Wararka maanta

Magaalada Jigjiga oo Caawa fiidkii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Bandaw lagu soo rogay.

Bandaw ayaa caawa fiidkii waxaa lagu soo rogay magaalada Jigjiga iyaoo la yareeyay isu socodka magaalada, Baabuurta ayaa sidoo kale la joojiyay inay dhex socdaan magaalada iyadoo dadka lugta ahna la waydiinayo Aqoonsigooda, halkay ka yimaaddeen iyo halka ay u socdaan.

Bandawdan ayaa salka ku haysa iyadoo maalinta barri ah ay tahay maalintii uu Guumaysigu qabsaday Dhulka S/galbeed oo Dalka Itoobiya looga dabaaldagayo. waxaana la sheegayaa in dadka Shacabka iyo guud ahaan dadka Ree Jigjigaba lagu amray inay isa soo xaadiriyaan banaanka la isugu imaanayo oo ah banaanka kubadda cagta ee ku yaal Kililka gudihiisa.

Balse dad badani oo Degaanka ahi waxay is waydiinayaan qofkii tagi lahaa bari halkaas iyadoo sidoo kale Guumaysigu qasab kaga dhigay in la isku yimaaddo oo la wada yimaaddo halkaas qofkii imaan waayana la ciqaabi doono.

Dadka ayaa wada xasuusan wixii qabsaday doorkii hore maalintan oo kale dhibkii dhacay oo shacab badani naftooda ku waayay qaar kalena ku dhaawacmeen, iyadoo Guumaysiguna Askartiisu buuxday meesha oon haba yaraatee waxba ka celin dadkii balse iyagii daalac u raaday oo ku eedeysay inay ka dambeeyeen falkaas xasuusqa ahaa.

Haddaba bari qasab ayaa lagaga dhigay Shacabka inay isugu yimaaddeen goobtaas balse waxaa la is waydiinayaa xaalku siduu noqonayaa iyadoo qof waliba ka cabsi qabo in gurigiisa intay Guumaysigu ugu yimaaddo kaddib ka xeeyo amase xabsiga u taxaabo iyadoo qofka sidaa ah ee maalinta barito aan imaaninn goobta la isugu imaanayo Guumaysigu u aqoonsanayo Nabad-diid.

Shacabkana waxaan ugula talinaynaa inaysan isku tagin meeshaas uu Guumaysigu dadka isugu yeedhayo waayo wixii ka dhaca ee dhibaato ah Shacabka ayaa wax ku noqonaya ee cid kale waxba kuma noqonayso Shacabkuna faa'iido uguma jirto meeshaas iyo maalinta baritaba waayo waa maalintii isaga Shacab ahaan la qabsaday ee Shacabow u feejignow barito.

Sheekh Xassan Daahir Uwees oo ka dhawaajiyay in uu sameenayo Guuddi soo baadho Khilaafka hareereeyay isbahaysigaaa

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in ay sameynayaan guddi soo baaraa khilaafaadka hareeyey isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara.

Sheekh Aweys ayaa sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ahaa mid isaga uun ku eg oo fakirkiisa aan dhaafsiisneyn islamarkaana aanu ku matalin xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay guddi gaar ah u saarayaan kuwaas oo ka soo arrimiya khilaafka u dhexeeya isbeheysiga dib u xoreynta , isagoo hadalkiisa ku sheegay in xubo ka tirsan isbeheysiga ay wadaan ujeedooyin guracan.

"Ma ahan in shacabka Soomaaliyeed xiligaan la marin habaabiyo, waayo dhibaatooyin badan ayaa ka jira dalka Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadlayey.

Xubnaha Isbeheysiga dib u xoreynta Asmara ayaa u muuqda kuwa warbaahinta eedeymo iyo dhaleeceyn isaga jeedinaya, waxaana arrinta ay sii xoojiyey markii uu guddoomiyaha isbeheysigaas ku eedeeyey dowladda Eretrea in ay wado qorshe ay ku kala dhantaleyso isbeheysiga.

Si kastaba ha ahaatee isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa iminka ka dhex aloosan khilaafaad xooggan oo xubnaha isbeheysiga u qeybiyey labo dhinac oo xarumo ka kala dhigtay dalalka Jabuuti iyo Eretrea.

Markab laga leeyahay Dalka Holland oo Burcad Badeed Soomaali ah ku afduubteen Badda cas.

Markab laga leeyahay dalka Holland ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxa ay ku afduubteen xeebaha gacanka Cadan, xilli seddax maalin ka hor la sii daayey markab ganacsi oo ay kooxo burcad badeed ah ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Afduubka markabkaan waxaa xaqiijiyey milkiilaha markabka oo dhalashadiisu tahay dalka Holland oo lagu magacaabo Raide kaas oo sheegay in guud ahaan ay waayeen isgaarsiintii markabka islamarkaana aaney jirin faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo afduubka markabka.

Wuxuu sheegay in shaqaale gaaray 9 qof oo u kala dhashay dalalka Ruusha iyo Filipin ay saarnaayeen markabka, isagoo intaa raaciyey in ay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan kooxaha burcad badeedka ah ee markabka qafaashay.

"Waxaanu ka welwel sanahay xaaladda shaqaalaha markabka oo aanu hadafka koowaad saareyno badqabkooda, markaa kadibna waxaanu la macaamileynaa burcadda afduubatay markabka" ayuu yiri Raide oo ah milkiilaha markabka.

Afduubka maraakiibta ayaa joogto ka noqday xeebaha Soomaaliya iyo tan badweynta Hindiya, waxaana kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ee afduubata maaakiibta ay sii deynta maraakiibta ku xiraan shuruudo ay kamid tahay in la siiyo lacago madax furasho ah taas oo badanaa ay bixiyaan shirkadaha ama shaqsiyaadka iska leh maraakiibta.


Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com