|
Wararka
maanta
|
||
|
Culumo ku sheeg u Fadwooday Ciidamada Itoobiya In uusan xiligan jiri Wax Jihaad ah. Taliyaha ciidamada gumeysiga itoobiya ee Gobolka Godey ee Dhulka S/galbeed iyo dad lagu sheegay culimo ayaa maalin ka hor waxa ay isla qaateen shir ay uga hadlayaan Ururada Xornimo doonka ah ee ka dagaalama dhulka S/galbeed. Shirkan ayaa dadkaasi lagu sheegay culimada lagu weydiiyay suaalo ay ka mid ahaayeen:- Jihaad muxuu yahay? Mase Jiraa? Waxayna ugu jawaabeen Taliyaha waa dagaal diimeed, xiligana aduunka kama jiro iyaga oo ku sababeeyay in dadka aduunka oo dhan ay walaaloobeen. Mar uu waydiiyay Taliyaha ciidamada gumeysiga Ururada la dagaalama in ay jihaad ku jiraan iyo in kale ayaa waxay ku jawaabeen kuma jiraan. Suaashii saddexaad ee uu waydiiyay ayaa waxa ay ahayd:- xoolaha ay shacabku siiyaan ururada nala dagaalama sadaqo miyaa mise aha ah, iyo in ay ajar ka helayaan iyo in kale ayaa waxay ugu jawaabeen maya sadaqo ma ahan, wax ajar ah oo ay ka helayaana ma jiraan. Sidoo kale Taliyaha ayaa dadkaasi lagu sheegay culimada weydiiyay su;aal ah nimanka nala shaqeeya ee ay dilaan Ururada nala dagaalama maxay yihiin xukunkooda waxayna ugu jawaabeen waa shuhado mana banaana in la dilo. Iyada oo uu Taliyuhu si kulul ugu celiyay suaal ah maxay tahay waxyaabaha aad ku cadaynaysaan in Ururadaasi ay sadaqada ku bixin, dagaalka ay jiraana uusan ahayn Jihaad waxayna ku jawaabeen looxdii aan Quraanka ku baranaynay ayay nagala dirirayaan. Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo 5 maalin ka hor ay ciidamada gumeyisga itoobiya ka qafaasheen magaalada Jig-jiga ee dhulka S/galbeed 21 culimo ah oo qaarkood la sheegay in lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada jig-jiga halka qaar kalana aan illaa iyo hadda la sheegi Karin halka ay la aadeen. Si kastaba ha ahaatee Arintani ayaa ka mid ah Tabaha kala duwan ee uu gumeysiga Itoobiya kula dagaalamo Bulshada Soomaaliyeed ee ay gumeysato xukuumada Itoobiya.ee ku dhaqanka Dhulka S/Galbeed. Xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed oo Xoog ku qabsaday Goob Isbaaro ah oo u tiilay Ciidamada DF. Xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa weerar xoogan oo loo adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ku qaaday bar isbaaro oo ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya u taaley agagaarka kuliyada jaale siyaad. Weerarkan ayaa ahaa mid xoogan, oo si kedis ah ciidanka DKMG ah ee barta isbaaro joogey ugu bilowdey kaas oo sida wararku sheegayaan u khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaarey ciidanka halkaa ku sugnaa, sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadkii halkaa ka ag dhawaa oo sheegay in ay arkayeen tiro askar oo daadsan dhulka. Muddo yar ka dib markii uu socdey dagaalku ayaa xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed waxa ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta isbaaradii01 ee ciidamada DKMG ah markii hore ku sugnaayeen. Ciidanka DKMG ah ee ay xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed ka eryeen barta isbaaro waxa ay halkaa ku horjoogeen oo lacago baad ah markaa uga qaadanyey gaadiid gaaraya ilaa 50 gaari oo ah kuwa shicibka ee u kala goosha magaalada muqdisho iyo gobolka shabeelada hoose, kuwaas oo markii dagaalka soo gabo gaboobey si nabad gelyo ah halkii uga dhaqaaqey. Ka dib markii barta isbaaro laga eryey ciidanka DKMG ah ee ku sugnaa, waxa dhankooda dagaalka uga soo biirey oo u soo hiiliyey kuwii DKMG ah, ciidanka gumeysiga itoobiya ee fariisinka ciidan ku leh kuliyadii hore ee jaale siyaad, inkastoo aan la ogsooneyn inta uu leegyahey khasaaraha danbe ee ka dhashey dagaalka danbe. Waxa caadi ku soo noqdey degenaanshaha agaarka halkii dagaaladu ka dhaceen, iyada oo hadda gaadiidka iyo dadkuba si caadi ah u isticmaalayaan jidka, inkastoo ciidamadii marki halkaa ku sugnaa ayna goobta ku sugneyn oo ay noqdeen wax dagaalkii saaka ku waxyeeloobey iyo waxa isaga cararaba goobta. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |