Ibahaysiga
dib uxoraynta Dalka Soomaliya oo war saxaafadeed kasoo saaray xaaladda
dalku marayo iyo gubashadii suuqa Bakaaraha.
I.
Gubidda Suuqa Bakaaraha iyo is hortaaga dadaalkii wax looga qaban lahaa
falkaas cadawnimada ah waa qeyb ka mid ah falalka foosha xun ee shacbiga
soomaaliyeed lagula dagaalamayo noloshiisa iyo jiritaankiisa ee sida
joogtada ah ay u fulinayaan ciidamada gumeysiga Ethoipia iyo dabadhilifyadooda
.
Ceeb kuma aha kuwii dadka guryaha ku dumiyey , hantidoodana boobay,
maatidiina barakiciyey dabdeedna ka hor istaagay biyo iyo baadba in
la gaarsiiyo inay maanta dab geliyaan suuqii Bakaaraha ee ugu weynaa
ganacsiga Soomaaliyeed si loo xididdo calaamadaha nolosha ee ka jiri
kara caasimadda iyo dalka intiisa kale, dhidibadana loogu aaso joogitaanka
gumeysiga ee dalka Soomaaliyeed.
II. Ciidamada Ethiopia
ee dalka lagu soo daadgureynayo, iyo kala wareegidda hubka maleeshiyaadkii
dabadhilifka u ahaa, iyo qorshaha ciidamda Ethiopia ku qabsanayaan goobo
xasaasi ah oo caasimada ka mid ah iyo isu diyaarinta xooga leh ee ay
ku doonayaan inay safka hore isi soo dhigaan, waa marxaladii xigtay
ee lagu doonayo in dib loogu gumaado intii ka badbaaday xasuuqii lagula
kacay shacabka soomaaliyeed horaantii qabsashada dalka.
Mar haddii uu arrinku sidaas yahayna micno ay leedahay ma garanynayno
joogitaanka ciidamo lagu sheego in loo keenay ilaalinta nabadda sida
kuwa Uganda ee hadda muqdisho ku sugan, waana markhaati ma doonto fashilka
kuwii ku andacoonayey inay dalka wax ka yihiin
III. Isbahaysigu
isagoo ka duulaya xaqaa'iqdaasi jirta waxa uu ka digayaa cawaaqib xumada
ka dhalan karta baabi'inta iyo xasuuqa lala damacsan yahay mar kale
in loo geysto shacbiga Soomaaliyeed iyadoo aan wax la iska weydiinin
kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba.
IV. Isbahaysigu
waxa uu ugu baaqayaa dalalka caalamka ee nabadda jecel, ururada goboleed
iyo kuwa dawliga ah inay gutaan masuuliyadda ka saaran badbaadinta shacbka
Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo aaladda cadawga dalka ku soo duulay ee
ka madax adeygay in uu dhawro dhamman sharuucda caalamka ee madax banaanida
iyo dhawridda xaquuqda aadanaha.
V. Isbahaysigu waxa
uu sidoo kale ku boorinayaa bulshada Soomaalieed qeybaheeda kala duwan
inay iscaawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Sidoo kale
waxa uu ugu baaqayaa hay'adaha samafalka ee goboleed iyo kuwa dawliga
ahba inay taakuleeyaan shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogala
dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.
VI. Isbahaysiga
waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa colaadaha sida qorsheysan
looga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyadooda
kuwaas oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in indhaha caalamka lagaga sii
jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu
Culumaa'udiinka, Ugaasyada, Boqorada, iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa
inay kaalintoodii hormuudnimo ka qaataan daminta colaadahaas, bulshadana
uga digaan colaadda iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee
ka faa'iideysa ay tahay cadwga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
VII. Ugu dambeyntii
Isbahaysigu wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu yeerayaa inay midnimadooda
adkeeyaan, cadawga ku soo duulayna meel uga soo wada jeestaan naf iyo
maalna uga qeybqaataan muqaawamada barakeysan si ay u difaadaan diintooda,
dadkooda iyo dalkoodaba.
Dabkii
xalay kakacay suuqa weyn ee Bakaaraha oo khasaare xoogle u gaystay Suuqaas
iyo hantidii shacaka Soomaaliyeed.
Suuqa
Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya, ayuu xalay dab qabsaday
dabkan ayaa qabsaday qaybaha isku raranta ah ee suuqa dharka kaasoo
markii dambana ku faafay qaybaha kale ee suuqa sida qaybta Maktabadaha
kutubta lagu iibiyo, qaybta loo yaqaano Cabdale Shideeyaha iyo qaybta
loo yaqaano suuqa hilibka.
Dabkan ayaa suuqa
qabsaday xili uu magaaladda ka dhacay dagaal culus kasoo lagu weeraray
ciidamadii daganaa xeradii guul wadayaaasha, dagaalkaas oo la sheegay
in aad loogu waxyeelay ciidamadda gumaysiga iyo kuwa daba dhilifka u
ah ee la shaqeeya.
dagaalkan kadib
ayaa la sheegay in ciidamadda gumaysiga Itoobiya ee dagan Wasaaradii
horee Gaashaandhiga Soomaaliya ay madaafiic ku garaaceen qaybi badan
oo ka mid ah maagaaladda dad badan ayaa ku qanacsan in ciidamadda gumaysigu
madaafiicdii ay ku ridayeen suuqaas oo dabku ka dhashay.
Dabkan ayay ugu
dambayn waxay ku guulaysteen Shacabka soomaaliyeed Xalay seq dhexe Inay
damiyaan Alle mahadii iyagoon haba yaraatee wax gurmad ah ka helin kuwa
daba dhilifka u ah Tigreega, bal iska dhaaf inay usoo gurmadaani waxay
jareen wadooyinka suuqa laga soo gali lahaa.
Inkastoon wali tira
koob rasmi ah laga hayn hantida ku gubatay suuqaas ayaa waxaa muuqata
inay halkaa ku gubatay hanti aad utiro badan xili shacabka Soomaaliyeed
laga dayrinayo xaaladiisa noladeed oo ay boqolaal kun oo qays oo ka
barakacay caasimadda ay ku noolyihiin dhulka kaymaha ah ee ku hareeraysan
Caasimadda iyo gobaladda dalka intaba.
Back