MAXAY UN-tu ARAGTAY? SIDAYse ITOOBIYA UGA JAWAABTAY? DADKA SOOMAALIGALBEED MA U CUNTANTAY WARBIXINTII QARAMADA MIDOOBAY?

Warbixintan ayaan ku eegi doonnaa wixii ay qoreen inay arkeen guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee loo diray dhulka Soomaaligalbeed dhammaadkii bisha August ilaa horraantii bishan September kana soo saareen safarkoodii ay ku tageen dhulka Soomaaligalbeed si ay usoo ogaadaan dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee rejiimka Itoobiya ku abuuray dadka Soomaaligalbeed. Waxa kale oo aan eegi doonaa sida ay dadka Soomaaligalbeed u arkeen natiijadii safarka guddiga, iyo sida gabbood falayaashu uga jawaabeen

Haddaba safarka hay'adahan oo qaatay muddo toddoba cisho ah ayay qaar kamid ah hay'adaha gargaarka bini aadmino ee qaramada midoobay waxay kusoo galaa bixiyeen dhulka Soomaaligableed intii u dhaxaysay 30 August ilaa 5 bishan September, safarkaasina waxa ay ka bilaabeen caasimadda dhulka Soomaaligalbeed ee Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, iyo Godey, waxaa kale oo ay soo mareen degmooyinka laga xukumo Sheegoosh, Dhanaan, iyo 10 tuulo oo yaryar oo u dhaxeeya magaalooyinkan.

Maxay soo arkeen QM

Hay'adahan xaqiiqo raadiska ah ayaa waxa ay kala ahaayeen OCHA, WFP, UNICEF, FAO, OHCHR, WHO, iyo UNDSS. Hay'adahan oo safarkooda Jigjiga ka bilaabay 30 August ayaa waxa ay Addis Ababa kusoo laabteen 6 September 2007. Sida ay UN-tu ku sheegtay warbixinteedii ugu danbeysayna …guddigu jidka uu marayo waxaa go'aan ka gaadhay xubnaha guddiga waxaanay safarkooda ku mareen badhtamaha dhulka ay hadda ka socdaan hawlgallada militarigu si ay si balaadhan ugu arkaan xaaladda dhabta ah ee ka taagan dhulka… Waxaa kale oo ay warbixintooda ku xuseen oo ay yidhaahdeen …Xubnaha guddiga ayaa go'aan ka gaadhayay qofka la waraysanayo iyo meesha lagu waraysanayo.


Sikastaba ha noqotee, waxay warbixintooda ku xuseen inaanay maamulka gumaysigu ka faromadhnayn inay gacan ku yeeshaan dadka la waraysanayo, sida ay warbixintooda ku xuseenna waxa ay yidhaadeen …Saddex xilli oo kala gaddisan masuuliyiinta maamulka degaanka ayaa koox duqay ah iyo dad kamid ah kuwii ay dhibtu [gacanta dawladda kasoo] gaadhay si ay ula hadlaan guddiga.
Warbixinta UN-tu iyada oo sii socota waxay tidhi …Waxaa jirtay wakhtiyo gaar ah oo ay la kulmeen cabsigalin, kuwaasi oo ay ku jireen cago juglayn toos ah oo lagula kacay shaqaalaha UN-ta ee u dhashay degaanka intii ka horraysay imaatinka guddiga iyo sidoo kale kuwo lagula kacay dadka shacabka ah, oo ay ku jiraan duqayda tuulooyinka la booqday.

Waxyaabihii ay soo arkeen

Waxay hay'aduhu warbixintooda daboolka kaga qaadeen inay jirto cagajulayn iyo dacati farabadan oo loo gaystay dadka shacabka ah. Balse maaha wax ku cusub dhagaha dadka u kuurgala arrimaha dhulka Soomaalida. Sikastaba waxay UN-tu qoreen, …Inku dhow dhammaanba waraysiyadii aan la yeelannay dadka ayaa daboolka ka qaadaya cabsi ku baahday shacabka oo khusaysa shakhsiyaadka ammaankooda iyo nabadgelyadoodaba….inkudhow dhammaanba dadkii la waraystay ayaa muujiyay inay yaraadeen cuntooyinka aasaasiga ah iyo alaabooyinka kala gaddisanba waxaanay muujiyeen inuu si ba'an u kordhay qiimaha alaabooyinkii yaraa ee iibka u yaallay suuqa ilaa bishii June 2007… Wakhtiga dhowna waxaa loo baahan yahay in la dhiso kalsoonaanta shacabka oo ay ku jirto in loo oggolaado xuquuqdooda isusocod, in dadka miyiga deggan loo oggolaado inay helaan cuntada iyo alaabooyinka aasaasiga ah lana qaddariyo ammaankooda shaqsi.

