|
Wararka
maanta
|
||
|
Ciidamada Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta s/galbeed oo Weerar Dhabo Gal ah ku qaaday Gaadiid ay Leeyihiin Ciidamada Itoobiya. Ciidamada Mujaahidiinta Midowga Jabhada xoraynta S/galbeed ayaa weerar dhaba gal ah ku qaaday labo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada gumaysiga itoobiya , oo marayay Tuulada Higlaale Biir oo katirsan Degmada Dhanaan ee Wadanka S/galbeed. Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG oo ku sugnaa Tuuladaas ayay ku soo baxeen labadan baabuur ee katirsanaa Ciidamada itoobiya oo kayimid dhanka magaalada Garbo iyagoo usii jeeday dhanka magaalada dhanaan. Mujaahidiinta ayaa jidka ku yaacay oo wadada dhinaceeda ugu gabaday labadaas baabuur, oo aan iyagu waxba kawar qabin, muddo yar kadib waxaay mujahidiintu rasaas ooda uga qaadeen gaadiidkii cadawga, waxaana goobtaas uu khasaare xoog leh uu soo gaadhay mid kamid ah labadaas baabuur iyo ciidankii saarnaa, halka midkii dambe uu dib ugu cararay isagoo ay rasaas aad uxoogani ay ku dhacaysay. Baabuurka khasaaraha badani uu gaadhay ayaa markii dambe kadhaxbaxay goobtii ay ugu jireen ciidamada mujaahidiintu isagoo digsiga ku socda ayuuna dhinaca magaalada burqayar u baxsay. Dadka degen magaalada burqayar ayaa sheegay in uu baabuurkaaski kudanay neel aan sidaas uga fogay Higlaale biir ciidankii saarnaana uu lug kutagay magaalada burqayar iyagoo jiidaya dhaawac badan. warar dheeraad ah oo laga helay dhanka higlaale biir ayaa sheegaya in shacabka degen aagaas ay arkeen godog todobo ah oo dad lagu aasay, kuwaas oo mid kamid ah uu dhurwaa qufay. Ciidamada mujaahidiinta middowga jabhada xoraynta s/galbeed ayaan weerarkaasi waxba ku noqonin iyagoo bad qabana ku laabtay tuuladii ay kasoo baxeen ee Higlaale Biir. Xoogagga mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu lahaa Yuusuf Dabageed Xoogagga mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu lahaa Yuusuf Dabageed oo mar horey u ahaa guddoomiyaha maamulkka gobolka Hiiraan. Sida wararku sheegayaan gaadiidka ay la wareegeen xoogagga maxkamadaha ayaa gaaraya 4, waxaana gacanta kju hayey ganacsade reer Baledweyne ah oo ay ciidamada Ethiopia ku wareejiyeen markii ay kala wareegeen mamulkii Yuusuf Dabageed ee meesha ka baxay. Sidoo kale gaari yar oo nuuca raaxada ah oo la sheegay inuu lahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka ayey xoogagga maxkamaduhu la wareegeen, iyadoo gaadiidkaas ay iminka gacanta ku hayaan xoogagga maxkamadaha islaamka. Xoogagga maxkamadaha ayaa sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan inay howlgallo amaanka lagu sugayo ka bilaabeen gudaha gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Baledweyne. Magaalada
Baledweyne iyo guud ahaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa
iminka gacanta ku haya xoogag taabacsan maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed
kuwaas oo la wareegay markii ay ciidamada Ethiopia iyo maamulkii gobolka
Hiiraan halkaas faarijiyeen. Mid kamid ah wasiirada Dowlada Kumeelgaarka ah oo ku gacan Saydhay Degmooyin uu Magacaabay C/hi yuusuf Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Muuse Nuur Amiin ayaa ku gacan seyray magacaabistii shalay ee madaxweyne uu Yuusuf uu magacaabay lix degmo oo lagu biiriyey degmooyinka gobolada Galgaduud iyo Mudug. Isagoo la hadlayey warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay wasiirka aanu wax ka ogeyn oo aan lagala tashan magacaabista degmooyinkaas, waxaana uu xusay inaaney wasaaradiisu ka war heynin magaabista madaxweynaha. Wuxuu tilmaamay in loo baahnaa in magaabista ceynkaas ay la soo marsiiyo wasaaradiisa, isagoo meesha kaa saaray in lagala tashtay arrintaas. "Waa sharci darro la sameeyey, waana xad gudub aad u weyn, ma jiro saxiix aan bxiyey oo wasaaradeydu ay bixisay" ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka. Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay aheyd wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha lago magacaabay lix degmo cusub oo lagu biiriyey degmooyinkii horey uga jiray gobolada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Df C/laahi Yuusuf ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay degmooyin cusub oo ka tirsanaan doona degmooyinka gobolada dalka Soomaaliya. Illaa lix degmo ayaa lagu magacaabay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya, iyadoo wareegtada uu warbaahinta u aqriyey afhaeenka dowladda Cabdi xaaji Gooobdoon. Deegaanada Guriceel, Baxdo, Ceelgaras, Xeraale oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa loo magacaabay degmooyin halka markii hore ay ahaayeen deegaano hoostaga degmooyinka gobolka Galgaduud. Sidoo kale
deegaanada Jowla iyo Colguula oo ka tirsanaa gobolka Galgaduud ayaa loo
magacaabay degmooyin, waxaana ay ku biirayaan degmooyinka gobolka Galgaduud. Dagaal Xoogan oo Xalay Kadhacay Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud. Dagaal ayaa xalay habeenkii labaad ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah oo labo maalin ka hor halkaas gaaray. Xoogagga hubeysan ee ka horjeeda ciidamada Ethiopia ayaa weerar waxa ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Ethiopia ka sameyteen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo 40-daqiiqo ah socday. Ciidamada Ethiopia ayaa habeenkii labaad duqeeyey degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana duqeyntaas ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 2 qof ayaa ku dhintay dad ka badan 12 qofna wey ku dhaawacmeen duqeyntaas, waxaana jira goobo ganacsi iyo aqalo dad shacab ah ay lahaayeen oo ku gubtay dagaalka. Guud ahaan degmada Guriceel dadkii ku dhaqnaa wey isaga hayaameen, waxaana haawanaya aqaladii ay deganaayeen dadka shacabka iyo guud ahaan goobihii ganacsiga. Si kasta
ha ahaatee waa habeenkii labaad oo dagaal iyo duqeyn ay ka dhacdo degmada
Guriceel ee gobolka Galgaduud oo kamid aheyd deegaanada ugu nabadoon dalka
Soomaaliya. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |