|
Wararka
maanta
|
||
|
Isbahaysiga Dib Uxoraynta Soomaaliyeed ee uu Fadhigoodu yahay Asmara oo War bixin dheer Kasoo saaray Haysashada Dhulka Soomaaliyeed. Haddaba,
hayadaha Isbahaysiga Dibu Xoraynta Soomaaliya, guddiyada Fulinta
iyo Joogtada ee Golaha Dhexe oo jooga Xarunta rasmiga ah ee Isbahaysig,
Asmara, Eritrea, wax ay caddayeen arrimaha soo socota, iyadoo weliba la
sugayo shir degdeg ah ee Golaha Dhexe oo isu-dhan, kuna muddaysan in uu
bilaabmo 3 July 2008 oo qaadan doona goaamo u gaar ah. Kadib in ka badan toban iyo lix sano oo ay dalka ka jireen qabqablayaal dagaal, kooxaysi iyo xukuumad dhexe laaan, bay dadka Soomaliyeed oo ay hoggaaminayeen Golaha Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliyed wax ay kasbadeen nabad iyo degganaansho inta badan dalkooda, kuse ekayd muddo gaaban (june-Disembar 2006). Taas oo u muujisay daka Soomaaliyeed nal rajo ka sii iftiimayay jid dheer (tunnel) oo lagu gaari lahaa nabad waarta, amni iyo dibu dhis lagaga soo kaban lahaa burburkii dheeraa. Intaas oo horumar ah wax aa gaaray Soomaalida keligeed iyado aan adduun weynaha waxba kaga bixin. Hase yeeshe, ayaan darro, quwado iyo canaasiir ay dawladda Maraykanka ee Bush hormuud u ahayd baa massiibo u arkay nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed gaareen. Markaa kaddib colaad gar darro iyo duulimaad lid ku Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed baa la soo abaabulay oo dalka lagu qabsaday. Wax aase ka darrayd oo noqotay ka dar oo dibi dhal in dawladda Maraykanka ee Bush u wakiilatay fulinta duulimaadkaa Ethiopia oo ay dadka Soomaaliyeed col ahaayeen in ka badan shan qarni iyo badh. Iyadoo hadda sannad guuradii labaad ee haysashada Soomaaliya ay soo dhow dahay bay ciidamad cadowga Ethiopia wax ay dul fadhiyaan burburka Soomaaliya iyagoo fulin kari waayay xadgudubyadii loo wakiishay. Tan iyo waqtigaa Soomaaliya wax aa haysta ciidamada Ethiopia oo Maraykanku u wakiishay, reer galbeeka kale taageeraan. Wax ayna si joogto ah uga galaan dadka Soomaaliyeed dembiyi dagaal oo xasuuqineed (eeg lifaaq Brief Update). Kaddib markii
ay ciidamada Ethiopia ku guul daraysteen hawl galladii loo
wakiishay oo ay muquunin kari waayeen xoogagga wax iska caabinta ee qaranimada
Soomaaliyeed ee goobaha dagaalada, bay taageerayaashooda reer galbeedku
qorhseeyeen muaamarat waan-waaneed oo marin habaabin ah loona wakiishay
hayadda Qaramada Midoobay (QM), hayaddaas oo tan iyo intii
madaxeeda loo magcaabay Ban Ki-Moon noqotay qayb ka mid ah siyaasadda
arrimaha dibedda ee Maraykanka. Waan-waanta main habaabinta wax aa ka mid ah iyadoo dhibaatada keli ee Soomaaliya ay tahay haysashada Soomaaliya oo loo wakiishay ciidamada cadowga Ethiopia waan-wwanta laga dhex wado laba kooxood oo Soomaaliyeed meeshaba sooma geli karto iyadoo aysan muddo dheer jirin wax colaad ah oo Soomaali dhexdeeda haba yaraatee tan iyo intii dalka la qabsaday iyo kahorba iyo ka dibba. Ujeeddooyinka loo abuuray waan-waanta marin habaabinta waa saddex: Si loo daboolo fashilka cfiidamada Ethiopia oo loo wakiishay haysashada Soomaaliya. Si loo sharciyeeyo sii joogitaanka hadda xaaraanta ah ee ciidamadaa kor ku sheegan. Wax aa sidaa marag u ah, waan-waanta marin habaabinta uu wad Paul Bremerka cusubi/Safiir Abddalla wax aa lagu bilaabay Nairobi daba yaaqadi bishii Marso 2008. Saddex toddobaad kaddib Meles Zenawi wuxu parliament u yaalkiisa u sheegay in ay ciidamadiisu joogi doonaan Soomaaliya intii uu asagu doono, cid ku beenisayna majirin ama ha ahaadeen taageerayaashiis reer galbeedka ama wakiilka QM oo wada waan-waan beeneedka, wax kasta oo ay ku micneeyaan kuwa saxeexay heshiis ku-sheeggaa. Xubnaha Isbahaysiga ka goostay oo isu dhiibay daba dhilifyada Ethiopia wax ay oggolaadeen oo saxeexeen heshiis ku-sheeg aan la oggolaan karin oo ay la galeen daba dhilifyada u adeega gumaysiga Ethiopia iyadoo ay ciidamadii cadowgu sidoodii dalka ugu sii jirayaan. Heshiis