Wararka maanta

Dowlada kenya oo Amar kubixisay In laxidho Idaacada Maxaliga aha ee lagu Magacaabo kass.fm

kass.fm waa idaacad maxali aha oo kutaala maagalada nairobi taas oo kahowlgasha goobo badan oo kamid ah wadanka, iyadoo ku hadasha luuqada kalenjinta ayaa waxaa logu eedeeyay in ay kaqaybqaadatay dagaaladi hadheeyay wadanaka kenya horaantii sanadkan.

Kalenjin waa umad balaadhan oo degta gobalka Riftvaley halkaas oo ahayd meeshii ugu darnayd ee ay kadheceen rabshadihii aadka uba,naa ee lagu barakiciyay Qabiilka Kukuyada ee wadanka ka taliya.

Waziirka Isgaadhsiinta iyo war faafinta Somue porchisio ayaa amarkan siiyay idaacada in laguxidho mudo 3 maalmood ah hadii kale ay dowladu gacabteeda kaga saari khadka.

Sidoo kale laga soobilaabo bishii desembar waxaa xabisyada wadanka kenya kujira dhalinyaro badan oo loosoo qabqabtay in ay sameeyeen falal dambiyeed xiligii u socday dagaal kii sokeeye ee kalasooca ahaa ee kadhashay dorashooyinkii madaxtinimada ee wadanakan.

Dhalinta ayay siyaasiyiintu iyo mas,uuliyiin bada ooga kala hadleen siyaabo kaladuwan waziirka biyaha hawenayda lagumagacaabo Charity ngilu ayaa iyadu dhan keeda codsatay in laga qaado ooda dhalintan ayada oo sabab oo gadhigtay in aanan lasooqabaniin dadkii ka mas,uulka ka ahaa rabshadaha.

Maxaabista ayaa waxay dhaga hooda kubeertay hadalakan rajowayn oo hunguri galiyay in la iska siidayn doono billaa maxkamad, hasayeeshee waxaa gashaanka udaruuray hadalkaa jawaab adagna kabaxshay waziiraka dasduurka iyo cadaalada gabadha lagumagacaabo martha karua ayada oo sheegtay in ruux walba laga abaalmarin gabood falkiii uu gaystay taas oo lagumacneeyay waysha gowrac dibigu haku quusqaatee!!

a.a.a. NABAD DOONE

Nin hubaysan oo afka soo duubtay oo ciyaal ku laayey magaalada Kismaayo


Kismaayo:-Nin afka iyo indhaha soo duubtay ayaa caruur ku laayey magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, ninkaan ayaa waxaa uu weerar ku soo qaaday gurigii ay caruurtaan deganaayeen waxaan uu ku furay rasaas ,rasaasta uu furay waxaa ku dhintay 2 caruur ah halka 2 kalena uu ku dhaawacmeen.

Ninkaan hubaysan ayaa falkaan foosha xun waxaa uu ka geystay xaafadda Guulwade oo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, ilaa hadda lama garanayo u jeedada guracan ee ka danbaysay falkaan arxanka daran ee uu ninkan hubaysan uu ku xasuuqay caruurta.

Falalka guracan ayaa maalmahaan danbe ku soo badanay magaalada Kismaayo falalkaan oo ay geysanayaan Maleeshiyaad hubaysan oo dhibaato ku hay dadka degan magaalada Kismaayo,Maleeshiyaadkaan ayaa caado ka dhigtay inay khal khal galiyaan nabad magaalada Kismaayo ,dhigtan jidgooyooyin wadooyinka magaalada.

Ninka falka geystay ayaa la sheegayaa inuu baadi goob ugu jiray Aabihii dhalay ciyaalka ka dib markii uu waayeyna uu caruurtii laayey ,arinkaan ayaa aad uga yaabisay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dadweynaha iyo waxgaradka magaalada Kismaayo ayaa arinkaan aad uga xumaaday iyagoo falkaas ku tilmaamay mid lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida , Culimada iyo waxgardaka magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay Beesha Sade ee gacnta ku haysa magaalada inay ka hortagaan falalka foosha xun oo ay wadaan maleeshiyaadka hubaysan ee ku abtirsada isla Beesha Sade.

Source: halgan.net

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Estren Cape ee wadanka South Africa oo kaqayb galay Xaflad Wayn oo lagu qabtay Magaalada Grahamston.

Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika oo ka heshay martiqaad dawladda k/afrika ayaa xalay kaga qeyb gashay furitaanka (NATIONAL ARTS&CULTURE FESTIVAL) oo ka furmay magaaladda GRAHAMSTOWN ee Gobolka Eastern cape ,shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 15 kun oo ruux oo ka kala yimid dacaladda wadanka k/afrika ,waxaa kale oo ka soo qeyb galay madaxda dawladda qeebaheeda kala duwan iyo uruuradda bulshadda.

Khudbado dhaadheer kadib iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka waxaa loo dareeray casho sharaf eey sameysay premier-ha gobolka Eastern cape oo lagu qabtay dhismahan oogu da’da weyn magaaladda grahamstown kaas oo la dhisay 1820 dhismahaas ayaa loo yaqaanaa 1820 settlers oo xarun u ah (national arts&culture)

Wafdiga jaaliyadda soomaaliyeed ayaa u casho tagay Graham HOTEL oo loogu diyaariyay casho xalaal ah oo waafaqsan diinta islaamka,

Abaarihii 12:00 pm ee fiidnimo ayuu kulan dhex maray wafdiga jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika & premier-ah Gobolka Eastern cape kaas oo qaatay 30 daqiiqo jaaliyaduna eey ku gudbisay dhanbaal xambaarsan xaaladda guud ee ummadda soomaaliyeed ee Gobolka & baahida arrdayda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda port Elizabeth ,

Wafdiga jaaliyadda ee kaqayb galay xafladaas balaadhan ayaa isugu jiray labo qaybood oo kal ahaa:-
Wafti kayimid Dhanka magaalada P.E, East London. iyo Xubno katirsan Jaaliyadda oo siidegenaa magaalada ay xafladu kadhacday.

Kaqayb galayaasha Xaflada ee kasocday Jaaliyada soomaaliyeed ayaa kala ahaa sidan

1- C/Raxmaan Raabi { gudoomiye kuxigeenka jaaliyada Gobolka Eastern cape}

2- Muxiyadiin Nuur jilley { madaxa maaliyadda & isboortiga }

3- Cismaan sh. Cabdi {xoghaya uruurka arrdayda}

4- C/wahaab ibrahim Xakar { gudoomiyaha xafiiska East London}

5- C/laahi faarax { xoghayaha xafiiska East London}

6- Xuseen Ibrahim { Madaxa isboortiga & dhalinyaradda ee East London}

- Khadar Siraad Maxamud { Madaxa xafiiska Grahamstown}

8- Maxamed Bishaar { xoghayaha xafiiska Grahamstown}

9- Maxamud Adan Baari {xubin grahamstown}

Wafdiga jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) ayaa ka soo baqoolay madashii shirka 11:am subaxnimo una kala dhaqaajiyay magaalooyinka kala ah East London ,port Elizabeth , grahamstown ,

Dawladda k/afrika ayaa qadarisa jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka ayadoo u aragta ineey tahay jaaliyadu safaaraddii soomaaliyeed ee dalka k/afrika

Abuu sumaya/- Grahamstown s/Africa

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho oo Hoobiyaal lagu Garaacay.

Tiro hoobiyaal ah ayey kooxaha ka horjeeda dowladda waxa ay ku weerareen xaruntii hore ee warshadda Baastada oo fariisin u ah cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee jooga gudaha Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararku madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha iyo hareeraha warshadda Baastada kuwaas oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ay u geysteen ciidamada Ethiopia.

Jawaab madaafiic ah oo ay bixiyeen ciidamada Ethiopia Ethiopia ayaa la sheegay in ay ku dheceen deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa, lamana haddii madaafiicdaas ay khasaare u geysteen dad rayid ah.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen daryanka madaafiic xooggan oo ku dhaceysa xarunta warsadda Baastada, iyadoo dadku ay sidoo kale sheegeen in ciidamada Ethiopia ay madaafiic jawaab ah ku duqeeyeen deegaanka Suuqa Xoolaha.

Si kastoy ahaato ciidanka Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee warshadda Baastada ayaa ah kuwo ugu badan ee lagu weeraro madaafiicda, iyadoo goobaha ku dhow warshadda Baastada ay yihiin kuwa haanaya markii dadkii ku dhaqnaa ay isaga hayaameen.