Maxay ka qoreen dhinaca damaanadqaadka cuntada iyo nolosha caadiga ah

Waxay si yar u taataabteen dhinacyana ka daahfureen xaaladda damaanadqaadka cunto ee markiihoreba liidatay ee bulshada, in cunaqabataynta lagu soo rogay dhulalkaasi salka dhulka ugu sii dhufatay gobolada Fiiq, Qoraxay, Wardheer, Goday iyo Dhagaxbuur. Qiimaha maciishadda ayaa si ba'an sare ugu kacay tirokoobyo laga sameeyay Araarso, Cobole, Dhagaxbuur, Sheeggoosh, Qabridahar, iyo Dhannaan. Qiimaha cuntada ayaa kacay 95 boqolkiiba…meelaha ugu sarreeya ee la ogaadayna waa Dhagaxbuur, Sheeggoosh, Qabridahar, iyo Dhannaan.

…Qiimaha xoolaha nool ee meelaha la tirokoobay ayaa suuqoodu hoos u dhacay celcelis ah 33 boqolkiiba… qiimaha caanaha ayaa kacay 200 boqolkiiba dhulka magaalooyinka ah ee guddigu tagay… sicirbararkan ayaa lagu nisbeeyay cabsida ay bulshadu ka qabto inay si xor ah ugu kala gudbaan gobolka…waxaa ku jirta xoolodhaqatada oo ka cabsanaysa inay u safraan magaalooyinka si ay u suuqgeeyaan caanahooda iyo waxsoosaarkooda kaleba, sidoo kale iyagoo ka cabsi qaba inay cunto kala soo noqdaan magaalooyinka iyo tuulooyinka…arrintan ayaa si ba'an uga siidartay ganacsigii, raad xunna waxay ku yeelatay mujtamaca.

Dhulka Soomaaligalbeed oo hodan ku ah ganacsiga xoolaha nool ayaa waxaa si ba'an u saamaysay cunaqabatayntii ay 2006 dalalka bariga dhexe ku soo rogeen cabsidii ay ka qabeen inuu Bariga Afrika ka dilaaco xanuunka Rift Valley Fever. Waxaa bulshada uu markii hore dhaqaalahoodu ku tiirsanaa iibka xoolaha nool noloshoodii hoos u dhigtay, oo ugu biirtay cunaqabataynta ay dalalka bariga dhexe ku soo rogeen xoolaha nool ee Bariga Afrika, cunaqabatayntii kale ee gumaysiga Itoobiya kula duldhacay bulshada Soomaaliyeed.

Sikastaba ha ahaatee, waxay warbixinta UN-tu ka tidhi arrintaasi …halka ay xaaladda muuqaal ee xoolaha nool ee meelaha la booqday ay yihiin kuwo caadi ah, marxalladdani si degdeg ah ayay isu beddeli kartaa sababta oo ah militarigu waxay iska hortaageen dhuldaaqsimeedkii iyo ilihii biyaha.

Dhinaca cuntada dadka iyo helitaankeedaba, inkasta oo cuntada laga helo meelaha qaarkood, qiimaha cuntooyinka ayaa si xooggan sare ugu kacay maxaayeelay helitaankooda ayaa si xooggan loo xaddiday. Waxayna warbixinta Qaramada midoomay ka tidhi arrintaasi … Qoysaska qaarkood ayaa ku warramay in dadka dhaqaala ahaan aad u liitaa ay u haajireen gobolada kale ee aanay si xooggan u saamayn cunaqabataynta dhaqaale iyo hawlgallada militarigu … waxaa kale oo ay kooxda Qaramada Midoomay aragtay dhaqdhaqaaqa cunto ee magaalooyinka iyo tuulooyinku meelkastaba oo si adag loo ilaaliyo ayna gacanta ku hayaan militaligu meelaha qaarkood. Tusaale ahaan Birqod iyo Dhagaxbuur dhammaanba shixnadaha cuntada waxaa diwaan geliya militaliga hubiyana maalinkasta si ay u ogaadaan si aanay cuntadu u dhaafin magaalada.

