|
Wararka
maanta
|
||
|
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Kabaxay Degmooyinka Dhowr ah oo kuyaala Wadanka S/galbeed. Ciidamada Gumaysiga itoobiya ayaa ka baxay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala gudaha wadanka s/galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin Degmooyinka Xamaro iyo Dhagaxmadow, oo ka kala tirsam Gobolada Dhagaxbuur iyo Nogob ee dhulka S/galbeed. Wariyaasha webka s/galbeed ee ku sugan goobahaas ay Ciidamada itoobiyaanku faaruqiyeen ayaa soo sheegaya in ay ciidamadaasi si hal haleel ah uga baxeen magaalooyinkaas, kadib markii ay cabsi badani lasoo siyaaday. Dhanka kale Degmada Sagag ee gobolka Nogbeed ayaa iyaduna laga soo sheegayaa in ay ciidamada Gumaysiga itoobiya ee ku sugan ay cabsi badani lasoo siyaaday iyagoo mudo todobaad ah diiday in loosoo galo ma ay u dhaadhacaan magaalada iyo suuqeedaba. Wariyaheena Dabcasar oo soo booqday magaaladaas ayaa noo soo sheegay in aanay ciidamadaasi u bixin xiitaa saxarada , oo uu mid walba dhufayskiisa ku dhex saxaroonayo cabsi darteed. Ciidamada Daba qoodhiga loo yaqaaano ee lashaqayn jiray kuwa Itoobiya ayaan mudo u dhaadhicin dhanka ciidaamada itoobiya iyagoo loo sheegay in ay magaalada difaacaan, oo aysan u soo dhawaanin saldhiga ciidanka. Dameer Biyoole biyaha ugeeya ciidankaas go'doonka ah ayaa sheegay in ay aad u cabsanayaan ciidankaas, oo ay su aalo badan iwaydiiyaan mar kasta oo aan biyo ugeeyo. Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya magaalada baabili ayaa sheegaya in ay Mushaarkii shaqaalaha iyo maamullada gobolka Nogbeed ay ku xayiran yihiin Magaalada baabili ee wadanka s/galbeed. Mushaarkan ayaa mudaba ku xayiran Baabili iyadoo lala sugayo in lahelo ciidan galbiya lacagtaa, kuwaas oon ilaa hada aan lahaynin . shaqaalaha magaalooyinka uu kakooban yahay gobolka Nogbeed ayaa ka cabanaya in ay urafaadsan yihiin mushaarkoodii oo aan meel sidaas uga fog aanoolin. Ciidamaga Gumaysiga Itoobiya ee Kusugan Magaalooyinka Dhagaxbuur, Araarso iyo Cobole oo u soo baxay Dhanka Bohollo. Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka Araarso Cobole iyo Dhagaxbuur ee wadanka s/galbeed ayaa usoo baxay dhanka Togga Faafaneed gaar ahaa Dhanka Bohollo. Ciidamadan ayaa goobihii ay kasoo baxeen soo cidleeyay marka laga reebo dhagaxbuuroo ah caasimada gobolka Dhagaxbuur. Ciidamadan ayaaa lasheegayaa in ay dhex wareegayaan togga Faafaneed iyagoo ay ujeedadoodu ahayd in ay ilaaliyaan aagga cobolle. Magaalooyinka araarse iyo Cobolle ayaa cid la ah kadib markii ay ciidamadaasi isaga soo baxeen iyagoo xoojinayay ciidanka kayimid dhanka Dhagaxbuur ee hawgalka u aaday xaga togga oo lagu sheegay in ay ku sugan yihiin mujaahidiinta naftooda iyo maalkoodaba u huray in ay kasaaraan ciidankaas xooga ku haysta wadankooda.
Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud oo uu Dagaal Xoogani xalay kadhacay. Habeenkii xalay ahaa ayaa waxa uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada Guri ceel ee Gobolka Gal-Guduud Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo shalay halkaasi gaaray. Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Madaafiic badan oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u adeegsadeen in ay ku duqeeyaan xaafadaha Magaalada taas oo sababtay in 2 ka mid ah ku dhacaan guri ku yaala dhinaca waqooyi ee Magaalada gaar ahaan Xaafada Tuulo Gaban halkaas oo ay ku geeriyoodeen 3 ilmood iyo haweeney Uur leh. Ciidamada gumaysiga itoobiya oo duqeeyaydagaalka kadib ayay ku dhaawacmeen dadbadan oo kamid ahaa dadkii degenaa magaaladaas, dadka ku dhaawacmay dagaalkaas ayaan ilaa hada la soo sheegin inta ay tiradoodu dhan tahay. Dhinaca kale lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee gaaray xalay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaarooyin naf iyo maalba leh. Ciidamada Gumeysiga itoobiya ayaa markii ay shalay gaareen magaalada waxaa ay ku degeen Jaamacadii hore ee Magaalada Guraceel halkasi oo mudo saacada ah ay joogeen waxaana ay dib ugu labteen mudo yar ka dib gudaha Magaalada iyadoo intoo badan ciidamada gumeysigu socod ku maray gudaha Magaalada Guraceel waxayna ugu danbeyntii dib ugu laabteen wadadii ay ka soo galeen ee xigta dhinaca Matabaan Ciidamadan oo wata 28 gawaari oo isugu jira Uralo, Booyado iyo kuwo xaamuulka qaada ayaa waxa ay shalay gaareen Magaalada Guri-ceel abaare 11:00 barqanimo kuwaas oo ka soo kicitimay Gobolka Hiiraan isla markaana aan la sheegi Karin illaa iyo hadda in ay ka sii gudbayaan iyo in kale. Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa weeraro qorshaysan oo gaadmo ah kula beegsada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya qeybo badan oo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay safarka yihiin oo ay isaga kala gooshaan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya. Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah. Magaalada Baladwayne oo ay Ka khudbadeeyeen Madax sare oo ka tirsan Isbahaysiga Dib Uxoraynta Soomaaliyeed. madax sare oo katirsan Isbahaysiga Dib uxoraynta Soomaaliyeed ayaa gaarey xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyne ka dib markii ciidamo xoogan oo ka tirsan MMI Soomaaliyeed shalay gebi ahaanba si buuxda ula wareegeen magaalada Baladweyne.
Rasaakiisha halkaa gaartey ayaa waxaa ka mid ah Cumar Xaashi Aadan, sarkaalka howl gelinta ciidanka MMI Soomaaliyeed ugu qaabilsan iyo sarkaal sare oo magaciisa lagu soo gaabiyey Labaatan Jirow.
Qaar ka mid ah saraakiishaas oo meel fagaare ah dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne kala Hadley oo uu ka mid yahey Labaatan Jirow ayaa uu jeediyey dadkii isu soo baxey 3 Arimood oo kala ah: in ay is dejiyaan oo howlahooda caadiga ah iska wataan, in ay iyagu amaanka guud ee degmada Baladweyne iyo kan gobolkaba sugayaan, iyo in aysan wax bililiqo ah kula dhaqaaqin dadku xarumihii maamulku ka baxeen ee magaalada Baladweyne.
Ciidanka MMI Soomaaliyeed ee saaka la wareegay xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada ku baahiyey ciidamadooda, sida wadooyinka soo gala magaalada, Buundada Liiq-Liiqato, Saldhiga Degmada, Xarumihii Maamulka ee Degmada iyo Janta Kundisho oo fariisin ciidan u aheyd ciidanka gumeysiga Itoobiya ee saaka halkaa isaga huleelay.
Saraakiishan sar sare ee gaarey magaalada Baladweyne ayaa ka codsadey Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada in ay kulan la yeeshaan, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda kulankooda wada qaataan, waxaana la filayaa in ay uga wada hadlaan arimaha gobolka Hiiran, gaar ahaan tan Degmada Baladweyne. Xalaada
Amaan iyo dhaq dhaqaaq ee degmada Baladweyne ayaa ah mid degan, iyada
oo amaanka guud ee degamdan ay gacanta ku hayaan ciidamada MMI Soomaaliyeed
ee saaka halkaa gaarey, sidoo kalena dareenka guud ee dadkuna uu yahey
mid aad u degan. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |