Magaaladda
Muqdisho oo ay maalintii labaad ka socdaan dagaalo xoogle oo u dhaxeeyay
xoogaga Muqawamadda iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Caasimadda
dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ka soconaya
dagaalo fool ka fool ah oo aan horay uga dhici jiran wakhtiyada maalintii
ah oo kale, dagaalkan ayaa udhaxeeya Xoogaga Muqaawamadda iyo ciimadda
gumaysiga ee Macatab u dirirka ah iyo kuwa daba dhilifka u ah.
Maanta ayay labada
saldhig ee kala ah Saldhiga Hodan iyo saldhiga Howl wadaag waxaa la
wareegay xoogaga Muqaawamadda oo ka qabsaday kuwa daba dhilifka u ah
ciidamadda gumaysiga, dhanka kale waxaa isna magaalada xaafada kala
duwan ka soconaya muadaharaadyo lagaga soo horjeedo joogitaanka Ciidamadda
gumaysiga iyo xasuuqa ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho
ayaa la sheeagayaa inay aad isu abaabulayaan sidii garab loo siinlahaa
xoogaga muqaawamadda ee dagaalka kula jiray kuwa kusoo duulay dalka
Soomaaliya.
Waxayna dadka caasimadda
ku sugani sheegayaan inay xasuusteen maanta iyo shalay siday wax usocdaan
dagaaladii sanado hore ka dhici jiray Caaasimadda Sida kii UNSOM iyo
dadka reer Muqdisho ku dhexmaray wadooyinka Caasimadda, iyo kii sanad
hor lagaga saarayay Hogaamiye kooxeedyadii Awooda Badnaa Magaaladda
Muqdisho.
Back