Wararka maanta

Xuubsireed oo difaacay eedii loosoo jeediyay Madaxwaynaha Soomaaliya

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed ayaa kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wax kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyey qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaaliya oo ay soo bandhigeen Channel 4 iyo wargeyska Daily Mail.

Xuubsireed ayaa si caro leh u sheegay in ujeedooyin gaar ah laga leeyahay arrintaas, isagoo sheegay in aanu jirin sharci baneynaya in la fara galiyo nolosha qoysaska madaxda dowladda ee ku nool magaalada London ee dalka Britain.


"Waa aflagaado ka dhan ah madaxda dowladda oo dano guracan laga leeyahay, dowladduna aad bey uga xun tahay arrintaas" ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Mr. Xuubsideed oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Ingiriiska u gudbibeyso ashtako ka dhan ah wargeyska Daily Mail iyo TV-ga Channel 4 iyo guud ahaan intii ka qeyb qaadatay soo uruurinta warbixinta.

Wuxuu yiri " Waa arrin fool xumo ah in dhaleeceyn aan jirin dusha laga saaro madaxda dowladda oo naftoodii u haray qaranka Soomaaliyeed, si ay u badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed".

Hadalka Mr. Xuubsireed afhayeenka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli TV-ga Channel 4 iyo wargeyska Daily Mail ay baahiyeen warbixino sir ah oo muujinaya tacadiyo iyo xadgudubyo ay shacabka Soomaaliyeed u geysteen C/laahi Yuusuf Axmed, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere, Maxamed Warsame Darwiish iyo nin la yiraahdo Axmed Taajir

Qaar kamid ah Dhalinyaradda Kudhaqan wadanka S/galbeed oo ka dhiidhiyay Xaflad ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku Qabteen magaaladda Nagayle.

Qaraxyo waawey ayaa shalay waxaa lala beegsaday Xaflad ay samaynayeen Ciidamada Guumaysiga oo ay ugu dabaaldagayeen maalintay qabsadeen Dhulka S/galbeed, Qaraxyadan oo ahaa 3 Qarax ayaa ka dhacay goob lagu xusayay maalintan madaw.

Mar aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay qaar ka mid ah dadka deggan magaalada Negeyle ayaa sheegay in qaraxyadan ay ka kala dhaceen meel Xafiis ahayd oo laga maamulkay xaafadda uu qaraxu ka dhacay iyo meel kale oo iyaduna ahayd Hotel Xabashi lahayd oo iyadana si weyn Guumaysigu ugu dabaaldagayay.

Ilaa hadda dhimashada waxaa naloo xaqiijiyay inay ka badan tahay 50 qof oo ay u badan yihiin Askarta Guumaysiga, dhaawaca dadkuna aad buu u badan yahay inkastoo aan la garan karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxyadaas, maadaama markii uu qaraxu dhacayba ay goobtii isugu yimaaddeen Ciidan badan oo ka mid ah Guumaysiga, magaaladana bandaw lagu soo rogay.

Wali lama garanayo cid ka dambaysay balse siday wararka qaar sheegayaan waxaa Qaraxyadan sheegtay Muqaawamada ka dagaallanta Dalka Soomaaliya kuwaas oo dagaallo ba'an kula jira Guumaysiga Itoobiya ee ku sugan dhulka Soomaaliya.

Haddaba waa markii u horeysay ee maalin sidan oo kale ah qarax lala beegsado magaalada Negeyle iyadoo aan wali la soo sheegin meelo kale oo Dhulka S/galbeed ka mid ah oo qaraxyo lala beegsaday inkastoo magaalada Jigjiga maanta ay Nabadgalyo ahayd.

Qaar kamid ah Goboladda Dalka Yamen oo uu Dagaalo Culusi ku dhex marayo ciidamadda dalka Yamen iyo Maleeshiyada loo yaqaano Xuutiyiinta.

Dagaalo culus ayaa maalmahan ka soconaya gobalo ka mid ah dalka Yamen, Dagaaladan ayaa u dhaxeeya ciidamadda dalka Yamen iyo Maleeshiyada loo yaqaano Xuutiyiinta kuwaasoo ah maleeshiyo Shiico ah.

Maleeshiyadan iyo ciidamadda Dalka Yamen ayaa sanadihii lasoo dhaafay dhowr jeer oo hore ku dagaalamay gobalka Sacda, waxaana dagaaladaa horay loogu dilay Hogaamiyihii maleeshiyadan oo lagu magacaabi jiray Cali Alxuuti, waxaana badalay walaalkii oo lagu magacaabo Cabdi Malik Alxuuti.

Dagaalkan ayaa wakhtiyadii hore ka socon jiray Gobalka Sacda oo kaliya kasoo Caasimadda ka fog balse hadda dagaalku waxaad moodaa inuu wajiyo kale yeeshay kana bilaabanayo gobalo kale oon horay loogu dagaalami jirin kuwaasoo ay ka mid tahay Caasimadda Dalka Yamne ee Sanca taasoo hadda dagaalku ka soconayo deegaano aan sidaa uga fogayn.

Dagmadda Bani Xashiish oo u jirta caasimadda 20KM ayaa waxaa maalamahan ka socnayay dagaalo aad u culus kuwaasoo labada qolaba ay sheeganayaan inay guulo ka gaadheen, balse saraakiisha ciidamada dalka yamen waxay sheeganayaan inay deegaanka Bani Xashiish ka sifeeyeen maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Sikastaba ha ahaadee dagaalkan hadda socda dalka Yamen ayaa ah dagaal sababay khasaare xoogle oo naf iyo maalba leh walina lama saadaalin karo halka uu ku dambayn doono dagaalkani, waxaana fashilmay dadaalo horay laysagu dayay in dagaalkan lagu joojiyo kuwaasoo lagu qabttay dalka Qadar .

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com