Wararka maanta

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Ba-hoku Barigye oo Maanta ka war bixiyey Qaraxii Shalay lala Eegtay ciidamada Uganda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Ba-hoku Barigye ayaa markii ugu horeysay maanta ka war bixiyey qaraxii maalintii shalay lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Ugandha.

Kadib shirjaraa'id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradah ayuu sheegay afhayeenka in qaraxaas ay ku dhaawacmeen 5-kamid ah askartooda islamarkaana uu gebi ahaan ku burburay gaarigii ay saarnaayeen.

Wuxuu sheegay in qof Soomaali ah uu sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaas islamarkaana ay waxyeelo kale soo gaartay gaari kale oo daba socday gaariga la qarxiyey.

"Hanjabaadaha iyo weerarada na lagugu hayo uma joojineyno caawinta shacabka Soomaaliyeed, waana wadeynaa howsha aan ka heyno Soomaaliya" ayuu yiri Ba-hoku Barigye oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM oo ka hadlayey shirka jaraa'id.

Shirka jaraa'id kadib ayaa saxaafadda waxaa la tusay dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada AMISOM ee ku waxyeeloobay qaraxa kuwaas oo badankood meelo badan oo jirkooda ay ka muuqdeen dhaawacyo kala duwan.

Qarax shalay ka dhacay wadada u dhexeysay KM4 illaa garoonka Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday mid kamid ah gawaarida ciidamada AMISOM kaas oo gebi ahaanba uu qaraxu burburiyey islamarkaana ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciidamada AMISOM.

Dagaal Xoogan oo saaka ka Billawday Agagaarka Telvion-kii Hore ee Magaaladda Muqdisho.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda iyo kooxaha ka horjeeda oo waaberigii saakay ka qarxay isgoyskii hore ee Taleefishinka ee deegaanka Towfiiq degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo mudadii uu socday la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen afar of oo seddax ay tahay dhinacyadii dagaalamayey halka qofka 4-aad la sheegay in ay aheyd haweeney ay dagaalka kadib dileen ciidamada Ethiopia.

Kooxaha ka horjeeda siyaasadda dowladda iyo joogitaanka ciidaamda Ethiopia ayaa weerar waxa ay ku qaadeen isgoyskii hore ee Taleefishinka halkaas oo fariisin ay ka dhigteen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka KMG kadib markii ay isgoyskaas ku bateen qaraxyada lala beegsado ciidamada Ethiopia ee wadadaas isticmaala.

Ciidamada Ethiopia ee xarunta ku leh garoonka ciyaaraha ayaa dagaalka kadib isku balaariyey xaafadaha ku teetsan deegaanka Towfiiq iyagoona halkaas baaritaano ka bilaabay.

Lama sheegin dad ay ku soo qabqabteen baaritaanada ay dagaalka kadib ciidamada Ethiopia deegaanadaas ka fuliyeen, waxaana wararku sheegayaan in xaaladda deegaanadaas ay iminka tahay mid deggan.

Dagaal shalay Kadhacay Deegaanka Hobyo oo ay dad ku Dhinteen Qaarna Kudhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyey 5 qof ayaa ku dhimatay dagaal kadhacay deegaanka Hobyo tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka oo u dhexeeya kooxihii burcad badeedka ahaa ee dhawaan markabka ku afduutay xeebaha Soomaaliya iyo xoogaga taabacsan maxkamadaha Islaamka.

Dagaalka oo aan laga heynin faah faahin buuxda sababo xagga isgaarsiinta ah ayaa la sheegay in uu ka dambeeyey kadib markii dagaalyahano taabacsan maxkamadaha ay dagaal la galeen kooxihii burcad badeedka ah ee shalay galinkii hore sii daayey markabkii ay afduubka ku heysteen.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalka uu intaas ka badan karo laakiin waxa uu sheegay in ay adag tahay in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana sarakiil ka tirsan xoogagga maxkamadaha ay xaqiijiyeen in dagaalkaas ay la galeen kooxihii burcad badeedka ahaa.


Kooxaha burcad badeedka ah ee dagaalka la galay xoogagga maxkamadaha ayaa shalay galinkii hore lacag madax furasho ah ku sii daayey markabkii ganacsi ee ay dhawaanahaan ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com