Wararka maanta

Magaalada Jigjiga ee Dhulka S/galbeed oo Lagu Xiray Hoggaankii Golaha Arrimaha Islaamka ee Isla magaaladaas.

Waxaa magaalada Jigjiga lagu xidhay Hoggaankii Golaha Arrimaha Islaamka ee Jigjiga Shekh Cumar Faarax, Sheekh Cumar Faarax ayaa laga qabtay xilli uu ku sugnaa Xafiiska Goluhu ku leeyahay magaalada Jigjiga.

Xadhigga Sheekhan ayaa dad badani ka cadhoodeen iyadoo ay markani tahay markii labaad ee gacanta lala soo galo Golaha, iyadoo hadda ka hor Shekh kale oo isna ka tirsanaa Maamulka sare ee Golaha Arrimaha Islaamka Jigjiga xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Jabhadaha Guumaysi diidka ah.

Sheekhan ayaa hadda ku xidhan Xabsiga Degmada kaas oo ay dad badani ku jiraan oo uu ka mid yahay Shekh Axmed Aabi oo ah ku xigeenka Shekh Cumar Faarax oo isagana hadda la soo xidhay. Haddaba dad badani waxay is weydiinayaan Golaha Arrimaha Islaamka waligii shaqo laguma soo darsan ee hadda maxaa keenay arrintan, waxaa iska cad in Guumaysigu hadda aysan jirin wax uu ka leexanayo aysan jirina wax celinaya, Guumaysiguna waligii Diin la dirir ayuu ahaa taas ayaa caddayn kuugu filan maadaama hadda la soo xidhay Shekhii ugu weynaa Golaha Arrimaha Islaamka ee Jigjiga.

Dilal kala duwan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Dad Shacab ah ay ku dhinteen.

Dilal kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo illaa seddax qof oo rayid ah siyaabo kala duwan loogu dilay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Nin ganacsade ah ayey xalay kooxo hubeysan ku dileen meel ku dhoe dugsigii sare ee Banaadir oo ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in kooxahaasi hubeysan ay ninka kala soo bexeen aqalkii uu degana deetana ay toogasho ku dileen.

Sida lagu helayo wararka kooxaha kale oo hubeysan ayaa iyagana toogasho ku dilay nin rayid ah qeybo kamid ah xaafadda Siigaale degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Nin kale oo rayid ah ayey kooxi hubeysan ku dileen degmada Dharkeynley kaas oo sida la sheegay ahaa wiil dhalinyaro ah oo kirishbooy ka ahaa mid kamid ah gawaarida BL-ka ah ee Muqdisho ka shaqeysa.

Si dhab ah looma oga waxyaabaha ay salka ku hayaan dilalkaan, hase ahaatee waxa ay imaanayaan xilli maalintii shalay aheyd sidoo kale toogasho lagu dilay illaa afar qof oo rayid ah.

Dilka afartaas qof ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah, iyadoo la sheegay in dilkaas uu salka ku hayo aanooyin qabiil.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad shacab ah, iyadoo aan illaa iyo iminka la ogeyn waxyaabaha saldhigga u ah dilalkaas.

Xoogagga Mujaahidiinta Al-shabaab oo La wareegay Gacan ku heynta Degmada Xudur.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Xudur kadib dagaal saakay ciidamada dowladda iyi xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ku dhexmaray degmadaas.

Wararka laga helayo degmadaas ayaa sheegaya in xoogagga al-shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid ay lahaayeen guddoomiyaasha gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in dhaawac uu soo gaaray guddoomiyihii degmada Xudur kaas oo lala cararay kadib dhaawaciisa.

Dhinaca kalena xoogag taabacsan maxkamaha islaamarka ayaa iyagana la wareegay magaalada Baledweye ee xarunta gobolka Hiiraan markii ay halkaas isaga bexeen maamulkii gobolka Hiiraan.

Xoogagga maxkamadaha ayaa gudaha u galay magaalada iyagoo isku fidiyey xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada Baledweryne sida xarumihii gobolka iyo kuwa booliska.

Dadweyne careysan ayaa bililiqo u geystay sida la sheegay xarumaha maamulka gobolka, iyadoo aan xog dheer ah laga heynin waxyaabaha ka socda magaalada Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee la waregista magaalooyinka Xudur iyo Baledweyne oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaaney wali ka hadlin mas'uuliyiinta dowladda KMG ah.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com