Dad Shacab ah oo ciidamadda gumaysigu ku laayeen deegaano ka tirsan gobalka Dhagaxbuur.

Wali waxaa dhulka lagumaysto ee S/galbeed kasocda xasuuqii ay kuhayeen caadamadda gumaysiga Itoobiya kuwaasoo bilihii ugu dambeeyaya halkaa ka waday xasuuq aan horay isagoo kale usoo marin dadka gobalkaa dagan ee lagumaysto.

Wararka naga soo gaadhaya gobalka Dhagaxbuur, ayaa sheegaya intuuladda farmadow lagu dilay sedex nin oo shacab ah ragana ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Deeq Axmed Cabdi oo loo yaqaano (jiciir), labadan nin eekale ayaanaan wali helin magacyadooda.

dhanka kale tuuladda Waylo lagu xidh ayaa iyana ciidamadda Wayaanuhu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cismaan.

Xasuuq ayaa isagu jira ina lalaayo dadka shacablka ah een waxba galabsan iyo xabsiyada lagu buuxiyo dad aan dambi lahayn iyo laga joojiyo gobalkaa dhamaanba cunooyinka daruuriga aha in dadka shacabka laga gubo guryaha ay daganyihiin si loo bara kiciyo


Suuqa weyn ee Islii oo intiisa badan maanta xidhan

Suuqa weyn ee kuyaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ee looyaaqaao Islii ayaa maanta gabi ahaanba xidhmay kadib markii uu saaka halkaa ka dhacay qalalaase u dhaxeeya ciidamadda Poliska dalka Kenya iyo kooxo dhalinyaro muslimiin ah kuwaasoo ka cadhaysnaa goob lagu qaban jiray muxaadarooyin diini ah iyo doodo u dhaxeeya Culimadda Musliminta iyo kuwa masiixiga oo qashin lagu shubay.

dhalinyaro muslimiin ah oo aad uga cadhacaysan arintan ayaa saaka xidhay wadadooyinka dhex mara  xaafada Islii iyagoo qashinkii goobtaa la dhigayn ku jaray wadooyinka halkaa mara, kadibna waxaa halkaa yimid qaar ka mid ah ciidamadda poloska oo kala caydhiyay dhalinyaradaa iyagoo isticmaalya Sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Arintan ayaa kusoo beegantay xili ay aad ku kacsanyihiin dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Kenya kuwaasoo aad uga cadhaysan dhibaatooyin loo gaystay qaar ka tirsan culimadda wadanka Kenya, kuwaasoo laga qaqabtay meelo ka mid ah dalkan Kenya.

Culimadan ayaan qaarkood lahayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen halka qarkood loo dhoofiyay wadamo dibada ah sida Maraykanka iyo Itoobiya taasoo dadka reer Kenya aad uga cadhaysanyihiin.

Dhacdadii ugu dambaysay ee dadka culimadda ah lagula kaco ayaa ka dhacday habeen hore Garoonka Caalamiga ha ee Jooma Kenyta taasoo lagula kacay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah Culimadda uga waawayn dalkan Kenya ahna Imaamka Masaajidka weyn ee Abuubakar Sidiiq ee kuyala xaafada Islii Jidka Lixaad.

Sh Umal ayay qabteen ciidamadu xili uu ubaxayay Cimro balse Nasiib wanaag markiiba warka waxaa dadka Soo gaadhsiiyay qaar ka mid ah Shaqaalaha Somaalida ee garonka ka shaqeeyay isla markiiba waxaa garoonka buux dhaafiyay dad weyna aad utiro badan oo isagu jira Culima Awdiin Xildhibaano ka tirasan dolwada Kenya Diblomaasiyiin iyo Saraakiil Ciidamadda ah intaba, taasoo sababtay in sheekha si dagdag ah loo siidaayo.

Sheekha ayaa garoonka lagaga reebay pasaprkisa balse waxaana loo keenay shaly subax waxaana raali galin ka bixiyay arinkaa qaar ka mid ah madaxda dalka oo sheekha u sheegay marhadii diyaaradii uu ku qornaa laga reebay inay iyagu Tikidhka ka bixinayaan Sheekha.

 

Back