeleeda ay haystaan ayaa ku caan baxay inay ugaadhasadaan kolba bulshada inta wax tarka u leh Sida Culimadda, Dhakhaatiirta, Aqoonyahanadda, Saraakiisha, iyo Ganacsatadda, balse waxaa maanta shacabka Soomaaliyeed xaajo ugub ah ku noqotay in xabashi Injirle oo xabad lagu riday loo dilo laba ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed

Back