Baadhitaan ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kasameeyeen Magaalada Jigjiga oo Dad badan oo Shacab ah Lagu Xidh xidhay.

Baadhitaannadii habeen hore ka socday Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu qabqabtay dad aad u tiro badan oo Shacab ahaa kuwaas u badnaa haween iyo dad waayeel ahaa, baadhitaannadan ayaa si wada jir ah waxaa u samaynayay Ciidamada Guumaysiga iyo Booliska Jigjiga iyagoo dadka waydiinaya Waraaqaha Aqoonsiga qofkii ay ka waayaana xabsiga u taxaabayay.

Meelaha ay inta badan baadhitaannadu ka socdeen ayaa u badnaa isgoyska wadada aadda dhinaca Isbitaalka, sidoo kale waxaa uu baadhitaanku ka socday Isgoys kale oo dhinac mara Tiyaatirka weyn ee Jigjiga. dhammaan meelahaas iyo meelo kaleba waxay Guumaysigu ka wadeen baadhitaanno xoogganaa.

Ilaa iyo hadda waxaa la ii xaqiijiyay in tiro badan oo Shacabka magaalada ah la la'yahay kuwaas oo baadhitaannadii xalay lagu xidhxidhay, waxaa la ii sheegay oon aniguna markii dambe soo arkay ugu yaraan 30 qof oo ku jira Xabsiga Degmada Jigjiga, kuwaas oo baadhitaannadii xalay ka jiray magaalada Jigjiga lagu qabqabtay, waxaan xasuustaa oon marna ilaawin markii aan xalay arkay Gabadh xambaarsan ilma yar oo mid ka mid ah Guumaysiga uu dhinac u tuuray intuu garabkeeda qabtay oo ay dhici gaadhay gabadhaas maysan wada Warqaddii Aqoonsiga.

Haddaba baadhitaannadii xalay ka jiray magaalada Jigjiga ayaa ahaa kuwii ugu waaweynaa maalmihii u dambaysay een soo dhaafnay iyadoo baadhitaannadan xalay Shacab aad u tiro badan lagu qabqabtay kuwaas oon hadda intooda badan la garanayn meelaha ay ku xidhxidhan yihiin marka laga reebo dhawrka qof ee ku jira Xabsiga Degmada Jigjiga.

Lama garanayo waxa keenay baadhitaannadan iyo in la qabqabto hal habeen tirada intaa dhan balse guumaysiga iyo maamulka la shaqeeyaba waxay caadeysteen mar alaala iyo markay shakiyaanba inay baadhitaano noocan oo kale ah ku dhaqaaqaan, balse ilaa iyo hadda ma dagana niyadooda si kastoy baadhitaan u sameeyaan iyo si kastoy dad Shacab ah u xidhxidhaan.


Hay'adda WFP oo Raashin mucaawino ah u qeybisay Dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe.


Hay'adda WFP ayaa raashin mucaawino ah u qeybisay dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe, xilli ay sii kordhayaan dadka u geeriyoonaya gaajada iyo cudurada ka jira dalka Soomaaliya.

Qoysas fara badan oo ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ayaa ka faa'iideystay deeqdaas mucaawinada ah, iyadoo hay'addu ay qoysaskaas gaarsiisay kaalmooyin kala duwan.

Qaar kamid ah dadka deeqda ay u qeybisay hay'adda WFP ayaa si aad u soo dhaweeyey arrintaan, iyagoo sheegay in deeqda la soo gaarsiiyey xilli ay aad ugu baahan yihiin, waxaana at intaas raaciyeen in hay'adda WFP ay ka codsanayaan inay sii wado gaarsiinta deeqaha ay u qeybisay.

Waxaa sidoo kale hay'addu ay deeq kaalmo ah ay gaarsiisay dad ku dhaqan miyiga gobolka Sh/ dhexe kuwaas oo ay heysatay xaalad nolol xumo oo aadu liita, waxaana dadla raashinka loo qeybiyey ay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley.

Si kastaba ha ahaatee hay'adda WFP ayaa gobolada dalka Soomaaliya waxa ay ka wadaa qeybinta deeqo kaalmo ah kuwaas oo aan ku filneyn dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka isbiirsaday ay ku heystaan dalka Soomaaliya.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com