Cudurka
shuban biyoodka oo ka dilaacay magaala madaxda gobalka Nogbeed Fiiq,
dhulka lagumaysto ee S/galbeed.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Fiiq ayaa sheegaya in magaaladaas uu ka dillaacay
markii u horreysay Cudurka Shuban-biyoodka isla markaana uu faraba'an
ku hayo Shacabka ku nool magaaladaas.
Dadka
uu Cudurkani ku dhacay ayaa dhammaantood waxaa la jiifiyay Xarumaha
Caafimaad ee ku yaal Magaaladaas, Xafiiska Caafimaadka ee Degaanka iyo
Hay'ado kale oo u xilsaaran dhinaca Caafimaadka ayaa iska kaashanaya
sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka uu Cudurkani ku dhacay ee deggan
magaaladaas.
Sidoo
kale waxaa magaaladaas gaadhay gargaar Caafimaad oo ay keentay Hay'adda
WHO oo wax looga qabanayo Cudurkan Shuban-biyoodka ah ee magaaladaas
ku dhacay, Adeegga Caafimaad ee wax loogu qabanayo dadka uu Cudurkani
ku dhacay ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya Dhakhaatiir sare oo
laga kala keenay Caasimadda Jigjiga iyo Addis Ababa.
Kalkaaliyayaal Caafimaad oo tababarkoodu aad usareeyo iyo waliba dad
takhasusu u leh Cudurada noocan oo kale ah oo iskood isku xilqaamay
ahna dadka gobalaka u dhashay aya hada, waxay dadkani dhammaantood ku
sugan yihiin Magaalada Fiiq
Waa
markii u horreysay ee Cudurkani lagu arko magaaladaas, iyadoo hadda
ka hor uu Cudurkani ka dillaacay dhawr Degmo oo ka tirsan Dhulka Soomaaligalbeed,
waxaana bilahan lagu hawlanaa sidii Cudurkaas looga dabar goyn lahaa
meelaha uu wali raadkiisu ku laaban yahay ama uu hadda ka dillaacay.
Cudurkan ayaa ka dhasha Nadaafad darro dhinaca Biyaha ah, Magaalada
Fiiqna inta badan Biyaha la isticmaalaa waa Biyo Ceel oon la ilaalin
karin Nadaafadiisa, tan ayaa keentay in halmar si kadis ah loogu arko
magaaladaas Cudurka Shuban-biyoodka.
Sanadkan
ayuu cudurkaas dad badani ugu dhinteen dagmooyinka ka tirsan gobalka
Nogbeed wakhtigaas oo ayna dadkaasi helin haba yaraatee wax gurmad ah
waxayna ciidamadda gumaysiga dhamaanba shaqadii ka joojiyeen Hay adihii
ka howlgali jiray gobalkaas
Wariye
Cabdi Saalax
Fiiq, Soomaaligalbeed
Back