|
Wararka
maanta
|
||
|
Shir Caalami ah oo lagu Muujinayo Nacaybka Yahuuda oo lagu qaban Doono wadanka Iiraan Todobaadka Soo socda. Ururka
ardayda wadanka Iiraan oo lagu magacaabo [al- cadaala] ayaa qabanaysa
shir caalami ah, oo ay kasoo qayb galayaan wadamo badan , shirkaas oo
lagu qabanayo caasimada dahraan ee wadankaas . Shirkaas ayaa lagu sheegay in uu cinwaankiisu yahay Baabi 'inta israa iil, isagoo laqaban doono maalinta isniinta ah ee inagu soo aadan,iyadoo alasheegayo in lagu dhex qaban doono jaamicadalayiraahdo ( Jaamicatu Dahraan). Shirkan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalaya macallimiinta caalamka oo dhan sida Macalimiinta Masar, Fanazweela, Marooko ,Liibiya ,Lubnaan , Indonaysiya , Maraykanka ,Bkistaan, Arjantiin, Hindiya, Ciraaq, Suuriya, Chiili, Sacuudiga, Aljeeriya, Faransa iyo Tuunis. Ugu dambayntii Shirkan ayaa lagu soo qaadan doonaa taageerida falastiin iyo sidii loo tirtiri lahaa yahuuda. Xaflad lugu maamusayay maalinta Africa oo y kadhacday Xarunta Gobalka Eastern Cape Ee wadanka K/Africa.
Xafladaas oo looga hadlayay ahmiyada ay leedahay midnimada iyo wada noolashaha umada afrikaanka ah ayaa waxaa lugu casuumay qaar katirsan xubnaha jaaaliyadaha kala gadisan ee kajira wadankan. Jaaliyada kazoo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Jaaliyada Soomaliyeed ee SOMALI ASSOCIATION OF SOUTH AFRICA (SASA) oo matalaysay magaca umada soomaaliyed maadama aysan jirin dowlad somaliyeed oo kaqaybqadaneyso ama safiir ufadhiyo wadankan. Waxaa ka mid ahaa Xubnihii kaqayb galay shirka maalinta Africa madaxda Dowlada K/Africa ee sarsare wasiiro,Gabarna toorayaal,iyo dhamaan waxgaradka,aqooniyahanada. Dhanka ajaanibta ayaa waxaad moodeeysay in aysan kasooqaybgalin dad badan inkastoo lugu casuumay dadkooban. Shirka aya waxaa looga hadlay dhibka kajiro wadanka ee Xenophobia oo ah ajaanib naceeb taasoo kaliftay in ay ku basbeelaan Kumanaan qof hanitidoodii kuna nafwaayeen inkabadan 50 qof oo ajinabi ah. Madaxdii kasoo qaygashay ayaa waxaa ay muujinaayeen in ay kaxunyihiin dhibka kasocda wadanka oo ah mid fadeexo ku ah umada udhalatay wadankan oo anan aheeyn umada damiir leh oo aanan aqoon wuxuu yahay muwaadin iyo micnaha afrika midna . Waxay sidookale ku guubaabiyeen dadka ajaanibta ahaa oo ay kamid aheed soomaalida in ay dalka dalkoodi yahay kana digtoonaadaan dadka xunxun ee xuma wadayaasha ah Iskana ilaaliyaan dadka doonaayo in ay duleeyaan oo magic xumada usoo jiidaayo wadanka dhan wixii ay arkaan oo dhib iyo qalalaaso wadana ay lasoo socodsiiyaan gudiga meesha ay kunolyihiin si markaas ay wax ooga qabtaan. Dhanka jaaliyada waxaa kaqayqaatay shirka oo si firi fircooni leh ooga hadlay dhibka kajira wadanka iyo umada barakacdayna kahadlay 2 xubnood ookala ah Gudoomiyaha Dhalinyara Soomaliyeed ee South African Mudane C/laahi Careeys Daahir iyo Gudoomiyaha Sportiga Jaaliyada Mudane Muxuyadiin Nuur Jiileey oo si aad ah ooga hadlay wax qabad la,aanta iyo dhibka ay ku hayaan shacabka South afrikaanka ah dadka qaxootiga ah ee kudhaqan wadankooda oo usoo magan galay taas oo ay aad oga xumaaden madaxdii fadhiga joogtay. Dhalinta Soomaliyeed ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan hantida ay heestaan umada kudhaqan gobalkaan Eastern Cape. Maadaama uu yahay Gobalkan midka kali ah ee uusan kajirin dhibka wadanka kajiro intiikale ee wadankana lugusookala kacay. Ugudanbeentii ayaa waxaa loogubaqay dhamaan hay adahah dawliga ah in aaysan gacmaha kalaaban dhibka kasocdo wadanka ee ay waxkaqabtaan Reported
by ismacil turkey Duqeyn xalay loo geystay deegaano ka tirsan Degmooyinka Saakow iyo Jilibgobolka ee J/dhexe Duqeyn ayaa xalay loo geystay deegaano ka tirsan gobolka J/dhexe gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Saakow iyo Jilib, iyadoo ay soo baxayaan in uu jiro khasaare ka dhashau duqeyntaas. Wararka laga helayo degmada Saakow ayaa tibaaxaya in xalay abaaro 8:00 fiidnimo la maqlay daryan xooggan iyo iftiin meelo badan oo kamid ah gobolka J/dhexe laga arkayey, waxaana wararku ay intaas raacinayaan in walxo lagu qiysaaday gantaalo ay ku dheceen inta u dhexeysa degmada Saakow iyo tuulo la yiraahdo Shuwaarey. Si cad looma oga cidda soo riday gantaalahaas, hase ahaatee dadka ku dhaqan gobolka J/dhexe qaarkood ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka mareykanka ay duqeyeen deegaanaas, iyagoo sheegay in duqeynta ka hor ay arkayeen diyaaradaha mareykanka oo joog hoose ku duulaya. Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in dad xoolo dhaqato ah ay ku geeriyoodeen duqynta inkasta oo aan warkaas illaa iyo iminka si toos ah loo xaqiijin. Dadka ku dhaqan deegaano badan oo ka tirsan gobolka J/dhexe ayaa wel wel ka muujiyey duqeyn loo geysto deegaanada ay ku dhaqan yhiin, waxaana ay ku baaqeen in dadka maatida ah laga daayo duqeynta. Diyaaraha dagaalka mareykanka ayaa dhowr mar duqeeyey deegaano ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah, iyadoo dhowr jeer duqeyntaas ay ku waxyeeloobeen dad u badan xoolo dhaqato. Dowladda mareykanka oo markii ugu horeysay ka dhawaajisay in uu Taageersan Yahay Dadaalada Qaramada Midoobay ay ku dhexdhexaadineyso Soomaaliya. Dowladda mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay taageersan tahay dadaalada Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadineyso mucaaradka iyo dowladda KMG si loo soo afmeero mashaakilaadka ka jira dalka Soomaaliya. James Swan oo ah ku xigeenka xoghaya kaaliyaha arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegay in dowladda mareykanku ay aad ula dhacsan tahay qorshaha ay wado Qaramada Midoobay islamarkaana ay isugu soo dhaweyneyso dhinacyada ku dirirsan dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladiisu dooneyso in la soo afjaro dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya islamarkaana ay taageereyso dadaalo kasta oo lagu soo afjarayo colaadaha iyo dagaalada ka aloosan gudaha dalka Soomaaliya. "Waa arrin wanaagsan in xiligaan ay Qaramada Midoobay dib u heshiisiin ka dhex abuuro dhinacyada Soomaalida oo muddo badan ku kala aragti duwanaa arrimaha Soomaaliya" ayuu yiri ku xigeenka xoghaya kaaliyaha arrimaha dibadda mareykanka James Swan. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalada iyo colaadaha ka jira Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan islamarkaana wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya uu ku boorinayo dhinacyada Soomaalida ee isku haya siyaasadda Soomaaliya in ay heshiis gaaraan. Dad badan
oo arrimaha siyaasadda indha indheeya ayaa aamin in dowladda mareykanka
ay fara galin qaawan ku heyso arrimaha Soomaaliya islamarkaana ay gadaal
ka riixeyso dowladda Ethiopia oo ciidamo fara badan ay ka joogaan dalka
Soomaaliya. Magaaladda Boosaaso ee Maamulgoboleedka Puntland oo ay Xalay Qaraxyo kala duwani kadhaceen. Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee maamul goboleedka puntland, ayaa waxa mar qura oo qadar daqiiqado yar u dhaxeyso laga maqley Magaalada 2 qarax oo ahaa kuwo aad u xoogan . 2 Qarax ee Caawa gilgiley Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay ka dhaceen laamiga dheer ee dhex mara Magaalada, iyada oo aan ilaa iyo hadda ri sami ah loo ogeyn waxa ay ahaayeen oo ay ka dhasheen qaraxyadaasi. Dhanka kale intii u dhaxeysay 2 da Qarax iyo ka dibba waxa la maqlayey rasaas xoogan oo dhaceysa, taas oo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda rideysa iyo cidda lala beegsanayo midna, waxa ayna qaraxyadini ku soo aadayaan xilli Magaalada inteeda badan laga seexdey oo dhaq dhaqaaqo aad u yar yahey. Wararkii ugu danbeeyey ee naga sooga Magaalada Boosaaso waxa ay sidoo kale sheegayaan in ilaa iyo hadda laga maqlayo agagaaraha halkii ay qaraxyadu ka dhaceen rasaas xoogan oo dhaceysa, gaar ahaan qoryaha tiknikada ah oo ilaa iyo hadda la ridayao, taas oo loo maleynayo in ciidamu ridayaan in kastoo aan warar rasmi ah laga laheyn xaalada meesha qaraxyadu ka dhaceen. Lama oga inta uu leegayahey khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashey 2 dan Qarax ee aad u waaweyn ee caawa mar qurra laga maqley Magaalada Boosaaso inteeda badan, waxa sidoo kale aan la ogeyn cidda lala beegsadey iyo cidda ka danbeysa midna, Magaalada Boosaaso oo inteeda badan ah mid faaruq ah oo dadkii ka kala hoydeen. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |