Wararka maanta

Roobab Mahiigaan ah oo xalay kada'ay magaaladda Jigjiga oo ay Dad badani ku Dhinteen.

Roobab mahiigaan ah oo xalay fiidkii ilaa habeen badhkii ka da'ayay magaalada Jigjiga ayaa khasaare laxaadleh gaystay, kaddib markii dadyowgii degganaa cidhifyada magaalada Jigjiga guryahoodii uu soo galay daadku kaddibna kadhigay wax uu la tagay iyo qaar laga badbaadiyay markii dambe.

Haddaba Roobkan oo si xidhiidh ah u da'ayay muddo 7 saacadood ah ayaa inta la hubo ilaa hadda waxaa ku dhintay 22 qof halka dhaawucuna uu gaadhayo ilaa 20 qof, dad gaadhaya 200 oo qofna waa la la'yahay meel ay aadeen in uu roobku qaaday iyo in ay meelo kale ku carareen.

Baabuurka gurmadka degdegga ah ayaa saaka waxaa uu soo daabulayaa dadkii iyagu uu ku soo fatahay togga dhinac mara magaalada Jigjiga. dadka ku waxyeeloobay arrintan ayaa aad u badanaya marba marka xigta, dhibka ugu weyn ayaa noqday iyadoo dadkii biyuhu qaadeen marba qaar la soo helayo oo dhoobadii ayaa kolba hoosteeda laga soo helayaa dad hor leh oo ku jira.

Ma yara khasaaraha uu Roobkii xalay gaystay iyadoo maanta ay magaalada Jigjiga aad looga hadal hayo dadkii uu Roobkii xalay waxyeelada u gaystay, oo dhammaantood hadda lagu dawaynayo Isbitaalka Kaaramara ee Jigjiga, dadkii ku nafwaayay dhibaatadii xalay ayaa waxaa laga yaabaa in maanta galinka dambe la aaso.

Waa markii u horeysay ee Roob ka da'a Jigjiga uu khasaarahan intan la eg gaysto iyadoo hadda ka hor Roobab ka da'ay Jigjiga khasaarahoodu yaraa marka loo eego kii xalay ka da'ay magaalada oo wakhti aad u dheer socday.

Sanad Guuradii 45aad ee Kasoo wareegtay Aas aaskii Ururka Midowga Afrika oo lagu Qabtay Wadanka K/Afrika oo ay kaqayb galeen Dhalinyaro Soomaaliyeed.




East london: sannad guuraddii 45aad ee xiligii la aas aasay urruurka midowga afrika oo ahaa 1963 ,ayaa waxaa lagu xusay magaaladda East london ee gobolka Eastern cape ee dalka k/afrika.
sannad guuraddan ooy ka soo qeyb galeen madaxda oogu sareysa ee Gobolka Eastern cape iyo uruur weynaha soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) kaas oo socday mudo labo maalmood ah
shirka oo ajandihiisu ahaa xuska maalinta afrika oo loogu talo galay in lagu maamuuso xafladda arimo eey ka mid yihiin:
wax qabadka uruurka midowga afrika ee kala ah dhinaca siyaasadda,arimaha bulshadda ,dhaqaalaha ,xiriirka dibadda, amniga qaaradda, xalinta khilaafaadka qaaradda dhexdeeda ah iwm
ayaa isu badalay in laga hadlo xaaladda qaxootiga afrika ee ku nool wadanka k/afrika iyo sida loo la dhaqmayo qaxootigan ee is kugu jirta
dhaca ,boobka , dilka, barakicinta,
xafladda oo majaraheedii uu leexiyay xaaladda ka taagan dalka k/afrika iyo dhibaatooyinka galay 20 bari ee ka socda inta badan goboladda dalka ayeey madaxdii ka soo qeyb gashay shirka ooga hadleen si aad iyo aad u kulul soona jeediyeen iney maanta tahay maalin loo ooyo ama loo baroorto afrika eeyna aheyn maalin farxadeed,
jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) ayaa u gudbisay marti sharaftii ka soo qeyb gashay shirka dacadiyadda lagu hayo ummadda soomaaliyeed ee ku nool wadanka k/afrika gaar ahaan iyo guud ahaan qaxootiga ka yimid qaaradda afrika
wafdiga jaaliyadda oo uu hogaaminayay c/Raxmaan Raabi gudoomiye kugeenka jaaliyadda ee Gobolka Eastern cape ayaa munaasabadda ka cadeeyay iney xisbiga taladda haya ee (ANC) eeyna u abaal gudin walaalihii garab istaagay xiligii gumeysiga sida :
soomaaliya, musaambiig, zimbaabu, malaawi, zambiya,
dadka maanta la gubayo,la qixinayo,la dhacayo, waxey ka yimaadeen wadamadaas ,
waxaan ka codsaneynaa madaxda sharafta leh iney wax ka qabtaan arintan inteyna ku soo faafin gobolka eastern cape
maamulka dowladda ayaa balan qaaday iney wax ka qabanayaan arimaha boobka kuna soo fidi doonin gobolka eastern cape
wafdiga jaaliyaddaa ayaa ka kala yimid magaalooyinka kala port elizabeth, king waliamstown, queenstown,East london,kana koobnaa sidan:
1- c/Raxmaan Raabi gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda Gobolka Eastern cape
2- c/Raxmaan malaaq nuur jilley xoghayaha jaaliyadda gobolka
3-c/wahaab ibrahim xagar gudoomiyaha jaaliyadda East london /king waliamstown
4-maxamed macalin jaaliyadda east london
5- cumar jaaliyadda east london
6-c/laahi jaaliyadda east london
7- xuseen xubin jaaliyadda east london
8-cismaan siraad gudoomiyaha jaaliyadda queenstown
9- c/naciim xoghayaha jaaliyadda queenstown
10- ismaaciil madaxa arimaha bulshadda king waliamstown
11- maxamed adan yuusuf xubin jaaliyadda kinga waliamstown
12-c/raxmaan maxamed xubin jaaliyadda king waliamstown
ma jirin wax matala jaaliyaddaha kale ee jooga dalka k/afrika oo ka soo qeyb galay shirka midowga afrika taas oo keentay iney jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) u istaagto matalida dhamaan qaxootiga ku nool dalka
uruurka (SASA) oo ah macnihiisu( somali association of south africa) ayaa la aas aasay 10 september 1999, maantana 10 sanno jirsatay
abuu sumaya
s/africa

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com