Wararka maanta

Qaramada Midoobay oo Shaacisay in 31-bishan uu Mar kale furmi doono Shirkii Dib uheshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in 31-bishan uu mar kale furmayo shirkii laagu heshiisiin lahaa dowladda KMG iyo mucaaradka ka horjeeda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in mar kale la amba qaadayo shirka dib u heshiisiinta dowladda KMG iyo mucaaradkeeda si loo afmeero dhibaatooyinka iyo dagaalada ka aloosan gudaha dalka Soomaaliya.

"Waa in la helaa qaab lagu xaliyo mashaakilka Soomaaliya, taasina waxay u baahan tahay wada hadal mar kale dhexmara kooxaha Soomaalida" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Wafuud kala mataleysa dowladda iyo mucaaadka ayaa lagu wadaa in ay 31-ka bishaan iku xaadiraan dalka Jabuuti si loo sii amba qaado shirka ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay.

Inkasta oo la filayo in shirka dib u heshiisiinta 31-da bishan uu mar kale ka furmo Jabuuti haddana waxaa jira khilaafaadyo hareeyey isbeheysiga mucaradka kaas oo isbeheysiga u kala qeybiyey labo dhinac oo ku kala aragti duwan wada hadal iyo dib u heshiisiin lala galo dowladda KMG.

Si kasta oo ay ahaato waxaa laga dhursugayaa natiijada ka soo baxda kulanka lagu balan san yahay in uu 31-ka bishaan ka dhaco magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Ciidamada Ethoipia ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo Xalayto Dad ka Qab qabtay Gudaha Magaalada Baledweyne.

Ciidamada Ethoipia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa xalay howlgallo xooggan waxa ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baledweyne, iyagoo howlgaladaasna dad rayid ah ku soo qabqabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay goobo mucayin ay bartilmaameedsanayeen islamarkaana ay baaritaano xooggan ka fuliyeen qeybo kamid ah xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen xarumo ganacsi oo ku yaal xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne iyagoona kexeystay illaa seddax qof oo xarumo ganacsi ku lahaa magaalada Baledweyne.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa in ciidamada Ethiopia ay goobohooda ganacsi ka kexeystaan dad ganacsato ah, hase yeeshee waxaa arrintaan welwel xooggan ka muujiyey dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee xiliyada habeenkii ee magaalada Baledweyne ayaa aad u yaraaday, iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan waxyeelo loo geysto ama ka soo gaarta dagaal gudaha magaalada ku dhexmara kooxaha hubeysan iyo ciidamada Ethiopia oo habeenkii si aad u soo buuxiya gudaha magaalada Baledweyne.

Ciidamada Dowlada Fedaraalka oo Xidhay Isu socodka Wadada Maka al-mukarrama.

Waddooyinka qaar ee magaalada sooda Muqdisho gaar ahaan wada Maka Al-mukarama ayaa saakay guud ahaan waxaa xirtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo gebi ahaan diiday dhaqdhaqaaaqa gaadiidka iyo dadka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa guud ahaan saakay xanibay wadada, iyagoo diiday in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan wadada, iyadoo albaabada ay u laabnaayeen goobihii ganacsiga ee ku teetsanaa wadadaas.

Si dhab ah looma oga ujeedada ka dambeysa in ciidamada dowladda ay xiraan wadada oo ah mid ay si weyn u adeegsadana gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamada dowladda oo aad u fara badan ayaa isku fidiyey wadada ka baxda Sayidka illaa isgoyska KM4 halkaas oo aanu ka jirin wax dhaqdhaqaaq gaadiid ah.

Xiritaanka wadadaan ayaa badanaa waxa ay timaadaa marka madax ka tirsan dowladda ay soo dagayaan ama ka dhoofayaan garoonka Muqdisho, laakiin hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in madax ay ka dhoofeyso amaba ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com