Nin meyd ah oo xalay laga helay xaafad ka mid ah xaafadaha magaaladda Jigjiga

Nin mayd ah ayaa xalay laga helay xaafadda Aayar-dega oo ku taalla bariga magaalada Jigjiga ee caasimadda Soomaaligalbeed.

Meydkan ayaa xalay la helay fiidkii saacadihii danbe lamana garanayo cidda dishay inkasta oo ay dadka qaarkood lahaayeen ninkan meydka ah waxaa jiidhay gaadhi, gaadhigaasi oo baxsaday markii danbena.

Booliiska federaalka ayaa markiiba tagay goobta laga helay meydka, dadkana looma oggolayn inay eegaan meydka. Arrintaasi ayaa shaki kale galisay dadka shakigaasi oo ah inay booliiska federaalku ku lug leeyihiin dilka ninkan.

Sikastaba ha noqotee waxay ahayd arrin ku cusub shacabka ku nool Jigjiga meyd meel laga helo oo cid dishay la garan waayo, arrintaasina fajac iyo layaab ayay ku noqotay dad badan oo ka mid ah dadka reer Jigjiga.

Back