Duruuftan ayaa shacabka ku qasabtay inay noocyo kale oo shaqo oo qallafsan badbaadadooda ka raadiyaan. kooxda UN-tu waxay ogaatay in farsamooyinka kale ee ay dadku badbaadada ka raadinayaan ay tahay iibinta dhuxusha, xaabada, iyo muruqmaal kale oo rafaadbadan…. Qoysaska qaarkood ayaa cunto-maalmoodkoodii hoos ugu dhigay mar qudha maalintii…qaar kamid ah qoysaska ugu saboolsani ma awoodaan inay helaan cunto maalinkasta… qaar kale ayaa badbaado ka dayay inay soo gurtaan midhaha duurka …

Gaadhsiinta Gargaarka Cunto dadka u baahan waxa ay warbixinta UN-tu ka tidhi

U qoondaynta cuntoda iyo gaadhsiintoodaba, waxa uu Xafiiska Kahortagga Masiibooyinka Dabiiciga ahi sheegaa in dhammaadkii bishii May uu u qoondeeyay raashin bileed dhan 9,632 ton in lagu badbaadiyo nolosha dad gaadhaya 528,000 dhulka Soomaalida. 5,396 ton oo kamid ah gargaarkan cunto ayaa loogu talo galay in la gaadhsiiyo gobolada ay hawlgallada militari ka wadeen gumaysigu.

Shixnadaha cuntada gargaarka ah ayaa markasta sikasta oo ay baahida dadka loogu talogalay tahayba waxaa lala sugaa militari la raaciyo si loo gaadhsiiyo meelaha lagu wado. Waxaa halkaasi ka timaadda in ciidamadu raashinka gargaarka ah ay sida ay rabaan u isticmaalaan si dhammaystiranna looma gaadhsiiyo dadkii baahidu haysay.

Warbixinta UN-ta ayaa arrintan lafteeda wax ka iftiimisay … kooxdu waxay ogaatay in cuntada gargaarka ah sida badan lagu dajiyo jidadka agtooda, sida badanna waxaa lagu dejiyaa magaalooyinka waawayn waxaana lagu saleeyaa meesha ay u hoggaamiyaan hoggaamiyayaasha militariga ilaalada u raaca…

…Wax yar oo ay arrintaasi uga kuurgaleen guddigu, qaybinta cuntada ayaa u muuqatay in si habayac ah loo bilaabay, iyada oo aan dadka hore loo sii diwaan galin. Dallaad oo katirsan degmada Qabridahar, cuntada waxaa lagu rogay hal saac ka hor intaan UN-tu meesha iman dadka degaankuna waxay u muuqdeen kuwo aan kawarhayn qorshayaasha cunto qaybinta. Waxaa intaasi dheer oo uu guddigu ogaaday in dadka inay gargaarka ka faa'iidaystaan loogu talo galay aanay wadanin weelkii loo baahnaa ee ay ku qaadan lahaayeen cuntada.

... Dadbadan oo ah kuwa la waraystay ayaa qabay aragtida ah inaan cuntada la gaadhsiin dadkii baahidu u haysay… waxaa jira walaac badan oo laga qabo sida loo maamulo raashinka gargaarka ah… ciidamada militariga ah ee ilaalada u ah kolonyooyinka raashinka gargaarka ah ayaa go'aan ka gaadha goorta iyo meesha lagu rogayo cuntada… masuuliyiinta degaanka iyo qoysaska la waraystayba waxa ay xaqiijiyeen in ciidamo xoog lihi goobjoog ka noqdaan qaybinta cuntada. Marka la fiiriyo xaaladdana dadka tuulooyinka xaaladdani cabsigalin ayay ku abuurtaa.

Xadgudub-yada Aadaniga

Xadgudub yada bini'aadanka ee tooska ah waxaa muuqata in guddigan UN-tu aad uga dhowrsoonaaday inkasta oo warbixintoodu muuqato inay soo arkeen xadgudubyo bini'aadmiga ka dhan ah, waxaa haddana muuqata inay ka fogaadeen inay si faahfaasan warbixintooda ugu daahfuraan.