ku-sheeggaa ay saxeexeen wuxu si cad u qeexayaa hanjabaado gumaysi oo lid ku ah xooggaga wax iska caabinta iyo xaq u dirirka oo is dhiibi waaya iyo ciddii kale oo ka hor timaadda heshiis ku-sheeggaa, halka isla markaana la sii xoojinayo haysashada Ethiopia ee dalka hooyo. Hanjabadahaa gumaystayaasha reer galbeedka dheg looma jalaqsiin doono wax kasta oo ka iman karaba. Waan-waanna lala yeesho daba dhilifyada u adeega gumaysiga waa xaaraan, mana dhici karto, iskaba daa heshiis lala galo eh tan iyo inta dalka laga xoraynayo gumaysiga Xabashida. Isbahaysiga Dibu Xoraynta Soomaaliya wuxu ka soo hor jeeda isku xidh bixitaan ciidamada gumaysiga Ethiopia iyo kuwo kale oo shisheeye oo iyaga lagu beddelo. Maxaa yeelay Ethiopian-ku awelna u ma iman nabadayn haddana ma hayaan hawl nabadeed. Doodda taageerayaasha Ethiopiareer ee galbeedka oo ah in firaaq amni (security vacuum) dhici doono waa wax kama jiraan adduun weynaha lagu marin habaabinayo. Wax aanu dalbayna bixitaan degdeg iyo shuruud laaan ee ciidamada gumaysiga Ethiopia. Ciidamo kasta oo shisheeye oo ka hawl geli kara nabad ilaalin Soomaaliya waa in ay Soomaalidu isku raac san tahay sida ay u shaqayn doonaan, iwm. Si aanay mar dambe u dhici karin wax yaabihii hore loo saluugay tan iyo waqtigii hawl galladii UNOSOM. Ugu dambayn
hal ku dhegga reer galbeedka ay ku tilmaamaan daba dhilifyadaTFG
dawlad la aqoon san yahay waa magic beenaad maadaama aanu dadka Soomaaliyeed
weligeed aqoonsan. Dawlad wax aa aqoonsi siin kara oo geliya dadkeed,
taasna TFG ma haysato.
Golaha Dhaqanka Beesha Hawiye oo Dowladda KMG ah ugu Baaqay in ay Dhibaatooyinka Ka deyso Shacabka Soomaaliyeed. Golaha dhaqanka Hawiye ayaa dowladda KMG ah ugu baaqay in ay dhibaatooyinka ka deyso shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay markii horeba la daalaa dhacayeen dhibaatooyin isbiirsaday oo ka jira dalka Soomaaliya. Afhayeenka golahaas Axmed Diiriye Cali ayaa dowladda KMG ah ka codsaday in ay dhibaatooyinka ka dulqaado shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u soo qatay shacabka ku dhaqan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir. "Maalin kasta dad shacab ah bey dhibaateeyaan ciidanka dowladdu, kuwa kalena xabsiyada ayey uga buuxaan, markaa waxaan leenahay shacabka dhibaatada ka daaya" ayuu yiri Axmed Diiriye Cali. Wuxuu intaas raaciyey in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihin garab qabasho ee aaney u baahneyn in dhibaatooyin joogta ah lagu hayo, isagoo intaa ku daray in taariikhdu ay xusi doonyto ciddii shacabka Soomaaliyeed dhibaateysa. Hadalka
Axmed Diiriye ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay
ciidamada dowladdu ka geysanayaan degmada Dharkeynley oo falkii ugu dambeeyey
uu ahaa markii ay halkaas ka kexeysteen dad ka badan 20 qof oo ay ka qabqabteen
aqaladii ay deganaayeen. Gaari Rakaab ah oo ka yimid Dhanka Magaalada Galkacyo kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho oo kooxo Burcad ah ay Rasaas Kufureen. Gaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Galkacyo kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayey kooxo burcad ah tacshiirad ku huwiyeen meel u dhexeysa deegaanada Fiidow iyo Jimbiley ee bartamaha gobolka Hiiraan. Dadka dhintay ayaa ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, waxaana ay kala ahaayeen labo rag iyo haweeney, waxaana la sheegay in labada ragga ah ee geeriyooday ay walaalo ahaayeen. Meydadka dadkaas ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso deegaanka fiidow ee gobolka Hiiraan, waxaana wararku sheegayaan in kooxaha burcadda ah ee falka dilka ah geystay ay ahaayeen kuwo soo boodda ah oo wadada u galay gaariga. Wadada isku
xirta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyey aheyd
mid amaankeedu uu fiican yahay kadib markii howlgallo burcad sifeyn ah
ay wadadaas ka sameeyeen ciidamo taabacsan maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |