|
Sheekh
Xasan Turki oo Maanta ku baaqay in la dagaalamo Ciidamada UNISOM iyo Itoobiya.
Sheekh
Xasan Turki oo kamid ah mas'uuliyiinta sar sare ee maxkamadaha ayaa maanta
ku baaqay dagaal ka dhan ah ciidamada ka socda Qaramada Midoobay ee la
filaayo in ay dalka yimaadaan sida lagu sheegay bayaan uu golaha amaanka
ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan
Turki ayaa wacad ku maray in ay dagaal la galayaan ciidamada Qaramada
Midoobay haddiiba ay yimaadaan Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka
Soomaaliyeed ay tahay in ay la dagaalamaan ciidamadaas.
"Meel
kasta iyo goob kasta waan ku dagaalameynaa ciidamadaas, waxaanu u aragnaa
in ay qeyb yihiin isticmaarka gaaladu ku heyso Soomaaliya, taasna ma ahan
mid aanu indhaha ka laabaneyno" ayuu yiri sheekh Xasan turki.
Wuxuu sheegay
in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada gumeysiga Ethiopia
ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheega in shacabka Soomaalida
ah ay horey ugu guuleysteen dagaallo dhowr ah oo ay galeen gaar ahaan
kii ciidamada UNISOM.
Wuxuu ku
tilmaamay waxba kama jiraan shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhexdhexaadinaayo
mucaradka iyo dowladda KMG, isagoo shaaca ka qaaday in xiligaan aanuba
jirin wax shir ah oo ay tahay in dalka laga xoreeyo ciidamada gumeysiga
Ethiopia.
"Anigu
waxaan kamid ahay cidkasta oo cadowga dagaalka kula jirta, kuwaas ayaanu
ehel nahay oo aan kamid ahay" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo ka
hadlayey cidda uu isagu urur ahaan kamid yahay.
Sheekh Xasan
Turki ayaa ah shaqsi mowqif adag leh marka loo eego xubnaha mucaaradka,
waxaana lagu tilmaamaa in uu kamid yahay shaqsiyaadka ad adag ee ku jira
mucaaradka ka horjeeda siyaasadda dowladda iyo joogitaanka ciidamada gumeysiga
Ethiopia.
Sheekh
Shariif Sheekh Axmed oo a ka dhawaajiyey in dowladda Eretrea ay wado qorshe
ay ku kala Jabinayso Isbeheysiga.
Guddoomiyaha
golaha fulinta isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Eretrea ay wado qorshe ay ku kala
dhantaaleyso isbeheysiga dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada
Asmara.
Hadalkaan
oo uu sheekhu ka sheegay kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada
Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayuu ku sheega in dowladda Eretrea uu
ku amaanayo dadaalo ay horey u sameysay, hase ahaatee iminka ay wado qorshey
ay ku kala jabineyso isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
"Waxaan
ugu baaqayaa madaxda dalka Eretrea in ay joojiyaan qorshaha ay ku kala
dhantaalayaan xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta, waayo xiligaan waxaa
loo baahan yahay in Eretrea ay qeyb ka qaadato dadaalada dib u heshiisiinta"
ayuu yiri Sheekh shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu intaas
raaciyey in uu aad uga xun yahay in xubno ka tirsan isbeheysiga ay warbaahinta
ka sheegaan hadalo niyad jab ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed, isagoo
tilmaamay in loo baahan yahay in xubnahaas ay dib uga fiirsadaan hadalada
keeni kara in dalka uu ku sii jiro fowdada iyo burburka.
Wuxuu sidoo
kale sheegay in uu bogaadinayo dadaalada ay beesha caalamka ugu jiraan
arrimaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay tahay in ay dhinacyada Soomaalida
dhamaantood ka qeyb qaataan dadaaladaas.
Hadalka
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u muuqday mid jawaab u ah hadalo ay dhawaanahaan
xubno ka tirsan isbeheysiga Asmara ay ka jeedinayeen warbaahinta ayaa
wuxuu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli khilaafaad xooggan uu hareeyey
isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee xaruntiisu tahay magaalada Asmara.
Inka
badan 50 Soomaali tahriib ah oo Ku dhintay Badda u dhexeysa Dalalka Talyaaniga
iyo Liibiya.
Inka
badan 50 Soomaali tahriib ah ayaa ku dhintay badda u dhexeysa dalalka
Talyaaniga iyo Liibiya kadib markii ay la qalibmatay dooni ay si tahriib
ah ugu galayeen xeebaha dalka Talyaniga.
Dadka geeriyooday
ayaa la sheegay in ay markii hore ka soo amba bexeen xeebaha dalka Liibiya
oo ay doon ka soo raaceen laakiin ay doontii ay saarnaayeen kula ciiray
badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.
Wararka
laga helayo dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ciidamada badda Talyaaniga
ay isbuuc ka hor badbaadiyeen Soomaali Tahriib ah oo la sheegay in ay
doon ka soo raaceen xeebaha dalka Liibiya kuwaas oo la sheegay in ay 6
kamid ah ay ku geeriyoodeen badda.
Dhinaca
kalena dadka Soomaalida ah ee sida tahriibka ku galaya dalka Talyaaniga
iyagoo sii maraya badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya ayaa
sii kordhaya, waxaana warar laga helay xeebaha dalka Liibya ay sheegayaan
in dad badan oo Soomaali ah oo doonaya in ay ka talaabaan badda u dhexeysa
Liibiya iyo Talyaaniga ay ku sugan yihiin xeebaha dalka Liibiya.
Soomaalida
tahriibka ah ee doonaya in ay helaan nolol ka fiican midda ay kaga soo
tageen dalka Soomaaliya ayaa badanaa ku geeriyooda badda, iyadoo meelaha
ugu badan ay dadka Soomaalida ah ku dhintaan ay kamid yihiin badda u dhexeysa
dalalka Yaman iyo Soomaaliya iy midda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo
Liibiya.
Qaar
kamid ah Xildhibaanadda DF ee Kusugnaa Magalada Muqdisho oo ay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya xabsiga Dhigeen.
Seddax
kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya ayey ciidamada Ethiopia ee fariisinka
ku leh xaruntii hore ee Asluubta waxa ay dhigeen xabsiga kadib markii
iyaga oo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ay ka qabteen meel ku dhow xarunta
Asluubta.
Mid kamid
ah xubnaha seddaxda ah ee la xiray ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada
Ethiopia ay qabteen deetana ay xireen, isagoo intaa raaciyeey in ilaaladii
la socotay ay ciidamada Ethiopia qoryihii ka qaateen islamarkaana ay xireen.
Xildhibaan
Ismaaciil Xasan Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada la xiray ayaa sheegay
in xubnaha kale ee lala xiray ay kala yihiin xildhibaan Cabdi Xaaji Ereg
iyo xildhibaan Cali Cismaan Jiidow.
Mar la weydiiyey
in ay ka war hayaan sababta ay ciidamada Ethiopia u xireen ayuu sheegay
inaanu ogeyn sabab loo xiro, isaoo intaa raaciyey in xitaa ay tuseen aqoonsigooda
xildhibaanim hase ahaatee ay madax adeegeen.
Waa markii
ugu horeysay oo ay ciidamada Ethiopia xabsiga dhigaan xubno ku jira barlamaanka
dowladda Soomaaliya iyadoo tani ay muujineyso in ciidamada Ethiopia ay
awood u leeyihiin in ciddii ay doonaan xabsiga dhigaan.
Ciidamada
Ethiopia oo Fariisin ka Samaystay dDeegaanka Yaaqbari Weyne ee Gobolka
Sh/hoose.
Ciidamada
Ethiopia ayaa fariisin ka dhigtay deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka
Sh/hoose halkaas oo weeraro iyo qaraxyo dhowr mar ciidamada Ethiopia lagula
beegsaday.
Ciidamada
Ethiopianka ah ee fariisinka ka dhigtay deegaanka Yaaqbari weyne ayaa
la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca gobolka Bay, waxaana dadka ku dhaqan
deegaankaas ay sheegeen in ay wataan gaadiidka dagaalka oo aan tiradooda
la sheegin.
Wararka
laga helayo deegaanada ku dow deegaanka Yaaqbari weyne ayaa sheegaya in
ciidamada Ethiopia ay halkaas ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, lamana
oga ujeedada ka dambeysa in ciidamada Ethiopia ay halkaas ka bilaabaan
dhaqdhaqaaqyo.
Waxaa la
sheegay in dadkii ku dhaqnaa deegaanka ay gebi ahaanba isaga carareen
deegaankii ay deganaayeen iyagoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kala kulmaan
ciidamada Ethiopianka ah ee deegaankaas fariisinka ka dhigtay.
Dhinaca
kalena ciidamo Ethiopianka ah ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la sheegay
in ay halkaas ka bilaabeen baaritaano aan weli la ogen in ay dad ku qabqateen.
Ciidamada
Ethiopia ayaa wararku sheegayaan in ay si aad u adkeynayaan amaanka magaalada
Baledweyne gaar ahaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan tan iyo markii
uu maamulka cusub gaaray gobolka Hiiraan.
Ilma
Yar oo 7sano jira ah oo u geeriyooday Qaniinyo Eey iyo Hooyadii oo Uwaalatay.
Ilmo
yar oo da'diisu ahayd 7 jir ayaa waxaa uu u geeryooday qaniinyo Eey, ilmahan
yar ayaa waxay reerkoodu degganaayeen xaafadda 7aad ee magaalada Jigjiga.
Hooyada dhashay Ilmahan ayaa markiiba waalatay oo miyirkii ka tagay kaddib
markay aragtay Ilmaheedii oo meyd ah.
Sida ay sheegayaan dadkii ay dariska ahaayeen xaafadda uu ilmahan yari
ka dhintay, Ayga ayaa Ilmahayar dhawr maalmood ka hor ka qaniinay lugta,
balse intii Dhakhtar la geeyay Ilmaha yar wuu iska caafimaaday oo waa
uu iska socday, qaniinyada Ayga ee ilmahayari uu qaniinay kaddib ayaa
qoyskii Ilmaha yar dhalay waxay ka diiwaangaliyeen Booliska iyagoo u sheegay
haddii Ilmahan yari wax u noqdo qaniinyada Aygaas masuuliyadeeda qaadayso
qoladii iska lahayd Ayga oo Xabashi ah.
Haddaba Ilmahan yar ayaa dhintay dhawr iyo toban maalmood kaddib qaniinyadii
uu Aygu u gaystay Ilmahaas, isla markii uu Ilmahan yari geeryooday ayaa
qoyskii uu ka dhashay Ilmuhu iyo dariskiiba waxay weerar dhagaxaan ah
ku qaadeen qoladii lahayd Ayga halkaasna khasaaro badan loo gaystay qoladii
Ayga lahayd balse Booliska Degaanka ayaa markiiba soo gaadhay Xaafaddii
waxayba Xabsiga u taxaabeen Islaantii lahayd Ayga qaniinay Wiilka yar
ee dhintay. arrinku sidaa kuma dhammaanin ee xitaa waxaa lala xidhay Aygeedii.
Waa markii u horeysay ee Ilma yari u dhinto qaniinyo Ay iyadoo dad badan
oo Xaafadahaas deggani cabsi weyn ka qaadeen Ayda xaafadahaas, inta badan
Xaafadaha Xabshida ayaa waxaa ku badan Ay intooda badani sumaysan tahay
oo qofkii ay qaniinaan halis ugu jira inuu u dhinto, Ilmahan yar markii
hore ee uu Aygu qaniinay wuu iska caafimaaday oo wax dhibaato ah ma qabin
laakiin halmar ayaa lagu soo booday Ilmaha baadhitaan lagu sameeyay Ilmaha
yar markuu dhintayna waxaa uu soo saaray in suntii Ayga ay dib ugu soo
kacday Ilmaha taasna ay sababtay inuu u geeryoodo.
Ayda sumaysan ayaa intooda badan ku badan magaalada balse intooda badan
waa la dilaa kuwa noocaas ah oo dadka Shacabka ah ee u dhawdhaw xaafadahaas
ayaa si hoos ahaaneed u dila Ayda noocan oo kale ah.
Cuddoomiyihii
Degmada Guriceel iyo Seddax qof oo uu ku jiro oo shalay Maqribkii lugu
dhaaway Magaalada Dhuusamareeb.
Seddax
qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
ayaa shalay maqribkii kooxo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bastoolado
waxa ay ku dhaawaceen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ragga hubeysan
ayaa la sheegay in ay soo beegsadeen goob lagu shaaho oo ay ku ugnaayeen
Nabadoon caan ka ah gobolka Galgaduud iyo guddoomiyaha degmada Guriceel
iyagoona rasaas ku furay halkaas oo dhaawacyo ay ka soo gaareen seddaxda
nin.
Dhaawacyada
labo qof oo mid uu yahay guddoomiyaha degmada Guriceel Cali Sheekh oo
la sheegay in ay aad halis u ahaayeen ayaa loola soo cararay isbitaalka
Istarliin ee degmada Guriceel halkaas oo lagu dabiibayo.
Wararka
saakay laga helayo degmada Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda caafimaad
ee guddoomiyaha degmada Guriceel iyo raggii lala dhaawacay ay ka soo reyneyso
islamarkaana iminka ay xoogaa bogsadeen.
Lama oga
ujeedada ka dambeysa in kooxo hubeysan ay beegsadaan waxgarad iyo guddoomiyaha
degmada Guriceel oo goob wada joogay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa
falkaasi ku tilmaamay mid lagu abuurayo qalqal.
Bartamaha
isbuucii hore ayey aheyd marrkii sidaan oo kale rag bastoolado ku hubeysnaa
ay toogasho ku dileen nin darawal u ahaa hay'adda ICRC ee ka howlgasha
gobolka Galgaduud gaar ahaan xarunteeda magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada
Guumaysiga Itoobiya oo Baadhitaanno Xoogan Xalay Fiidkii Kasameeyay Qaybo
ka mid ah Magaalada Jigjig.
Ciidamada
Guumaysiga ayaa baadhitaanno xoog leh waxay xalay fiidkii ka wadeen qaybo
ka mid ah magaalada Jigjiga, meelaha ay sida gaarka ah u baadhayeen ayaa
waxaa ka mid ahayd agagaarka Wadada hormarta Isbitaalka weyn ee Jigjiga,
ka soo horjeedka London Cafe, iyo meelo kale ee ay dadku ku badnaayeen.
Xalay oo Korontadu ka maqnayd magaalada ayaa meelo badan waxaad ku arkaysay
Askarta Guumaysiga oo waddooyinka taagan iyagoo wixii Shandad ama bac
wax ku sita oo dhan ay baadhayeen isla markaana waydiinayay halka uu ka
yimid iyo meesha uu ku socdo.
Haddaba baadhitaannadan ayaa habeenadan dambe isa soo tarayay iyadoo ay
maalmo yar ka hadhsan tahay wakhti uu Guumaysigu u dabaaldagayo xilligii
uu qabsaday Waddanka, haddaba si ay u yaraadaan waxa uu Guumaysigu ka
baqayo inay wakhtigaas dhacaan ayaa waxaa uu joogto ka dhigay inuu Ammaanka
magaalada aad u sugo iyadoo waliba toddobaadkan uu adkaaday ammanka magaaladu
kaddib markii Askarta Guumaysigu qabqabtaan dadka Shacabka ah ee habeenkii
iska dhex socda magaalada.
Walina lama sheegin wax lagu qabqabtay baadhitaannadaas walaw habeen walba
ay joogto tahay baadhitaanku laga bilaabo markay cadceeddu dhacdo ilaa
12 habeenimo.
hadba wixii ku soo kordha Ammaanka magaalada Jigjiga iyo guud ahaan Dhulka
S/galbeed kala soco Soomaaligalbed.com
|