Waxay warbixintooda Qaramada Midoobay meelo kooban kaga yidhaahdeen …ammaanka shaqsiyadeed iyo arrimaha xuquuqal insaanka ayaa ahaa arrimaha ugu waaweyn ee ay dadku walaaca ka muujiyeen waraysiyadii iyo kulamada dhaxdoodii… waxaa u caddayd guddiga in xuquuqal insaanka iyo badbaadada shacabku ay ahayd mid qaylo dhaan keenaysa meelaha hawlgallada militari ka socdaan… arrintan si gaar ah ayaa xidhiidh iyo badbaadada xuquuqal insaanka ay UN-tu uga samayndoontaa waxaanay kala xaajoon doontaa dowladda…

Inkasta oo guddiga la soo gaadhsiiyay warar xadgudubyada xuquuqal insaanka ku saabsan oo loo gaystay dadka shacabka ah, haddana aragtida UN-tu waxa ay ahayd oo ay warbixinteeda ku xustay ... arrimahan xuquuqal insaanka ah ee walaaca keenayaa waxay u baahanyihiin in si madax bannaan loo baadho…

Aragtida nidaamka gacan-ku-dhiiglaha ah ee ku wajahan warbixinta

Haddaba isla xilligii ay warbixinta soo saareen kooxda Qaramada Midoobay, ayaa markii loo gudbiyay warbixinta, waxaa uu nidaamka Itoobiya ee gacan ku dhiiglaha ahi waxa uu shiday mishiinkiisa barabagaandhada.

Warsaxaafadeed ay toddobaadkan soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayay UN-ta kaga been abuurtay inaanay sheegin wax arrimo bani'aadminimo oo dhinaca xuquuqal insaanka ahi kaba jirin dhulka Soomaalida.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee rejiimka Itoobiyaa ayay warbixinta Qaramada Midoobay ku koobeen mid digniin kaliya ah, …guddigu waxay soo ogaadeen inaanay ka jirin wax arrimo xuquuqal insaanka ahi Dowlad-Degaanka Soomaalida. Balse, baadhitaanka ay sameeyeen waxay ka digeen in xaaladda cunto-quudin ee degaanku ay ka sii dari karto laba ilaa saddex bilood gudohood haddii aan gargaar cunto la gaadhsiin.

Sida warsaxaafadeedka rejiimka ku qoranna, waxa uu rejiimku dhinac isaga riixay gabbood fallada shacabka lagula kacay ee ay wax yar ka daahfureen guddigan xaqiiqo raadiska ahaa. Waxayse jawaabta Itoobiya u muuqataa mid ay sugayeen dadka u kuurgala arrimaha gobolka.

Aragtida shacabka degaanka ee warbixintii QM

Dadka degaanka Soomaaligalbeed intooda badan waa kuwo aan si toos ah warbaahinta kala duwan aan uga helin warbixintan oo faahfaahsan. Waxaa jira tiro badan oo shacabka degaanka ah oo markhaati ka ah gabbood fallada ay Wayaanuhu dadka ku hayaan, una baahnayn in gacankale uga warranto waxa ka dhacaya dhulkooda. Waxaa arrintaasi ku lammaan in dadka cabsi badan ay hayso aanay si furan arrimahan oo kale ugaba sheekaysan karin. Arrintaasina waxay yaraysay inay dad badani ka hadlaan jawaabna ka bixiyaan warbixinta QM.

Sikastaba xaal ha ahaadee, dad xoogaa ah, ahna kuwa xogogaalka u ah arrimaha ka jira dhulka ay gumaysigu gacanta ku hayaan ayaa ah kuwo si xooggan uga biyo diiday warbixinta Qaramada Midoobay.

Nin ka mida dadkaasi oo kasoo jeeda gobolka Wardheer ayaa yidhi, "warbixinta qaramada midoobay maaha mid madaxbannaan. Waxaa cad in xaaladda bini'aadminimo ee dhulku ay meel ba'an marayso." Wuxuu intaasi ku sii daray, "Waxay UN-tu tidhi haddii aan arrinta hore wax looga qaban waxaa imanaysa xaalad xun. Imika ayaaba xaaladaasi lagu jiraa ee xaggay kasoo socotaa."

Mid kale oo Jigjiga aan kula kulannay ayaa isaguna kusoo koobay hadalkiisa, "UN iyo cidkale toona waxba kama qaban karto arrinta waddanka. Dadweynuhu Ilaahay ayay leeyihiin gargaarna isaga ha weydiistaan." Waxa uu intaasi ku daray, "Warbixinta Qaramada Midoobay waxaan u arkaa inay tahay mid madadaalo ah."


Back